24/05/2023
XANUUNKA TIIFAWGA, TAYFOODHA (Typhod/Enteric Fever)
Xanuunka/Cudurka loo yaqaano Tiifow (Typhoid/Enteric Fever) ama Tayfoodh waa xanuun ku dhaca badi bulshadeena dadka waaweyn iyo carruurta labadaba, waxaana keena ama sababa mid kamid ah Ilma-aragtayga (Microorganisms) gaar ahaanna Bacteeriyada (Bacteria) loona yaqaano Salmonella Typhi. Maaha cudur ama xanuun lagu ogaan karo baadhitaan caafimaad la’aantii (Clinical Syndrome).
HABKA UU KUFAAFO: Waxa uu ku gudbaa hab loo yaqaano (Feco-oral) kaas oo ah wasakhowga gacmaha, cuntada iyo cabitaanada oo ay taabtaan noolahan ilma-aragtayga ahi kadibna afka gaadha.
ASTAAMIHIISA: Calaamadaha lagu garto waxa kamid ah ee lagu arki karo qofka uu asiibay xanuunkani Madax xanuun, jidh xanuun (murqo xanuun), kala daadsanaan (tamar dari), qandho iyo oon-diid, Calool socod dadka waaweyn ay ku keento, calool istaag iyo matag carruurta lagu arko, garaaca wadnaha oo hoos udhaca xummada/qanadhada darteed, dibiro.
SIDA LOOLA TACAALO
• U joogtaynta biyo ama cabitaan kufilan si qofka fuuq bax looga ilaaliyo.
• Cunto fudud si looga hortago oon diidka ku yimi inuu daciifiyo tamarta jidhkiisa oo lasiiyo sida caanaha.
Waxa ay tahay uun intani remedies (latacaalid) balse maaha daawaynta saxda ah ee bukaanka uu asiibay xanuunkani waxaana daawayntiisa bixiya dhakhtar caafimaad ee maaha wax cid waliba u talin karto badqabka bukaanka.
Hadaba, Xanuunkani hadii aan ladaawaynin waa mid halis caafimaad leh, waxa uu uqaybsamaa labo qaybood oo ku kala dhaca Madaxa iyo Caloosha. Qaybta madaxa haleesha ayaa gayaysiin karta in bukaanku hadii aanu helin daawayn ku habboon ku keento dhibaato neerfaha ah oo aakhirka keenta in uu qofku halis u galo xanuunada maskaxda kudhaca ee dhimirka oo dawooyinka maskaxda lanoolaado qaadashadooda.
Sidaas darteed, xanuunka sidan u halista badan waxa uu bulshadeena dhexdeeda kayahay mid ladhayalsado dhibtiisa, waxa ka mamnuuc ah in dadka qaba cudurkani ay u adeegaan bulshada gaar ahaanna meheradaha sida Hudheelada cuntada oo aanay u diyaarin bulshada cuntada, hanoqdo Mudalabka iyo Dabaakha karinayaba’e. Maaha in ay shaqadaas qabtaan waayo waxa ay sifudud u gudbin karaan xanuunkan una gaadhsiin karaan dad tiro badan.
Ugu danabayntii waxa muhiim ah in kor loo qaado nadaafadda iyo fayo-dhawrka (Hygiene and Sanitation) guryaheenna iyo nafaheenaba taas oo ah isha ay kasoo burqanayaan gudbiyayaasha xanuunkani hadii aan si fiican looga taxadarin oo kayimaadda waxyaabaha qofka jidhkiisa kasoo baxa (Body fluids) gaar ahaan Saxarada iyo kaadida. Ku dedaal in aad nadaafadda gacmahaaga kawarqabto inbadan ugu yaraan.
By ABYAN