Dr.Shaafici wali

Dr.Shaafici wali Waa page ka Rasmiga ah ee Dr-shaafici wali waxanad kala socon karta waxayaabo ku saabsan Cafimaadka.

Sawirkan waxaa laga qaaday isbitaal gaar loo leeyahay .... Gabar  kansarka qabta ayaa waxay horay uso qaadatay  boorso l...
26/07/2024

Sawirkan waxaa laga qaaday isbitaal gaar loo leeyahay .... Gabar kansarka qabta ayaa waxay horay uso qaadatay boorso lacag ka buuxdo.Waxay ka codsatay dhaqtarka inuu badbaadiyo nafteeda, waxwlba o ku baxana daawaynteeda ay diyaar latahay heysatana lacag aad u badan....

Laakiin dhakhtarka ayaa usheegay inuusan waxba qaban karin sababtoo ah kansarkeeda wuxuu sogaray marxaladii ugu dambeysay. Aad bay u xanaaqday lacagtiina waxay ku daadisay isbitaalka oo dhan.
Way qaylinaysa iyado leh, "Maxay tahay faa'iidada lacag aan intaan so tabcaaya".

Lacagta waad ku iibsan kartaa sariir lkn kuma iibsan kartid hurdo, lacagta wad ku iibsan karta saacad lkn kuma iibsan kartid waqtiga, lacagta waad ku iibsan daawo lkn kuma iibsan kartid caafimaadka,

Haddii aad caafimaad qabtid, ugu mahadnaq Abuuraha nicmada uu ku siiyay. Alx alx alx

j

3. Inhalation route: Waa dawooyinka hawo ama ogsajiin ahaan loo qaato, ( Inhalation route ) daawada in hawo ahaan loo qa...
06/06/2024

3. Inhalation route:

Waa dawooyinka hawo ama ogsajiin ahaan loo qaato, ( Inhalation route ) daawada in hawo ahaan loo qaato waxaa sababo labo arimood oo kala ah
♤ in uu qofka waayo hawo kufilan (Oxygen)
♤ in uu qabo cudurka neefta (Asthma)

Dwaoyinka waxaa kamid ah

▪Aerosols = Salbutomol
▪ gases . hawo

Topical route:

Dawooyinka maqaarka laga qaato gaar oogada sare ee jirka nucyo kaladuwan oo cuduro ah ayaa kudhaca maqaarka sare sida

◇ Tinea versicolor Qawadka
◇ Eczema Canbaarta
◇ Acne Finanka
◇ Leishmaniasis waa cudurka ugudaran ee kudhaca maqaarka marka lagareebo. kansarka maqaarka

Dawooyinka loo isticmaalo maqaarka waxaa kamid

□ Ketaconazole Cream
□ Griseofulvin Cream
□ Whitfield's Skin ointment
□ Tetracycline Skin ontment
iyo dawooyin kale oo faraban ayaa loo istcmaala dawooyinkaas waxaa ku baran doonaa cashireedeena xiga insha alah

Dengue fever . kalkii saddexaad oo uu dillaacay xanuunka "Dengue Fever" badi dadku u Yaqaannaan xumadda!.Dad Wayne , ma ...
05/06/2024

Dengue fever .

kalkii saddexaad oo uu dillaacay xanuunka "Dengue Fever" badi dadku u Yaqaannaan xumadda!.

Dad Wayne , ma ogahatay khatarta ay leedahay xanuunka dalkeenna kalkii saddexaad ka dillaacay ee "Dengue Fever" badi dadkuna u taqaannaan xumadda!. Weliba ma ogtahay , kusoo noqoshadiisu in ay dili karto qofkii ay markii h**e ku dhacday oo ay kasii khatar badantahay mar labaadka ay kugu dhacdaa markii h**e
Ma ogtahay se, ka hor tageeda in aad adigu ku filantahay ? .
Wad ka hor tegi kartaa adiga oo iska ilaalinaya qaniinyada kaneecada iyo lana dagaalamaya kaneecada .

1- ku dedaal xidhashada dhar adag oo u diida micida kaneecadu in ay jidhkaaga usoo dusto
2- isticmaal maro kaneeco oo haddii aad awooddana guriga aad degentahay ka buufi kaneecada . Maalintii inta aad hawl maalmeedkaaga ku jirtana, ku dedaal in aad xidhato dhar adag . Ogowna, in maalintii ay tahay xilliga nooca kaneecadani adeegato ama ay qaniinto dadka .
3- ugu dambayn haddiiba ay kusoo ridato balse aanay dhib wayn kuu geysan , keliya isticmaal biyo badan iyo xumad jebin paracetamol ah taas oo aanad xadkeeda dhaafin karin . Dawooyinka xumadda jebiya ee aan paracetamol ka ahyni xanuunkan aad bay usii wayneeyaan oo dhibka ayay kasii qayb qaataan waana in la iska ilaaliyo oo aan la cunin.
Xanuunkan haddii aad aragto in uu àd kuu hayo , waxa aad h**e u tagtaa Cisbitaalka si xaaladdaada loola tacaalo .

Dr Nashaad Yuusuf
Shaafici wali sicid

Geed Canba hoostiisa ayuu ku dilay walaalkeyga iyada oo lagu jiro 10 ka danbe ee bisha Ramadaan Markaas dilaaga wuu baxs...
20/05/2024

Geed Canba hoostiisa ayuu ku dilay walaalkeyga iyada oo lagu jiro 10 ka danbe ee bisha Ramadaan Markaas dilaaga wuu baxsaday Maxaa dhacay kadib ?

Isla geedki walaalkeyga uu ku dilay isla waqtigii uu dilay 10 ka danbe ee Ramadaan ayaa ana dilay oo aan u aaray walaalkeyga aan jeclaa ayuu yiri Ninkaan maku qaldana mise wuu ku sax sanaa in uu dilo ninkii dilay walaalkisa

“Shiico Isku Diin Ma nihin, Isku Ilaah ma nihin, isku Nabbi ma nihin, Isku Salaadna ma nihin” Sheekh Barbaraawi
20/05/2024

“Shiico Isku Diin Ma nihin, Isku Ilaah ma nihin, isku Nabbi ma nihin, Isku Salaadna ma nihin” Sheekh Barbaraawi

Hadaad maqashey xikmadahaas waxa laga diwaan-galiyey hebel oo reer galbeed ah, maxaad ka ogtahay weedhaha iyo xikmadaha ...
18/04/2024

Hadaad maqashey xikmadahaas waxa laga diwaan-galiyey hebel oo reer galbeed ah, maxaad ka ogtahay weedhaha iyo xikmadaha laga qorey Sheikh Mustafe?

Waxaan halkan kugula wadaagayaa ilaa 20 weedhood oo laga qorey Sh. Mustafe, kuwaas oo kala ah;

1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo".

2- " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxaa".

3- " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan".

4- " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah , qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yiraahdo noqotid wax fiican ma aha".

5- " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku, meeday barwaaqaada ay sheegaayaan " ?

6- " Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha ".

7- " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. "

8- " In Hooyo la noqdaa waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad ".

9- " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyay buu ogyahay, laakiin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Aakhiro u direen ".

10- " Quraanka haddii aad akhrido, qof Rabigii u waramaayo ayaad tahay bal qiyaas Rabigaa oo kula hadlaaya oo ku waramaaya ".

11- " Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ".

12- " Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ".

13- " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo, waxa ka h**eeya qalbigooda inaad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi karaysid, qalbigana waxaa lagu furaa jacayl, naxariis iyo hadal wanagsan ".

14- " Waxa laga yaaba inad saacado badan ku bixiso iskuulka, intaad is leedahay yaad saaqidin ee waxbaro, oo ka warran maalinta qiyaame haddaad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weyni jirin ".

15- " Dadka kuwa ugu hantida badan
Aya ah kuwa ugu hurdada yar ".

16- " Hadday jannadu tahay meesha qofka loogu nimceenayo, caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqaabayo, Addunyaduna waxay tahay meesha qura ee laysku imtixaamayo ".

17- " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo ".

18- " Jaamacad baan ka baxay, shahaadaan qaatay, shaqo fiican baan helay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo, maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oo dhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha ma maalin badhkeed bad dooratay marka ".

19- "In xaafad kasta laga dhiso toddoba Masaajid oo aan qaar-kood cidi ku tukan waxaa dhaanta adoo dhisa wado dadku maro, oo ka gaadhiga wata aanu gaadhigu kaga jabin ka maskiinka ah ee lugaynaayana aanu ku dhibtoon ".

20- "Islaamnimada wax mucaarad la yidhaahdaa kuma jirto, Islaamnimada waxa ku jira xaq iyo baadil, wixii xaq ah in aad taageertaa waa waajib wixii baadil ahna in aad ka soo horjeesataa waa waajib ".

Odhaahdee, ayaa kusoo jiidatay?

Axmed Maxammed-Gacayte Yuusuf (1948-1988)Axmed Gacayte Yuusuf sannadkii 1948 ayuu ku dhashay magaalada Hargeysa, xaafadd...
27/03/2024

Axmed Maxammed-Gacayte Yuusuf (1948-1988)

Axmed Gacayte Yuusuf sannadkii 1948 ayuu ku dhashay magaalada Hargeysa, xaafadda xiddigta halkaas ayuu ku kacaamay oo waayihiisii dhallaannimo ku qaatay, kolkii uu hanaqaaday waxa uu waxbarashada ka bilaabay dugsiga Axmed-Gurey ee Hargeysa.
Billaawgii dawladnimada Soomaaliya markay curatay,1960s waxaa ardayda iskuullada laga soo xuli jiray qofkii hibo faneed leh jaadkay doontaba ha noqoto'e. Dabayaaqadii,1964 ayay koox wariyaal ah oo ka hawlgala raadiyow Hargeysa oo iskuulada magaalada mikrifoon la dhex qaadayay kana soo xulanayay qofkii heesi kara booqdeen dugsiga Axmed-Gurey, arday tobaneeyo ah oo maalintaa codkooda la tijaabiyay ayuu ka mid ahaa Axmed Gacayte Yuusuf, markii codkii laga duubay ardaydii ee ay weriyaashi ku laabteen goobtoodii shaqada ayaa la dhagaystay dhammaan cajiladdihii la duubay maalintii xigtayna waxaa maalmulkii iskuulka loo sheegay inuu Axmed noqday qofka ay xulatay idaacadda Radio Hargeysa lana rabo in idaacadda la geeyo oo laga qabto hees.

Billaawgii 1965 ayuu Axmed Gacayte heestiisii ugu horaysay ka qaaday idaacadda,heestaas oo magaceedu ahaa "Ahlan wa sahlan Daahir" si wada jir ahna waxaa u la qaadayay Shamso-Diiddan iyo Marwo Maxammed. Heestaasi caan ayay isla markiiba noqotay oo magaalada ayay ku faaftay waxa ay gaadhay Maxammed-Gacayte oo ahaa fannaanka aabbihii, bulshada oo markaas fanku ku cusbaa fahan wacanna aan ka haysan ayaa kaliftay in Axmed aabbihii ku dayriyo fanka uu galay iyo idaacadda u ka heesay.

Fannaan Axmed Gacayte taas walaw ay saamayn ku yeelatay haddana ma aysan noqon dabar uu kaga joogsado hibadiisii fanneed, bilo ka gadaalba waxa uu dhex galay xertii fanka iyo suugaanta ee Hargeysa ku sugnayd hibo isma qarisee waxaa bilawgiiba cirka isu shareertay awooddii ku dhex abuurnayd aadna way ula cajabeen abwaannadii iyo fannaaniintii Raadiyoow Hargeysa.

Waayadaa dhallinyaro badan ayaa kusoo jabay fankii Soomaalida ee dawladnimada ka hor dadka loo bahalo galiyay oo dhiig cusub ayaa galay waxaana ku yimid sara-u-kac aad u weyn waana kolkii ay soo baxeen ragga laxameeyay heesaha badankooda, Axmed Gacayte Yuusuf waxa uu ka mid noqday shidaalkaa fanka kusoo biiray ee la yimid laxannada ashqaraarka ah, waxa uuna noqday laxamiiste aad looga ixtiraamo goloyaasha ay fadhiyaan jilimculustii fanka iyo suugaantu, Riwaayado badan ayuu Axmed lahaa laxankooda waxaana la sheega Gacayte inuu ahaa dadka aysan dhibin laxan samayntu oo ay aad ugu fududayd inuu ereyo qallalan oo qoran durba u beddalo hees dareen leh oo aad loo dhadhansado.

Riwaayadihii uu laxankooda lahaa waxaa ka mid ahaa riwaayadda "Rooble ma runbaa" waxaa wada sameeyay Axmed Saleebaan Bidde iyo Cabdi Aadan Xaad (Cabdi-qays), "Ninba timo xamar" iyadana ay wada sameeyeen Meecaad Miiggane iyo Boon Xirsi "Jeel iyo jacayl" oo Axmed Saleebaan Bidde lahaa iyo Riwaayaddii "Xoriyo" ee uu curinteeda lahaa Maxammuud Cabdillaah Ciise (Singub).

Axmed Maxammed-Gacyte Yuusuf isaga oo ka mid ah laxanyaqaanka heerka sare ka jooga fanka Soomaalida haddana kuma koobnayn inuu cod sameeyo ee dhanka kalena waa hoobal taabbagalay oo codkiisa dheg maqashaa aysan ka xiiso beelayn.

Axmed Gacayte, heeso badan oo aad loo jecelyahay ayuu ku xareediyay, qormadaan aadka u yarna ma aha mid aynu kaga geyoon karno laxan'aqoontiisii jaadgooniga ahayd iyo hoobalnimadiisii. Axmed Gacayte noloshiisa intii danbe waxa uu ku sugnaa magaaladii uu ku dhashay ee Hargeyaa iyada ayaana lagu dilay sannadkii 1988-kii, halkaas waxaa ku damay tiriig weyn oo si weyn uga dhex iftiimayey fankeenna. Hiboole aad u laxan macaan oo heesaa heerkiisu sarreeyo ah, mullaxan Axmed Gacayte, Eebbe ha u naxariisto sidii uu inoogu hagar baxay ee fanka inoogu qurxiyayna Alle hoygiisa ha ugu qurxiyo aakhirana haka yeelo kuwa jannada meel sare ka taga ee hadhac qabow jiifsada, qoraalka intiisa danbe waxaan idinkula wadaagayaa qayb ka mid ah waxqabadkii uu ka tagay iyo heesihii uu laxanka u sameeyay kuwaas oo kala ah kuwo uu isagu qaado iyo qaar ay fannaaniintii waaweyneed ee dalku qaadeen.

1.Heesta "Diiggaa habeenkii"
Ereyada: Maxammed C. Huryo
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Maxammed A. Kuluc

2.Heesta "Haku daalin jeedaal"
Ereyada: Cabdi Qays
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Maxammed A. Kuluc

3.Heesta "Ninka booli cunay"
Ereyada: Xasan Ganey
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Marwo Cabdi

4.Heesta "Ii wad sheekada"
Ereyada: Mewcaad Miigane
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Maxammed A. Kuluc iyo Aamina Cabdillaahi

5.Heesta "Anaa jamashadaa qaba"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Axmed Mooge iyo Sahra Axmed

6.Heesta "Nabsigiyo ayaankow"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

7.Heesta "Laba sooryo wada cunay"
Ereyada: Masmas
Laxanka: Axmed Gacayte Yusuuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

8.Heesta "Naf ku jecel adduunyada"
Laxanka : Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac
Erayada: Axmed S Bidde.

9.Heesta "Dad haddaad is qabataan"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Mooge Liibaan

10.Heesta "Aan damaq jacayl"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka:Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Mooge Liibaan

11.Heeta "Ma naxoo jacaylkuye"
Ereya: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda Sahra Axmed Jaamac

12.Heesta "Gugii h**e waan gunuunacayoo"
Ereyada: Cismaan A. Askari
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Tiriig xashi iyo Gacayte

13.Heesta "Ha ka dhicin sallaammada"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan

14.Heesta "Badda caashaq een gudhin"
Ereyada: Maxammed C. Huryo
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

15.Heesta "Weligaaba baydhbaydh"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Hibo-Nuura Maxamed

16.Heesta "Hargeysaay ha dheelliyin"
Ereyada: Cabdi-Qays
Laxanka : Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

17.Heesta "Xareedda laguma wacnaadoo"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte
Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan

18.Heesta "Jooflaha Libaaxiyo"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laanka:Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Maxamed Mooge Liibaan

19.Heesta "Isha sacabka mari"
Ereyada: Cabdiqaadir X. Yamyam
Laxanka; Axmed Gacayte
Luuqda: Khadra Daahir Cige

20.Heesta "Fallaago" ama "Ma fiirsade"
Ereyada: Baashe Waraabe-cadde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

21.Heesta "Boosta" Ama "Haddaad ruux is barateen"
Ereyada: Maxammed C. Huryo
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Saynab Cige Maxamed

22.Heesta "Si yar maw shushubiseen"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Aamina Cabdilaahi Xirsi

23.Heesta "Deeqaha ilaahay"
Ereyada: Cismaan A. Askari
Tiriigxashi iyo Gacayte ereyada C.askari.

24.Heesta "Jaallahaa walaal"
Ereyada: Maxammed A. Dacar
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Axmed Mooge iyo Sahra Siyaad

25.Heesta "Daruuraha hillaaciyo"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sacaadda Allaale

26.Heesta "Waatan lay danqaabee"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sacaadda Allaale

27.Heesta "Kuu sheekeeye kaa sheekeeye"
Ereyada: Boon Xirsi Cadib
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Maxammed A. Kuluc iyo Aamina Cabdillaahi

28.Heesta Duni wada halawsan"
Ereyada: Cabdi Qays
Laxanka: Axmed Gacyte Yuusuf
Talantaali: Aamina Cabdillaahi iyo Gacayte

29.Heesta "Ma ragaadin taladee"
Ereyada: Maxammed A. Dacar
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

30.Heesta "Sixir jacayl"
Ereyada: Maxammed C. Huryo
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Faadumo C. Maandeeq iyo Gacayte

31.Heeata "Nafta ruux ku daabacan"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Guduudo Carwo

32.Heesta "Taladaan la ruugin"
Ereyada: Xuseen Aw Faarax Dubbed
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Tubeec iyo Maryan Mursal

33.Heesta "Jacayl waa hanqaaree"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Aadan Hurre iyo Sahra Axmed

34.Heesta "Maalmaha illaahay"
Ereyada: Cismaan A. Askari
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Busi iyo Haldhaa

35.Heesta "Ahlan washlan daahir"
Ereyada: Xuseen Aw faarax Dubbed
Laxanka: Axmed Gacayte
Talantaali: Diidan, Gacayte iyo Gaasira


36.Heesta "Gocomaha ha ii jarin"
Ereyada: Cismaan Cumar Canbuur
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Sahra-Yar iyo Gacaye

37.Heesta "Miyaan xalayto jiifsaday"
Ereyada: Cabdi Qays
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Aamina Cabdillaahi iyo C-Diiriye Sooraan

38.Heesta "Umaleey jacayl"
Ereyada: Cabdi Qays
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

39.Heesta "Isoo leged jacaylkii"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

40.Heesta "Male'male adduunyadu"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

41.Heesta "Sida laba cadaawe ah"
Ereyada: Cabdi Qays
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

42.Heesta "Meel mayay heloo"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmex Gacayte Yuusuf

43.Heesta "Dulmiga caashaqa ka daa"
Ereyada: Maxammuud C. Tuunyo
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

44.Heesta "Cirka maalinweyntiyo"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

45.Heesta "Orod orod hay iman"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

46.Heesta "Dhagarqabe abeesiyo"
Ereyada: Jaamac Cabdi Seed
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

47.Heesta "Yoondheere daad maray"
Ereyada: Cismaan Cumar Xirsi
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

48.Heesta "Qaad hilinka"
Ereyada: Cabdi Qays
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

49.Heesta "Badnidaa habeenyahow"
Ereyada: Cabdi Iidaam Faarax
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

50.Heesta "Inaan wali ku jecelahay"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

09/03/2024
Ilaahay u mahadnaq haduu Qoraalkan kusoo gaadho.Isaga oo 70 jir ah waxaa ku soo booday xanuun m, kaas oo sababay inay ka...
19/02/2024

Ilaahay u mahadnaq haduu Qoraalkan kusoo gaadho.

Isaga oo 70 jir ah waxaa ku soo booday xanuun m, kaas oo sababay inay kaadidu kasoo bixi waydo:

Dhakhtarka ayaa loola cararay, kadib waxaa loo sheegay in uu qalliin degdeg ah u baahan yahay si looga daweeyo xanuunka.
Waa uu aqbalay qalliinkii maadaama xanuun saa’id ahi hayay.

Markuu u dhammaaday qalliinkii, dhakhtarka ayaa u dhiibay juwanka kharashka laga rabo. Odaygii markuu arkay juwankii oohin ayaa kasoo daadatay.

Dhakhtarkii ayaa yaabay, wuxuu ku yidhi;
“is deji adeer, lacagta lagaa rabo haddii ay badan tahay oo aadan bixin karin ii sheeg, waxaan kaa dayn karnaa kala badh?”

Odaygii wuxuu ku jawaabay;
“Uma ooyayo in ay lacagtu badan tahay oo waan haystaa lacag, laakiin waxaan la ooyay 70 sano oo aan si caadi ah u kaajayay Allaah wax lacag ah wali ima waydiin.”

Maka fakartay qiimaha oxygen’ta (hawada) dhakhaatiirta taala?
Allaah oxygen bilaash ah ayuu kuugu deeqay min maalintii aad dhalatay illaa maanta.

- Jidhkaaga gudihiisa shaqo badan ayaa ka socota wax lacag ahna lagaama waydiiyo.

Markaa ma dareemi karnaa in uu Rabbi yahay ka ugu qanisan ee ugu naxariista badan?

Xasuuso nimcooyinka uu Alle kuugu deeqay oo aan wax lacag ah lagaa waydiin.

- Alxamdulilaah dheh maalin kasta.

Mohamed A. Kahn

Waa isku dar nafagooyin watar u leh caafimaadka dumarka rajaynaya in ay helaan bad. Waxa ay ka koobantahayIron, Folic Ac...
19/02/2024

Waa isku dar nafagooyin watar u leh caafimaadka dumarka rajaynaya in ay helaan bad. Waxa ay ka koobantahay
Iron, Folic Acid, lodine, Zinc :- waxa ay taageertaa fertility ga
L-Arginine:- waxay kor u gaadaa caafimaadka dhiga iyo gaadashada oxygen
Acai Berry:- waa antioxidant taas oo yaraysa in uurjifku uu nogdo dhicis.
Vitamin B6:- Waxa ay kor u gaadaa tamarka hooyada
Vitamin C : - Waxa ay siyaadisaa iron absorptionka

Waa antibiotic and Kaga bogsan karto caabugyada ay sababto bakteeriyadu, sida Sumowida dhiga Sidoo kale waxaa loo isticm...
19/02/2024

Waa antibiotic and Kaga bogsan karto caabugyada ay sababto bakteeriyadu, sida Sumowida dhiga Sidoo kale waxaa loo isticmaalaa daawaynta caabuga ganjirka raga (prostate infection), sanbabada, Cunaha, Maqaarka, iyo cabuga hospitalada laga gado.

Address

Hargeisa Somalians
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Shaafici wali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share