
23/07/2025
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland (MoHD) iyo King’s Global Health Partnerships (KGHP) ayaa si wadajir ah ugu wareejiyay agab caafimaad Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo, kaas oo loogu talo galay xakamaynta caabuqyada faafa ee xarumaha caafimaadka.
Munaasibad lagu wareejinayay agabkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Cusbitaalka Guud Ee Ceerigaabo Dr. Ibrahim Ahmed Ismail.
Agaasimaha Cusbitaalka Ceerigaabo ayaa agabkan uga mahadnaqay Wasiirka WHC Dr. Hussein Bashir, Wasiirku Xigeenka WHC Marwo Samsam Mohamed iyo Agaasimaha Guud Ee WHC Dr. Ahmed Mohamud.
Agabkan caafimaad ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu yaraynayo faafidda caabuqyada gudaha xarumaha caafimaadka, isla markaana kor loogu qaadayo tayada adeegyada caafimaad ee la bixiyo.
Mashruucan waxa uu qayb ka yahay barnaamijka National Quality Improvement Programme (NQIP), kaas oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka (MoHD) iyo KGHP, waxaana taageera dhaqaale ahaan hay’adda Qatar Charity.