27/01/2026
Cusbitaalka Manhal qaybtiisa magaalada Ceerigaabo, waxaa qalliin loogu sameeyey bukaan 27 jir ah, kaasi oo uu soo gaadhay jabniin furan, kadib markii uu shil gaadhi galay.
Bukaanku waxa uu cisbitaalka yimid, isaga oo qaba jabniin daran iyo dhaawac ka soo gaadhey canqawga lugta bidix, kadib baadhitaan caafimaad iyo sawirro (Raajo), waxa la xaqiijiyey in jabniinkiisu u baahan yahay qaliin.
Bukaanka waxaa lagu sameeyey qaliin si loo hagaajiyo jabkii lugta, waxaana loo adeegsaday qalab caafimaad oo ku habboon si lafaha dib loogu toosiyo. Qaliinku waxa uu u dhacay si guul leh, mana jirin wax dhibaato ah oo ka dhashay.
Xaaladda bukaanka qaliinka ka dib waa mid degan, wuxuuna bilaabay soo kabasho wanaagsan. Waxa bukaanka la siiyey daawooyin iyo talooyin caafimaad, si uu si buuxda ugu bogsado.
Alla mahad leh
Manhal Hospital Erigavo