04/03/2026
πππ-ππππππ
πππππ
Fadhigii 56-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.
Fadhigan 56-aad ee Golaha Wasiirrada ayaa diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah oo khuseeya xaaladda guud ee dalka.
Warbixinta Xaaladda Guud ee Caafimaadka Dalka
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee dalka.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in hoos-u-dhac muuqda uu ku yimid xanuunka xummadda oo bilihii u dambeeyey dalka ka jiray, taas oo ka dhalatay dadaallada wacyigelinta bulshada, xoojinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, iyo kor u qaadista hawlaha ka hortagga cudurrada.
Dhanka kale, Wasiirku waxa uu iftiimiyey saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen bixinta adeegyada caafimaadka, isaga oo xusay in abaaruraha iyo biyo yaraantu ay keentay caqabado cusub oo ku saabsan nafaqada, caafimaadka hooyada iyo carruurta, iyo korodhka cudurrada la xidhiidha xaaladaha nololeed ee adag.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu ka digay saamaynta ay colaadaha ka socda Bariga Dhexe ku yeelan karaan silsiladda sahayda daawooyinka iyo qalabka caafimaadka, maadaama inta badan agabkaasi dibadda laga soo dejiyo. Waxa uu caddeeyey in Wasaaradda Caafimaadku qaadi doonto tallaabooyin istiraatiiji ah oo ay ku jiraan kormeer joogto ah oo lagu samaynayo kaydka daawooyinka ee suuqyada dalka, si loo hubiyo sugnaanta, tayada, iyo joogtaynta helitaanka daawooyinka muhiimka ah.