17/06/2025
📢 WACYIGELIN TAXANE AH OO KA SOCDA HAGOOG HIGHER CLINIC
“Kala Soco Hagoog Higher Clinic – Barnaamijyo Wacyigelin oo Taxane ah!”
Waxaan bilaabaynaa barnaamijyo wacyigelin ah oo isdaba joog ah oo loogu talagalay in lagu kordhiyo fahamka bulshada ee la xiriira caafimaadka dhimirka iyo halista daroogada.
📍 Qaybta Koowaad: Maandooriyaha Xashiishadda
WACYI GSLIN TA MAANDOORIYAHA
WAA BARNAAMIJ TAXANE AH OO AANU UGU TALO GALNYAY INAANU BULSHADA UGA WACYI GALINO
Xashiishadda (sidoo kale loo yaqaan ma*****na) waa maandooriyaha afraad ee ugu isticmaalka badan caalamka, ka dib khamriga, kafeyga, iyo tubaakada (nikotiinka)
Astaamaha maskaxda beddela ee xashiishadda waxaa ugu weyn mid ka mid ah walxaha cannabinoid-ka ah oo la yiraahdo delta-9-tetrahydrocannabinol (THC); heerka THC-ga ayaa si joogto ah loo cabbiro si loo ogaado in ta jirka ku jirta. Xashiishadda waxaa loo isticmaali karaa sigaara (smoking), la uumiyo (va**ng), la duubayo (dabbing), la cunayo (edibles, cabitaanno, ama daawooyin dareere ah), ama la mariyo maqaarka sida kareem.
Isticmaal xashiishad awood badan(potency) ayaa si weyn u korodhay caalamka labadii sano ee la soo dhaafay, taasoo laga yaabo inay qayb ka tahay kororka dhibaatada la xiriirta isticmaalka xashiishadda.
Xaaladda sharciyeed ee isticmaalka xashiishadda, ha noqoto ujeeddo caafimaad ama madadaalo, way kala duwan tahay waddmada marka loo eego. Cudurka la xiriira isticmaalka xashiishadda (Cannabis Use Disorder) wuxuu ku dhacaa qiyaastii 10% dadka si joogto ah u isticmaala, wuxuuna gaari karaa illaa 50% dadka maalin walba isticmaala. Waxa uu la xidhiidhi karaa hoos u dhac xagga garashada (cognitive impairment), waxqabad xumo xagga waxbarashada ama shaqada, iyo cudurro la socda caafimaadka dhimirka sida walbahaarka, niyad-jabka, iyo suurtagalnimada waalli (psychosis).
1.CALAAMADAHA LAGU GARTO DHIBAATOOYINKA KA DHASHA ISTICMAALKA XASHIISHADA
A.DHIBAATOOYINKA KA DHASHA ISTICMAALKA XASHIISHADDA (CANNABIS USE DISORDER) waxaa lagu gartaa isticmaal joogto ah oo sababa dhibaato caafimaad, shaqo, bulsho, ama nafsiyadeed oo muhiim ah, iyadoo ugu yaraan laba astaamood ay dhacaan muddo 12 bilood gudahood. Astaanta ugu weyn waa luminta awoodda lagu xakameeyo isticmaalka, in kastoo uu qofku ogyahay cawaaqibka xun ee ka dhalan kara. Dhibaatooyinka waxaa lagu kala saaraa: mid fudud, dhexdhexaad, iyo mid daran, iyadoo lagu salaynayo tirada astaamaha la arkay.
B.WAXYELADA DEGDEGGA AH EE XASHIISHADDA (ACUTE INTOXICATION)
Saameynta caafimaad ee degdegga ah waxay ku xirnaan kartaa heerka THC (delta-9-tetrahydrocannabinol) ee jirka ku jira. Calaamadaha jireed waxaa ka mid ah wadne garaac degdeg ah (tachycardia), isbedel dhiig karka ah, indhaha oo casaada (red eye), af engegan, hadal gaabis ah ama micne la’aan ah, iyo kacsanaan jidheed oo u socoda sidii inuu dhacdhacayo
Saameynta nafsi ahaaneed ee ugu badan waa farxad xad dhaaf ah (euphoria) iyo nasasho. Waxa kale oo caadi ah: hurdo badan iyo rabitaan cunto oo kordha (“munchies”). Xashiishadda waxay si degdeg ah u dhaawacdaa shaqada maskaxda, gaar ahaan: feejignaanta, xasuusta dhacdooyinka, iyo barashada xiriirka leh (associative learning).
Dhibaatooyin kale oo laga yaabo inay dhacaan waxaa ka mid ah: niyadjab, walwal (panic attacks), khaladaad aragtiyeed, iyo fikir xumo (sida shaki xad dhaaf ah ama waalli dhab ah).
C.BUKAANADA XASHISHADA ISTICMAALA WAXYAABAHA KU DADJIYA INAY CISBTIALKA AADAN WAXAA KA MID AH:
Dhibaatooyinka maskaxda: walwal degdeg ah, xanaaq, ama waalli.
Dhibaatooyinka wadnaha: xanuun laabta ah, garaaca wadnaha oo degdeg ah.
Lalabo iyo matag: badanaa sabab u ah cudurka cannabinoid hyperemesis syndrome .
D.HANNAANKA LOO ISTICMAALO (PATTERNS OF USE)
In kasta oo hababka isticmaalka xashiishadda ay kala duwan yihiin, dadka badankooda ee la kulma dhibaatooyinkeeda waxay horumariyaan cudurka kadib sanado badan oo isticmaal joogto ah, gaar ahaan kuwa isticmaala usbuuciiba mar ama ka badan.
Isticmaalka soo noqnoqda iyo isticmaalka walxo THC badan leh waxay kordhiyaan khatarta. Xitaa dadka u isticmaala ujeedo caafimaad ayaa la kulmi kara cudurka, inkasta oo khatarta ay ka yar tahay dadka u isticmaala madadaalo.
E.CALAAMADAHA JOOGTADA AH (PERSISTENT SYMPTOMS)
Dhibaatooyinka maskaxda iyo garaadka (Neurocognitive symptoms):
Caddeymo is khilaafsan ayaa laga helay xiriirka u dhexeeya isticmaalka joogtada ah iyo hoos u dhaca garaadka. Inta badan daraasadaha waxay muujinayaan in ay jirto hoos u dhac yar oo la xiriira qaddarka la isticmaalayo. Cilladda maskaxda badanaa way iska baxdaa kadib marka la joojiyo isticmalka xashiishada muddo 3 maalmood ilaa hal bil.
Dhibaatooyinka niyadda iyo walbahaarka (Mood and anxiety symptoms):
Isticmaalka xashiishadda wuxuu sababi karaa isbeddello niyadeed oo joogto ah sida kuwa lagu arko cudurrada niyadjabka (persistent depressive disorder, major depressive disorder). Waxa kale oo uu kobcin karaa calaamadaha xanuunka bipolar disorder [laba wajiilaha].
Inkasta oo intoxication degdeg ah uu sababi karo walwal ku-meelgaar ah, cilmi-baarisyo badan ma caddayn karaan xiriir toos ah oo u dhexeeya cudurka xashiishadda iyo cudurrada walbahaarka ama kuwa la xiriira dhaawacyada nafsadeed.
Nolosha bulsho iyo shaqo (Psychosocial functioning):
Dhibaatooyinka ugu badan waxaa ka mid ah: hoos u dhaca waxbarasho ama shaqo, ka tegista hawlihii bulsho ee h**e loo jeclaa, iyo dhibaatooyin xiriir la leh dadka kale oo sii noqnoqda.
Astaamaha waallida (Psychotic symptoms):
Waxaa jira caddeymo xooggan oo muujinaya in isticmaalka joogtada ah ee xashiishadda, gaar ahaan da’da dhallinyarada, uu kordhiyo halista waalli (psychosis) schizophrenia.