04/07/2022
Dhaqanka SUUL JAQIDDA(Thumb sucking) oo ay carruur badani la qabtimaan ama la qabsadaan waalidku inta badan dhib uma arko amaba u haysto in mustaqbalka wax dhib ah ku keeni karto.
Dabcan la qabsiga jaqidda naaska Hooyada ama Masaasadda ayaa ilmaha yar ku riixaysa in uu si dabiici ula qabsado jaqidda Suulka ama Faraha. In kasta oo baxsiyada ama baadhitaannada qaarna sheegayaan in ilmaha yari uurka Hooyaddii kala yimid Suul jaqidda.
Sababaha kale ee ku kallifa in ilmaha yari Suulka/Faraha jaqo waxa ka mid ah:
T. In uu deganaansho ku dareemo siiba xilliga la maago ama waalidku dagaalo.
J. Wakhtiga uu gaajoonayo.
X. Xilliga uu luloonayo ama uucaajiska dareemo.
KH. Iyo haddii uu baqanayo ama baqdini soo waajahdo.
Dhibaatooyinka uu kala kulmi karo dhaqankan waxaa ka mid ah.
😎 In Dhanxanaggu noqdo mid dhuuban oo cidhiidhi ah(Narrow Palate), taas oo xataa sababi karta in ku dhawaaqista xarfaha qaar iyo cunto liqiddu ay ku adkaadaan.
T) In ilkaha sare ee h**e(upper anterior incisors) ay h**e usoo baxaan kuwa hoose ee h**ena(Lower anterior incisors) ay dib u noqdaan ama gudaha galaan(Anterior Open bite). Xaaladdani waa dhibta ugu wayn ee uu keeno dhaqankani, iyada oo adkaanayso ilmaha yar in uu afkiisa daboolo ama xidho.
J) In ilmaha yar halis ugu jiro xanuunada faafa oo uu si fudud u qaadi karo, farahan uu afka mar walba afka kula jiro dartood.
X) In uu ilmaha yari xaalad nafsi ah la kulmi karo kolka ay ku dacaayadeeyaan ciyaalka ay isku da,ada yihiin.
Kh) in Suulku ka yara yaraado cabbirkiisii caadiga ahaa ama uu dildillaac sameeyo oo uu infection qaado.
Sidee looga hortagi karaa ama looga joojin karaa dhaqankan ilmaha yar?
Wax dhibaato ah oo wayn dhaqankani kuma keeno ilmaha yar ilaa uu ka gaadhayo da,ada ilko-dhacsiga(6 jir ilaa 8 sano jir). Si dabiici ayuuna ilmaha yari u joojiyaa kolka uu gaadho da,ada 2 sano jir ilaa 4 sano jir.
Haddiiba ay dhacdo in ilmaha yari wali suul jaqidda sii wado gaadhona da,ada ilko-dhacsiga waa in waalidku tallaabooyinkan raacaa.
1. In ilmaha yar lagu dayo sasabid iyo waano, si yar fududna loogu sharraxaa dhibaatada caafimaad iyo fool xumada uu ka dhaxli karo, siiba adigoo sawirro ku fahamsiinaya.
2. Iyo In abaalmarinno la guddoonsiiyo, loona ballan qaado haddii uu joojiyo in abaalmarinno kuwan ka qaalisan la siin doono. Labadan qodob ee aynu kor ku xusnay ayaana ugu wanaagsan in awoodda la saaro.
3. Haddii uu ilmaha yari suulka jaqo xilliga la maago ama xilliga uu dareemo buuqa iyo dagaalka waa in waalidku isku dayo in uu xalliyo xaaladdaas.
4. Habeenkii kolka uu sii seexanayo waa in loo xidhaa gacan gashi(Gloves) u gaar ah suul jaqidda.
5. Ugu danbayn haddii intaas aynu kor ku xusnay uu kala quusatid waa in aad Dhakhtar ilkood gaysaa si laguu sameeyo qalab dhanxagga la galiyo(Thumb sucking appliance) oo aan u oggolaanayn inuu suulka afkiisa galiyo ilmaha yari.
Waxa aan waalidiinta Soomaalida uga digayaa oo aan kala dardaarmayaa in aanay ilmaha yar dhaawac ama dhibaato ka wayn tan uu dhaqankani ku keeni karo loo gaysto, oo aan ilmaha yar Gacanta laga gubin ama makiinad lagaga jeex jeexim sida dhacda ee aan dhakhtarka kula kulmo. Minfadlakum.
Haddii ilmaha yari da,adan Todoba jirka ama siddeed jirka dhaafay isaga suulka jaqa dhibaatooyinkaa aynu kor kusoo xusnay uu la kulmay waa in waalidku u geeyo ama la kulansiiyo dhakhtar ku takhasusay birta ilkaha lagu qurxiyo(Orthodontist) siiba inta uu da,a yar yahay si loo saxo dhibaatadaas
Xiga:
Dr Shire Naleeye