Child Care and Diabetic Medical Center

Child Care and Diabetic Medical Center CHILD CARE AND DIABETIC MEDICAL CENTER PROVIDES MEDICAL AND TREATMENT FOR CHILDREN AND ADULT PEOPLE WHOSE ILNESS DIABETIC,

16/05/2015

Mudanayaal iyo marwooyin, macaamiisha sharafta leh waxaan idin ogaysiinanaa xaruntu inay furantahay oo dhaqaatiirta iyo shaqaalaha kaleba diyaar idiin yihiin 24 saac/7bari ee asbuuca.

Mahadsanidiin.
Madaxa suuqgaynta iyo iibka.
Mo faarah

Ogaysiis Ogaysii Ogaysiis.Dhammaan waalidiinta soomaliyeed, khaasatan kuwa puntland, khaasatan kuwa ku dhaqan caasimada ...
19/02/2015

Ogaysiis Ogaysii Ogaysiis.

Dhammaan waalidiinta soomaliyeed, khaasatan kuwa puntland, khaasatan kuwa ku dhaqan caasimada puntland garowe waxaa la ogaysiinayaa in dhaqtar ku takhasusay cudurada ku dhaca caruurta iyo dawayntooda, sidoo kale takhakus ku ah cudurka sonkorta uu diyaar idiin ku yahay xarunta caafimaadka ee Child care and diabetic center ee ku taal caasimada garowe.

xaruntu waxay ku taal xaafad hanti wadaag, gaar ahaan waxay dhinaca bari ka xigtaa Radio Daljir, ama waxay ku taal xaruntii h**e ee school ka City College, ku ooli jiray. hadaba fadlan ka faa'idayso fursadaa qaaliga, geeyana caruurta xanuunka la'ildaran.

Child care and diabetic center waxay kuu diyaarisay nurses, pharmaciest yaal  iyo shaybaariistayaal takhasus u leh shaqa...
17/02/2015

Child care and diabetic center waxay kuu diyaarisay nurses, pharmaciest yaal iyo shaybaariistayaal takhasus u leh shaqada ay ku qabanayaa, lehna midkiiba khibrad u dhaxaysa 5 ilaa 15 sano oo khibrad shaqo ah.

Waxayna ka soo kala shaqeeyeen meelo ay ka midyihiin hospital waaweyn ee gobolada sida garowe, gaalkacyo, bosaso, iyo waliba hospitals private ah.

Sidoo kale qaybtood waxay mudo dheer lasoo shaqaynayeen hay'adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arimaha quudinta caruurta iyo nafaqadarada sida SAVE THE CHILDREN, ICRC, IYO MSF HOLAN/SPAIN.

Child Care And Diabetic Center waxay shaqaalaheeda u carbisay sida loola macaamilo bukaanka iyo dadka wada ee caawinaya, sidaa daraadeed way ku qancin doonaan, waxayna kuu shaqayndoonaan mudo 24 saacadood ah.

Hadaba ha moogaan hana kamaqnaan, wixii faah faahin intaa dheer kala soo xiriir maamulka iyo shaqaalaha CCDC.

Mo Faarah
Marketing Socio-Media Officer

Dr. Daahir aadan Dalab waa dhaqtar aqoontiisu gaarsiisantahay shahaadada PHD, waa dhakhtar khibrad dheer oo mudo 20 sano...
17/02/2015

Dr. Daahir aadan Dalab waa dhaqtar aqoontiisu gaarsiisantahay shahaadada PHD, waa dhakhtar khibrad dheer oo mudo 20 sano in kabadan leh.

Dhakhtarku wuxuu ka hawlagali jiray cisbitaalada waaweyn ee magaalooyinka Garow/Boosaaso, sidoo kale wuxuu ka hawlagali jiray xarunta caafimadka ee SADEX XIDIGOOD DIAGNOSTIC CENTER ee boosaaso, sidoo kale dhaqtarku wxuu mudo dheer ka hawlgali jiray cisbitaalka PUNTLAND HOSPITAL isla magaalda boosaaso.

Dhaqtarku wuxuu mudo aqoon kororsi ugu maqnaan wadanka suudaan isagoo kusoo diyaariyey shahaadoyinka MASTER IYO PHD.

Dhakhtarku wuxuu shahaadada masterka ku diyaariyey cudurada ku dhaca caruurta iyo dawooytooda, sidoo kale dhakhtarku wuxuu shahaadada Doctoratka ama PHD saa hadba utaqaanid ku soo diyaariyey cudurka sonkorta.

Hadaba dhaqtarku wuxuu hada ka hawlagalaa xarunta caafimaadka ee CHILD CARE AND DIABETIC CENTER ee caasimada Garowe.

Dhaqtarku wuxuu shaqeeyaa galinka h**e, galinka danbe iyo habeenkiiba, hadaba ka faaidaysi wanaagsan.

Mo Faarah
Socio-media marketing offficer

XARUNTA CAAFIMAADKA EE CHILD CARE AND DIABETIC CENTER WAA XARUN CUSUB OO LAGA FURAY CAASIMADA PUNTLAND EE GAROWE.XARUNTA...
17/02/2015

XARUNTA CAAFIMAADKA EE CHILD CARE AND DIABETIC CENTER WAA XARUN CUSUB OO LAGA FURAY CAASIMADA PUNTLAND EE GAROWE.

XARUNTA WAXAA KA HELI DOONTAAN DHAQAATIIRTA CUDURADA GUUD, IYO DHAQAATIIR TAKHASUS U LEH CUDURADA KU DHACA CIYAALKA IYO CUDURKA SONKORTA.

SIDOO KALE XARUNTA WAXA KA HELI KARTAA SHAQAALE HUFAN OO U TABABARAN SHAQADA AY KU QABANAYAAN IYO SOO DHAWAYN DIIRAN OO GACMO FURAN AH.

XARUNTU WAXAY KA KOOBANTAHAY QAYBAHA KALA AH, QAYBTA VISIT KA, QAYBTA FARMASHIGA, QAYBTA GAR GAARKA DEG DEG AH, QAYBTA LABORATORY GA IYO QAYBT JIIF AH.

XARUNTU WAXAY KU TAAL XAAFADA HANTI WADAAG GAAR AHAA INTA UDHAXAYSA HOTEL GUUREEYE IYO MASJIDUL HUDAA AMA DHISMIHII H**E EE CITY COLLEGE AHAAN JIRAY.

HADABA HA MOOGAAN HANA KAMAQNAAN, CARUURTAADANA KEEN XARUNTA CHILD CARE AND DIABETIC CENTER.

WIXII FAAH FAAHIN AH OO INTAA DHEER KALA SOO XIRIIR MAAMULKA IYO SHAQAALAHA XARUNTA CHILD CARE AND DIABETIC CENTER GAROWE.

MAHADSANIDIIN
MO FAARAH
SOCIO- MEDIA MARKETING OFFICE.

Address

GUUREEYE STREAT IN GAROWE
Garoowe

Telephone

907796432

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Child Care and Diabetic Medical Center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category