Primesom Counselling Services

Primesom Counselling Services Prime Som Counselling Services, (PSCS) psychological and social support services.

15/09/2025
02/08/2025

Carruur badan oo Soomaaliyeed ayaa ku koray duruufo adag sida dagaal, barakac, geerida waalid, ama tacaddi- Childhood trauma. Dhaawacyadan nafsiyeed waxay si qoto dheer u saameeyaan maskaxda ilmaha, taasoo u horseedi karta culays nafsi ah oo uu la galo qaan-gaarnimada.Qofka ku koray xaalado xanuun leh ayaa u nugul inuu isticmaalo maandooriye si uu u yareeyo xanuunkaas. Qaadka, sigaarka, daroogada, iyo khamriga ayaa mararka qaar noqda dariiq uu qofku iskaga ilaawo murugada, cabsida, ama xusuusta xun sida qaraw ga sida walaalkeen uu ka sheekaynayo.Tani waxay horseedi kartaa in qofka la noolaado dhibaatooyin kale sida shaqo la’aan, burbur qoys, ama dambiyo. Si wax looga qabto saamaynta dhaawaca maskaxeed ee carruuta ka dhaxlaan dagaallada sokeeye iyo maandooriyaha ay ku maareeyaan xusuusaha xanuunka leh ( Childhood Trauma and Addiction) ka waa in la helo wacyigelin bulsho, taageero nafsiyeed, iyo in la abuuro adeegyo caafimaad maskaxeed. Sidoo kale waa. in la barto sida dhaawaca maskaxda carruurnimada u saameeyo qofka noloshiisa oo dhan, si loo yareeyo saamaynta taban, iyo baahida qofka u qabo karo in ku tiirsanaado balwadaha maaanka dooriya.

Sidee Loo Maareeyaa Ceebeynta Caafimaadka Maskaxda- Mental Health Stigma" ?Caafimaadka dhimirka (maskaxda) waa qayb muhi...
21/07/2025

Sidee Loo Maareeyaa Ceebeynta Caafimaadka Maskaxda- Mental Health Stigma" ?

Caafimaadka dhimirka (maskaxda) waa qayb muhiim ah oo ka mid ah caafimaadka guud ee qofka. Si kastaba ha ahaatee, bulshada Soomaaliyeed waxaa aad uga dhex jira ceebeyn iyo sumcad xumo la xiriirta cudurrada dhimirka. Dadka qaba xanuunnada maskaxda waxaa inta badan lagu tilmaamaa "waalan", taasoo keenta in laga fogaado, loola dhaqmo si xun, lagana takooro bulshada inteeda kale.

Maxaa Keena Ceebeynta Caafimaadka Maskaxda ee Soomaaliya?

Aqoondarro: Dad badan ayaa aaminsan in cudurrada dhimirka ay yihiin jinni, sixir ama ciqaab Eebbe. Taasi waxay keentaa in dadka xanuunsan loo geeyo dadka dhaqanka ama culimo halkii loo geyn lahaa dhakhtar.

Faquuqid Bulsho: Dadka qaba xanuunnada maskaxda looma arko dad u qalma in lala noolaan karo ama ay wax soo kordhin karaan, taasoo ka dhigaysa kuwo lagu faquuqo shaqo, waxbarasho, iyo nolol bulsho.

Cabsi Sumcad-darro: Qofka ama qoyskiisa ayaa ka baqaya in haddii la ogaado xanuunka maskaxda, ay ceeb ku noqoto, taasoo keenta in la qariyo ama la iska indha tiro.

Saamaynta Ceebeyntu Leedahay:

Dadka qaba cudurrada maskaxda ma helaan daryeel caafimaad oo sax ah.

Xaaladooda caafimaad ayaa sii xumaata.

Waxay la kulmaan kalinimo, niyad-jab iyo xadgudubyo kale.

Dhibaatooyinka bulshada sida shaqo la'aanta iyo faqrigu way sii kordhaan.

Sidee Loo Maareyn Karaa Ceebeynta?

Wacyigelin Bulsho: In la bixiyo macluumaad sax ah oo ku saabsan cudurrada maskaxda, si loo jabiyo fahamka qaldan.

Barbaarin Waxbarasho: Waxbarashada caafimaadka dhimirka oo laga bilaabo iskuullada, masaajidda, iyo warbaahinta.

Tusaale Wanaagsan: Qofka xanuunsan oo helay daryeel oo dib ugu soo laabtay bulshada kaas oo noqdo tusaale iftiimiya in xannuunada caafimaadka maskaxda laga bogsan karo

Taageero Bulsho iyo Qoys: Qoyska iyo bulshada oo taageera qofka si uu kalsooni ugu yeesho in uu caawimaad raadsado.

Kobcinta Adeegyada Caafimaadka Maskaxda: Dowladda iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay waa in ay xoojiyaan adeegyada caafimaadka dhimirka si ay dadka u helaan daryeel la heli karo oo tayo leh.

Gabagabo:

Ceebeynta cudurrada dhimirka waa caqabad weyn oo ka hortaagan bulshada Soomaaliyeed inay helaan daryeel caafimaad oo buuxa. Waxa loo baahan yahay isbeddel dhaqameed, aqoon kororsi, iyo taageero joogto ah si loo jebiyo silsiladda sumcadda xun, loogana dhigo caafimaadka dhimirka mid loo arko muhiim sida caafimaadka jirka.

PANIC ATTACK – Waa Maxay & Sidee loo Maareeyaa?Panic attack waa xaalad nafsiyeed oo si lama filaan ah ku bilaabata, iyad...
22/06/2025

PANIC ATTACK – Waa Maxay & Sidee loo Maareeyaa?

Panic attack waa xaalad nafsiyeed oo si lama filaan ah ku bilaabata, iyadoo qofka uu dareemo cabsi aad u xoog badan, walwal aan la xakamayn karin, iyo calaamado jireed sida neef qabatin, wadne garaac xoog leh, gacmo gariiraya, dhidid ama dareen ah inuu dhimanayo ama waalanayo. Inkastoo ay cabsi badan leedahay, panic attack ma aha xaalad halis ah oo keeni karta dhimasho, balse waxay u baahan tahay faham iyo maarayn togan.

Panic attack waxay badanaa ka dhalataa walwal joogto ah, hurdo la’aan, culeysyo nololeed, ama xusuusta dhacdo xanuun badan (trauma). Waxaa sidoo kale kordhiya isticmaalka caffeine, sigaar, ama daal badan. Dhalinyarada Soomaaliyeed oo wajahaya cadaadisyo badan sida shaqo la’aan, tahriib, colaado, iyo amni darro ayaa si gaar ah ugu nugul xaaladdan.

Haddii aad la kulanto panic attack, waxaa jira tallaabooyin fudud oo kaa caawin kara inaad xasisho.

Marka h**e, isku day neefsasho qoto dheer oo tartiib ah: qaado neef muddo 4 ilbiriqsi ah, hayso 4 ilbiriqsi, kadibna si tartiib ah u sii daa muddo 6 ilbiriqsi ah.

Marka xigta, naftaada u sheeg inaad badbaado leedahay — xusuusnow in dareenkan uu yahay kumeel gaar. Isku day inaad diiradda saarto deegaankaaga: magacow 5 waxyaalood oo aad aragto, 4 aad taaban karto, 3 aad maqashid — si maskaxdu ugu laabato waqtiga dhabta ah.

Waxaa kale oo muhiim ah inaad ka fogaato waxyaabaha kor u qaada xasaasiyadda sida caffeine, sigaar, iyo walxaha kiciya jirka.

Haddii ay suuragal tahay, la hadal qof aad ku kalsoon tahay, si uu kuu xasiliyo ama kuu fahmo. Haddii aad si joogto ah u la kulanto panic attacks, waxaa lagugula talinayaa inaad la xiriirto la-taliye nafsiyeed ama dhakhtar cilmi-nafsi si aad u hesho taageero xirfadeed iyo daaweyn habboon.

Panic attack waa xaalad la maareyn karo. Fahamka iyo la talinta caafimaadka maskaxda - counselling waa tallaabada koowaad ee lagu xallin karo.

Caafimaadka Maskaxda Waa Mudnaanta koowaad ee Tixgeli!Xaruntayadu waxay bixisaa  la-talin cilmi-nafsi oo qoto dheer, iyo...
22/05/2025

Caafimaadka Maskaxda Waa Mudnaanta koowaad ee Tixgeli!
Xaruntayadu waxay bixisaa la-talin cilmi-nafsi oo qoto dheer, iyo Wacyigelino ama tababaro laxiriira caafimaadka maskaxda.

Nala Soo Xiriir Ama Nagu Soo Booqo
Goobta: Wadada weyn, agagaarka Jaamacadda Bariga Africa, kasoo horjeedka Horn Petroleum

WhatsApp: +252 905 384 815

11/05/2025

Qaybtii 3aad.

Qaybtii 2aad.
10/05/2025

Qaybtii 2aad.

09/05/2025
Fekerka Xad- dhaafka ah  iyo Dhibaatadiisa Fikirka xad-dhaafka ah " overthinking"  waa xaalad uu qofku si joogto ah ugu ...
05/05/2025

Fekerka Xad- dhaafka ah iyo Dhibaatadiisa

Fikirka xad-dhaafka ah " overthinking" waa xaalad uu qofku si joogto ah ugu celceliyo ama ugu dheeraado fikirka arrin gaar ah, taasoo mararka qaar keenta in uu dareemo culays nafsiyeed iyo jahwareer. Qofka "overthinking" sameeya waxa uu si aan kala joogsi lahayn ugu fikiraa wax dhacay, wax dhici doona, ama go'aan uu gaarayo—taasoo inta badan keenta welwel, niyad-jab iyo daal maskaxeed.

Dhibaatada fekerka xadhaafka ah:

Waxay sababtaa walaac joogto ah iyo niyad-jab.

Waxay adkaysaa go’aan qaadashada, qofkuna wuu ku wareeraa.

Waxay hoos u dhigtaa wax soo saarka, sababtoo ah waqtigii iyo tamartii fikirka ku baxay.

Waxay dhaawacdaa hurdo iyo caafimaadka guud ee jirka.

Waxay sidoo kale dhaawici kartaa xiriirada bulshada, qofkuna wuxuu ku noolaadaa shaki iyo kalsooni darro.

Sida Loo Maareeyo Fekerka Xad-dfhaafka ah:

Ka warqab maskaxdaada (mindfulness): Baro inaad naftaada la socoto si aad uga hortagto fikirka aan faa’iidada lahayn.

Qor fikirkaaga: Wax ka qorida walwalkaaga waxay kaa caawin kartaa inaad kala saarto muhiim iyo aan muhiim ahayn.

Nafta u samee jadwal go’aan qaadasho: Ha ku dheeraan arrin kaliya; go’aan qaado marka xogta lagama maarmaanka ah aad haysato.

Ka fogaaw keligaa fikirka dheer: La hadal qof lagu kalsoon yahay si aad u hesho aragti kale.

Jimicsi samee: Dhaqdhaqaaq jirka wuxuu dejiyaa maskaxda wuxuuna yareeyaa fikirka xad-dhaafka ah.

Ugu dambayn, fekerka xad-dhaafka ah waa dhibaato aan si sahlan loo dareemin balse si weyn u saameysa caafimaadka dhimirka. Fahamka iyo maarayntiisa waxay horseedaan nolol maskaxeed oo deggan, isla markaana wanaajisa tayada nolosha.

Part3Sida Loo Maareeyo Isku-buuqa(stress)Waxaa jira siyaabo badan oo lagu yareeyo ama lagu xakameeyo isku-buuqaJimicsi: ...
15/04/2025

Part3
Sida Loo Maareeyo Isku-buuqa(stress)

Waxaa jira siyaabo badan oo lagu yareeyo ama lagu xakameeyo isku-buuqa

Jimicsi: Socodka, orodka, ama ciyaaraha waxay si fiican u dajiyaan maskaxda.
Niyad dhisid: Inaad la hadasho qoyska ama saaxiib, ama inaad la xiriirto qof lataliye ah.
Nasasho iyo firaaqo: Hel waqti aad ku nasato ama ku qabato waxyaalaha aad jeceshahay.
Nidaam nololeed wanaagsan: Hurdo kugu filan, cunto caafimaad leh, iyo cabbitaan biyo badan.
Ducada iyo cibaadada: tasbiixda ,salada iyo aqrinta Quraanka waxaa laga helaa deganaansho.

Stress part2Calaamadaha Isku-buuqaIsku-buuqa wuxuu leeyahay calaamado kala duwan, kuwaas oo u kala baxaDhinaca jirka: ma...
15/04/2025

Stress part2

Calaamadaha Isku-buuqa

Isku-buuqa wuxuu leeyahay calaamado kala duwan, kuwaas oo u kala baxa
Dhinaca jirka: madax xanuun, daal, hurdo la'aan, calool xanuun, garaaca wadnaha oo kordha.
Dhinaca maskaxda: walbahaar, niyad jab, xanaaq, wareer, feejignaan xad dhaaf ah.
Dhinaca dhaqanka: cunto la'aan ama cunto xad dhaaf ah, cabitaan badan (kafeega, sigaarka, iwm), ka fogaansho bulsho.

Sababaha Keena Isku-buuqa

Waxyaabaha keeni kara isku-buuqa waa badan yihiin, waxaana ka mid ah:
Shaqo badan ama cadaadis ka yimaada goobta shaqada
Xaalado dhaqaale xumo ama dayn
Murugo ama dhimasho qof qaraabo ah,
Isbeddello nolosha ah sida guur, furriin, ama guuritaanka
Filashooyin aan dhab noqan ama culeyska bulshada

Saamaynta Isku-buuqa(Stress)

Haddii aan la xakameyn, isku-buuqu wuxuu keeni karaa dhibaatooyin caafimaad, sida:
Cudurrada wadnaha
Cadaadiska dhiigga oo kaco
Niyad-jab ama welwel joogto ah
Dhiig karka iyo sonkorowga
Hoos u dhaca awoodda xusuusta iyo go’aan qaadashada.

Address

Garowe

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252905384815

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Primesom Counselling Services posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Primesom Counselling Services:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram