12/08/2025
Annaagoo ah bahda cisbitaalka GMC Hospital - Galkacyo Medical Center(Cisbitaalka Dhagacade). waxaanu qireynaa tamarta, kartida, iyo go’aan qadaashada dhallinyaraddeena gaar ahaan, da’yarta ah dhaqaatiirta, neersinka, umulisooyinka, sheybaaristayaasha ,iyo bahdayadda ka shaqeysa farmashiga iyo xafiisyadda soo dhaweynta. Kuwaas oo qayb weyn ka ah kabashada iyo sare u kaca caafimaadka Soomaaliya.
Dhallinyaraddu waa laf-dhabarta nidaamkeenna caafimaad iyagga oo ah kuwa leh aqoon, xirfad ,kalsooni iyo naxariis ay ugu adeegaan dadkooda iyo dalkoodda. Maanta oo ku aadan maalinta dhallinyaradda adduunka waxaannu ballanqaadeynaa in aan bixino:
1: Inaan bixino tababar caafimaad oo tayo leh iyo taageero loogu talagalay dhallinyarada ku jirta xirfadaha caafimaadka.
2: Inaan dhiirrigelino hal-abuurka ,howlkarnimadda iyo wada-shaqayn dhallinyarada shaqaalaha caafimaadka .
3: Inaan kor u qaadno wacyiga caafimaadka maskaxda iyo wanaagga ka dhaxeeya ardayda barata caafimaadka iyo shaqaalaha caafimaadka.
4:In aan awood ku siino dhallinyaradu inay noqdaan geesiyaasha caafimaadka iyo wakiillada isbeddelka ee bulshadooda.
Anaggoo wadajirna, annaga iyo dhallinyaradeennu , waxaan dhiseynaa Soomaaliya caafimaad iyo xoog leh.
12-8-2025