07/08/2024
Burtinle: 06 August 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland Siciid Jamac Qorsheel iyo wasiiru dawlaha wasaaradda Mudane Ahmed Shiikh Farax oo ka mid ah ayaa madaxweynaha madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Abdulaahi Dani ku weheliyay kormeer uu ku tagay Isbitaalka weyn ee degmada oo u qalabeysan si wanaagsan kaasi oo ay ka faa’ideystaan bulshada degmada iyo deegaannada u dhow, Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Wasiiradda iyo masuuliyiinta Isbitaalka.
Isbitaalka degmada burtinle waa isbitaal public ah, kana kooban qaybaha caruurta qaybta bukaan socodka, qaybta bukaan jiifka, qaybta caafimaadka degdega ah, qaybta hooyada iyo dhalaanka, qaybta ilmaha dhiciska ah, qaybta nafaqo quudinta iyo nafaqo darada, iyo qaybta qaliimada oo gabagabo maraysa, isbitaalka waxa uu leeyahay Generators korontada dhaliya, machine-ka biyaha sifeeya, machine-ka qashinka lagu gubo, iyo machine-ka casriga ah ee hawada sifeeya, Natural Ventilation System, iyo sidoo kale Gargaarka degdega ah oo 24 heegan ku jira, Isbitalka waxaa ku baxay kharash dhan 1.2 Million Dollars, waxaa ka howlgala 45 shaqaale, oo ka kooban Maamul dhakhaatiir, Kalkaalisooyin, Umulusooyin, Pharmacists, Laboratory Technicians.
Madaxweynaha ayaa wasiiradda iyo maamulka degmadda ku bogaadiyay warbixinta laga siiyay isbitaalka waxaana kuu kula dardaarmay in shaqada lasii horumariyo bulshadana adeega loo gaarsiiyo.
DHAMMAAD.