Dr:- Farabadane

Dr:- Farabadane Sharing of heath information

Wasiir, Madaxwaynaha iyo shacabkuba waa kuu ogyihiin in aad shaqadii qaranka si fiican u wado, Maansha alla.
01/04/2026

Wasiir, Madaxwaynaha iyo shacabkuba waa kuu ogyihiin in aad shaqadii qaranka si fiican u wado, Maansha alla.

"Dhalinyarada Xumaanta ka raadinaysa sawirka Ilmaha aan talaalka siinayay Anigu shaqadaydiiban haysta oo Caruurtan daawaynaya." Wasiirka Caafimadka oo ka jawaabay sawir Baraha bulshada si wayn ugu faafay.

01/04/2026
01/04/2026

Isma dhiibo geesigu si kastooy dharaaruhu isu dhalan rogaan.

Wasiir, Daacadnimada iyo Hufnaanta aad dadkaaga iyo dalkaaga ugu shaqaynayso, ilaahay iyo umada inta samaha jeceliba waa ka marag, warka xuma tashiilkana marna dhag ha u dhigin insha allaa, ee ka shaqee mar kasta horumarinta dadkaaga, Alle haku barakeeyee.

Kulliyada caan ka ah ee Rift-Valley Medical College, waxay ogaysiinaysaa, dadka xiiseynaya barashada aqoon caafimaad oo ...
01/04/2026

Kulliyada caan ka ah ee Rift-Valley Medical College, waxay ogaysiinaysaa, dadka xiiseynaya barashada aqoon caafimaad oo tayo sare leh, in kulliyadu qaadanayso fasalo cusub oo ah qaybaha kala duwan ee duruusta caafimaadka haatan, Wakhtiyada aad heli kartaana waxay kala yihiin Galinka h**e, Galinka dambe iyo Bacdal maqribka (Habeenkii).

Waxaa xarunta kuliyada ee ku taala inta u dhaxaysa suuqa hadhwanaag iyo saldhiga dhexe ee Hargeysa, ka socota diwaan galinta ardeyda cusub ee fadlan h**e u gaadh yaanay kaa buuxsamine insha allaa.

Ka mid noqo ardayda dhigata kulliyada ku caanka ah barashada caafimaadka ee Rift Valley Medical College oo ka rumee riyadaada.

Kala soo xidhiidh numbers kan
0634432722, 0634104731 ama 0634183125 .

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL oo kaashanaysa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa soo qabanqaabisay tabobar...
01/04/2026

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL oo kaashanaysa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa soo qabanqaabisay tabobar muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah ee caafimaad. Tabobarkan ayaa diiradda saaraya sidii loo horumarin lahaa diyaar garowga iyo wax ka qabashada dhacdooyinka degdegga ah sida cudurrada dillaaca, masiibooyinka dabiiciga ah iyo xaaladaha kale ee saameeya caafimaadka bulshada.

Kulanka waxa soo agaasimay agaasimaha waaxda xaaladaha degdegga ah Dr. Mohamed Ismail Yousuf iyo waaxda qorsheynta oo uu hogaaminayo agaasime kuxigeenka waaxda Dr. Khadar Omar Farah.

Tababarka waxa ka soo qeybgalay kooxo kala duwan oo ka kala socda gobolada oo ay hogaaminayaan isuduwayaasha gobollada, sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa wakiillo ka socday Hay’adda WHO oo taageero farsamo iyo khibrad la wadaagay ka qaybgalayaasha.

Tabobarka oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa lagu baran doonaa hababka casriga ah ee loo maareeyo xaaladaha degdegga ah, oo ay ka mid yihiin qiimaynta khatarta, qorshaynta degdegga ah, isku xidhka hay’adaha kala duwan iyo hababka warbixinta iyo kormeerka. Ka qaybgalayaasha ayaa sidoo kale ka shaqayn doona dhisidda iyo habaynta kooxo heegan ah (Rapid Response Teams) oo si degdeg ah uga jawaabi kara xaaladaha soo kordha.

Ujeeddada ugu weyn ee tabobarkan ayaa ah in la diyaariyo kooxo si fiican u tababaran oo leh aqoon iyo xirfad ku filan, si ay si hufan uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah, loona yareeyo saamaynta ay ku yeelan karaan bulshada. Tani waxay sidoo kale qayb ka tahay dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka dalka iyo ilaalinta badbaadada bulshada.

31/03/2026

Ninkii jilicsan bay meelahaa nacabku jiidaane, sida laga calool qabo, hadaan Xuseen ka waynaanin.

31/03/2026

Wasaaradoo rafanaysa, oo Rafaad la kadeedan, Rijaalkan, allaa ku hagaajay.

Warxumo tashiilka iyo iyo munaafiqiinta xumaa waa nimanka sawirkaas badelay, iyaga oo adeegsanaya IA. Wasiir Xuseen bash...
31/03/2026

Warxumo tashiilka iyo iyo munaafiqiinta xumaa waa nimanka sawirkaas badelay, iyaga oo adeegsanaya IA. Wasiir Xuseen bashiir waa wasiirka ugu daacadsan, uguna howl karsan wasiirada xukuumada wadajir iyo wax qabad.

Waakan sawirka dhabta ahi Hubsiimo halbaa la siistaa
31/03/2026

Waakan sawirka dhabta ahi

Hubsiimo halbaa la siistaa

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay, Xarunta Agoom...
31/03/2026

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay, Xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa, si uu ugu kuur galo xaaladda caafimaad ee carruurta iyo daryeelka ay helaan.

Kormeerkan waxa ku wehelinayay Agaasimaha Waaxda Talaalada iyo Caafimaadka Carruurta, iyo Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Maroodi Jeex Dr Mahad Cabdi Yaasiin (Mahad Ala Yasin), intii uu kormeerku socday, masuuliyiintu waxay mid mid u booqdeen qaybaha kala duwan ee xarunta, iyaga oo sidoo kale maamulka xarunta ka dhegaystay, xaaladda caafimaad ee carruurta iyo baahiyaha weli u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.

Kormeerkan ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli ay socdeen maalmihii ololaha talaalka, taas oo sababtay in Wasiirku si gaar ah u dardargeliyo adeegga talaalka ee ka socda xarunta. Wasiirka ayaa halkaas ka ballan qaaday in si degdeg ah, loo gaadhsiin doono talaagadda talaalka, si carruurta xarunta ku jirta loogu bixiyo adeegga talaalka xarunta gudaheeda, isla markaana si joogto ah loo dhammaystiri doono adeegyada talaalka.

Intaa waxaa dheer, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa sidoo kale, ballan qaaday in Wasaaraddu taageero buuxda ka siin doonto xarunta dhinaca dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka, isla markaana la gaadhsiin doono adeegyada la tacaalidda nafaqo-darrada, si looga hortago in carruurta ay la kulmaan nafaqo-xumo.

Kulliyada caan ka ah ee Rift-Valley Medical College, waxay ogaysiinaysaa, dadka xiiseynaya barashada aqoon caafimaad oo ...
30/03/2026

Kulliyada caan ka ah ee Rift-Valley Medical College, waxay ogaysiinaysaa, dadka xiiseynaya barashada aqoon caafimaad oo tayo sare leh, in kulliyadu qaadanayso fasalo cusub oo ah qaybaha kala duwan ee duruusta caafimaadka haatan, Wakhtiyada aad heli kartaana waxay kala yihiin Galinka h**e, Galinka dambe iyo Bacdal maqribka (Habeenkii).

Waxaa xarunta kuliyada ee ku taala inta u dhaxaysa suuqa hadhwanaag iyo saldhiga dhexe ee Hargeysa, ka socota diwaan galin ta ardeyda cusub ee fadlan h**e u gaadh yaanay kaa buuxsamine insha allaa.

Ka mid noqoto ardayda dhigata kulliyada ku caanka ah barashada caafimaadka ee Rift Valley Medical College oo ka rumee riyadaada.

Kala soo xidhiidh numbers kan
0634432722, 0634104731 ama 0634183125 .

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Mudane Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa sheegay in xukuumadihii kala dambeeyey...
30/03/2026

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Mudane Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa sheegay in xukuumadihii kala dambeeyey ee soo maray dalku ay hagradeen degmada Alleybaday isla mar ahaantaana aanay ka fulin wax la xidhiidha horumarinta dhinaca caafimaadka.

Wasiirka oo arrimahaas ka hadlaya, wuxu yidhi: "Dawladihii kala danbeeyay ee dalku, way hagradeen degmada Allaybadey dhinaca Caafimaadka".

Wasiirku wuxu sidoo kale halkaas ka sheegay in qaab isku tashi ah lagu dhisi doono Cisbitalka degmadaas isla mar ahaantaana ay dawladdu na doorkeed si weyn uga qeyb qaadan doonto, waxaana uu yidhi: "Isku tashi dawladda iyo bulshada ah ayaynu ku dhisaynaa Cisbitaalka Allaybadey".

Address

Hargeisa
1453

Telephone

+252634104731

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr:- Farabadane posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr:- Farabadane:

Share

Category