
24/03/2024
Cholera Outbreak!!
Waa xanuun shuban biyood Halisa oo ay keento bacteria loo yaqaan V.cholera.
Bacteriyadan waxay ka kooban tahay ilaa 200 oo nooc oo Isugu jira qaar xanuun keeni kara iyo qaar aan keenin karin.
Hadaba nooca keena shuban biyoodka waxa layidhaa Toxin producing strain of V. Cholera serogroups 01 and 0139.
Xanuunkan waxa lagu qiyaasaa dadka uu sanadkii soo rito in ka badan 3 million waxaan uu geeriyooda ku dhawaad 100,000 kun oo qof sanadkii.
HABABKA LAYSUGU GUDBIN KARO ??
1. F***l oral route: oo ah marka uu qofku gacmihiisa oo anu maydhin wax ku cuno ama weelkii ku taataabto .
2. Contaminated water and food: oo ah biyo Ama cunto aan nadiif ahayn
DADKA U NUGUL..
1. Dadka degen xaafadaha isku raranka ah
2. Dadka ka aan helin biyo nadiif ah
3. Dadka dhaqaale ahaan hooseeya
4. Dadka blood group O ah
5. Dadka leh qaliimada caloosha sida partial gastrectomy
CALAAMADAHA XANUUNKA..
Calaamaduhu waxa ay kusoo if bixi karaa maalin ilaa laba cisho.
1. Shuban biyo ah
2. Matag
3. Calool xanuun
4. Fuuq bax deg dega
5. Shock
SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA..
1. In kor loo qaado nadaafada bulshada,
2. Hadii meel looga shakiyo waa in loo soo gudbiyaa bahda caafimadka ee ay khusayso si loo baadho
3. Dadka uu soo rito xanuunku waa in meel gaar ah loo sameeyaa oo lagu la tacaalo.
DAAWAYNTIISA..
Waa xanuun si fudud loo daawayn karo iyadoo si degega loo fuuq celinayo bukaanka.
ORS waa daawada ugu fiican ee lasiin karo bukaanka
DJama Abdi