Ustad Moha Abdiwahid

Ustad Moha Abdiwahid Wherever the art of medicine is loved, there is also a love of humanity

Maxaa umalaynasaa Bukaankan Inuu Qabo ? Isku jawaabta waa Xanuunkee baa isdhihi laheed .
11/07/2025

Maxaa umalaynasaa Bukaankan Inuu Qabo ? Isku jawaabta waa Xanuunkee baa isdhihi laheed .

Topic : Coryne Bacterium diptheriaWaa Maxay Diptheria ?*diptheria waa infekshan Bacteria ah oo kudhaca sanbabada kore yo...
10/07/2025

Topic : Coryne Bacterium diptheria

Waa Maxay Diptheria ?
*diptheria waa infekshan Bacteria ah oo kudhaca sanbabada kore yo cunaha gaar ahaan hunguriga yo mararka qaar maqaarka .

*Bacteria waxay siidaysaa Sun(Toxin ) waxyeelo ugaysata unugyada jirka gaar ahaan :

1:cunaha (oo afka yo sanka ku samaysaa xuub cadaan ah )
2:wadnaha
3:sanbabada
4: maqaarka
5: Neerfaha
# maxaa keena Diptheria ?
Waxaa keena Bacteria loo yaqaan CryneBacterium Diptheria waxayna ku faaftaa Hawada Hindhiso ama qufac qof qaba cudurka.

Waxay kaloo ku faaftaa sida walxo uu taabtay qof qaba cudurka Tusaale(shandad ama kabaha ). Caruurta aan la talaalin ayaa aad ugu nugul.

usaamaysaa Caruurta ?
Diptheria waxay caruurta ku keeni kartaa barar kuyimaada cunaha taasoo hanibta neefsashada .

Xanuun yo qandho ,Qufac yo cod daciifa neefta oo dhib ku noqota ,dhicis ama dhibaatoyin wadne ama neerfe hadii ay suntu ku faafto jirka .
Caruurta yaryar dada 1 ilaa 5 sano jir waa ugu halis badanyihiin hadaana la talaalin .

looga hortagi karaa ?

Waxaa looga hortagi karaa talaalka loo yaqaan DTP ( Diptheria ,Tetanus ,Pertussis ).
1:Diptheria
2:Tetanus :jabtid
3:pertussis : Qufac dheer

lagu daweeya diptheria?
Dawaynta diptheria waxaa kamida ah
1:Anti toxin diptheria :waxay ka hortagtaa sunta ay siidayso Bacteriyadu waxaana loogu duraa si degdeg ah si aysan usaamayn jirka .

2:Antibiotic tusale *(erythromycin and penicillin ) waxay disha Bacteriyada keenta Cudurka .

3:karantiil : qofka waxaa laga fogeeya dadka kale si uusan cudurka ufaafin .4: Tageero neefsasho hadii ay adkaato nefsashada waa in lagu xiraa mashiinka neefta .

aan La Daweyn maxaa Dhici kara ?
*Neefsasho xumo
*Wadne Xanuun
*Dhib laxiriira Neerfaha oo keeni kara sababo curyaanimo .
*Geeri gaar ahaan caruurta Yaryar.
GUNAANAD: Diptheria waa cudur khatar ah lkn si fudud baa looga hortagi karaa hadii lasiiyo talalka DTP waa muhiim in dhamaan caruurta loo dhameeyo talaalka si loo badbaadiyo noloshooda .

Address

Dr Moha
Garoowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ustad Moha Abdiwahid posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category