
19/04/2025
Maalintii Arbacada ahayd 16-03-2025, waxaa si rasmi ah loogu qabtay HALL ka shirarka ee cusbitaalka qaaxada magaalada Hargeisa xilwareejin muhiim ah oo dhexmartay Maxamed Maxamuud Nuur, oo ahaa admin and finance officer kii h**e, iyo Farhan Abdilaahi Muumin, oo ah madaxa shaqaalaha h**e. Xafladda xilwareejinta ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana kasoo qayb galay xubno ka socday wasaaradda horumarinta caafimaadka, oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan National TB Program iyo Human Resource Department.
Xafladani waxay ahayd mid si heer sare ah u dhacday, iyadoo muujinaysa kalsooni iyo is-afgarad ka dhaxeeya maamulka cusub iyo kan h**e. Maxamed Maxamuud Nuur, oo ahaa Admin and Finance Officer kii h**e, ayaa xilka wareejiyay, isagoo si qurux badan u sharaxay guulaha iyo caqabadaha uu la kulmay inta uu xilka hayay.
Farhan Abdilaahi Muumin, oo noqon doona Admin and Finance Officer cusub ee cusbitaalka, ayaa sidoo kale ka hadlay himilooyinka iyo qorshayaasha cusub ee uu damacsan yahay, isagoo xaqiijiyay in uu sii wadi doono hawsha wanaagsan ee uu dhididay maamulka h**e.
Intii ay xafladu socotay, waxaa sidoo kale la shaaciyay in madaxa shaqaalaha cusub ee cusbitaalka qaaxada ay noqon doonto Hibo Ismaaciil Yuusuf. Hibo ayaa muujisay kalsooni iyo dadaal, iyadoo qiratay in ay diyaar u tahay in ay la timaado fikrado cusub oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka.
Xafladani waxay ahayd mid lagu xusayay isbeddelka iyo horumarka, iyadoo sidoo kale la muujinayo taageerada ay wasaaradda horumarinta caafimaadka siineyso maamulka cusub. Waxaa la filayaa in isbeddeladan ay ka qayb qaataan kor u qaadista tayada adeegyada caafimaad ee bulshada.
Ugu dambeyntiina, xafladani waxay ahayd mid lagu muujinayo mahadnaq iyo taageero, iyadoo loo rajeynayo maamulka cusub guul iyo horumar.