Puntland Medical Association

Puntland Medical Association Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Puntland Medical Association, Medical and health, Garoowe.

Dhakhaatiirta Puntland (PMA) ee Zone 2 ayaa magaalada gaalkacyo kulan soo-dhawayn iyo is-xogwareysi ah kula qaadatay  dh...
17/12/2025

Dhakhaatiirta Puntland (PMA) ee Zone 2 ayaa magaalada gaalkacyo kulan soo-dhawayn iyo is-xogwareysi ah kula qaadatay dhakhaatiir ka kala yimid degmooyinka Puntland, oo u joogay Tababar Caafimaad magaalada Gaalkacyo.

Dhakhatiirta waxaa hoggaaminayey Xoghayaha Guud ee Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA), ๐——๐—ฟ ๐—œ๐˜€๐—บ๐—ฎ๐—ถ๐—น ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐—ฑ ๐—›๐—ฒ๐—ฟ๐˜€๐—ถ.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta isbarashada iyo wada-shaqeynta dhakhaatiirta, is-dhaafsiga waayo-aragnimada xirfadeed, iyo horumarinta adeegyada caafimaad ee bulshada Puntland. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay fursadaha horumarineed, iyo doorka PMA ee tayeynta xirfadda, anshaxa shaqo, iyo mideynta dhakhaatiirta meelkasta ay joogaan.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DHAKHAATIIRTA PUNTLAND EE PMA.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Puntland Medical Association

Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA), Jaamacadda Frontier University, iyo Xarunta Nucleus Pathology Center ayaa si wadaji...
12/12/2025

Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA), Jaamacadda Frontier University, iyo Xarunta Nucleus Pathology Center ayaa si wadajir ah u qabtay kulan wacyigelin caafimaad ah oo diiradda lagu saarayay faafidda cudurka kansarka iyo caqabadaha ka dhasha faham laโ€™aanta bulshada.

Kulanka oo ka dhacay hoolka Jaamacada Frontier University ayaa waxaa si rasmi ah uga qayb galay:
Gudoomiye ku xigeenka Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA), ๐——๐—ฟ ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ ๐—›๐—ฎ๐—ท๐—ถ iyo Xiriiriyaha Xafiiska Cilmi-baarista Uruka PMA, ๐——๐—ฟ ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐—ฑ ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—๐—ฎ๐—บ๐—ฎ (๐—ช๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ด๐—ฎ๐˜…๐—ผ).

Wacyigelintaan waxaa soo jeediyey ๐ƒ๐ซ ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ฑ, Pathologist (MBBS, MMed โ€“ Pathology), kaas oo ka hadlay Mawduucyadaan :

โœ…Waa maxay kansar, maxaase sababa faafiddiisa?
โœ…Doorka faham laโ€™aanta bulshada iyo daahitaanka ogaanshaha.
โœ…Noocyada kansarka ee dalka ugu badan.
โœ…Muhiimadda wacyigelinta iyo baaritaanka h**e ee ka hortagga kansarka.

Kulankani wuxuu qayb ka yahay dadaallada uu Ururka PMA wado si kor loogu qaado wacyiga bulshada, la-dagaallanka cudurrada halista ah, iyo dhiirrigelinta baaritaannada caafimaad ee h**e.

Ugu danbayn Ururka Dhakhaatiirta Puntland wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan cid walba oo ka qayb qaadatay kulankan muhiimka ah.iyo bulshadii ka faa'iideysatay.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DHAKHAATIIRTA PUNTLAND EE PMA.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Puntland Medical Association

Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) oo kaashanaya Jaamacada Frontier University iyo Xarunta Nucleus Pathology ayaa si wa...
11/12/2025

Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) oo kaashanaya Jaamacada Frontier University iyo Xarunta Nucleus Pathology ayaa si wadajir ah waxay u qabanayaan kulan wacyigelin caafimaad oo muhiim ah, kaas oo diiradda lagu saari doono: "๐…๐š๐š๐Ÿ๐ข๐๐๐š ๐Š๐š๐ง๐ฌ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐…๐š๐ก๐š๐ฆ ๐ฅ๐š'๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š".
๐Ÿ”ธMawduucyada:-
โœ…Waa maxay kansar, Fahamka Kansarka iyo maxaa keena faafiddiisa?
โœ…Sida faham laโ€™aanta bulshada ay u sababto daahitaanka ogaanshaha iyo daaweynta.
โœ…Noocyada kansarka ee ugu badan dalka.
โœ…Muhiimadda wacyigelinta, baadhista h**e & ka hortagga kansarka.

๐ŸŽฏKulankan waxaa jeedinaya ๐——๐—ฟ ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ฑ (MBBS, MMed Pathology), Dhakhtar ku takhasusay Cudurada, waxaana uu noqon doonaa fursad muhiim ah oo laga helo xog caafimaad oo la isku halleyn karo.

๐Ÿ“… Taariikhda: 11 December 2025
๐Ÿ•• Waqtiga: 6:00 PM
Maqribnimo
๐Ÿ“ Goobta: Garowe โ€“ Main Hall, Frontier University

Ururka PMA waxa uu ku dhiirrigelinayaa dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan, ardayda caafimaadka, iyo xirfadlayaasha caafimaadka inay ka soo qayb galaan kulankaan si loo kordhiyo wacyiga ku saabsan kansarka iyo ka hortaggiisa.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DHAKHAATIIRTA PUNTLAND EE PMA.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Puntland Medical Association

Galkacyo 09 December, 2025:Gudoomiyaha Ururka (PMA) ee Zone 2 ๐——๐—ฟ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ธ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ถ ๐— ๐—ฎ๐—ท๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ผ iyo dhakhaatiir kale oo ka ...
09/12/2025

Galkacyo 09 December, 2025:
Gudoomiyaha Ururka (PMA) ee Zone 2 ๐——๐—ฟ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ธ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ถ ๐— ๐—ฎ๐—ท๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ผ iyo dhakhaatiir kale oo ka mid ah Ururka PMA ayaa ka qayb galay kulan cilmiyeed ay iska kaashadeen Ururka Dhakhaatiirta Puntland PMA iyo isbitaalka Shifo Specialist Hospital, kaas oo lagu gorfaynayay mawduuca: "๐—š๐—ฎ๐˜€๐˜๐—ฟ๐—ผ๐—ฒ๐˜€๐—ผ๐—ฝ๐—ต๐—ฎ๐—ด๐—ฒ๐—ฎ๐—น ๐—ฅ๐—ฒ๐—น๐˜‚๐˜… ๐——๐—ถ๐˜€๐—ฒ๐—ฎ๐˜€๐—ฒ, ๐—ง๐—ฟ๐—ฒ๐—ฎ๐˜๐—บ๐—ฒ๐—ป๐˜ ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐— ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐—ฒ๐—บ๐—ฒ๐—ป๐˜ ๐—จ๐—ฝ๐—ฑ๐—ฎ๐˜๐—ฒ๐˜€".

Waxaa soo jeediyey Mawduucaan:
๐——๐—ฟ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ผ๐˜€๐—ต ๐— . ๐—ก๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ
MBBS, MD, DNB
Senior Consultant Gastroenterologist & Therapeutic Endoscopist

Ugu dambayn, Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA)waxa uu adkaynayaa muhiimadda iskaashiga joogtada ah ee kor loogu qaadayo aqoonta iyo adeegyada caafimaadka ee bulshada.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DHAKHAATIIRTA PUNTLAND EE PMA.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Puntland Medical Association

Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) oo kaashanaya isbitaalka Shifo Specialist Hospital waxa uu ku wargelinayaa dhakhaati...
08/12/2025

Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) oo kaashanaya isbitaalka Shifo Specialist Hospital waxa uu ku wargelinayaa dhakhaatiirta in caawa oo ay taariikhdu tahay 8 December 2025 ay ka qabsoomayso Magaalada Galkacyo kulan cilmiyeed heerkiisu sarreeyo, Kulankani waxa uu diiradda saaraya mowduuca: "๐—š๐—ฎ๐˜€๐˜๐—ฟ๐—ผ๐—ฒ๐˜€๐—ผ๐—ฝ๐—ต๐—ฎ๐—ด๐—ฒ๐—ฎ๐—น ๐—ฅ๐—ฒ๐—น๐˜‚๐˜… ๐——๐—ถ๐˜€๐—ฒ๐—ฎ๐˜€๐—ฒ, ๐—ง๐—ฟ๐—ฒ๐—ฎ๐˜๐—บ๐—ฒ๐—ป๐˜ ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐— ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐—ฒ๐—บ๐—ฒ๐—ป๐˜ ๐—จ๐—ฝ๐—ฑ๐—ฎ๐˜๐—ฒ๐˜€".

Waxaana soo jeedin doona:
๐——๐—ฟ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ผ๐˜€๐—ต ๐— . ๐—ก๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ
MBBS, MD, DNB
Senior Consultant Gastroenterologist & Therapeutic Endoscopist

๐Ÿ“ Goobta: Hotel Aljazeera โ€“ Hallka Gudaha Magaalada Galkacyo.
โฐ Waqtiga: 6:30 PM - Maqribnimo.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DHAKHAATIIRTA PUNTLAND EE PMA.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Puntland Medical Association

05/12/2025

๐—ง๐—”๐—–๐—ฆ๐—œ ๐—ง๐—œ๐—œ๐—ฅ๐—”๐—”๐—ก๐—ฌ๐—ข ๐—Ÿ๐—˜๐—›.
Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Ururka Dhakhaatiirta Puntland ๐—ฃ๐— ๐—”, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii iyo qaraabadii geerida ku timid Walaal ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ธ ๐—”๐—น๐—ถ ๐—”๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ณ, oo ahaa arday sanadihii u dambeeyay ku jiray barashada caafimaadka kulliyada Daaweynta iyo qalliimada, kuna dadaalayey inuu noqdo dhakhtar ummaddiisa anfaca.

Waxaan tacsi gaar ah u diraynaa qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa, sidoo kale waxaan murugada la qaybsanaynaa walaalkiis ๐——๐—ฟ ๐—๐—ฎ๐—บ๐—ฎ ๐—”๐—น๐—ถ ๐—”๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ณ iyo dhammaan qoyskiisa kale.

Eebbe ha u naxariisto, ha u dambi
dhaafo, Jannatul Firdowsna ha ka waraabiyo. Samir iyo iimaanna Allah SWT ha innaga siiyo dhammaanteen.

Garowe: 03 December 2025, Gudoomiye ku xigeenka ururka dhakhaatiirta Puntland PMA Mudane ๐——๐—ฟ ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ ๐—›๐—ฎ๐—ท๐—ถ iyo ...
04/12/2025

Garowe: 03 December 2025, Gudoomiye ku xigeenka ururka dhakhaatiirta Puntland PMA Mudane ๐——๐—ฟ ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ ๐—›๐—ฎ๐—ท๐—ถ iyo Gudoomiyaha ururka ee Zone 1 Mudane
๐——๐—ฟ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—บ๐—ฎ๐—ป ๐—ซ๐˜‚๐˜‚๐˜…๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ฒ iyo Dhakhaatiir kale oo ka mid ah PMA ayaa ka qayb galay Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu qabtay Hoolka Isbitaalka Somali European, taas oo looga hadlay Daaweynta iyo Daryeelka Casriga ah ee cudurada Maskaxda " Modern Approaches to Mental health: Diagnosis, Treatment and long term care."

Mawduucaan waxaa soo jeedisey ๐——๐—ฟ ๐—จ๐—น๐—ฟ๐—ถ๐—ธ๐—ฒ ๐—ช๐—ถ๐—น๐—ฏ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ, khabiir Jarmal ah oo ku takhasustay cudurada Maskaxda.

Ugu dambayn, Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) wuxuu u mahadcelinayaa Somali European Hospital iyo dhammaan cidii soo agaasintay kulankaan, kuwaas oo ka shaqeeyay in munaasabadda ay si habsami leh u qabsoonto. PMA waxa uu adkaynayaa muhiimadda iskaashiga joogtada ah ee kor loogu qaadayo aqoonta iyo adeegyada caafimaadka ee bulshada.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DHAKHAATIIRTA PUNTLAND EE PMA.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Puntland Medical Association
H.E Said Abdullahi Deni
Abdirisak Artan

๐—ช๐—ผ๐—ฟ๐—น๐—ฑ ๐—”๐—ถ๐—ฑ๐˜€ ๐——๐—ฎ๐˜†: Maalinta Caalamiga ah ee wacyigelinta iyo La-dagaalanka HIV/AIDS1 December 2025Ururka Dhakhaatiirta Punt...
01/12/2025

๐—ช๐—ผ๐—ฟ๐—น๐—ฑ ๐—”๐—ถ๐—ฑ๐˜€ ๐——๐—ฎ๐˜†: Maalinta Caalamiga ah ee wacyigelinta iyo La-dagaalanka HIV/AIDS
1 December 2025

Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) waxa uu maanta kala qayb qaadanayaa bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba xuska World AIDS Day, oo loogu talagalay wacyigelin, ka hortag, ilaalinta xuquuqda bulshada la nool HIV, iyo dhiirigelinta daryeel caafimaad oo loo siman yahay.

Ururka PMA, waxa uu Bulshada ku dhiirigelinayaa:
๐Ÿ”ด In la kordhiyo wacyiga ku saabsan ka hortagga HIV/AIDS
๐Ÿ”ด In bulshada lagu dhiirigeliyo baaritaanka xilliga h**e, iyo inta aan la samayn Guurka.
๐Ÿ”ด In qof kasta uu helo daryeel caafimaad oo tayo leh
๐Ÿ”ด In la cirib tiro faquuqa iyo takoorka ku wajahan dadka la nool HIV

Sidoo kalena Ururka Dhakhaatiirta Puntland PMA waxa uu sii wadayaa:
โœ”๏ธ Tababarrada xirfadlayaasha caafimaadka
โœ”๏ธ Kordhinta wacyigelinta bulshada
โœ”๏ธ La shaqeynta hayโ€™adaha caafimaadka si loo horumariyo adeegyada HIV/AIDS
โœ”๏ธ Dhiirigelinta bulshada inay ka fogaato ceebeynta iyo takoorka dadka la nool xanuunkaan.

๐ŸŽฏSamee Baaritaan H**e oo ha sugin inta calaamaduhu ku baraarujinayaan.

.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Puntland Medical Association
H.E Said Abdullahi Deni
Abdirisak Artan

20/11/2025

TACSI: INAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Alle ha u naxariisto Aabe ๐—”๐—ต๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ (๐—š๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ถ), Ururka PMA wuxuu marxuumka Ilaahay uga baryayaa inuu u naxariisto, qabrigiisana u waasiciyo, u nuuriyo, kana dhigo beer ka mid ah beeraha Jannada.

Sidoo kale, waxaan Eebbe uga rajeeynaynaa ๐——๐—ฟ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ ๐—”๐—ต๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—š๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ถ, qoyskiisa, iyo dhammaan ehellada inuu siiyo samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa ka waraabiyo.

Aamiin.

Garowe, 17 November 2025 โ€” Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) ayaa ka qayb galay oo kaalin muuqata ka qaatay kulan muhi...
18/11/2025

Garowe, 17 November 2025 โ€” Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) ayaa ka qayb galay oo kaalin muuqata ka qaatay kulan muhiim ah oo Garoowe ka dhacay, kulankaas oo lagu gorfeeynayey hindise-xeereedyada tayada badeecadaha iyo dhismaha hayโ€™ad tayo-dhowr oo casri ah oo Puntland yeelato. Kulankaan waxaa soo qaban-qaabiyey ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐‡๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐, ๐†๐š๐š๐๐ข๐ข๐๐ค๐š, ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Š๐š๐š๐›๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐š๐ฒ'๐š๐๐๐š ๐๐”๐๐’๐€๐€, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa nidaam mideeya ilaalinta tayada badeecadaha, badbaadada bulshada iyo kor u qaadista adeegyada caafimaadka.

Wafdiga ๐๐Œ๐€ oo uu hoggaaminayey Guddoomiye Ku-xigeenka ururka dhakhaatiirta Puntland Mudane ๐——๐—ฟ ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ ๐—›๐—ฎ๐—ท๐—ถ, ayna ku wehliyeen Guddoomiyaha Zone 1 ee ururka ๐——๐—ฟ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—บ๐—ฎ๐—ป ๐—ซ๐˜‚๐˜‚๐˜…๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ฒ iyo dhakhaatiir kale oo ka mid ah PMA, ayaa soo bandhigay talooyin xirfadeed oo muujinaya fahamka saameynta badeecadaha tayadoodu liidato ku yeeshaan caafimaadka bulshada. Ururku wuxuu adkeeyey muhiimadda ay dhakhaatiirta iyo khubarada caafimaadku ku leeyihiin dhismaha nidaam tayo-dhowr oo hufan.

Kulanka oo ay ka qayb galeen khubaro iyo daneeyeyaasha kala duwan ayaa lagu soo gudbiyey aragtiyo la xiriira kormeerka caafimaadka, ka hortagga badeecadaha halista ah iyo dhisidda xeer ilaalin kara danaha shacabka. Ka-qaybgalka PMA wuxuu mar kale muujiyey doorka ururka ee hoggaaminta arrimaha caafimaadka iyo dhiirrigelinta sharciyada xaqiijiya adeegyo tayo sare leh oo bulshada Puntland u horseeda badbaado iyo caafimaad lagu kalsoonaan karo.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DHAKHAATIIRTA PUNTLAND EE PMA.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Puntland Medical Association
Puntland Parliament
PUNSAA
H.E Said Abdullahi Deni

๐—ž๐—ต๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ ๐—–๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฏ๐˜‚๐—ฟ๐—ด ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—œ๐˜๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ถ๐˜†๐—ฎ.Wasaaradda Caafimaadka Puntland / Wasaaradda Caafimaadka Sooma...
16/11/2025

๐—ž๐—ต๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ ๐—–๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฏ๐˜‚๐—ฟ๐—ด ๐—ฒ๐—ฒ
๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—œ๐˜๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ถ๐˜†๐—ฎ.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland / Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya,

Waxaa Itoobiya laga xaqiijiyey cudurka Marburg virus disease, iyadoo dhowr kiis laga helay koonfurta dalka.

Maadaama aynu nahay dal daris la ah oo leh isu-socod badan, waxaa muhiim ah in aynu si degdeg ah u feejignaanno.

Cudurkani wuxuu leeyahay calaamado daran sida qandho degdeg ah, shuban/matag daran, iyo dhiig-bax sanka afka iyo colaasha , Waxaana lagu kala qaadaa taabashada dhiigga iyo dheecaannada qof xanuunsan ama maydkiisa.

Waxaan si naxariis iyo masuuliyad leh idinka codsanayaa wasaaradaha caafimaadku.
1. In la adkeeyo kormeerka iyo baarista dadka ka imanaya xuduudaha.
2. In dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka la wargeliyo calaamadaha h**e iyo habraacyada karantiilka.
3. In kooxaha gurmadka degdegga ah loo diyaariyo kiisaska laga shakiyo.
4. In bulshada lagu wacyigeliyo ka hortagga iyo soo sheega calaamadaha h**e ee cudurkaan.

โœ…Diyaargarowga h**e waa difaaca ugu wanaagsan ee caafimaadkeenna.

Mahadsanidiin dadaalkiinna joogtada ah ee ilaalinta caafimaadka shacabka.

๐——๐—ฟ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ธ ๐—”๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Somali Medical Association
Puntland Medical Association
H.E Said Abdullahi Deni
Ministry of Health- Somalia

16/11/2025

๐—ซ๐˜‚๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ
14, ๐—ก๐—ผ๐˜ƒ (๐—ช๐—ผ๐—ฟ๐—น๐—ฑ ๐——๐—ถ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฒ๐˜๐—ฒ๐˜€ ๐——๐—ฎ๐˜†).
Xanuunka macaanku waa xaalad caafimaad oo u baahan feejignaan joogto ah, wacyigelin sax ah, baaritaan h**e iyo in la sameeyo jimicsi joogto ah. Ogaanshaha calaamadaha h**e ee Macaanka, qaadashada talooyinka caafimaad, iyo daryeelka joogtada ahi waxay door muhiim ah ka qaataan yareynta halista caafimaad ee la xiriirta cudurkaan iyo ilaalinta bulshada.

Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Puntland ee Gobollada Mudug iyo Cayn ๐——๐—ฟ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ธ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ถ ๐— ๐—ฎ๐—ท๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ผ, ayaa ka hadlay Munaasabada xuska Maalinta Macaanka Aduunka, sidoo kale Bulshada ku dhiiri-geliyey inay sameeyaan jimicsi joogto ah iyo inay saxaan hab nololeedkooda.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DHAKHAATIIRTA PUNTLAND EE PMA.


Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Puntland Medical Association

Address

Garoowe
4747

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Medical Association posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram