Erigavo Neurology And Pediatric Clinic

Erigavo Neurology And Pediatric Clinic Ku Soo Dhowow bogga Rasmiga Ah Ee Erigavo Neurology And Pediatric Clinic.

Xaruntu Waxay Ku Taala Ceerigaabo Ka soo Horjeedka Doolal(1)Phones Ama Kala Soo Xidhidhi lanbarad Ah +252634215941 ama +252634204814
Mahadsanid

Jimca Mubarak.Erigavo Neurology And Pediatric Clinic.Xaruntu Neerfaha, Dhimirka iyo Xanuunada Dumarka Iyo Caruurta. Naga...
02/08/2024

Jimca Mubarak.

Erigavo Neurology And Pediatric Clinic.

Xaruntu Neerfaha, Dhimirka iyo Xanuunada Dumarka Iyo Caruurta.


Nagala Soo Xidhidhi 📞+252634202197

Cudurka cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan, sidaas darteed sanad kast...
29/07/2024

Cudurka cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan, sidaas darteed sanad kasta 28 July waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga aduunka (World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkaan halista ah oo sida aamusan dadka u dila (Silent Killer). Hal-ku-dhigga sanadkaan 2024 ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) waa “Waa Waqtiga wax kaqabashada Cudurka Cagaarshawga” “It is Time for Action”.

Cudurka cagaarshowga waxaa keena feyrusyo kala duwan kuwaas oo keena burbur iyo dhaawac ku dhaca unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaas waxaa ka mid ah: Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.

Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus – HAV).

Waa nooca ugu badan sanadkii wuxuu ku dhacaa tiro dhan 1.4 milyan, wuxuu ku badan yahay caruurta, dadka waaweyna wuu ku dhacaa, hab saf mar ah (Outbreak) ayuu leeyahay. Wuxuu ku badan yahay goobaha nadaafadoodu hooseyso dadka badan ay ku nool yihiin (Crowded area) sida xeryaha qaxootiga IWM.

Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada, waxaana gudbiya gacamaha kadib marka la cuno cunto , khudrad , miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro.
Cagaarshowga A (HAV) marka qofka dhiigiisa galo ilaa calaamooyinka ka soo if baxayaan waxey qaadaneysaa mudo dhan qiyaastii 30 maalmood, xiligaas qofka saxarada ayuu ku gudbinayaa cudurkii ama feyruskii.

Noocan A dhaqso ayaa looga bogsadaa , wax raagis ahna ma yeesho (Chronic Form).

Cagarshowga Fayrus B iyo C

Guud ahaan Fayruska Cagaarshowga kuwa ugu qatarsan waa nooca B iyo nooca C. Waxaana la sheegay in 304 milyan oo qof ay qabaan ama la nool yihiin caabuqa cagaarshowga isagoo nooca raagista yeesha ah (Chronic Hepatitis). Sanadkii waxaa u dhinta 1.3 million isku jirkooda. Saddex kun iyo shan boqol (3,500) oo qof ayaa u dhinta maalin kasta labadoodaba, iyadoo 30kii il-biriqsiba hal qof u dhinto caabuqaan cagaarshowga, halka 6500 qof oo cusub uu ku dhaco maalintiiba caabuqa cagaarshowga B iyo C, taasoo ah in daqiiqaddiiba in ka badan 5 qof uu ku dhaco cudurkaas. Waxaa kaloo la shaeegay in 4tii qofood, 1 qof ka mid ah uu qabo cudurka cagaarshiowga HBV. 5tii qofna 1 qof kaliya ayaa hela daawo ku habon. Halka HCV sidoo kale 2dii qofba, 1 qof ayaa la nool HCV.6dii qofna, 1 qof ayaa ka bogsada HCV. Waxaa kaloo baaritaan lagu helay in 13% dadka qaba cudurka HBV nooca raagista yeesha (Chronic HBV). % 36 waxaa la la ogaaday iney la nool yihiin HCV (Chronic HCV).

Cagaarshowga B (Hepatitis B Virus – HBV)

Cagaarshowga noocaan waxaa keena feyrus B (HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu qatarsan. Cudurkan waxa uu keenaa in qofka uu ku noqdo mid wakhti kooban haya (Acute) ama joogta ah (Chronic). Wuxuu cudurkaan h**ey ugu soo dhacay qiyaas ahaan 2 bilyan oo qof, waxaa cudurkan la nool ama qabta 254 milyan ( Chronic Infection) waxaa sanadkii u dhimata tiro ku dhow hal milyan.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo if-baxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 75 maalmood. wuxuuna leeyahay raagis (Chronic infection).

Cagaarshowga nooca B wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dheecaanka qofka jiran marka uu gaaro dhiiga qofka fiyow sida:-

• Hooyada uurka leh oo cunuga u gudbin karta xiliga dhalmada (Maternal Child Transmission) gaar ahaan xilliga cunuga u dhlanayo (Perinatal Transmission) xiligaas oo ah kan ugu badan ee raagista yeesha 90% (Chronic HBV ).
• Dhiig ku shubid (taasoo waayahan yaraatay).
• Cirbid lagu duray qof jiran oo qof kale loo isticmaalo (Cirbadaha la wadaago),
• Qalabka ama Sakiinta Gar xiirka, madax xiirka oo wadar loo isticmaalo.
• Wuxuu ku gudbi karaa galmada (Sexual In*******se).
• Wuxu kaloo ku gudbaa daawo dhaqameedka sida:-
• Dalqa goynta , qun goynta , ilka bixinta , gudniinka fircooniga , gudniinka raga si wada jir ah ,dhalma dhaqameedka , sarsarmada , toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalayo aan la jeermis dilin.
Cagaarshowga nooca B waxaa halis u ah:-
• Bukaanada dhiig dareerka qaba (Hemophilia) oo mar kasta dhiig lagu shubo.
• Bukaanada kelyaha ka jiran oo la dhaqo (Renal Dialysis)
• Shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa sheybaarka
• Bukanada HIV qaba oo difaacooda hooseeyo.

Waxaa xusid mudan in cagaarshowga B (HBV) oo boqal jeer (100%) ka dhaqso badan yahay HIV xowliga fiditaanka cudurka.

Feyruskan cagaarshowga B, todoba maalmood ayuu dibada ku noolaan karaa asagoo waqtigaas ku gudbin kara cudurka.

Cagaarshoowga C ( Hepatitis C Virus – HCV).

Waxaa keena feyruska cagaarshowga C (HCV), tirada aduunka qabta cagaarshowga nooca C-ga waa 50 milyan qof ; sanad kasta tirade bukaanka cusub uu ku dhaco sanadkiiba waxey gaareysaa 1.3 milyan. Waxaana sanad kasta u dhimata 300,000 qof.

Feyruska cagaarshowga nooca C-ga waxaa la helay 1989, horay waxaa la dhihi jirey (non-A, non-B hepatitis) oo aan ahayn cagaarshowga noocyada A iyo B, taariikhdaas wixii ka h**eeyay, wuxuu aad ugu gudbi jiray dhiiga dadka lagu shubo, asagoo keeni jiray cagaarshowga ka yimaada dhiig ku shubida (Post-transfusion hepatitis).

Wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro qofka fiyow.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo if-baxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 60 maalmood (45 -180 maalmood).

Cagaarshowga nooca C (HCV) wuxuu yeeshaa raagis (Chronic Hepatitis) 75% ilaa 80%, khatarta kale uu leeyahay waxaa ka mid ah in calaamooyinkii cudurka badanaa aysan soo If baxin 60% ilaa 80% (Asymptomatic), taas ayaa keentay magaca la siiyay oo ah dilaga aamusan (Silent Killer).

Calamooyinka Cudurka Cagaarshowga.

Calaamooyinka cudurka waxaa loo qeybiyaa 3 qeybood:-

Qeybta H**e :Waa xiliga cagaarkii wali soo if bixin (Pre-icteric Phase): Xiligaas bukaanka wuxuu qabaa calaamooyinka sida labo-labo , bog xanuun, madax xanuun, matag , cuntada uu qaadan kari waayo , daal badan,xumad, quun xanuun , murqo xanuun , xubno xanuun, shuban yar. Calaamooyinkaas waxay ay jiri karaan muddo dhan 10 ilaa 14 casho.

Qeybta labaad: Waa xiliga cagaarka muuqanaayo (Icteric Phase): Xiligan waxa soo muuqanaayo cagaarki indhaha , oogada, kaadida oo gaduud noqota sida shaah rinji ah (Dark Urine), saxarada oo midab cadaata iyo kor cuncun. Xanuun yar oo dhinaca beerka ku aadan iyo qanjiro barar. Calaamadahaan waxay jiri karaan muddo dhan 2 ilaa 3, 4 usbuuc.

Qeybta Sadaxaad: waa xiliga ka bogsashada cudurka (Convalescence phase):Xiligaan calaamooyinkii cudurka waa yaranayaan ilaa ay ka baaba’aan sida cagaarka indhaha iyo oogada oo baaba’aya, bukaanka waa ka soo fiicnaanayaan calaamadihii h**e laakiin taas macanaheedu ma ahan in bukaanku ka reestay cudurkii balse beerkii wali waa dhaawacan yahay oo waa bukaa, waxeyna qadaneysaa bogsashadiisa buuxda muddo 2 ilaa iyo 4 bilood ah.

Dabka iyo Cagaarshowga:

Bulashada soomaaliyeed qaar badan waxay aminsanyihiin in cudurka cagaarshowga lagu daaweeyo dabka bukaanka la gubo.
Hadaba dabka iyo cudurka cagaarshowga haba yaraatee wax xariir ah oo ka dhaxeeya ma jiran.

Arintaas si cilmi ah hadaan u fasirno, waa tii horay aan u soo xusney sadaxdii qeybood ee calaamooyinka gaar ahaan xiliga cagaarka indhaha iyo oogada ay soo if baxdo in uu jiri karo 3, 4 ilaa 5 usbuuc kadibna ay baabi doonaan calaamooyinkaas oo dhan, hadabo waxaa isku soo beegmaya xiliga bukaanka la gubo iyo dhamaadka caadiga ahaa ee calaamooyinka taas ayaana keentay in dadka qaarkiis u qaataan in bukaanka uu dabka ku reestay , taasaana waxay keeneysaa in bukaanku dib u bilaabo socod iyo dhaqdhaqaaqiisii nolol maalmeed midaas oo sii xumeyn doonto xaalada caafimaad ee beerka ayadoo bilooyin kadib (6 bilood) uu cudurkii u gudbaayo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

Cawaaqibta Dambe ee Cudurka Cagaarshowga.

Cudurka cagaarshowga noocyada B (HBV) iyo C (HCV), wuxuu noqon karaa nooca cusub (Acute Hepatitis) iyo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

Cagaarshowga nooca B infekshankiisa cusub (Acute Hepatitis) badanaa waa laga restaa muddo kadib , waxana ugu wacan difaaca qofka 90%, halka 10% uu noqdo kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

25% - 30% wuxuu u gudbayaa nooca beerka adkaada (Liver Cirrhosis) caloosha oo biyo galaan (Ascites) (15% - 25%) wuxuu u gudbaa kansarka beerka ku dhaca ( Liver Cancer – HCC).

Cagaarshowga nooca C (HCV) 75% - 80% wuxuu noqdaa kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis). 20% - 25% wuxuu u gudbaa beerka adkaada calooshana biyo galaan (Liver Cirrhosis) iyo kansarka beerka ku dhaca (Liver Cancer – HCC).

Ka hortago Cudurka Cagaarshoowga

Ka hortagga cudurka cagaarshowga waxaa muhim ah in laga fogaado qaabkii aan soo sheegnay uu cudurka ku gudbo.

Ugu h**een waa in la xoojiyaa nadaafada gacmaha cuntada ka hor iyo markii musqusha lagalo,waa in la xoojiyaa nadaafada guriga iyo musqusha, waan in si fiican loo mayraa qudaarta, waa in la ilaaliyaa nadaafada raashinka lacuno.Waxaa kaloo muhiim ah cirbadaha leesku duro,sakiinta garxiirka iyo cadayga ilkahain aan wadar loo isticmaalin, laguna tuurin dibadda. Sidoo kale waxaa muhiim ah qalabka loo isticmaalo ilka bixinta, dalqa goynta, quun-gooynta, gudniinka wiilasha, dhaga durista, uu nadiif yahay lana jeermi dilo taasoo laga helo xarumaha caafimaadka. Lamaanaha is-guursanaya waa in ay iska baaraan feyruska cagaarshowga nooca B.

Ka hortagga ugu muhimsan waa tallaalka cagaarshowga nooca A (HAV) iyo nooca B (HBV), oo ka hortagaya in cudurka cagaarshowga qofkuhaleelo wuxuuna siinayaa awood difaac oo joogto noqota.

WHO waxay xoogga saareysaa ka hortaga cagaarshowga nooca B (HBV) ee hooyadau gudbisodhallaanka, iyadoo la adeegsanayo tallaalka xilliga ilmaha dhalanaayo.

Sidoo kale Tallaalka Cagaarshowga B ee (HBV) 95-98% ayuu ka hortagaa in cudurkii u gudbo ama yeesho raagis (Chronic Hepatitis) ama u gudbo Beerka oo adkaada biyana galaan (Liver Cirrhosis) ama u beddelmo kansarka bani’aadamka khatarta ku ah ee beerka ku dhaca (Liver Cancer).

Tallaalkaan nooca B ee (HBV) waxaa la soo saaray 1982 helitaankiisa waddamada soo koraaya waa ka wanaagsan yahay waqtiyadii h**e, waxaana loo qaataa marka h**e bil kadib 6 bil kadib ( 0, 1, 6),Ururka caafimaadka adduunka wuxuu ku daray oo laga mid dhigay tallaalada joogtada ah ee caruurta la siiyo (EPI) isagoo la raacsiiyey tallaalka DTP looguna magac daray Pentavalent kaasoo waddaankeena soomaaliya manta laga heli karo.

Talo-siinta qofka qaba cudurka cagaarshowga

Bukaanka qaba cudurka cagaarshowga waxaan kula talinayaa marka uu cudurka isku arko in durbadiiba uu la xiriiro dhaqtar, isla markaasna qaato talada iyo daawada uu siiyo dhaqtarka.
Ugu h**eyntii waxaa la faryaaa:

• Nasasho dheer oo sariirta korkeeda uuku nasto, wax shaqo ahna uu ka fogaado muddo dhan ugu yaraan 3 ilaa 4 usbuuc.
• Raashinka: Qofku haduu afka wax ka qaadan karo waa in uu badsadaa qaadashada cuntada macaan ama malabka shinnida si uu helo tamar badan (energy). Dabcan arrimahaas aan soo sheegnay waa ka reebban yihiin qofka kaadi-macaanka qaba.

• Waa in uu aad u yaraystaa cunista subagga iyo cuntada shiilan. Brotiinka qiyaas ayuu u qaadan karaa. Waa in uu ka fogaado bukaanku cabidda khamriga , sigaarka iyo cunidda daawo aan dhaqtar u qorin.

Ugu dambeyntii waxaa ku soo gunaanadayaa in bulashadeena soomaaliyeed ay xoojiyaan ka hortagga cudurrada faafa iyagoo kordhinaaya wacyigooda caafimaad si loo helo bulsho caafimaad qabta. Waxaana hubaal ah in ka hortagga cudurrada ka wanaagsan

Dr. Mohamoud
Erigavo Neurology And Pediatric Clinic

Madax kala guuur {{hydrocephelus}}}Xanuunka madax kala guurku waa xanuun aan sahlanayn kuna badan bulshada soomaaliyeed....
28/07/2024

Madax kala guuur {{hydrocephelus}}}

Xanuunka madax kala guurku waa xanuun aan sahlanayn kuna badan bulshada soomaaliyeed.

Cudurkaan waa cudur dhaca marka biyo ama dheecaano ay ku samaysmaan qalfoofta madaxa, biyaha waxay sababayaan in maskaxdu bararto, bararkaas kadib maskaxda oo ah shay aad u jilicsan waxaana soo gaara dhaawac maadaama cabirkii loogu tala galay ay ka waynaatay, isbadalkaas maskaxda ku dhacay wuxuu sababayaa in qofku caafimaadkiisa maskaxeed, iyo jir ahaaneedba uu xumaado. Xaaladan waa mid u baahan dawo degdeg ah si uusan cudurku bukaanka u waxyeelayn.

Cudurkaan madax kala guurku wuxuu badanaa ku dhacaa caruurta yar yar iyo dadka da’doodu ka wayn tahay 60 sano, sidoo kale wuxuu ku dhici karaa dhalinyarada dhex dhexaadka ah

Sababaha madax kala guurka?

Si caadiga waa qofka jirkiisa ku jira dareere loo yaqaano”serebro ispaynalfuluid”]cerebrospinal fluid[ kaasoo ku dhex socdaala masxkada iyo xangulaha hadaba marka cadadka dareerahaan uu siyaado xaaaldo caafimaad oo jira awgood waxaa badanaa dhacaa madax kala guur, in cadadka dareerahaan uu siyaado waxay keeni kartaa in cadaadiska maskaxda uu bato kadibna maskaxdu ay bararto taasoo sababaysa in madaxu uu waynaado ama qaab dhismeedka caadiga ahaa ee madaxu uu isbadalo.

Sababaha keena inuu dareerahaan bato
●In cadadka dareeraha cerebrospinal fluid ee jirku soo daynayo uu bato
●In awooda xididada jirku ay ku dhuuqi lahaayeen
●dareeerahaan uu yaraado kadibna dareeruhu uu iska dul sabeeyo maskaxda godadkeedaIyo in socodka caadiga ahaa ee dareerahaan uu iska socdaali lahaa masxkada iyo xangulaha uu xirmo oo markaas dareeruhu meeluu maro uu waayo.

Mar marka qaarkoodku madax kala guurku wuxuu ku dhici karaa ilmaha uurka kujira waxaana taas sababaysa xaaladahaan hoose

●In ilmaha uurka kujira ay koritaankooda wax ka qaldameen sida in xanguluha aysan sifiican u xirminIn dhaxal ay tahay oo ilmuhu waalidkiis ka dhaxlay
●Waxaa kaloo sababi kara infekshanada qaarkood oo ilmaha ku dhaca markuu uurka kujiro sida infekshanka Jadeeco Jarmal

Sidoo kale cudurkan dhalinyarada wuu ku dhici karaa balse saas uguma badna, waxaa laga yaabaa inaad khatar ugu jirtid xanuunka hadaad aad leedahay calaamadahan;

●Infekshanada maskxda
●Dhaawac madaxa kaasoo gaaray
●Dhiig kasocda xididada maskaxda
●Ama qaliin madaxa lagaaga sameeyay

Calaamadaha lagu garto madax kala guurka:

Xanunkan wuxuu sababi karaa dhaawac maskaxeed kugu raaga ama noloshaada oo dhan kuhaya kuna dili kara, hadaba waa muhiim inaad taqaanid calaamadaha lagu garto si’aad iskaga dawaysid.

Calaamadaha lagu garto caruurta yar yar ee uu hayo madax kala guurku:

●Madaxa qaybta h**e oo soo buurata jileecna noqota
●Cabirka madaxa oo si degdeg ah u waynaata
●Indhaha oo hoos u dhaca lana moodo in ilmuhu hoos fiirinayo, qalal,MatagHurdo xad dhaaf ah
●Cunto yari
●Murqaha oo daciifa.

Calaamadaha lagu garto dhalinyarada da’ dhexaadka ah ee qaba cudurkaan:

●Madax xanuun saa’id ah
●Isku dhex yaac
●Socodka oo dhib ku noqda
●Kaadi haysta oo dhib kayimaado
●Araga indhaha oo xumaada
●Ilowsho badan.

Sida aan kor kusoo sheegnayba cudurkaan wuxuu kaloo ku dhici karaa dadka waayeelka ah oo da’doodu ka wayn tahay 60 sano, balse ayaga xaaladoodu way ka yara duwan tahay tan dadka kale.

Calaamadaha lagu garto marka cudurkaan uu hayo dadka waayeelka ah waxaa kamid ah;

●Qofka oo istaaga ka dhaca asagoo aan miyir daboolmin
●Qaabka socodka oo badalma
●Khal khal maskaxeed iyo ilowshiyo
●Kaadida iyo saxarada oo aysan xajin karin
●Madax wareer.

Sidee lagu yarayn karaa khatarta madax kala guurka:

Cudurkaan lagama hortagi karo balse waala yarayn karaa khatartiisa.

Waa in lahubiyaa hooyada uurka leh iney heshay daryeel caafimaad, taasi waxay ka caawinaysaa inay san dhalin xiliga saxda ahaa kahor taasoo yaarynaysa khatarta ah in ilmahu ay dhashaan waqti kahor xiligooda, taasoo badinaysa fursadaha uu ku dhici karo madax kala guur

Isku day inaad ilma haaga ka talaashid cudurka dilaaga ah,
talaalku wuxuu yaraynayaa khatarta cudurka iyo cudurada kale ee la xiriira.

Waa inaad xirataa qalabka madaxa ka difaaca dhaawaca xiliyada aad shaqooyinka warshadaha la xiriira ka shaqaynaysid ama hadii aad wadaysid mooto ama baaskiil.

Fiiro gaara: qalfoofta madaax ee dhalaanku waa shay aad u jilcsan hadaba hooyo kasta ama aabe kastaa waa inuu ilmihiisa ka taxadaraa si uusan ula kulmin jug madaxa kasoo gaarta taasoo sababi karta cudurka madax kala guurka.

Ku soo dhowow xarunta Erigavo Neurology And Pediatric Clinic Waxa Kugu Diyara Ah xarunta Dhakhtar ka Neerfaha Iyo Dhakht...
13/06/2024

Ku soo dhowow xarunta Erigavo Neurology And Pediatric Clinic Waxa Kugu Diyara Ah xarunta Dhakhtar ka Neerfaha Iyo Dhakhtarka Xanuunada caruurta sido
Waxad ka helaysa shaybadhka casriya Mashiinka Neerfaha lugu badho EEG ga iyo Kanbuyuterka Uurku jirta.

Markasta xaruntu Waxay u taagan tahay u adeegida bulshada

Xaruntu Waxay Ku Taala Ceerigaabo Ka soo Horjeedka Doolal Phones Ama masjidka qaadiriyada ama kala soo Xidhidhi lanbarkan +252634215941

Eid Mubarik to you🙋 and your family 👪 May this Eid-ul-Fitr bring lots of joy, love, success and prosperity to your life🌙...
09/04/2024

Eid Mubarik to you🙋 and your family 👪

May this Eid-ul-Fitr bring lots of joy, love, success and prosperity to your life
🌙🌟عيد مبارك تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال 🌴كل عام وأنتم بخير

Cuntooyinka Caafimaadka leh Iyo Bisha Barakaysan ee Ramadaanta.Waa Mihiim inaad Raacado Talabooyinka Hoos ku Xusan   Neu...
17/03/2024

Cuntooyinka Caafimaadka leh Iyo Bisha Barakaysan ee Ramadaanta.

Waa Mihiim inaad Raacado Talabooyinka Hoos ku Xusan

Neurology And Pediatric Clinic Waxa Ay Kula Diyar Tahay Adeeg hufan iyo daryeel bukan oo heer sare ah

Jimca Mubarak Dhamaantin bahada Erigavo Neurology And Pediatric Clinic Waxa Ay idin leedaha markasta waxan idiin hayna a...
22/02/2024

Jimca Mubarak

Dhamaantin bahada Erigavo Neurology And Pediatric Clinic Waxa Ay idin leedaha markasta waxan idiin hayna adeeg hufan iyo shaqaale u jajaban u adeegid bukanka.

Xaruntu Waxay Ku Taala Ceerigaabo Ka soo Horjeedka Doolal Phones ama kala xidhidh Lanbarkan +252 63 4215941

Sawiro soo dhowayntii Dr Husameldin oo ah Dhakhtar Takhasus ka sare ee Lafaha iyo jajabka wuxu si toosa shaqada uga bila...
05/02/2024

Sawiro soo dhowayntii Dr Husameldin oo ah Dhakhtar Takhasus ka sare ee Lafaha iyo jajabka wuxu si toosa shaqada uga bilaabay Xaruntu Erigavo Neurology And Pediatric Clinic.

Waxay xaruntu Ku Taala Ceerigaabo Ka soo Horjeedka Doolal Phones

05/02/2024

Waxaa garoonka Diyaaradaha magalada ceerigaabo kasoo degay Dr husameldin oo ku takhasusay lafaha kana hawl geli doona xarunta caafimad ee Erigavo Neurology

OGAYSIIS Muhiim AhErigavo Neurology And Pediatric Clinic Waxa Shaqada ka bilaabaya  3/2/2024 oo Ku beegan Sabtida Dr. Hu...
01/02/2024

OGAYSIIS Muhiim Ah

Erigavo Neurology And Pediatric Clinic Waxa Shaqada ka bilaabaya 3/2/2024 oo Ku beegan Sabtida Dr. Husameldin oo ah Dhakhtar Lafaha iyo jajabka oo leh khibrada in ka badan 30sano ah kana soo shaqayay Syria, Russia iyo Turkey gaa waxa uu Dhakhtar ku daawaynaya Dhamaan xanuunada la xidhidha lafaha, kala go'ysyada iyo jajabka sida hoos ku xusana

Wixi Fahfahina kala soo Xidhidhi lanbarkan +252 63 4215941 ama soo booqo Xarunta oo ku taal ceerigaabo ka soo horjeedka doolal Phones ama masjidka qaadiriyada.

Mahadsanidiin

Maalinta xanuunka macaanka/Sonkorowga 14-Nov oo ku beegnayd shalay 》》 waxaan la dareen nahay dadka qaba xanuunka macaank...
15/11/2023

Maalinta xanuunka macaanka/Sonkorowga 14-Nov oo ku beegnayd shalay 》》 waxaan la dareen nahay dadka qaba xanuunka macaanka ama sonkorta💪

Fadlan la saaxiib oo la tacaal macaanka dhawr kaan qodobna ilaali :

1👉 iska yaree ama jooji wax kasta oo Macaan leh ama sonkor leh
2👉 jimcsi badan samee

3👉 dawada si joogto ah u isticmaal haddii isbaddal yimaadana dhakhtarkaaga la xariir

4👉 La soco Heerka sonkortaada
5👉 Hubi caafimaadka lugahaaga gaar ahaan cagta, sidoo kalana lasoco caafimaadka kalyahaaga, indhahaaga iyo wadnaha.

Contact: +252634202197
Whatsapp +252634202197

Maalinta Xuska Xanuunka Macaanta Aduunka..World Diabetic Day Oo Ku Beegan 14/Nov/2023.14 qof oo bilaasha loo baadhayo fa...
13/11/2023

Maalinta Xuska Xanuunka Macaanta Aduunka..
World Diabetic Day Oo Ku Beegan 14/Nov/2023.

14 qof oo bilaasha loo baadhayo fadlan ka mid noqo

Aawadada waxa ay Xaruntu Erigavo Neurology And Pediatric Clinic ku samaysay Adeegayo bilaasha sida:-

1)Aragtida Dhakhtarka ama Kadhka oo bilaasha
2) 50% qiimo dhimis xaga shaybadhka ah
3)iyo Kanbuyuterka Uurkujirta oo bilasha

Hada ka faa'iidaysta ama la wadaga dadka kale ee asxaabtada ah.

Xaruntu Waxay Ku Taala Ceerigaabo Ka soo Horjeedka Doolal Phones Ama Kala Soo Xidhidhi lanabarkan 0634202197

Mahadsanid.

Address

Erigavo

Telephone

+252634215941

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Erigavo Neurology And Pediatric Clinic posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Erigavo Neurology And Pediatric Clinic:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram