Dr Ismail Speciality Hospital

Dr Ismail Speciality Hospital Ku soo dhawoow isbitaalkaaga takhasuska lafaha ee Dr. Ismail.

Waxaad naga helaysaa daryeelka ugu fiican ee dhaawacyada lafaha, cudurada kala-goysyada, iyo qalliinada qurxinta, si aad ugu noolaato nolol farxad leh, hawl maalmeedkaagana u gudato

Waa  barar joogto ah oo saameeya kalagoyska misigta, badanaa ku dhaca dadka qaba cudurka maqaarka ee psoriasis. Wuxuu ke...
05/01/2026

Waa barar joogto ah oo saameeya kalagoyska misigta, badanaa ku dhaca dadka qaba cudurka maqaarka ee psoriasis. Wuxuu keenaa xanuun, qallafsanaan, iyo hoos u dhac dhaqdhaqaaq, gaar ahaan marka la socdo ama la fadhiyo muddo dheer.

Haddii aan h**e loo ogaan loona daaweyn, bararku wuxuu sababi karaa burbur joogto ah oo kalagoyska ah, awood la’aan, qofka oo dhaqdhaqaaqa gaba, iyo baahi qalliin oo mustaqbalka ah. Ogaansho degdeg ah iyo daaweyn isugu jirta kiniino ama irbado, jimicsi (physiotherapy), iyo mararka qaar qalliin ayaa muhiim u ah ilaalinta shaqada sinta iyo tayada nolosha.

📞 La kulan khabiirka daweynta dhamaan xanuunada miskaha oo ballanta ka qabso: 0737077773.

04/01/2026

Mukhtaar wuxuu galay shil gaadhi oo halis ah waxana uu ka jabay lugta. Si kedis ah ayaa noloshiisii hakad u gashay, waxana uu joojiyay socodkii, shaqadii, isagoo waayey awoodii uu wax ku qabsan lahaa xanuunna la deris noqday.

Waxa la keenay Dr Ismail Speciality Hospital waxana ay dhakhaatiirtu u fidiyeen gargaar degdeg ah iyagoo la wadaagay qorshaha lagu daweynayo iyo qalliinka loo samaynayo, waxana loo sameeyey qalliinkii.

Mukhtaar maanta waxa uu dareemayaa raynrayn iyo caafimaad, waxa uu awood u leeyahay inuu socdo, si caafimaad lehna u dhaqdhaqaaqo waxana uu ku faraxsanyahay inuu shaqadiisii iyo noloshiisii isagoo lexaadkiisu u dhamaystiran yahay halkii kasii amba qaado.

🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka gaaban ee 3010

03/01/2026
Jimce wanaagsan! 🌸Ilaahay ha inoo ka dhigo Jimcahan maalin cibaado, caafimaad iyo cafis lagu kasbado🕌🕋 ✨
02/01/2026

Jimce wanaagsan! 🌸
Ilaahay ha inoo ka dhigo Jimcahan maalin cibaado, caafimaad iyo cafis lagu kasbado🕌🕋 ✨

Jabka canqawga (bimalleolar fracture) waa jab culus oo ku dhaca laba lafood oo ka mid ah canqowga (gudaha iyo dibadda), ...
01/01/2026

Jabka canqawga (bimalleolar fracture) waa jab culus oo ku dhaca laba lafood oo ka mid ah canqowga (gudaha iyo dibadda), wuxuuna keenaa xanuun daran, barar, qallooc, iyo qofka oo awoodi waaya inuu istaago ama socdo. Dhaawacani badanaa wuxuu sababaa xasillooni darro canqowga ah, taasoo ka dhigeysa mid u baahan daryeel degdeg ah.

Haddii aan si sax ah loo daaweyn, wuxuu keeni karaa canqowga oo shaqadiisa gaba, xanuun joogto ah, iyo arthritis mustaqbalka ah. Baadhitaan degdeg ah, sawirqaadis sax ah, iyo daaweyn ku habboon mararka qaar qalliin ayaa lama huraan u ah soo kabasho buuxda.

🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka gaaban ee 3010

31/12/2025

✨🎉 Sannad Cusub Oo Wacan! 🎉✨

Caafimaadka tayadiisu sarreyso si kadis ah uma yimaado ee waxaa lagu dhisaa go’aan, qorshe, iyo dadaal joogto ah. Waxaan si xeel dheer uga shaqeyneynaa horumarinta adeegyada caafimaad annagoo si joogto ah u kobcinayna nidaamyada daryeelka, casriyeynayna hababka iyo qalabka adeegga iyo soo kordhinta adeegyo caafimaad oo aan h**e loogu bixin jirin geyiga soomaaliyeed.

🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka gaaban ee 3010

2026

31/12/2025

✨🎉 Sannad Cusub Oo Wacan! 🎉✨

Daryeelka caafimaadku ma istaago ee wuu kobcaa. Waxaan si joogto ah uga shaqeyneynaa hagaajinta nidaamyada daryeelka iyo horumarinta adeegyo ka tarjumaya baahiyaha dhabta ah ee bukaanka.

Hadafkeennu waa in bukaanku helo daryeel ku dhisan xirfad, naxariis, iyo kalsooni, laga bilaabo booqashada ugu horreysa ilaa soo kabashadiisa buuxda.

🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka gaaban ee 3010

2026

31/12/2025

✨🎉 Sannad Cusub Oo Wacan! 🎉✨

Caafimaadku ma aha hal adeeg oo keliya ee waa ballan joogto ah. Waxaan si joogto ah ugu hawlannahay kor u qaadidda tayada daryeelka, anagoo ballaadhinayna aqoonta shaqaalaheenna, casriyeynayna qalabka caafimaadka, una diyaarinayna adeegyo u qalma baahida caafimaad ee bulshadayada.

Tallaabo kasta oo aan qaadno waxay ujeedadeedu tahay badbaado, hufnaan, iyo kalsooni bukaanka. Laga bilaabo ogaanshaha h**e ilaa daawaynta iyo soo kabashada, waxaan idiin diyaarinay nidaam daryeel oo bukaanku uu ka dhex helo faham, ixtiraam, iyo natiijooyin la taaban karo.

🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka gaaban ee 3010

2026

31/12/2025

✨🎉 Sannad Cusub Oo Wacan! 🎉✨

Tallaabo kasta oo aan qaadno waxay ka tarjumeysaa mas’uuliyad aan ka qaadannay bukaanka, qoysaskooda, iyo bulshada guud ahaan. Ujeeddadeennu waa in daryeelku noqdo mid la fahmi karo, lagu kalsoonaan karo, isla markaana keena natiijooyin waara.

🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka gaaban ee 3010

2026

✨🎉 Sannad Cusub Oo Wacan! 🎉✨Ha noqdo sannadkan mid kuu horseeda bogsasho, farxad, iyo nolol ka xor ah xanuun. Waxaan kuu...
31/12/2025

✨🎉 Sannad Cusub Oo Wacan! 🎉✨

Ha noqdo sannadkan mid kuu horseeda bogsasho, farxad, iyo nolol ka xor ah xanuun. Waxaan kuu rajeyneynaa adiga iyo qoyskaagaba sannad caafimaad iyo rajo leh 💙.

2026

31/12/2025

Thanks for being a top engager and making it on to our weekly engagement list! 🎉 Tayasir Saed Samatar, Shakiib Cabdisala...
30/12/2025

Thanks for being a top engager and making it on to our weekly engagement list! 🎉 Tayasir Saed Samatar, Shakiib Cabdisalan, Ayaan Xariir, Khaalid Zakarie Huseen, Maxamed Mandeela, Abdiqani Axmed, Khadar Hariir, Amal Suleiman Hagoog, Shuaib A. Adam, Xamse Zanyare, Abdirahim Dhoodaan, DrMaxamuud Caqli Nuur, Abdimalik Mohammed Ali, Farxaan Ismaaciil, Zallah Mahmed, Cabdiqani Dheeg, Fikaas Fikaas

Address

Https://goo. Gl/maps/YcN4V9tYqUS8P4DV 7
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Ismail Speciality Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Ismail Speciality Hospital:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category

WHO WE ARE

Iyada oo aanu ka jawaabayno baahiyaha baahsan ee dhanka xannuunnada iyo qalliinnada lafaha, waxa aanu muddo ka badan 35 sanno ahayn isbitaalka ugu weyn ee Soomaalilaan iyo Soomaalida kaleba u qaabilsan arrimaha baadhista, dawaynta iyo maaraynta dhaawacyada lafaha ee dadyawgii ku waxyeelloobay kuna dhaawacmay dagaalladii sokeeye. Waxa aanu adeegga ka bixin jirnay isbitaallo kala duwan sida ‘Al-Kawsar’ iyo ‘Gargaar’. Sannadkii tagayna waxa aanu soo kordhinnay isbitaal cusub oo shaqayn doona 24/7 oo gaar u ah dhanka lafaha, kaas oo loogu magac daray aasaasaha “Dr. Ismaaciil”. Iyada oo laga faa’idaysanayo khibraddiisa ka badan 35-ka sanno iyo qalabka farsamada cusub ee casriga ah, ‘Isbitaalka takhasuska ah ee Dr. Ismaaciil’ waxa ay ujeeddadiisu tahay in uu bixiyo adeegga lafaha ee tayadiisu ugu sarrayso iyo daryeelka ugu fiican ee la bixin karo si loo yareeyo baahiyaha caafimaad ee dadku dibadda u aadaan.

Hiigsiga Iyo Hiraalka

“In uu hoggaan u noqdo adeegga caafimaad ee dhaawacyada lafaha oo tayadiisu sarrayso qiimuhuna macquul yahay, oo ku jaan go’an daryeelka iyo ‘danta bukaanka’, iyada oo la adeegsanayo tignoolajiyadii u danbaysay, lana hirgelinayo qawaaniinta cilmiga ku salaysan”.

Qiyamka: