DrMawliid Ku-dar

DrMawliid Ku-dar Boggan waxaan ku baahiyaa qoraallo iyo muuqaallo caafimaadka ku saabsane la socod wanaagsan .

02/12/2025

Isaga: Dhakhaatiirta horta miyaanay xanuunsan? :)
Aniga:Wakhti ayaanay u haynin xanuunka laftiisa :)
Isaga:Oo waxaanu la xanuunsanaaba telefoonka ayaan ka qabanaa miyaa 😃

Kaftanku waa iska halkiiisii sababta aan loo yaalaa arag dhakhtar xanuunsaya waxa weeye:

1)Ka hortaga ay sameeyaan oo wixii caafimaadkoodu ku jiro cidi uma tilmaamto waayo ka hortaga ayaa dawaynta ka fiican.

2)Calaamadaha ama sababta keentay ayay garanayaan oo marka la qabto markiiba intaanay la jiifsan ayay iska daweeyaan waa xanuunada la dawayn karee.

3)Xataa haday xanuunsanayaan cid uma sheegaan oo mar haddii qofkii la helaaba iyaga wax ka waydiinayo iyagu cid kale waxba k**a waydiiyaan oo waa sida caruurtu hooyadood ugu wadasheegaan halka laga hayo se hooyadu aanay iyaga ugu sheegin (intay yaryar yihiin) oo inaanay garanayn ayay og tahay talona siin karin.

4) Waxay ka fogaadaan intay kari karaan wax dawo dad samee ah inay qaataan waa inta laga fursan karo oo aanay dani badin oo waxay og yihiin inay dawo kastaa saamayn taban leedahay oo adoo meel ku dawaynaya ayay xubin kale duqaynaysaa .

5) Dhakhaatiirtu ii soo duceeya baraha bulshada kuma soo qoraan mana aha inaanay aaminsanayn ducada se qof Facebook ama tiktok jooga in laga aqbalayo ayuu shaki kaga jiraa 😃

27/11/2025

Magaalada Garoowe ma laga helayaa dhakhtarka ku takhasusay habdhiska qanjidhada iyo hoormoonaday soo daayaan (Endocrinologist) qof ayaa u baahan halkaas joogee?

Haddii aad sidoo kale garanayso dhulka Soomaalida meel uu ka joogo dhakhtar takhasuskaas leh noo soo qor adoo mahadsan.🤝💐

09/11/2025

Caasimada Ruushka ee Moosko waxa 6 qof ku dhacay xanuunka botulism la yidhaahdo ee neerfaha curyaaminta ku rida oo ay ka qaadeen cunista ay cuneen cunooyinka la kaydiyo ee milixda lagu daro marka la kaydinayo oo ay ku dhex tarantay bakteeriyada xanuunkaas keenta ee la yidhaahdo clostridium botulinum.kuwaas oo hada noloshooda lala tacaalayo.

Siday u keento xanuunkaas baaralayskana ugu rido neerfaha halkan ka daawo cashar aan bakteeriyadaas h**e uga sameeyay

https://youtu.be/zeG5e-lRexo?si=_2mWf0DD2ZF6xT2w

08/11/2025

Xanuunnada habdhisyada jidhka ku dhaca gaar ahaan Wadnaha iyo xididdada Soomaalida magacyo badan uma hayso kaliya waxa loo wada adeegsadaa WADNE XANUUN badankooda markaas oo sharaxaad dheer la sii raaciyo haddii lays yidhaahdo sii tilmaama nooca WADNE xanuun ee qofka haya.

Ma haysaa magacyo Af-Soomaali ah ee loo kala yaqaano xanuunnada wadnaha intaad ka maqashay?

07/11/2025

Maxaa loo yaqaan ciladda nafsiga ee qofka ay haysaa qayb jidhkiisa ka mid ay la fool xumaato had iyo jeerna qaybtaas ku mashquulo iskuna dayo inuu wax ka badalo hadduu wax ka badali karo,sida wajigiisu siduu u eeg yahay ama dibnaha ama sanka amaba qayb kale oo jidhkiisa ka mid ah ?

Jawaabta faalada ka eeg .

Marka uu ku soo maro ardayda group wado HABLO ahi ❤️😊 Waaba nimco socota habluhu meel ay joogaanba 💐😊
06/11/2025

Marka uu ku soo maro ardayda group wado HABLO ahi ❤️😊

Waaba nimco socota habluhu meel ay joogaanba 💐😊

Sidaad ku ogaan kartaa in qofka aad la haasawdaa qof wanaagsan yahay?
28/10/2025

Sidaad ku ogaan kartaa in qofka aad la haasawdaa qof wanaagsan yahay?

26/10/2025

Haddii qorshaha 1aad kuu shaqayn waayo,xasuusnow inaanay tiro dhamaannin 2,3,4,5,...100 ....muhiimadu waa inay qorshayaasha oo dhami hal bartilmaameed leeyihiin oo ay qorshayaashu yihiin waddooyinkii aad ku tagi lahayd halkaad u socoto, oo markay waddo soo adkaato aad ku dayayso waddada kale.

Ka rog oo hadana saar.

Address

Hargeisa

Telephone

+79287018614

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when DrMawliid Ku-dar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to DrMawliid Ku-dar:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category