01/05/2026
Prime Som ayaa ka qayb-gashay munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Shaqada iyo arimaha bulshada, iyadoo diiradda la saaray ilaalinta xuquuqda shaqaalaha. Waxaa la xusay in shaqaaluhu xaq u leeyahay heshiis cad, mushahar joogto ah, badbaado shaqo, horumar xirfadeed, iyo fasaxyo sharciyeysan.
Sidoo kale, waxaa la adkeeyay muhiimadda badqabka maskaxda iyo abuurista jawi shaqo oo caafimaad qaba. Dhanka kale, shaqaaluhu wuxuu leeyahay waajibaadyo uu gudanayo, halka madaxda hay’aduhuna ay mas’uul ka yihiin ilaalinta xuquuqahaas.
Ugu dambeyn, waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.