Guuled pharmacy

  • Home
  • Guuled pharmacy

Guuled pharmacy health

Alle caafimada haku siiyo
24/11/2021

Alle caafimada haku siiyo

Soo dhawaada 1 katalin caafimaadka2 daawo tayo leh 3 daawayn iyo khibrad
07/12/2020

Soo dhawaada
1 katalin caafimaadka
2 daawo tayo leh
3 daawayn iyo khibrad

07/12/2020
Qudaartu waa daawo qofkasta oo rabah caafimaada ha cuno
07/06/2020

Qudaartu waa daawo qofkasta oo rabah caafimaada ha cuno

Alle swt ayaan ka baryeynaah inaad caafimaaddid anah waan kula dalaalin  mudane and marwo  inogu imow dawo tayo leh
27/12/2019

Alle swt ayaan ka baryeynaah inaad caafimaaddid anah waan kula dalaalin mudane and marwo inogu imow dawo tayo leh

Farxadu ma ahan inaad lacag haysatidid  ama  laandherah la sheego tahaye Ee waa  cibaadada  alle iyo caafimaad
20/09/2019

Farxadu ma ahan inaad lacag haysatidid ama laandherah la sheego tahaye
Ee waa cibaadada alle iyo caafimaad

Ramadanka lama ogala
11/05/2019

Ramadanka lama ogala

Ramadan
03/05/2019

Ramadan

29/04/2019

Waamaxay Qanjidhka Prostaytka?

Prostate ku waa qanjir uu ragga oo kaliya leeyahay. Wuxuu qiyaastii xajmigiisu le'eg yahay looska wuxuuna ku fadhiyaa xagga hoosa ee kaadi heysta oo ku wareegsan ibta (urethra). Prostate ku wuxuu sameeyaa dheecaan caanno oo kale ah, taas oo qayb kamid ahi noqoto shahwada waxayna quudisaa biyaha ninka.
marka uu raggu gaboobo qanjirka prostate ka ayaa weynaada. Tani waxay dhacdaa sanooyin badan ragga qaarkiisna waxay ku sababi kartaa dhibaatooyinka kaadi heysta.
Kontoroolka xun ee kaadi heysta wuxuu sidoo kale dhici karaa arimo caafimaad oo kale awgood. Ragga leh kontoroolka xun ee kaadi heysta waxay noqon karaan kuwa kaxumaada oo uu yaxyax geliyo dhibkaani. Haddii aad qabto isbedelo ku yimaada kontoroolka kaadi heystaada ama aad saluugsan tahay wax ku saabsan qanjirka prostate kqla la xariir dhakhtarkaaga ama la talliyahaaga Caafimaadka.

WAA MAXAY QAAR KA MID AH DHIBAATOOYINKA CAAMKA AH EE PROSTATE KA?

1- Prostatitis ku waa barrarka iyo xannuunka qanjirka prostate ka waxaana laga yaabaa inuu yahay sababtoo ah infekshinka kaadi heysta.
Aad ayuuna ugu badan yahay ragga dhalinta yar.
2- Prostatic Hyperplasia aan dhib lahayn (BPH) waa marka prostate ku uu si tartiib ah u balaarto, badanaa bilowga da'da dhexe. Qiyaastii hal afartii nin waxay u baahan doonaan qaliin loogu talagalay dhibkaan.
3- Kansarka Prostate ka waxaa badanaa la helaa ka hor intaadan helin wax calaamado digniin ah. Waxaa laga yaabaa inuu dhakhtarkaagu ku helo baaritaanka dhiiga (ee loogu yeero PSA) oo uu jeegareeyo prostate kaaga. Waa kansarka ugu caamsan ee ragga, waxaana laga yaabaa inuu kugu dhaco markaad sii weynaataba. Si kastaba ha ahaatee waa mid ka mid ah kansarada la daaweeyo.

SIDEE BAAN KU OGAANAYAA INAAN QABO DHIBAATADA PROSTATE KA?

Haddii aad qabto mid ama wax ka badan oo arimahaan ah, waxaa laga yaabaa inaad qabto dhibaatada prostate ka:
-Dhibaato inaad ku qabto bilaabida kaadida;
-Socodka kaadida oo gaabinaya mar haddii aad bilowdo;
-U baahnaanta inaad kaadido marar badan maalintii ama habeenkii;
-Ka daadashada kaadida kadib markaad kaadido, ama inta u dhaxeysa wakhtiyadaad musqusha tagto;
-U baahnida inaad mar labaad kaadido isla markiiba markaad musqusha ka soo baxday;
-Dareemida rabitaan aad ah oo ah inaad kaadiso;
-Gubashada ama xannuunka markaad kaadinayso;
-Kaadida oo dhiig ku jiro; iyo
-Dareemida inaan kaadi heystu aysan si buuxda u fuuruqin kadib markaad musqusha tagto.
-Dhibaatooyinkan qaarkood waxaa laga yaabaa inaysan noqon prostate ka awgii.
Tusaale: daawooyinka qaarkood ayaa laga yaabaa inay sababaan in kaadi heystu keydiso kaadi.
Dhakhtarkaaga ama la talliyaha ceshadka kaadida ayaa kaa caawin kara inaad hesho waxa sababaya dhibkaaga.

SIDEE BUU U SABABI KARAA DHIBAATOOYINKAYGA KAADIHEYSTU PROSTATE KAYGU?

Daboolida urethra (tuunbada kaadida):Isla marka prostate ku uu balaartaba, waxaa laga yaabaa inuu xiro kaadiheysta oo uu ka joojiyo kaadi heysta inay faaruqdo. Xaaladaha qaarkood, kaadida waxaa laga yaabaa in la keydiyo ilaa ay bilowdo inay daadato. Haddii tani dhacdo, isla markiiba dhakhtar Utag.
Kaadi heysta firfircoonida saa'iidka leh waxaa sababi kara kaadiheysta oo si xad dhaaf ah u shaqeysa si ay u dhaafto meel xiran. Kaadiheysta firfircoonida saa'iidka leh way isdhuujin kartaa kontoroolkaaga la'aantiis, iyadoo sababeysa baahi degdeg ah oo ah inaad kaadido. Qaliinka ka dib si loo debciyo meeshaan xiran waxaa laga yaabaa inaad weli leedahay rabitaan degdeg ah si aad u kaadido, waxaana laga yaabaa inay sii xumaato dhawr toddobaad ka dib, ilaa ay kaadi heystu caadi ku noqoto.
Qaliinka dhibaatooyinka prostate waxay wax yeeli karaan muruqyada iyo neerfayaasha dusha kaadiheysta xaallado yar gudahood. Tani waxay sababi kartaa kontoroolka xun ee kaadiheysta. Haddii ay dhacdo had iyo jeer waa wax wakhti gaaban qaata, inkastoo qaliinka weyn ee kansarka prostate ka uu keeni karo dhibaatooyinka kontoroolka kaadida oo wakhti dheer qaata.

SIDEE BAA LOO DAAWEYN KARAA KAADIHEYSTA KONTOROOLKA XUN?

Marka koowaad, dhakhtarkaaga ama la taliyaha ceshadka kaadida ayaa dooni doona inuu raadiyo waxyaalaha sababay kontoroolka xun ee kaadiheysta, sida cudurka prostate, infekshinka, sonkorta ama waxoogaa daawooyin ah.
Waxaa jira siyaalo yar oo kaadiheysta kontoroolka xun cudurka prostate ka awgiis waa la daaweyn karaa.
1. Dhakhtarkaaga ka jeegaree
Ka dib markaad la hadashay dhakhtarkaaga, waxaa laga yaabaa inaad dareento inaadan u baahneyn wax daaweyn ah. Kontoroolka xun ee kaadiheysta wuxuu ku fiicnaan karaa wakhti ka dib, ama isbedelo sahlan oo lagu sameeyey caadda maalmeedkaaga ee hawlahaaga nololeed.
2. Daawooyinka
Waxaa jira tiro daawooyin ah oo kaa caawin kara kontoroolka kaadiheysta. Weydii dhakhtarkaaga wax kuwan ku saabsan.
3. Qaliinka Prostate
Haddii prostate kaagu uu dhibka yahay, ka dib qaliin ayaa kaa goyn kara dhammaan ama qaybta qanjirka.
Nooca qaliinku wuxuu ku xirnaan doonaa xajmiga qanjirka prostate ka.
4. Tababarka Kaadiheysta
Barnaamijka tababarka kaadiheysta wuxuu caawin karaa kaadiheysta inuu hayo kaadi badan isagoon daadin ama dareen degdeg ah la iman, xitaa kuwa leh kaadiheysta firfircoonida badan.
5. Tababarka Muruqa Sagxada Miskaha
Tababarka muruqa sagxada miskuhu wuxuu dhisayaa muruqyada kontoroola sida u wanaagsan ee ay u shaqeyso kaadiheysta iyo caloosha. Baro sidii aad u tababari lahayd muruqyadaada ka hor qaliinka una bilow sida ugu dhakhsaha badan qaliinka ka dib.
6. Alaabta ceshadka Kaadida
Waxaa jira alaab badan oo kala duwan ee ceshadka kaadiheysta si ay kaaga caawiso la qabsiga daadashada kaadida.
Hubi inaad in ku filan taqaano wax ku saabsan waxa dhibku yahay, iyo daawooyinka la heli karo , sida ugu wanaagsan ee ay u shaqeeyaan iyo waxa khaldami kara, si aad u doorato daaweynta kuugu fiican iyadoo dhakhtarkaagu ku caawinayo.

Dhibaatada kontoroolka kaadiheysta ama caloosha - waxba ma leh inta yaraanteedu tahay ? waxay u baahan tahay taxadar in la siiyo.

Waad iwaydiin kartaan waxi suaalo ah
Hal mar ayaan kasoo wada jawaabi doonaa dhamaan suaalahiina . Isla halkaan ayaana idin kula wadaagi doonaa dhamaan jawaabahiina insha allah . Mahadsanidiin

Lawadaaga asxaabtiina oo usii Share gareeya.

Iska ilaahi paracetamol ku qorantahay p-500mg Dadka cilmiga caafimadka ka shaqeeyah waxay sheegan inuu ku jiroh virus  l...
25/04/2019

Iska ilaahi paracetamol ku qorantahay p-500mg
Dadka cilmiga caafimadka ka shaqeeyah waxay sheegan inuu ku jiroh virus lagu macaaboh machup

Address

Un

Telephone

+252907277572

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guuled pharmacy posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Guuled pharmacy:

  • Want your practice to be the top-listed Clinic?

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram