Hargeisa Obstetric and Gynecology Speciality Hospital

Hargeisa Obstetric and Gynecology Speciality Hospital focuses addressing women's unique healthcare needs, reproductive health, gynecological care and so on

waa maxay Rh incompatibility ?Rh incompatibility waa xaalad dhacda marka:• Hooyadu ay leedahay Rh-negative dhiig• Ilmaha...
01/11/2025

waa maxay Rh incompatibility ?

Rh incompatibility waa xaalad dhacda marka:
• Hooyadu ay leedahay Rh-negative dhiig
• Ilmaha ku jira caloosha uu leeyahay Rh-positive dhiig (ka dhaxlay aabbaha)
@ Sida ay u dhacdo:
• Marka dhiigga ilmaha yar ee Rh-positive uu si yar ugu gudbo dhiigga hooyada (inta lagu jiro uurka, dhalmada, ama dhaawac jug soo gaadha hooyada),
jirka hooyadu wuxuu u arkaa unugyada dhiigga ilmaha inay yihiin “ajnaabi,” wuxuuna sameeyaa antibodies anti-D si uu u weeraro.
• Marka uur labaad yimaado oo ilmaha labaadna uu Rh-positive noqdo, antibodies-ka hooyada ayaa markaas u gudba ilmaha waxayna burburiyaan unugyada dhiiggiisa → taasoo keenta Hemolytic Disease of the Newborn (HDN).
@ Cawaaqibka ilmaha:
• dhiig yaraan aad u daran (severe hemolytic anemia)
• Jaundice
• Hepatosplenomegaly (beerka iyo beeryarada oo weynaada)
• Hydrops fetalis – xaalad khatar ah oo uu ilmaha ka buuxan dheecaan (fluid) jirka ah
• Dhimasho uurjiif ama dhalmada kahor
@ Ka hortag:
Ka hortagga ugu muhiimsan waa in la siiyo Anti-D immunoglobulin (RhIg) hooyada Rh-negative marka:
• Uurka la gaaro 28 toddobaad
• Kadib dhalmada haddii ilmaha uu yahay Rh-positive
• Ama marka ay dhacdo xaalad dhiig is-dhexgal keeni karta (sida miscarriage, amniocentesis, trauma, iwm.)

IVF (In Vitro Fertilization) Waa Maxay?waa hab caafimaad oo lagu caawiyo lammaanaha raba in ay ilmo dhalaan taas oo u sa...
31/08/2025

IVF (In Vitro Fertilization) Waa Maxay?
waa hab caafimaad oo lagu caawiyo lammaanaha raba in ay ilmo dhalaan taas oo u sahlaysa in ay helaan ilmo, alle ayaa ubadka baxshee. Markaa Erayga In Vitro macnihiisu waa bacriminta (isku darka shahwada iyo ugxanta hooyada iyo aabaha waxaa lagu sameeyaa shaybaadh, kaddibna uurjiifka ayaa dib loogu cinayaa ilma-galeenka hooyada.
Qaybtan cusub waxa kuu soo kordhiyey hospitalka Hargeisa Obstetric and Gynecology Speciality Hospital anaga oo ka duulayna baahida balaadhan ee loo qabo in loo sameeyo walidiinta u baahan in ay ilmo helaan. iyaga oo h**e xalado cafimaad ama jidh ahan u gu samixi wayey helida/dhalida ilmaha.
Dhamaan bukaanadii ku xidhnaa hospitalka iyo waalid kasta oo danaynaya fursadan qaaliga ah waxa kugu diyaar ah hospitalka HARGEISA OBS AND GYNE SPECIALITY HOSPITAL DHAKHTAR takhasuusad dheer u leh IVF. La soo xidhiidh 4128844/4722848

Endometriosis waa xalad caafimaad daro oo ku timaada ilmo galeenka haweenka taas oo meeshii logu talo galay meel ka baxs...
04/08/2025

Endometriosis waa xalad caafimaad daro oo ku timaada ilmo galeenka haweenka taas oo meeshii logu talo galay meel ka baxsan lagu arko abnormal growth tissue, calamadaha ay la imaanayso qofka dumarka ah waa xanuun aan cadi ahayn wakhtiga cadada, kaadida, xanuun wakhtiga gogosha ka dib xaladahan hadii aad isku aragto la xidhiidh dhakhtar takhasuusad dumar sidoo kale hargeisa obstetric and gynecology hospital waxaa kugu diyaar ah doctor rehal call:4722848/4128844

PCOS waa xaalad caafimaad daro  ay keento khalkhal ku yimaada dheecaanada dumarka, waxayna sababtaa khalkhal ku yimaada ...
01/08/2025

PCOS waa xaalad caafimaad daro ay keento khalkhal ku yimaada dheecaanada dumarka, waxayna sababtaa khalkhal ku yimaada wakhtiga cadada, dhalmo la.aan iyo timaha oo aad u u kora sidoo kale Acne, sidoo kale khatar ayey ugu jirtaa qofka dumarka ah hadii ay la nooshahay PCOS in uu ku dhaco Dhiig kar( hypertension) ama macaan(diabetes). Si aad dawayn u hesho h**e u gaadh goob cafimaad. Waxanad dawadeeda ka helaysaa xarunta Hargiesa Hargeisa Obstetric and Gynecology Speciality Hospital . 4128844/4722848

JUMA KAREEM DHAMAAN BULSHADA MUSLIM AH. ALLE DHAMAANTEEN HA INOO DAMBI DHAAFO.AMIIN.
31/07/2025

JUMA KAREEM DHAMAAN BULSHADA MUSLIM AH. ALLE DHAMAANTEEN HA INOO DAMBI DHAAFO.AMIIN.

EID MUBARAK  CAAFIMAAD IYO FARXAD KU EIDA
05/06/2025

EID MUBARAK CAAFIMAAD IYO FARXAD KU EIDA

Waa maxay  Dawada PCOS Multivitamin 💗 Ma la dalaa dhacaysaa caado aan joogto ahayn, finan wajiga, ama tamar yari ?Adiga ...
03/06/2025

Waa maxay Dawada PCOS Multivitamin
💗 Ma la dalaa dhacaysaa caado aan joogto ahayn, finan wajiga, ama tamar yari ?
Adiga kaliya ma tihid — waxaan kuu haynaa xal caafimaad leh!
🌿 PCOS Multivitamin waxaa si gaar ah loogu tala galay haweenka qaba polycystic overian syndrom(PCOS). waxaanad ka helaysaa
Is badal wayn oo caafimaad leh, firfircooni iyo isku dheeli tir hormoonada ah.
✨ Faa’iidooyinka: Dawadani leedahay
✅ Waxay dheelli tirtaa dheecanada/hormonada dumarka.
✅ Waxay joogteysaa caadada
✅ Waxay yareysaa finanka iyo dhibaatooyinka maqaarka
✅ Waxay kordhisaa tamarta iyo dheefshiidka
✅ Waxay taageertaa taranka si dabiici ah.

Wacyigelin ku saabsan xanuunka la yidhaa PCOS

🔍 Waa maxay PCOS?
PCOS (Polycystic O***y Syndrome) waa xaalad dheecaano/hormono ah oo ku badan dumarka. Waxay keeni kartaa:
Caado aan joogto ahayn,Finan maqaarka ah,
Timaha oo si xad dhaaf ah u kora wajiga/gacamaha, timaha madaxa oo daata, Miisanka oo kordha iyo Dhibaato ku timaada in gabadhu uur qaadi waydo ama ka cabato dhalmo la.aan.
Sidoo kale mararka qaar waxa lagu arki karaa qaybta Taranka gudaha ee dumarka buro biyood.

👩‍⚕ Xaladan caafimad darro ee PCOS waxay kordhisaa halista cudurrada macaanka, dhiig-karka, iyo dhibaatooyin dhanka maskaxda ah haddii aan la daweyn.

💡 In h**e loo Ogaado waxay kaa caawinaysaa in aad hesho daawayn iyo nolol caafimaad leh. Dawayn aad u tayo saraysa sida PCOS Multivitamin kana dawayn doonta calaamadaha iyo kor u qaadida taranka.

🩺 Ha iska indho tirin calaamadahan ee daryeel naftaada!

💊 Hal kiniin maalintii = Hal tallaabo oo caafimaad leh!

📦 Waxaad ka helaysaa dawadan dhakhtarka Hargeisa Obstetric and Gynecology Speciality Hospital .
📲 Nala soo xidhiidh si aad ula kulanto dhakhtarad takhasus u leh dawaynta xaladaha kala duwan ee dumarka! TEL: 4722848 AmA 4128844

01/06/2025

Dhakhtarka Hargeisa Obstetric and Gynecology Speciality Hospital waxaa idinku diyaara dhakhtarad ku takhasuustay dawaynta xanuunada dumarka iyo dawaynta lamaanaha ilmaha raadinaya alle ayaa baxshee iyo waliba qalimada C-Sectionka, qalimadah burooyinka bakaanka, eegida tuumboyinka makaanka, iyo waliba baadhida Cancerka makaanka iyo naasaha. Ha moogan ee la xidhiidh. 47222848 ama 4128844

Waxaad ka helaysaa Hargeisa Obstetric and Gynecology Speciality Hospital   baadhista ciladaha ku yimaada kiishka/Makaank...
23/05/2025

Waxaad ka helaysaa Hargeisa Obstetric and Gynecology Speciality Hospital baadhista ciladaha ku yimaada kiishka/Makaanka ilmo galeenka dumarka iyadoo ay idiinku diyaar tahay Dr Rehal oo takhasus sare ka wadata dawaynta iyo qaliimada xanuunada dumarka. Soo booqo xarunta hospitalka ee hargiesa.
Nagala soo xidhiidh 4722848 ama 4128844,

20/05/2025

Mamulka iyo Shaqaalaha Hospitalka Hargeisa Obstetric and Gynecology Speciality Hospital waxay hambalyo dhalasho u dirayaan Dr Abdirahman Nour iyo Marwadiisa oo hada gabadh ugu dhalatay Hospitalka Hargeisa Obstetric and Gynecology Speciality Hospital waxaanu leenahay soo barbaar Alle ha ka dhigo ilmo Dadkeeda Diinteeda iyo Dadkeeda anfacda. AMIIN AMIIN.

19/05/2025

OGAYSIIS OGAYSIIS DHAMAN BULSHADA KU NOOL HARGIESA IYO NAWAAXIGEEDA, waxaa lagu war galinayaa in hospitalka takhasusaadka dawaynta xanuunada dumarka iyo dhalmi la.aanta ee hargiesa idinku diyaar tahay DR REHAL KENDAMERIAM.

30/04/2025

Dhamaan bulsho waynta waxaa la ogaysinayaa in dhakhtarka takhasuusadka dawaynta xanuunada dumarka iyo dhalmo la.aanta alla baxshee, idinku diyaar tahay doctor rehal oo takhasus sare u leh kana soo shaqaysay hospitalada wawayn ee ethiopia.

Address

A/Dhagah
Hargeisa
00000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hargeisa Obstetric and Gynecology Speciality Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram