Dr geedi

Dr geedi Health is a wealth

Da'deedu waa 24 jir, waa gabadh ku jirta waqtigii ugu wanaagsanaa nolosheeda.Waxay se la noolayd MADAX-XANUUN joogto ah,...
18/04/2024

Da'deedu waa 24 jir, waa gabadh ku jirta waqtigii ugu wanaagsanaa nolosheeda.
Waxay se la noolayd MADAX-XANUUN joogto ah, umase ay tagin diktoor ku haboon xanuunkeeda oo la tacaala.

Waxay si joogto ah u qaadan jirtay dawo xanuun biiye ah, waana dawada sawirka hoose ka muuqata.

Dhawaan ayaa pharmacy ka cabiray cadaadiska dhiiga oo uu u sheegay inay leedahay dhiikar (180/130).
Cisbitaalka oo ay noogu timid, shaybaadho kadib , waxaan ogaanay inay KELYUHU shaqada yareeyeen.

Sawir kelyaha ah oo la saaray ayaa cadeeyay in labada kelyood xajmi ahaan yaraadeen ( 6cm ).
Shaqada kelayaha hada waxay marayaan boqolkiiba 13%.

Ilaahay baa caafimadka hayee mustaqbalka gabadhani waa in dhiiga loo sifeeyo ( dialysis ) ama kali loo bedeli (renal transplantation).

Hargeisa pharmacy yada ku yaala dhibkooda ayaa ka badan dheeftooda.
Dhalinyarada gaar ahaan hablaha ha laga wacyi geliyo dhibka ay kiniinada xanuun biiyayaashu ku keeni karaan kelyaha.

Waxa Qoray Dr Abdi Razak Yousuf Kahin Family physician, Hargeisa group Hospital

Angina pectoris
31/01/2024

Angina pectoris

Urinary tract infection ( UTI)
31/01/2024

Urinary tract infection ( UTI)

15/01/2024
Anencephaly:Anencephaly is a serious birth defect in which a baby is born without parts of the brain and skull. It is a ...
10/01/2024

Anencephaly:

Anencephaly is a serious birth defect in which a baby is born without parts of the brain and skull. It is a type of neural tube defect (NTD). As the neural tube forms and closes, it helps form the baby’s brain and skull (upper part of the neural tube), spinal cord, and back bones (lower part of the neural tube).

Anencephaly happens if the upper part of the neural tube does not close all the way. This often results in a baby being born without the front part of the brain (forebrain) and the thinking and coordinating part of the brain (cerebrum). The remaining parts of the brain are often not covered by bone or skin.

Nevus:A nevus is made up of cells called melanocytes. These cells produce melanin, the pigment that colors our hair, ski...
10/01/2024

Nevus:

A nevus is made up of cells called melanocytes. These cells produce melanin, the pigment that colors our hair, skin and eyes. Most of the time, melanocytes are spread evenly throughout body tissue. Sometimes, though, these cells can clump together and form nevi.

People can be born with harmless eye nevi. A pigmented spot that develops later in life is usually harmless as well, but may have a greater risk of becoming cancer.

An eye nevus needs to be watched regularly by an ophthalmologist because, like a skin mole, it could possibly develop into cancer of the eye.

There may be an association between exposure to ultraviolet (UV) light and developing nevi. Wearing sunglasses that protect your eyes from UV light is always recommended.

03/01/2024
Dawooyinka  Hurdadu waxay dabciyaan muruqyada  ama jilciyaan  bilaa awood way kadhigan kadibna qofka  Wuu hurdoodada Sid...
01/11/2023

Dawooyinka Hurdadu waxay dabciyaan muruqyada ama jilciyaan bilaa awood way kadhigan kadibna qofka Wuu hurdoodada

Sidii kale marka aan jimicsano muruqu aadbu ushaqeeya kadibna Maskaxda dheecamo Ama hormone lagasoodaya jilciya kadibna awoododa yarata qofka lulaa Qabata ama wuuu hurdooda

Joogtoo jimicsiga hadaad hurdo yaraan ka cabanayso ama si aad u seexato hurdo wanaagsan

Dhiikarku waa xanuun sadex ku suntan   si fudud ayaa lagu baadhaana laguna ogaadaa  laguna daweeya ilaahayba wax daweye ...
01/11/2023

Dhiikarku waa xanuun sadex ku suntan si fudud ayaa lagu baadhaana laguna ogaadaa laguna daweeya ilaahayba wax daweye sidudna waa loo xakamaynkaraa hadana iyadoo sidaa ay tahay wadankeeda dhiikarku waa xanuun si liidata lagu oogaado weliba xili qofku mudo badan qabey kadib , xakamystiisa iyo daweyntiisuna maaha kuwo wanaagsan dadkuna badi waxay la nool yihiin dhiikar aan la xakamayn ama maba qaataan dawadii ku habooneyd dejintiisa.

Haayada caafimaadka aduunka (WHO 2023) ayaa sheegtay in dhiikarku saameyey 1.5 bilyan guud ahaan dunida dadka qaan gaadhka ah , sadex meelood laba meel na 2/3 dadkaasina ku noolyihiin dalalka soo koraya iyo kuwa saboolka ah . 42% oo keliya ayaa ah kuwo dhiikarkooda la baadhey dawana qaata halka 21% keliya yihiin kuwo dhiikarkodu xakamaysan ama dejisan yahay marka ay dawada qaataan. Iyadoo dhiikarko yahay ka sababta u noqda inuu galaafto ama ay u dhintaan tiro gaadheysa 10.4 milyan oo qof sanadkasta hadeynu barbar dhigno COVID 2019 afartii sanee u damabaysa ilaa maanta waxaa u dhintay tiro gaadheysa 6.9 milyan oo qof oo keliya .
Ururada kala ah European society of Cardiology (2022) iyo US Preventive Services Task Force (2021): waxay faraan in dhamaan dadka qaan gaadhka ah 18 sano iyo wixii ka weynba in marka xarumaha caafimaadka ay booqdaan inay cabirka dhiigooda diwaan geliyaan si joogta ahna ula socdaan kana war qabaan is badala ku yimaada cabirka dhiigooda.

Su'aal
Wax ma ka ogtahay Ama socotaa cabirka dhiigaaga? Hadaad dhiikar leedahay ma qaadataa dawo mase yahay mid xakamaysan ?
Mahadsanidin.

01/11/2023

Waa maxay stress ama cadaadis maskaxeedku

Xiliyadaa aan xalinayno dhibka ina haysta ama aan rabno in aan dhakhso howl ku qabano waxaa maskaxda ku yimaada culays ama cadaadis.�Cadaadiskaasi waxa uu sobaba in la soodayo dheecanno ama hormones kuwaas oo ina siiya firfircooni dheeraad ah illaa inta aan ka gudanayo waajibaadka ina saaaran kaas ayaa la yidhaahda Stress ama cadaadis-maskaxeed.

1. Posative Stress Stresskaasi haddii qiyaas uu ku socdo (jirka iyo maskaxdu si dhellitiran ay u wada shaqaynayaan) waa kan caadiga oo la oran karo stresska wanaagsan (postive stress).

2. Negative Stress Haddiise qofku uu xukumi waayo stresskaas oo miisaanka wada shaqeynta jirka iyo maskaxdu ay meesha ka baxdo waxaa imaanaya stresska jirrooyinka keena waana kan lagu magacaabo (negative stress).

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr geedi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr geedi:

Share

Category