Dr Ismail Speciality Hospital

Dr Ismail Speciality Hospital Ku soo dhawoow isbitaalkaaga takhasuska lafaha ee Dr. Ismail.

Waxaad naga helaysaa daryeelka ugu fiican ee dhaawacyada lafaha, cudurada kala-goysyada, iyo qalliinada qurxinta, si aad ugu noolaato nolol farxad leh, hawl maalmeedkaagana u gudato

Walxaha culus oo si aan dheelitirnayn ama qumanayn loo qaado waxay keeni  kartaa dhaawacyo kala duwan oo soo gaadha murq...
04/03/2026

Walxaha culus oo si aan dheelitirnayn ama qumanayn loo qaado waxay keeni kartaa dhaawacyo kala duwan oo soo gaadha murqaha iyo lafaha. Hadaan si sax ah loola tacaalin, waxna laga bedelin hab qaadista walxaha culus, muddo ka dib, dhaawacyadaasi waxay noqon karaan kuwo si joogto ah u waxyeelleeya nudaha jidhka. Kaga bogo sawirkan hoos ku xusan sida loola macaamilo waxyaabaha culus adigoon halis gelin jidhkaaga.

🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka gaaban ee 3010

03/03/2026

Aadan isaga oo xabaal qodaya ayuu xabaal kale ku dhacay waxana soo gaadhay dhaawac halis ah. Waxa uu ka jabay misigta. Si lama filaan ah ayaa noloshiisii hakad u gashay, waxana uu awoodi waayey waxyaabihii asaasiga u ahaa nolol maalmeedka isagoo noqday dhulyaal xanuun iyo damqasho joogta ah dareemaya.

Waxa si dhakhsa ah loo keenay Dr Ismail Specialty Hospital waxana uu la kulmay dhakhaatiirta dhaawacyada lafaha kuwaas oo u fidiyey gargaar degdeg ah, una sameeyay qalliin misigta lagu kabayo shaqadeedana lagu soo celinayo.

Aadan maanta waxa uu dareemayaa caafimaad dhamaystiran. Wuu socon karaa, fadhiisan karaa, shaqa tegi karaa waxana uu dareemayaa farxad aan lasoo koobi karin maadaama uu nolol maalmeeldkiisa si madax bannaan oo caafimaad leh uu u qabsan karo.

🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka gaaban ee 3010

Advancing healthcare in Somaliland
02/03/2026

Advancing healthcare in Somaliland

02/03/2026

Sahal waxa misigta ka jiidhay gaadhi waxana kasoo gaadhay dhaawac culus. Noloshiisii si kedis ah ayay hakad u gashay. Socod muu karayn, xanuun iyo damqasho ayuu la deris noqday waxana uu ka qaaday niyad jab iyo shaki ka galay inuu dib lugihiisa ugu socon doono.

Waxa la keenay D rIsmail Specialty Hospital, waxana uu la kulmay dhakhaatiirta dhaawacyada lafaha. Waxay u sheegeen in qalliin loo samaynayo, idam allena uu dib u socon doono, nolol maalmeedkiisana caafimaad ku qabsan doono.

Sahal waxa uu maanta ku naaloonayaa raynrayn iyo caafimaad. Waxa uu awood u leeyahay inuu socdo, wax kasta qabsado, nolol maalmeedkiisana si caafimaad qabta u daadihiyo, waxana uu ku faraxsan yahay sida xarragada leh ee uu usoo kabtay.

🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka gaaban ee 3010

🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka g...
28/02/2026

🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka gaaban ee 3010

Jimce wanaagsan! 🌸Ilaahay ha inoo ka dhigo Jimcahan maalin cibaado, caafimaad iyo cafis lagu kasbado🕌🕋 ✨
27/02/2026

Jimce wanaagsan! 🌸
Ilaahay ha inoo ka dhigo Jimcahan maalin cibaado, caafimaad iyo cafis lagu kasbado🕌🕋 ✨

📢 Job Opportunity –  NurseWe are seeking a dedicated and motivated Physiotherapy Nurse to join our rehabilitation team a...
21/02/2026

📢 Job Opportunity – Nurse
We are seeking a dedicated and motivated Physiotherapy Nurse to join our rehabilitation team and support high-quality patient care.
Job Description:
• Assist physiotherapists during patient assessment and treatment sessions.
• Support patients during therapeutic exercises, mobility training, and rehabilitation programs.
• Monitor patients’ condition and response during physiotherapy sessions.
• Assist post-operative and orthopedic patients with movement and recovery.
• Educate patients on exercises, safe mobility, and use of assistive devices.
• Maintain cleanliness, safety, and proper use of physiotherapy equipment.
• Document patient progress and report to the physiotherapy team.
Qualifications & Requirements:
✔ Degree in Nursing
✔ Valid nursing license/registration
✔ Training or experience in physiotherapy or rehabilitation nursing is an advantage
✔ Basic knowledge of orthopedic and musculoskeletal conditions
✔ Ability to assist patients with mobility and physical exercises
✔ Strong communication and teamwork skills

Send your CV to us at: drismailjobs@gmail.com
Deadline 26/02/2026

Ramadan Mubarak dhamaan muslimiinta meel kasta oo aad joogtaan.Dr Ismail Speciality Hospital waxa uu dhamaantiin idiinku...
17/02/2026

Ramadan Mubarak dhamaan muslimiinta meel kasta oo aad joogtaan.

Dr Ismail Speciality Hospital waxa uu dhamaantiin idiinku bushaaraynayaa munaasabada dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan. Allah haynooga dhigo bil cibaado, caafimaad iyo is-caawin hana innagu simo gunaanadkeeda inagoo wada jira. Ka war qab caafimaadka lafahaaga, oo ku xidhnow Dr Ismail Speciality Hospital.

Wixii Emergency Ah Naga Soo Wac Taleefanka ☎️ 0637077797 Ama Call Center: 📞 3010.

📅 Ballamaha Caadiga Ah Waxaad Ka Qabsataa Taleefanka 📲 63 7077773 Ama Booqo Website-Ka Oo Ku Gooso Tigidhka Si ONLINE Ah Adigoo Gurigaaga Ama Goobtaada Shaqo Jooga.

Address

Https://goo. Gl/maps/YcN4V9tYqUS8P4DV 7
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Ismail Speciality Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Ismail Speciality Hospital:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category

WHO WE ARE

Iyada oo aanu ka jawaabayno baahiyaha baahsan ee dhanka xannuunnada iyo qalliinnada lafaha, waxa aanu muddo ka badan 35 sanno ahayn isbitaalka ugu weyn ee Soomaalilaan iyo Soomaalida kaleba u qaabilsan arrimaha baadhista, dawaynta iyo maaraynta dhaawacyada lafaha ee dadyawgii ku waxyeelloobay kuna dhaawacmay dagaalladii sokeeye. Waxa aanu adeegga ka bixin jirnay isbitaallo kala duwan sida ‘Al-Kawsar’ iyo ‘Gargaar’. Sannadkii tagayna waxa aanu soo kordhinnay isbitaal cusub oo shaqayn doona 24/7 oo gaar u ah dhanka lafaha, kaas oo loogu magac daray aasaasaha “Dr. Ismaaciil”. Iyada oo laga faa’idaysanayo khibraddiisa ka badan 35-ka sanno iyo qalabka farsamada cusub ee casriga ah, ‘Isbitaalka takhasuska ah ee Dr. Ismaaciil’ waxa ay ujeeddadiisu tahay in uu bixiyo adeegga lafaha ee tayadiisu ugu sarrayso iyo daryeelka ugu fiican ee la bixin karo si loo yareeyo baahiyaha caafimaad ee dadku dibadda u aadaan.

Hiigsiga Iyo Hiraalka

“In uu hoggaan u noqdo adeegga caafimaad ee dhaawacyada lafaha oo tayadiisu sarrayso qiimuhuna macquul yahay, oo ku jaan go’an daryeelka iyo ‘danta bukaanka’, iyada oo la adeegsanayo tignoolajiyadii u danbaysay, lana hirgelinayo qawaaniinta cilmiga ku salaysan”.

Qiyamka: