
15/02/2024
๐
๐๐'๐ข๐ข๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐ ๐๐ ๐๐ก๐๐๐ก๐ ๐๐ข๐ข๐ง ๐๐ก๐๐ง๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ ๐ฎ ๐๐๐ซ๐ฌ๐๐๐จ
Shaahu waa cabitaan inta badan laga heli karo guri kasta. Dadka qaar waxa ay jecelyihiin shaaha bigayska ah, qaarna shaaha cadayska ah, halka qaar kalena ay ka ka helaan shaaha liinta leh.
Shaahu waxa uu qeybsamaa dhowr nooc oo kala ah shaah madow (black tea), shaah cad, shaah cagaaran iyo oolong tea. Soomaalidu waxa ay cabtaa shaaha madow (black tea).
Dad badan ayaa jecel inay shaaha ku darsadaan liin dhanaan. Hadaba qormadan, waxaan ku iftiiminaynaa faaidooyinka shaaha liinta leh.
๐ช๐ฎ๐
๐ฎ๐ฎ ๐บ๐ฎ๐
๐ฎ๐ ๐๐ต๐ฎ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐น๐ถ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐น๐ฒ๐ต?
Waa nooc ka mid ah shaaha madow oo liin dhanaan lagu daro. Shaaha oo lagu daro liin dhanaanta ma ahan keliya inay wanaajinayso dhadhankiisa, balse waxay kaloo hagaajinaysaa midabkiisa waxayna siyaadinaysaa waxtarkiisa caafimaad.
Shaaha liinta leh waa cabitaan ku fiican in qofku maalintiisa uu ku bilaabo. Sii akhri si aad wax badan uga ogaato faaidooyinka caafimaad ee shaaha liin dhanaanta lagu darsado
๐๐ต๐ฒ๐ฒ๐ณ๐๐ต๐ถ๐ถ๐ฑ๐ธ๐ฎ:
Qofka oo maalintiisa ku bilaaba inuu cabbo shaaha liinta leh waxay fududaysaa cunno shiidista, maadaama sunta iyo qashinka uu ka sifeeyo habdhiska dheefshiidka. Fitamiin C-ga ku jira liin dhanaanta waxa uu hoos u dhigaa dibirada, dheefshiid xumada iyo laabjeexa waxaana uu yareeyaa fursadda infekshannada cunno mareenka. Waxaa intaas dheer, shaaha liinta leh waxa uu dhiirrageliyaa soo saarista aash*tada caloosha iyo dheecaanka bayl kuwaas oo caawiya burburinta cunnada iyo jidhku uu ka nuugo nafaqada.
๐๐ต๐ถ๐บ๐ถ๐๐๐ฎ ๐บ๐ถ๐ถ๐๐ฎ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ:
Shaaha liinta leh waxaa lagu yaqaannaa inuu dedejiyo dhimista miisaanka. Cayilka xad dhaafka wuxuu keeni karaa cilladaha wadnaha la xiriira sida dhiig karka, xanuunka xannibo xididada โAtherosclerosisโ iwm. Shaaha liinta leh waxaa ku badan fitamiin C, kaas oo burburiya dufanka si jidhku uu tamar uga dhigto.
๐ซ๐ฎ๐ธ๐ฎ๐บ๐ฎ๐๐ป๐๐ฎ ๐บ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ:
Shaaha liinta lagu daro waa cabitaan u fiican dadka macaanka qaba maadaama ay ku jirto maado la yiraahdo โHesperidinโ taas oo ka shaqaysiisa dheecaan burburiyeyaasha jirka, taas oo saamaysaa heerka sonkorta dhiigga. Tanina waxay ku ilaalisaa dheecaanka insulin-ta in uusan dhaafin heerkiisa dabiiciga ah, waxayna ka hortagtaa macaanka.
๐ฆ๐๐ป๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐๐๐ฎ ๐ท๐ถ๐ฟ๐ธ๐ฎ:
Shaaha liinta leh waxa uu caawiyaa sunsaarista taas macnaheedu waa inuu jirka ka sifeeyo wixii sun ku ah. Sunta oo jirka ku uruurta waxa ay carqaladaysaa in jirku uu si habsami leh u shaqeeyo. Fitamiin C-ga ka buuxa liin dhanaaanta waa sunsaare awood leh kaas oo jirka ka nadiifiya sunta kana hortaga cudurrada iyo infekshannada.
๐๐ฎ๐๐ฎ๐๐ป๐๐ฎ ๐ต๐ฎ๐ฟ๐ด๐ฎ๐ฏ๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐พ๐ฎ๐ฏ๐ผ๐๐ด๐ฎ:
Haddii aad u nugushahay hargabka iyo qabowga, taas macnaheedu waa in difaaca jidhkaagu uu hooseeyo waxaadna ku xoojin kartaa adiga oo cabba shaaha liin dhanaanta lagu daro. Fitamiin C wuxuu u fiican yahay ka hortagga iyo dawaynta hargabka iyo qabowga. Haddii aad leedahay cune xanuun, cab shaaha liinta leh wuxuu dejiyaa dhuunta.
๐๐ฎ ๐ต๐ผ๐ฟ๐๐ฎ๐ด๐ด๐ฎ ๐ธ๐ฎ๐ป๐๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ฎ:
Shaaha liinta leh waxaa ku jira maadooyin awood badan oo liddi ku ah kansarka sida fitamiin C. waxa kale oo liin dhanaanta ku jirta maado kale oo loo yaqaanno โlimonoidsโ taas oo ka hortagta cudurka kansarka noocyadiisa ku dhaco malawadka, naasaha, sambabada, iyo afka.
๐ช๐ฎ๐ป๐ฎ๐ฎ๐ท๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ป๐๐๐ด๐ถ๐๐๐ฎ ๐บ๐ฎ๐ฐ๐ฑ๐ฎ๐ป๐๐ฎ ๐
๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ถ๐ฑ๐ธ๐ฎ:
Fitamiin C waxaa lagu yaqaannaa inuu caawiyo in jirku uu cunnada ka nuugo macdanta xadiidka nooca โnon-heme ironโ. Jirku wuxuu u baahan yahay inuu sameeyo barootiinta loo yaqaanno โhaemoglobinโ oo ah borootiinta laga helo unugyada dhiigga cas ee jirka u kala qaadda curiyaha hawada ah ee โoxygenโ. Xadiidka โnon-hemeโ oo laga helo cunnooyinka dhirta, si fudud jirku uma nuugi karo. Sidaas darteed shaaha liinta leh oo la cabbo cunnada kadib waxay caawinaysaa inuu jirku uu cunnada ka nuugo macdanta xadiidka.
๐๐ฎ๐๐ฎ๐๐ป๐๐ฎ ๐ฐ๐ถ๐น๐น๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐บ๐ฎ๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ฎ:
Haddii aad leedahay finan iyo baro madow, cab shaaha liinta leh sababtoo ah liin dhanaanta waxaa ku jira Fitamiin C-ga kaas oo kaxeeya finanka iyo baraha madow, maqaarkana iftiimiya. Shaaha liinta leh oo la cabbo waxa ay caawinaysaa wareegga dhiigga waxayna nadiifinaysaa jirka. Sida oo kale, waxay dib u riixaysaa soo shaac bixidda calaamadaha duqnimada maadaama shaaha liinta leh uu la dagaallamo maadooyinka sunta ah ee loo yaqaanno โfree radicalsโ.
Digniin: Ka dheerow cabbista shaaha liinta leh haddii uur aad leedahay ama aad ilmo nuujiso. Sida oo kale, waan inaad ka dheeraato haddii aad leedahay shuban ama aad qabto cillada mindhicirrada kacsan ee loo yaqaanno โirritable bowel syndromeโ.
XG: Daryelmagazin