Bukaan GarGaar Medical Centre

Bukaan GarGaar Medical Centre Waxa aanu kula diyaar Nahay shaqaale cafimaad oo xirfad leh iyo Adeegyo iyo Daawoyin Tayo Leh

DHIIG KARKA (HYPERTENSION)Waa xaalad caafimaad oo saamayn balaaran leh, cadaadiska uu dhiigu ku marayo xididada uqaada x...
31/03/2023

DHIIG KARKA (HYPERTENSION)

Waa xaalad caafimaad oo saamayn balaaran leh, cadaadiska uu dhiigu ku marayo xididada uqaada xubnaha jirka si ay usiiyaan oxygen iyo nafaqo ayaa siyaada, waxaana yaraada dhumucda xididka ,taasoo keenta inuu siyaado awoodu uu wadnuhu usoo ururo si uu dhiig ugu diro xididka. Dhiig karka waxaa saamayn ku leh laba qodob, mida koowaad waa cadadka dhiiga ee u wadnuhu u dirayo xididada, mida labaadna waa cadaadiska ka jira xididada. Tusaale hadii uu badanyahay dhiiga wadnahaagu udirayo xididada, dhumucda xididkuna ay yartahay waxaa siyaadaya cadaadiska uu dhiigu ku marayo xididka taasoo keenta dhiigkar. Cabirka cadaadiska dhiiga ee caadiga ah waa 120-130/80-90mmHg, hadii uu intaas ka badnaado waqtiyo kala duwan oo isku xigxiga waxaa jira dhiigkar.

Maxaa Sababa Dhiig Karka

Dhiigkarka waxaa loo qaybiyaa laba qaybood, midka koowaad
(essential hypertension) malahan sabab gaar ah oo la fahansanyahay, waxaase lala xiriiriyaa dhaxal, midka labaad waxaa uu leeyahay sabab gaarka sida xanuunada kelyahan ama sokorta oo kale. Waxaa kale oo lala xiriiraya cusbada, sigaarka, jimicsi la aanta, walwalka (stress) iyo hormoonada kelyaha oo sareeya.

Astaamaha Dhiig Karka

Waxaa ka mid ah, madax-xanuun, wadna garaac, araga oo daciifa, kulayl ama dhaxan, dhidid. Inta badan dhiigkarku wax calaamad ah maleh waxaana laga yaabaa in adoo caadi ah oo aan waxba dareemayn uu dhiigaagu kacsanyahay. Waxaa haboon in marwalba aad lasocoto cadadka dhiigaaga.

Mala Daawayn Karaa

Malahan daawo rasmi ah oo lagu daweeyo laakiin waxaa lagu kontorooli karaa qaab aan daawo ahayn, sida iyadoo la iska ilaliya cuno cusbadu ku badantahay iyadoo jimicsi lasameeyo iyo in la iska yareeyo walwalka, waxaa kaloo jira daawooyin lagu xakameeyo heerka dhiigkar, kuwaaso faa’ido weyn u leh dadka qaba dhiig karka.

Bukaan Gargaar medical Hargiesa Somaliland
30/03/2023

Bukaan Gargaar medical
Hargiesa Somaliland

Address

Hargeisa

Telephone

+252634743463

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bukaan GarGaar Medical Centre posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category