11/02/2026
Immisa jeerbaa lagugu sheegay?
Waxkasta oo iyo mergiyo xanuun keenaa maaha tayfoodh #(typhoid), waxa jira calaamado ka waawayn madax xanuun oo uu yeesho qofka qaba Tayfoodhka.
shaybaadhka badanka la sameeyo ee -ku maaha mid ka turjumaya jiritaanka xanuunka ee markaas xataa hadduu h**e kuugu dhacay positive ayuu soo baxayaa.
waxa jira wax badan oo keena madax xanuun oo ay ugu yartahay aragtida indhaha oo ay wax iska badalaan, uguna wayn tahay hadduu dhiig madaxa ku furmo iyo marajaajis (Meningitis).
Haddaad muraayad arag isticmaasho oo aad madax xanuun yeelato dhakhtarkaaga indhaha booqo ama dib cabbir u samee.
Dhakhaatiirtu markay arkaan Widal-test positive ah yaynaan ku odhan bukaanka tayfoodhbaa ku haya isagoo laga yaabo inuu (Meningitis) jiro oo ah xaalad aan la dhayalsan karin.