Dr. Nuuradiin Dr.Garaad

Dr. Nuuradiin Dr.Garaad MBCHB| Mmed | Peads specialist, (Stell, SA)
Dakhtarka carruurta iyo dhalaanka

📞521559 | nuradin.garad@outlook.com

Sawirka hoose waxa uu muujinayaa ilmo 5 bilood jir ah oo qaba plagiocephaly, taas oo madaxa ka dhigta mid kala dheer, ha...
29/07/2025

Sawirka hoose waxa uu muujinayaa ilmo 5 bilood jir ah oo qaba plagiocephaly, taas oo madaxa ka dhigta mid kala dheer, hal dhinac oo kale ayaa noqda mid isku siman, halka dhinaca kale uu kor u dheeraado.

Waxay dhacdaa marka ilmaha dhabarka mar walba loo seexiyo oo isna hal dhinac uun madaxa u jeediyo oo aanu dhinaca kale inta badan eegin, taasaa keenta in dhinacaasi simaado.

Xaaladdani maskaxda waxba ma yeesho, balse waxay beddeshaa qaabka madaxa. Si looga hortago, hooyadu waa inay ilmaha u sameyso “tummy time” marka uu soo jeedo, sidoo kalena marba dhinac u jeedisaa ilmaha marka uu iska jiifo.

28/07/2025

Ma iska tallaashay xanuunka halista ah ee Joonis‑cadka (Hepatitis B)?

27/07/2025

Waa halkii Sooraan Illaahay ha u naxariistee markuu lahaa: “Siyaasaddu marna waa low, marna waa high.” Abateedka carruurtuna marna waa high, marna waa low; waxayna u baahan tahay dulqaad iyo fahan

27/07/2025

Waa hooyo Soomaaliyeed oo saqdii dhexe ee habeenimadkii ilmihii ka yeeshay xumad iyo casiraad, waa siday tidhiye. Markuu aad u ooyay oo ay ka jiifsan weyday, ayay xasuusatay in midh aspirin ah uu ku jiray khaanadaha guriga meel ka mid ah. Waxay siisay jab kiniinka ah; wax yar ka dibna ilmihii wuxuu bilaabay in naqasku ku dhago, matag saaid ahna sameeyo, xaaladdiisuna aad bay uga dartay muddo kooban. Subixii, markuu waagii dirqi ugu baryay, ilmihii xaaladdiisii way adkaatay. Hooyadii oo filaysay in bukaan-socod lagu daweeyo, waxa la dhigay qolka ICU‑ga, halkaas oo uu markii dambe ku shafeecay ilmihii yaraa.

Aspirin waa kiniin aad ugu halis ah carruurta yar yar, waxaana si gaar ah looga ilaaliyaa inay qaataan carruurta siiba da’da ka yar 19 sano. Waxa uu sababi karaa xaalad khatar ah oo la yidhaahdo Reye Syndrome.

Dabayaaqadii 1980‑meeyadii, ku dhawaad 600 carruur ah ayaa lagu arkay xanuunkan iyaga oo dhammaantood la siiyay aspirin, da’dooduna waxay ahayd 5–15 sano. Daraasado laga sameeyay arrintan waxay caddeeyeen xidhiidh adag oo ka dhexeeya isticmaalka aspirin carruurta iyo Reye Syndrome.

Wacyigelintii ugu ballaadhnayd ee la xidhiidha xanuunkan waxay faaftay 1987, markii gabadh 13 jir ah oo la odhan jiray Jessica la siiyay aspirin iyadoo qabta hablo‑baas (chickenpox), sidiina ay ku dhimatay. Kiiskeeda ayaa sababay wacyigelin weyn oo ku saabsan in aspirin aan carruurta la siin.

Haddii ilmuhu kugu xanuunsado saqda dhexe, waxa kaliya ee laguu oggol yahay waa baarasitamool, oo aanad weliba xadkiisa dhaafin. Waalid baa laga yaabaa inuu yidhaahdo: “Midhii sharoobada ahaa ayaan xalay ku dhammeeyay, ma ‘Aden 19 Ice‑cream’ baa Tuwaal qoyan saar, subaxana sug; haddii xaaladdu sii xumaatana gee xarunta caafimaad ee kuugu dhow ee xiligaa furan

Waxa jira caado aynu leenahay oo ah in ilmaha yar sanka laga mariyo subag ama saliid. Dhaqankani wuxuu keeni kartaa in i...
26/07/2025

Waxa jira caado aynu leenahay oo ah in ilmaha yar sanka laga mariyo subag ama saliid. Dhaqankani wuxuu keeni kartaa in ilmaha yari markuu neefsado uu subaggaasi gaadho sanbabada, una gaysto oof weliba ka adag sida loo daweeyo oofta kale.

Subaggaasi h**e ugama baxo sanbabada; taas macnaheedu waxa weeyaan in, xitaa hadduu ilmuhu ka bogsado ooftaas, markuu waynaado ay kaga tagto saamayn sanbabadiisa.

Dhaqankan keligeen maaha; waxa laga isticmaalaa Itoobiya, Ereteriya, Suudaan iyo Bariga Dhexe. Waxaan aad ugu arkay iyana Simbaabwi.

Sawirkan hoose waa sawir ilmo yar oo sanbabadiisa ay gashay saliiddaasi, meelo badanna aanay oksijiintu gaadhayn.

Waa mid u baahan in carruurta sinaba loogu samayn, maadaama aan wax waxtar ah lagu ogayn.

25/07/2025

Aragtida sheegaysa in dhiiga noocaad tahay ( A, B, AB, O) uu xidhiidh la leeyahay dabeecadaahaga iyo shakhsiyadaada qof ahaaneed, oo loo yaqaano Ketueski-gata. Waxay asalkeedu ka soo jeeda Japan waxaanay soo caan baxday qarnigii 20aad. Dadyoow badan oo aduunka ku dhaqan una badan Jabaan iyo Kuuriya ayaa aaminsan in dadka dhiiggoodu A yahay ay yihiin kuwo nidaamsan oo taxaddar badan, kuwa dhiiggoodu B yahayna ay yihiin qaar madax‑bannaan oo hal‑abuur leh, halka kuwa dhiiggoodu O yahay ay leeyihiin kalsooni badan.

Cilmi baadhisyo fara badan oo laga sameeyay Aasiya iyo weliba aduunka kale ayaa cadeeyay inaan wax xidhiidh ah ka dhaxayn dhiiga qofka iyo habdhaqankiisa ama dabeecadihiisa, aragtidana waxa la idhaahdaa “Pseudoscience”

24/07/2025

Waalid badan ayaa weli ku dhaqma dhaqanka ah in la cusbeeyo ilmaha yar markay calooshu istaagto. Waxay ku odhanayaa “qoyskayaga ayaa hiddo u leh”

Warbixintan hoose waxa qortay dhakhtarad ka tirsan Jaamacadda Camuud, waxay ka war bixinaysaa ilmo yar oo jirta 1 sano iyo 6 bilood, oo lahaa calool istaag deedna la galiyay cusbo.

Muddo kadib ayay hooyadeed aragtay in saxardii ay ka soo baxayso halkii kaadida loogu tala galay! Waloow markii h**e qoysku u qaatay arrin sahlan markii danbe waxa la ogaaday in ilmaha yari leeyahay “rectovaginal fistula” oo ah in saxaradu si khaldan ugu soo marto farjiga halkii ay ka mari lahayd malawadka. Waxa loo sameeyay qalliin lagu guuleystay laakiin waxay noqotay xaalad baraarujin wadata.

Maxaa laga baran karaa?

Dhaqama cayn kan ah ee aan cilmi ku dhisnayn waxay keeni karaan dhibaato maskax ahaan iyo jidh ahaanba.

Waalidku waa in aanay had iyo jeer la soo taagnaan uun hadal ah “dadkii naga horreeyay baa sidaa yeeli jiray.”

Dhaqanka laftigiisa waxa loo baahan yahay in la waafajiyo caafimaadka.

Dhakhaatiirta iyo bulshada caafimaadka waxaa la gudboon inay si ixtiraam leh oo dulqaad leh u baraarujiyaan waalidiinta.

Ilmahan la daweeyay nasiib baabu leeyahaye bal ka waran kuwo kale oo aam helin daryeel caafimaad. Marka danbe ee aad cusbaynayso ilmahaaga is waydii ka waran hadii xaaladan ilmahaaga ku dhacdo? Yaad eedayn!

24/07/2025

Waalidku inta badan waxay yaqaanan hal nooc oo suuxdin ah, kaas oo ah in ilmaha yar gariiro, dhulka ku dhaco, afka xumbo ka keeno, miyir doorsoomo, iwm. Laakiin suuxid walba sidaa ma aha.

Waxaa jira noocyo badan oo suuxitaanka ka mid ah, sida:

- Ilmihii oo iska socda ayaa si lama filaan ah iskaga istaagaya. Meel buu ku dhaygagayaa, sidii inuu meel u fiirinayo. Ilbidhiqsiyo ayuu hadlayn, kuuna jawaabayn, aanu dhaqdhaqaaqnana samaynayn. Ma dhacayo oo wax gariir ah lagama arkayo. Waa khatar, haddii dugsiga loo diro, kadibna uu sidaa u istaago isagoo laamida ka tallaabaya.

- Ilmihii oo taagan ayaa si lama filaan ah iskaga dhacaya. Ma xakamayn karo murqihiisa. Madaxa ayuu u dhici karaa taasoo keeni karta dhaawac weyn.

- Nooc kale oo suuxid ah ayaa dhici kara oo ah in mararka qaar murqaha ama dhinac ka mid ah jidhka sida garabka, gacanta, ama dibnaha ayaa ruxmaya muddo ilbidhiqsiyo ah, laakiin miyirkiisu wuu joogaa.

- Suuxdin qaar baa timaadda markuu ilmuhu seexdo. Waxaad arkaysaa iyadoo ilmuhu yar gariirayo, mararka qaarna gariirkan wuxuu ilmaha ka keeni karaa saxaro ama kaadi.

Intaas oo noocba way jiraan. Dhakhtarku wuxuu ku ogaan karaa suuxdinta:

- Waraysi fiican oo waalidka laga qaado
- Ama muuqaal kooban (video) aad mobile-kaaga ku duubtay waxaand tusi kartaa dakhtarkaaga

Marka waalidka loo sheegayo in ilmaha uu leeyahay suuxdin, waxa loo baahan yahay in si wanaagsan looga dhaadhiciyo oo loogu sharxo waxa uu yahay “suuxitaankani”. Tani waa masuuliyadda dhakhtarka. Haddii aan sidaa loo samayn, waxaa dhici karta in waalidku ka joojiyo daawada, taasoo sababi karta dhaawac weyn oo xaga maskaxda ah.

23/07/2025

Waalid ahaan sideed xog sax ah u siin kartaa dakhtarka markuu ilmahaagu xanuusado?

Marka ugu horreysa, waa muhiim in waalidku ku bilaabo isagoo sheegaya waxuu ka warwarsan yahay iyo waxa ugu weyn ee guriga ka soo saaray. Tusaale ahaan: “Maalihii h**e wuxuu bilaabay inuu duray iyo duuf bilaabo, xalay se waxaan ku arkay isagoo naqasku qabanayo qufacuna badan yahay, ilaa saakana wuu iska jiifaa waxna ma cunayo.” Ama: “Wuxuu bilaabay inuu matago weliba mid badan oo aan joogsanayn, taasaana igu kalliftay inaan keeno maanta.” Tani waxay caawisaa dhakhtarka inuu si degdeg ah u fahmo dhibta ugu weyn ee haysata waalidka iyo ilmahaba.

Marka labaad, waalidku waa inuu faahfaahiyaa calaamadaha ilmaha, sida goorta ay bilaabmeen, iyo sida ay isu beddeleen kolba. Waxaa kale oo muhiim ah inuu sheego wixii uu isku dayay ee uu siiyo markuu guriga joogay sida dawooyin kale oo uu siiyay ama dakhtar h**e oo uu geeyay oo anu xogtaa ka qarin dakhtarka, iyo haddii ilmuhu h**e ugu dhacay xaalad la mid ah tanoo kale ama uu ilmuhu la nool yahay xaalad kale. Tusaale ahaan carruur baa suuxid leh oo daawooyin u socdaan lagana yaabaa maanta in loo kenay shuban iyo matag u sheeg dakhtarka inuu ilmahaagu qaato dawwooyin xaga neerfayaashaa oo ha is odhan labadan xaaladood islama xidhiidhaan. Waxaa wanaagsan in xogtaas inuu bixiyo qofka ilmaha dhalay ama qofka markaa masuulka ka ah ilmaha, marar badan waxa kaa jiidhaya mid ay wax isku yihiin oo dhexda ka soo raacay, oo odhanaya anaa garanaya xanuun hebel baa haya. Wuxuu qofkaasi bixin karaa xog qaldan

Ugu dambayn, waalidku waa inuu iska ilaaliyo inuu dhakhtarka ku yidhaahdo “xanuun hebel baa haya ee anaa garanayee kaa iiga dawee ilmaha” ama “dawo hebel ii qor taasuu ku bogsadaaye”, balse uu bixiyo xog cad oo dhamaystiran. Waxaa fiican inuu diyaarsado: goorta xanuunku bilaabmay, sida uu isuku beddelay iyo haduu sidiisii yahay, waxa ugu weyn ee uu ka walwalsan yahay, iyo wixii dawooyin ah ee la siiyay ama farmasiiga looga soo iibiyay.

22/07/2025

Cuntooyinka ilmaha laga dheereeyo ee aynu ka soo hadalnay dhawr jeer waa kuwa la yidhaahdo “Junk foods”, waana cuntooyinka banaanka lagu sameeyo. Waa kuwo ay ku badan yihiin milixda, sonkorta, basbaaska iyo dufanka. Waxay leeyihiin tamar badan (calories), laakiin waxay ka arradan yihiin borotiinka, macdanta iyo fiitamiinnada.

Cuntooyinkan carruurtu si fudud ayay ula qabsadaan. Haddii ay banaanka ku arkaanna, way u ooyaan si loogu iibiyo. Marar badan waalidiintu waxay u isticmaalaan abaalmarin, sida maalmaha dhalashada ama marka ay ilmaha guriga uga saaraan, tusaale ahaan jimcayaasha.

Sidoo kale, marar badan waa lagu cashaysiiyaa carruurta, maadaama ay hawl fududayn ka tahay waalidiinta qaar, oo ay sahlan tahay sida lagu helo, ama cuntadaasi ay dhadhan fiican leedahay. Waalidkuna wuxuu is odhanayaa: “Tan ay jecel yihiin ee ay dhamaynayaan u doon”. Se caafimaad darro badan baa ku hareeraysan oo laga dhaxlaa. Waaba laga yaabaa waalid badan oo hada akhrisanayaa in dhinac ay carruurtoodu ka cunayaan cuntadan

22/07/2025

Leukemia waa kansarka unugyada dhiigga ee cadcad, waana nooca kansarka ugu badan ee ku dhaca carruurta. Wuxuu kansarkani ka bilaabmaa dhuuxa lafaha, kadibna ku faafaa dhiiga, maadaama dhiigu meel kasta oo jidhka ah wareego kansarkaasina wuu la wareegaa oo meel kasta wuu gaadhaa.

Maxaa sababa?

Sababta saxda ah ee keenta lama yaqaano, laakiin waxa jira xaalado la xidhiidha hido-sidayaasha oo kordhiya khatarta xanuunkan sida Down's syndrome ama Fanconi anemia oo ku dhaca carruurta. K**a yimaado wax ay waalidku siiyeen ama cunto ay siiyeen ama iyaga caabuq ku dhacay markay hooyadu uurka lahaydba. La isma qaadsiiyo oo ma faafo, waxaanu ku dhici karaa carruur kala duwan oo miyi iyo magaalaba jooga, kana kala yimi deegaano kala duwan isagoon xanuunku u eegayn xaaladooda dhaqaale.

Nooca ugu badan ee carruurta ku dhaca waa:
- Acute Lymphoblastic Leukemia (ALL): ~70–80%
- Acute Myeloid Leukemia (AML): ~20–30%

Labaduba waa kansarro dhiigga ah laakiin si kala duwan ayay u dhaqmaan waxayna u baahan yihiin daawayn kala duwan.

Somaliland ma haysato xarun gaar ah oo lagu daaweeyo dadka qaba kansarka sida leukemia ama kansarada kalaba, taasoo sababtay in dad badan ay ku khasbanaadaan inay u safraan Itoobiya ama Hindiya, halka qaar kalena aanay awoodin safarka oo ay naftoodii sidaa ku waayaan. Waa murugo weyn in carruur iyo dad waaweyn oo u baahan daryeel caafimaad ay u dhintaan, sababtoo ah adeegan lagama helo dalkooda.

Waxaynu u baahan nahay qorshe dawladeed oo lagu hirgeliyo xarun lagu daaweeyo kansarka oo badbaadisa kumannaan qof, laakiin weli dariiqeedii ma hayn0!

Tallooyinkan badan ee aynu halkan ku soo gudbinno, waxaynu iskugu keeni doonaa buug, haddii Alle idhaahdo.Cutubyadiisa w...
21/07/2025

Tallooyinkan badan ee aynu halkan ku soo gudbinno, waxaynu iskugu keeni doonaa buug, haddii Alle idhaahdo.

Cutubyadiisa waxa ka mid ah:

Cuntooyinka iyo nafaqada ilmaha da’diisu tahay hal sanno.

Cuntooyinka xiligan loo bilaabo wax ka mid ah:

- Xilligan waa inuu cuno dhammaan cuntooyinka ay qoysku cunaan oo dhan. Cuntooyinka laga helayo birta la yidhaahdo “ayroon” sida khudaarta cagaaran, hilibka, kalluunka, ayaa ah kuwa muhiimka ah xilligan in ilmaha la siiyo.

- U kala du’u cuntada ilmaha. Tani waxay kordhisaa rabitaanka cuntada ilmaha; sidaa darteed, sii cuntooyin kala duwan, markii walbana hal nooc oo kaliya ku soo kordhi.
Cuntooyinka aan wanaagsanayn ee xilligan laga ilaaliyo waxa ka mid ah shaaha, cabitaanka sonkorta leh, iyo cuntooyinka ama sharaabyada ay ku badan yihiin sonkorta, milixda iyo saliiduba.

- Waxa aan wanaagsanayn in la siiyo macmacaanada bacaha ku xidhan, sida jibista ama sharaabada kale ee moorsan.
Caanaha iyo cuntada isku miisaan; ha siinin caano badan, haddii kale waxay ka xidhaysaa doonistii uu ku doonilahaa inuu cuno cuntada nafaqada leh.

- Ilmaha ku dhiirigali inuu isago cuntada afka gashado

- Haddii appetite-kiisu xun yahay, ha ka niyad jabin; u badi inta jeer ee aad cuntada siinayso. Tusaale ahaan, sii 5 ilaa 6 jeer oo yaryar maalintii, adigoo markaa siinaya cuntooyin nafaqo leh.

- Ha siinin cuntada isagoo wax daawanaya, ama ha ku jeedin shaashada tiifiga si uu wax kaaga cuno; waa dhaqan aan wanaagsanayn. U sheekee markaad wax siinayso ilmaha oo ka dhig wakhtiga cuntada mid farxad leh oo aan la is qasbayn.

- Xilligan ka taxadar nacnaca iyo lawska; waxay sababi karaan inuu ilmaha yari ku margado. Ha ku qasbin cuntada; iyaduna waxay keeni kartaa margasho.

Address

Hargesa

Telephone

+252634426081

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Nuuradiin Dr.Garaad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr. Nuuradiin Dr.Garaad:

Share