Dr Abdikabiir

Dr Abdikabiir . Dr timojilic

TALO DHAKHTAR Xumada iyo CaruurtaXumadu waa xaalad la soo darista caruurta inta badan. Wana calamad sheegaysa in jidhku ...
12/05/2024

TALO DHAKHTAR
Xumada iyo Caruurta
Xumadu waa xaalad la soo darista caruurta inta badan. Wana calamad sheegaysa in jidhku ku jiro difaac. Xalado badan oo kala duwan ayaa keena xumada caruurta waxana kamid ah:
- Durayga
- Qanjo xanuunka
- Infakshan dhiga ah
- Infakshan kaadida ah
- Bakteriya calooled ku keenta shuban
Mararka qaar xalado aan xanuun ahayn ayaa keeni kara Sida in ilamaha dhar badan loo xidho gaar ahan caruurta aadka u yar yar.
Hadii aad ilmahaga ka darento xumad waxa muhim ah in aad cabirto oo aad kala saarto in uu jidhku iska kulul yahay iyo in ay xumad dhab ahi jirto.
Xumad waxa la odhan karaa marka cabirka xumadu ka bato, 37 c.
Hadii aad ragto ilamahaga oo xumad leh:
- dharka ka khafiifi
- Qolku mid qabaw oo dagan ha noqdo
- Sii biyo iyo sharaab si aanu u fuuq biqin
- Hadii aad haysto dawoyinka xumad jabiyaha sida barasitamol iyo ibu barofiin( paracetamol and ibuprofin) sii ilmaha adiga oo egaya xadiga uu jidhkisu u bahan yahay.
Goorma ayad dhakhtarka gaynaysaa ilmahaga.
- hadii uu xamad leeyahay, anu waxba afka ka qadanayn
- Hadii uu taahayo ama qaylinayo
- Hadii uu shuban leeyahay
- Hadii aad dareento in qoortu adag tahay. (Neck stiffness). Waxa mid kamid ah calamadaha lagu garto xanunka qoorgooyaha( Meningitis).
- Hadii dhaguhu dilaacsan yihin oo qoyaan ka socdo dhagaha.
Ugu dambayn ha dhayalsan ilmahagu hadii uu yeesho xumad.

Dadka shakiga badan waa dad qaba xaalad nafsi ah oo u baahan la tacaalid, waxay ka shakiyaan qofkasta dadka xitaa arxank...
11/05/2024

Dadka shakiga badan waa dad qaba xaalad nafsi ah oo u baahan la tacaalid, waxay ka shakiyaan qofkasta dadka xitaa arxanka u ah waxay u haystaan dadka dhan inay dhibaateenaya.
Ma jecla xiriirada bulshada qol ayey isku soo xiraan waxay ka fakaraan fikardo khaldan oo dhibaato u keeni kara waxay ka go'aan ehel iyo asxaabba.
Haddaba haddii aad la nooshahay qof ceynkaas la soco xaaladihiisa horey dhakhtar ugala xiriirsii.

FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO QARAHA ama XABXABKA.xabxabka ama qaruhu wuxu kamid yahay cuntooyinka ay dadku ugu ...
09/05/2024

FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO QARAHA ama XABXABKA.

xabxabka ama qaruhu wuxu kamid yahay cuntooyinka ay dadku ugu jecel yihiin inay cunaan, marka lagasoo tago dhadhankiisa macaan wuxuu qani ku yahay nafaqooyin badan kuwaasi oo si weyn ugu fiican caafimadka.

Sidoo kale qaruhu wuxuu qani ku yahay oo laga helaa carbohydrates, protoein, fiber, vitamin C, A iyo B. sidoo kale waxa ku jira macdanaha ay kamid yihiin potassium, iron, calcium, magnesium, phosphorus, iyo sidoo kale sonkoro dabiiciya.

1: Wuxuu xakameeya cadaadiska dhiigga waayo wuxuu kor u qaadaa caafimaadka xididada iyo socodka dhiiga, wuxuna maamulaa macdanta iyo aashatada jirka, miisaankana hoos buu u dhigaa, hadaad dhiig kar qabtid maalin walba galaas ka cab biyihiisa yacni isagoo cabitaan/sharaab ah.

2: Waxaa ku jirta maadoyin la yiraahdo citrulline iyo arginine oo hoos u dhiga dufanka aan caafimaadka u fiicnayn ee (LDL).

3: Wuxuu jirka siiyaa Qoyaanka uu u baahanyahay oo isugu jira biyo iyo macdan sida macdanta kala ah, calcium, magnesium, potassium iyo sodium, wuxuuna aad u anfacayaa dadka meelaha kulul jooga.

4: Wuxuu ka qayb qaataa caafimaadka indhaha iyo aragooda waayo waxaa ku jira maadooyinka kala ah, Beta-Carotene, Vitamin A, lycopene, vitaminC, lutein iyo zeaxanthin, oo dhamaantood ka qayb qaata aragtida iyo caafimaadka indhaha.

5: Wuxuu kor u qaadaa caafimaadka kalyaha, asagoo jirka kaadi ahaan uga saaraya maadooyinka sunta ah sidaas awgeed dadka kaadidoodu yartahay inay joogteeyaan Qaraha biyihiisa ayaa fiican.

6: Wuxuu dajiyaa qofka xaaladiisa maskaxeed ay kacsantahay waayo waxaa ku jira Vitamin B6 oo nidaamiya neerfayaasha shaqadooda, iyo VitaminC oo jirka ka saara maadooyinka sunta ah (free radicals).

7: Wuxuu isku dheelli tiraa Hormoonada oo muhiim u ah shaqooyinka jirkeena.

Akhriste ugu yaraan hadaad akhrisatay qormdan caafimaad fadlan saar

08/05/2024

๐— ๐—จ๐—ฅ๐—ค๐—” ๐—ซ๐—”๐—ก๐—จ๐—จ๐—ก๐—ž๐—” (๐˜…๐—ผ๐—ด ๐—บ๐˜‚๐—ต๐—ถ๐—บ ๐—ฎ๐—ต)

Murqa xanuunka waxa badana lagu arka bulshada inteeda badan tusala ahaan ( 60 ila 85 %) dadka qan garay waxay isku arkan murqa xanuunka

Murqo-xanuunku badanaa waxaa keena kacsanaanta qofka, ,murqaha oo aad loo adeegsado ama jug ka soo gaartay jimicsi ama shaqo culus.
xaaladahaasi xanuunku wuxuu ku dhacaaa murqaha kaliya ay culeeska la saaray ama dhaawaca soo gaaray wuxuuna bilawdaa isla markii dhibku dhaco ama jimicsigu ama hawshu dhamaato.

Murqa xanunku sidaa si lamida wuxu ku inaan karaa xanuuna kale oo ah cudura guud oo jirka bani aadam ka ku dhaca sida SLE da oo kale

Murqa xanunka hadii aan la iskala tacaalin wuxuu sababi karaa in u ku gaarsiyo heer aad wax qabsan waydo ama aad socod kaba gabto

๐Œ๐€๐—๐€๐€ ๐Š๐„๐„๐๐€ ๐Œ๐”๐‘๐๐€ ๐—๐€๐๐”๐”๐๐Š๐€:

โ€ขShaqa culus oo aad qabato
โ€ขExcercise ama aalamito kugu cusub
โ€ขJug ka soo gaarta muruqa
โ€ขDilaac gaara xili aad kubad cayaarayso

โ€ขCudurada guud sida SLE iyo rhomatoid arthritis oo ayagana wata murqa xanuun
โ€ขInfection nada dhiiga raaca
โ€ขDaaawo aad qadanaysay oo side effect ahaan u wax yeleysa murqaha
โ€ขCudurka dhiig karka ( cloudication )


๐‚๐€๐‹๐€๐€๐Œ๐€๐ƒ๐€๐‡๐€ ๐‹๐€๐†๐” ๐†๐€๐‘๐“๐Ž:

โ€ขDanqasho
โ€ขBarar murqaha ah
โ€ขMurqaha oo gaduuta
โ€ขQandha kaa fuusha muruqa

๐†๐Ž๐Ž๐‘๐Œ๐„๐„ ๐” ๐๐€๐€๐‡๐€๐ ๐“๐€๐‡๐€๐˜ ๐ˆ๐๐€๐€๐ƒ ๐ƒ๐‡๐€๐๐“๐€๐‘ ๐‹๐€ ๐—๐€๐‘๐ˆ๐ˆ๐‘๐“๐Ž :

*Murqo-xanuunku sii jiro in ka badan 3 maalin
*Xanuunku uu noqdo mid aadan u adkaysan karin
*Aad isku aragto calaamad caabuq sida barar, gaduudasho iyo xanuun haddii murqaha la taabto ah
* Aad ku aragto murqaha dushooda finiinic/faruuruc.

07/05/2024

TAXANAHA CAAFIMAADKA
1. Cun Babaay hadii aad ku xanuunsanayso dhiiga caadada. Babaaygu wuxuu yareeya xanuunada yimaada xilliga fasaxa
2. Ku dadaal nuujinta caruurta. Caruuurta aan helin nuujinta saxda ah waxaa yaraada difaaca jirkooda xasaasiyaduna way ku badan tahay
3. Cun tufaaxa isbuucii mar, labo ama saddex. Tufaaxu wuxuu kilyaha ka ilaaliyaa in ay dhagaxaan ku samaysmaan
4. Si joogta ah u isticmaal daangada, saloolka ama qaloonka sidaa u taqaan. Daangada waxay jilcisaa saxarada lafahana way adkaysaa
5. Soco hadii aad tahay hooyo uur leh. Socodku wuxuu ka hortagaa sokorta iyo dhiiga kaca xilliga uurka, fooshana way fududaataa
6. Ha siin caruurta wax biyo ah maqribka kadib hadii ay isku kaadiyaan. Cabista biyaha maqribkii ka dib waxay soo dadajisaa kaadida

Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Abdikabiir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Abdikabiir:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram