30/09/2023
๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐ฎ ๐๐ฒ๐ฒ๐ป๐ฎ ๐๐ต๐ถ๐ถ๐ด๐ด๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ข๐ผ ๐ฆ๐ถ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ป ๐จ ๐ค๐๐น๐พ๐๐น๐ฎ (๐ ๐ฒ๐ป๐ผ๐ฟ๐ฟ๐ต๐ฎ๐ด๐ถ๐ฎ)?
Kadib xiliga qaangaarka gabar walba waxaa ay lakulantaa dhiiga caadada celcelis ahaan 21-35 beri-ba mar, waana xaalad caadi ah. Habab badan ayay soo martaa caadadu waxaana ka mid ah in maskaxda laga soo daayo hormoono si ay umaamulaan hormoono kale oo laga soo daayo ovary-ga minka ee haweenka.
Ugxamaha lagasoo daayo ovary-ga hadii ay waayaan shahwada ragga mudo 24saac kusiman waxaa baaโbaya ugxanta taasoo keenta in minkii loo diyaariyey bacrimintu ay ku dhacdo hungo uuna joojiyo nafaqadii uu ku wada darbiga minka taaso keenta in dhiig iyo xinjiro ay isku aragto gabadhu 3-7 beri. Dhiigaas waxaa lagu qiyaasaa 35mililitir.
Menorrhagia waa markii uu dhiigu caadadu aad uga sareeyo cadadkiisa caadiga ah, waxaana laga dareemi karaa tampon-ka ay gabadhu xirantahay, taaso keeni karta inay iska badasho saacadii ama labadii saacadood hal tampon.
Sidoo kale waxaa macquul ah in habeenkii ay kakacdo hurdada iskana badasho tampon, in xinjiro badani la socdaan dhiiga, iyo in dhiiga caadadu uu qaato watqi kabadan intii horey loogu yaqiiney.
Badnaanta dhiigani waxay keenaysaa calaamado cusub oo gabadha kusoo baxa sida daal, dhiigyari (anemia), nafaqo daro, neefsashado oo yaraata, walwal kuyimaada xiliyada caadada iyo in ay saamayn ku yeelato shaqadeeda maalinlaha ah.
๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฏ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ถ๐ป ๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐ ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐๐ผ?
isu dheelitirnaanta hormoonada kala duwan ee ku shaqada leh inay ugxanta u diyaariyaan bacrimin ayaa la ogaaday inay tahay sababta ugu weyn ee ku lug leh marxaladan, gabdhaha daโda yar iyo dumarka caadagowska ku dhaw ayaa ugu badan isu dheelitirnaan laโaanta hormoonada ee keenta menorrhagia.
Burooyinka aan kaankarada ahayn ee kasoo baxa minka, uurka aan ku talaalmin gudaha minka, infekshinka ku dhaca minka, kaankarada ku dhacda minka, iyo dawooyinka qaarkood ayaa iguna ah sababo kale oo marxaladaan ku imaan karto.
๐ฆ๐ถ๐ฑ๐ฒ๐ฒ ๐น๐ผ๐ผ ๐ฑ๐ฎ๐๐ฒ๐ฒ๐๐ฎ๐ฎ?
maahan wax adag in la daweeyo marxaladaan, daaweyntiisuna waxay ku xirantahay hadba waxa sababa oo meesha laga saaro, tusaale hadii ay sababtu tahay buro kasoo baxday minka waxaa lagu daweynkaraa qaab qaliin ah, hadii ay tahay infekshin waxaa lagu daweyn karaa qaab daawo ah, waxaana lagama maarmaan ah inaad booqato dhakhtar hadaad isku aragto calamadaha menorrhagia
๐ง๐ฎ๐น๐ผ
marxaladaan waxay keeni kartaa dhiigyari, waxaa muhiim ah inaad is nafaqayso. Ceeb maahan inaad waxii dhib ah aad la qaysabto dhakhtarka, walwalka iyo baqdinta badani waxay keenaan xanuuno kale ee haka xishoon inaad la wadaagto dhakhtarka waxii cilada oo jira.
Akhriste ugu yaraan hadaad akhrisatay qormdan caafimaad fadlan saar si ay walaalaha kale ee boggan ku xiran usii gaarto, haddi aad sii garaysid-na kaba sii fiican oo walaalaha iyo saaxiibadaada ayaa waxaad faa'iiday lasii wadaagtay, anigana dhiirigelin bay ii tahay mahadsanidiin
Daryeel Magazine