Caafi Medical Center

Caafi Medical Center Waa Xarun caafimaad oo ay kuugu diyaar yihiin khuburo u tababaran Baahiyaha Bukaanka, ugu soo hagaag

16/10/2018

Wacanaa marka aad geed hoostii u fadhiisatid inaad bulshadaada u shaqaysid

Waa shaqaalaha Xarunta Caafi Medical Center oo ku sugan Ceel Afweyn, War-idaad, Kalmac
Goob kasta oo qof xanuunsan joogona Caafi waa kula joogtaa

Xarunta Caafi Medical Center waxa mar walba u taagan tahay inay soo saarto Ubax qurux badan hadafkeedu waa in gobolku is...
10/07/2018

Xarunta Caafi Medical Center waxa mar walba u taagan tahay inay soo saarto Ubax qurux badan hadafkeedu waa in gobolku isku filaado

Waa ardayda alxaramayn College oo Practical ku qaadanaysa Caafi Medical Center

Dhamaan Hawl wadeenada iyo Maamulka Xarunta Caafi waxay si wada jira ugu hambalyay naysaa Mid kamida Shaqaalaha Caafi Me...
10/07/2018

Dhamaan Hawl wadeenada iyo Maamulka Xarunta Caafi waxay si wada jira ugu hambalyay naysaa Mid kamida Shaqaalaha Caafi Medical Center oo ka qalin jebiyey Jaamacada Camuud
Guuleed Faysal Jama Aadan
Waxaan leenahay Hambalyo Hambalyo Alle cilmiga hakugu anfaco

Subax boqran Dhamaan macaamiisha Caafi Medical Center Xarunta waxaa idiin ku diyaara Dr. Naasir C.raxman Maxamed oo ah k...
07/05/2017

Subax boqran Dhamaan macaamiisha Caafi Medical Center

Xarunta waxaa idiin ku diyaara Dr. Naasir C.raxman Maxamed oo ah khabiir ku takhasusay Cudurada Guud iyo kuwa Dumarka sidoo kale Shaybaar casri ah shaqadu labada gelinba way socotaa

Dhowaana waxa la idiin soo kordhin doonaa Qaybtii Bukaan jiifka insha alaah

Caafi Medical Center waxa kuugu diyaara Dhakhatiir kala duwan oo kala qaabilsan Ciyaalka, Dumarka, Xanuunada Guud iyo Qa...
31/05/2016

Caafi Medical Center waxa kuugu diyaara Dhakhatiir kala duwan oo kala qaabilsan Ciyaalka, Dumarka, Xanuunada Guud iyo Qaliinka

Sidoo kale waxa kuugu diyaara Shaybaar casri ah oo dhamaystiran CBC Machine, Eliza Machine, Biochemistery Machine, iyo Ultrasound and ECG machine

Waxaan ka maqnayn shaqaale ku raali gelin doona

Caafi Medical Center qaybta Pharmacy ga waxa uu bisha ramadaan awgeed idiin sameeyey Discount 25% Ah

Bisha ramadaan awgeed Caafi Medical Center waxa ay idiin diyaarisay Afur Macamiisha iyadoo loo shaqaynayo laga eedaamo ama xiliga afurka in qofkasta oo aan wadan gaadhi ay si free ah gurigiisa ku geynayso waa cida ay xiliga afurku gasoo gaadho rabana inuu gurigiisa ka afuro

CAAFI MEDICAL CENTER HAQABTIRAHA BULSHADA

Ha moogaan hana ka maqnaan

Waa Qaar ka mida Shaqaalaha ka hawl Gala Caafi Medical Center  oo fadhiya Qolka nasashada ee Caafi Waa Dr Shooket Majiid...
26/04/2015

Waa Qaar ka mida Shaqaalaha ka hawl Gala Caafi Medical Center oo fadhiya Qolka nasashada ee Caafi Waa Dr Shooket Majiid, Dr Hamse Ali Abdulahi, Dr Mohamed Abdi Waberi iyo Dr Mustafe Duulane Waxa aan idin leeyahay Hawsha Baaxada leh ee aad u haysaan Bulshada reer ceerigaabo alle ha idiin fududeeyo

Yaa salaam Yaa salaam Waa Qaar ka mida Shaqaalaha Ka hawl gala Caafi Medical Center Aan ka bilaabo Midig Maamulaha Caafi...
14/02/2015

Yaa salaam Yaa salaam Waa Qaar ka mida Shaqaalaha Ka hawl gala Caafi Medical Center Aan ka bilaabo Midig Maamulaha Caafi Medical Center Dr Abu Mohamed Duulane, Dr Ishaqov Akmal, Ahmed Abshir Ahmed, Dr Mohamoud Hassan Guure, Oo safar shaqo uga anbabaxay Magaalada Ceerigaabo dhamaantoodna dib ugu soo laaban doona asbuucyada fooda inagu soo haya Magaalada Ceerigaabo

Alle ha idin xifdiyo

21/01/2015

Hambalyo Hambalyo waxa ay xarunta Caafimadka ee Caafi Medical Center Bulshada reer ceerigaabo ugu bushaaraynaysaa In Ay kuusoo kordhisay Qalab Casri ah oo ay dadka reer ceerigaabo badi u aadi jireen Ethiopia Iyo Djibouti Qalabkaas oo si fudud loogu ogaan karo Neerfaha dadka ka cabanaya (EEG) Electroencephalography iyo Qalabkaloo Casri ah oo laguugu soo kordhiyey Shaybaadhka Eliza Machine iyo Biochemistry Machine kuwaas oo baadha Dhamaan Shaybaadhadan:
1: Wadnaha ( Cardiac )
2: Kansarka ( Cancer)
3: Sonkorta ( Diabetes) Iyadoo lagaa baadhi doono 3 bilood ee u danbeeyey intay ahayd
4: Dheecaanada (Hormone )
5: Infekshanka ( Infection)
6: Shaqada Kelyaha (Renal Function Test)
7: Shaqada Beerka ( Liver Function Test)

Iyadoo dhamaan shaybaadhkani uu yahay mid Qalab casri ah laguugu baadhayo

Hadaba Ka faaiidayso Oo h**e u gaadh Caafi Medical Center oo ay kuugu diyaar yihiin Shaqale u tababaran Shaqada ay kuu qabanayaan

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh:
+252-63-4433361
+252-65-9433361
+252-90-7778305
caafimc2013@gmail.com

14/01/2015

Waa Xarun caafimaad oo ay kuugu diyaar yihiin khuburo u tababaran Baahiyaha Bukaanka, ugu soo hagaag

18/11/2014

Dhiiga waa dheecaanka nolosha, dhiiga wuxuu sambabada ka soo qaada oksijiin wuxuuna u gudbiyaa unugyada jirka, dhiiga wuxuu ka soo qaadaa unugyada jirka karbon-dhaayogsayd wuxuuna u gudbiyaa sambabada. Dhiiga waa dheecaanka koritaanka, wuxuu nafaqada ka soo qaadaa dheef-shiidka iyo wuxuu qanjirada jirka oo dhan ka soo qaadaa hormoonada. Dhiiga waa dheecanka caafimaadka, wuxuu qaadaa waxyaabaha la dagaalama cudurka wuxuuna geeyaa unugyada jirka iyo wuxuu wasaqda u gudbiyaa kelyaha.
Unugyada dhiiga gaduudan Waxay qabtaan shaqada ugu muhiimsan ee dhiiga. Unugyada dhiiga gaduudan waxay si joogta ah ugu safraan oo ay dhex-maraan jirkaaga waxayna gaarsiiyaan oksijiinka iyo waxay bixiyaan wasaqda.
Unugyada dhiiga cad. Markasta oo jeermi ama jeermiga cudurka dhaliya soo galo jirka unugyada dhiiga cad si dhaqso ah ayay u taxaddaraan oo waxay u ordaan dhanka goobta dembiga. Unugyada dhiiga cad waxay si joogta ah u fiiriyaan calaamadaha cudurka. Marka jeermi soo muuqdo, unugyada dhiiga cad waxay leeyihiin waddooyin kala duwan oo ay ku weerari karaan. Qaar waxay dhaliyaan difaaca jirka kuwaasoo ka adag jeermiga. Kuwa kalena waxay isku wareejiyaan oo ay dhaqsa u cunaan bakteeriyada.
Balaasma (Plasma) , waa carun, unugyada dhiiga oo aan midab lahayn kaasoo 55% dhiiga ah kan wada unugyada adag.
Balateletis (Plateletes ) wuxuu caawiyaa xinjirta. Balateletis la'aantiis waxaad u dhimman lahayd dhiig bax.

Wixii talo iyo tusaale ah noogu soo hagaaji

CAAFI MEDICAL CENTER
Dr: Mustafe Mohamed Duulane
+252-63-4433361
+252-65-9433361
duulane1001@gmail.com

17/10/2014

Qaniinyada iyo Xagashada Xayawaanka

Haddii adiga ama ilmahaaga uu qaniino ama xagto xayawaan, waxa
dhici karta in dhaawacu caabuqo. Isla markiiba nadiifi dhaawaca oo
sida ugu dhakhso badan u raadi gargaar caafimaad. Xiitaa haddii
xayawaanku yahay xayawaanka guriga qoysku ku rabaayadaysto, waa
inaad raacdid talaabooyinkan soo socda:
1. Si fiican dhaawaca ugu dhaq saabuun iyo biyo.
2. Cadaadis saar aagga si loo joojiyo dhiigga.
3. Marka dhiiggu joogsado, dhaawaca mari burcad/bomaato ah
antibiyootig sida Neosporin.
4. Meesha la qaniinay ama la xagtay ku dabool faashad nadiif ah.
5. Raadi gargaar caafimaad isla maalintaa haddii ay suurogal tahay.
Qaniinyo badan ayaa ah dhaawacyo dalool leh oo caabuqi kara
haddii aan si fiican loo nadiifin.
Haddii loo baahdo wax ah tolmo, waa in lagu sameeyo gudaha 12-
ka saacadood ee ugu h**eeya ka dib qaniinyada.
Qaniinyada bini’aadanka waa in lagu sameeyo gargaar koobaad
iyo daryeel caafimaad oo dhakhso ah oo la mid ah ka loo sameeyo
qaniinyada xayawaanka.
Ilmahaaga waxa la siin doonaa talaal teetano haddii aan la siin mid 5-tii
sannadood ee tagay. Qofka qaangaadhka ahi waxa uu tallaalka u baahan
yahay 10kii sannadoodba mar.
Raac daweynta uu dhakhtarkaagu amro. Maalin kasta, ilaa dhaawacu
ka bogsado, ka qaad faashadda oo eeg dhaawaca. Ku nadiifi dhaawaca
saabuun iyo biyo oo saar faashad nadiif ah ilaa dhaawacu ka bogsanayo.
Dhakhtarkaagu waxa uu qaniinyada u sheegi doonaa waaxda
caafimaadka ee degmada. Waa in tan lagu qabto gudaha 24 saacadood ka
dib qaniinyada.
Wac dhakhtarkaaga haddii:
• Dhaawacu leeyahay casaan, barar, diiran yahay marka la taabto, ama
uu leeyahay xanuun.
• Dheecaan uu ka socdo dhaawaca ama uu leeyahay ur xun.
• Waxa jira qandho ka badan 101 F ama 38 darajo C oo afka laga
cabiray.
Waxa laga yeelo xayawaanka:
• Wac dhakhtarkaaga isla markiiba haddii aanad garanaynin qofka leh
xayawaanka qaniinay ilmahaaga. Waxa dhici karta in xayawaanku
qabo cudurka raybis/raabiyo (rabies).
• Haddii xayawaanku ahaa mid la dhaqday, isku day in la helo qofka
leh. Soo ogow in xayawaanka laga talaalay raybis, iyo taariikhda
talaalka la siiyay. Waxa uu dhakhtarku u baahan doonaa inuu tan
oggaado si loo qorsheeyo daweyn.
• Markii ay suurogal tahay, xayawaanka geli xero dayr leh oo ka
dhawrsan dadka iyo xayawaanka kale mudo ah 10 maalmood. U
fiirso wixii ah isbeddelo ku dhaca dabeecadda xayawaanka. Ha isku
dayin inaad xeraysid xayawaan dagaalamaya ama xayawaan
duurjoog ah. Wac boliiska ama waaxda xakameynta xayawaanka.
• Haddii adiga ama ilmahaaga ay qaniintay fiidmeer/kibili ama ilmuhu
seexday qol ay ku jirto fiidmeer/kibili, waa inaad aragtid dhakhtar.
Ammaanka Marka la ag joogo Xayawaanka
Bar ilmahaaga inuu ammaan ahaado marka uu ag joogo xayawaanka.
• Marna ha qashqashin xayawaanka marka uu wax cunayo.
• Ha jiidin dhegaha ama saynta/dibka xayawaanka.
• Si tartiib ah sare ugu qaad xayawaanka.
• Dhaq gacmahaaga ka dib marka aad salaaxdid xayawaan.
• Ha quudin ama cunto ha siin xayawaanka duurjoogta ah ama
xayawaanka aanad garanaynin.
• Waa in caruurta yaryar aanay gacmaha galinin barkadda ama xerada
xayawaanka.
• Xayawaanka ha loo galiyo qool ama xadhig.
Haddii uu ey kuu hanjabayo:
• Marna ha qaylin oo ha ordin.
• Istaag si dhaqaaq la’aan ah adiga oo gacmaha ku haya
dhinacyadaada. Iska ilaali inaad eegtid indhaha eyga. Marka eygu
kaa daalo, si tartiib ah dib u dhaqaaq ilaa eygu kaa qarsoomayo.
• Haddii eygu ku soo weeraro, jaakitkaaga, boorsada buugaagta, ama
wax kale oo kasta, ha idiin dhexeeyo adiga iyo eyga.
• Haddii aad dhacdid ama uu dhulka kugu tuuro, isku duub sida kubad/
banooni oo kale iyada oo gacmahaagu saaran yihiin dhegahaaga hana
dhaqaaqin. Isku day in aadan qaylinin ama aadan is rogrogin.
• Markasta socod kaga fogow haddii eygu uu gurxamayo ama uu
bilaabo inuu gurxamo marka loo soo dhawaado. Marna ha cararin!

Wixii talo iyo tusaale ah la xidhiidh CAAFI MEDICAL CENTER
Dr: Mustafe Mohamed Duulane
+252-63-4433361
+252-65-9433361

18/09/2014

..........................Lallabada iyo Matagga Inta Uurku Jiro ....................

Lallabada iyo matagga inta lagu jiro wakhtiga h**e ee uurka waxa
loo yaqaanaa wallac. Waxa uu wallacu dhici karaa wakhti kasta oo ah
maalintii. Badanaa waxa uu dhacaa inta u dhexeysaa todobaaadka 6-aad
iyo ka 13-aad ee uurka. Haddii caafimaadkaagu fiicnaa ka hor uurka,
ilmahaaga ma saameyn doono wallacu.
Haddii aad qabtid wallac:
• Marrar badan naso oo qaado hurdo gaaban.
• Cun cuntooyin yaryar marrar badan si aad uga baxsatid calool faaruq
ah. Sariirta dhinaceeda dhigo rooti/roodhi qallalan, busgud milix ama cusbo leh, beretsel (pretzels) ama firilay ama siriyaal qallalan.
Waxa laga yaabaa inay ku gargaarto haddii aad wax cuntid ka hor inta aanad ka soo kicin sariirta subixii.
• Cab cabitaano inta u dhexeysa cuntooyinka, laakiin ha cabin inta wax la cunayo.
• Cab kabashooyin ah cabitaan saafi ah oo wax laga arkayo weelka
uu ku jiro sida cabitaanada fudud ee saafiga ah, cabitaanka tufaaxa,
shaah ama fuud, ama qadaro yaryar oo ah Jell-O, marka matagu
dhaco. Marka lallabadu kaa tagto, kordhi cabitaanada ilaa ½ koob
ama 120 millilitir saacad kasta.
• Iska ilaali cuntooyinka dufanka ama basbaaska leh.
• Meel ku qor wakhtiyada uu mataggu dhaco iyo wax kasta oo kaaga
sii dara, sida cuntooyinka qaarkood, ur, hawlo ama walaac. Warkaa la
wadaag dhakhtarkaaga.

Laxidhiidh markiiba Caafi Medical Center Hadaad isku aragto Calaamadahan +252-63-4433361/ +252-65-9433361:

• Aanad xejisan karin cabitaanada ama cuntooyinka mudo ah 24 saacadood.
• Aad leedahay xanuun caloosha ah, qandho, dawakh, tabar-dari daran ama aad dareentid wareer ama suuxid.
• Aad leedahay lumid miisaan oo ka badan 5 ilaa 10 rodol ama 2 ilaa 5 kiilo.
• Aad leedahay kaadi midabkeedu yahay jaale/hurdi si weyn madow u xigta ama aanad kaajin mudooyin dhaadheer.
Kuwani waa calaamado sheegaya in jidhkaagu aanu lahayn dheecaan ku filan. Waxay taasi waxyeelo u yeelan kartaa adiga iyo ilmahaagaba
haddii aan la daweyn. Waxa laga yaabaa in loo baahdo in lagugu
rakibo faleebo (IV) ay ku jirto h***e iyo nafaqo. Waxa laga yaabaa in
dhakhtarkaagu amro dawooyinka la iska iibsan karo warqad dhakhtar
la’aan ama uu qoro dawooyin.

Wixii talo iyo tusaale ah waxaad noogu soo hagaajin kartaan
Email: duulane1001@gmail.com
+252-63-4433361
+252-65-9433361
Prepared By Dr Mustafe Duulane

Address

Haji Adan Street
Erigavo

Opening Hours

Monday 07:00 - 22:00
Tuesday 07:00 - 22:00
Wednesday 07:00 - 22:00
Thursday 07:00 - 22:00
Saturday 07:00 - 22:00
Sunday 07:00 - 22:00

Telephone

+252-63-4433361

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Caafi Medical Center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Caafi Medical Center:

Share