
09/01/2025
( HOOYO XAAWA )
Markii Aan Raadiyay Halka Ayka Timid sheekada ah ,, Xaawa waxa laga abuuray Feedha Nabi aadam ) Runtii Waxaan Ogaaday inay tahay Sheeko israaiiliyaad ah Oo Aan lagu Kalsoonan
Beryihii h**e ma ay jirin culuum la mid ah kuwa hadda jira, oo marka laga tago cilmiga diiniga ah aqoonta kale aad bay u yarayd una koobnayd haddii aanay jirinba. Taasina waxa ay keentay in mufasiriinta qaar badan oo ka mid ah maaddaama aanay jirin macaarif kale oo Qur’aanka fahankiisa iyo fasirkiisa ay la kaashadaan in nasiib-darro ay mararka qaar la aadaan israa’iiliyaad iyo sheeko-xariirrooyinkii h**e ee khuraafaadka u badnaa, ee diinta Islaamkuna ay u timid burburintooda iyo la dagaallankooda baridana ay ka ahayd, oo ku fasir ay is dhahaan.
Saamaynta israa’iiliyaadkaasi ay mufasiriin farabadan ku yeesheenna aad bay u ballaadhnayd, intaas oo tusaale baana aynnu uga keeni karnaa, waana ta sababtay xitaa tii oo Qur’aanku uu si cad u tibaaxay in ciddii Ibliisku uu waswaasiyay dembigana ku dhacday markii dambana towbad keentay ay Aadan ahayd Xaawana ay isaga raace u ahayd in haddana mufasiriinta qaarkood ay dhahaan Xaawa ayaa sababta lahayd oo inta ay geedkii laga mamnuucay cuntay Aadanna siisay, waayo Baaybalka ayaa taasi ay ku taallaa! Qur’aankana waxa uu leeyahay ” فَوَسۡوَسَ إِلَیۡهِ ٱلشَّیۡطَـٰنُ — Waxa isaga (Nebi Aadan) wasaawisayay shayddaanka”. Mar kalena waxa uu yidhi “وَعَصَىٰۤ ءَادَمُ رَبَّهُۥ ; Aadam Rabbigiisa ayuu caasiyay.”
Sidoo kale, mas’aladan ah in Xaawa laga abuuray feedha Aadan iyada oo aanu jirin nas cad oo ku yimid, haddana mufasiriinta iyo culimada badankoodu waxa ay ku tageen in laga abuuray feedhii Aadan, qaarkoodna wararkii Sifru-Takwiin ku qornaa ayaaba ay si caadi ah u soo minguuriyeen! Marka aynnu imanno waxa ay u daliishadeenna, waxa ay sheegeen xadiis ay soo saareen Bukhaari iyo Muslin oo Rasuulku uu ku yidhi: ” Dumarka khayr is kugu la dardaarma (macnihii in aad wanaajisaan is ku gu la dardaarma), gabadha waxaa laga abuuray feedh, meesha