Abdirizak Axmed-Nasir

Abdirizak Axmed-Nasir Dr.zaapir

23/01/2025
Gaasku waa caabuq ku yimaada dahaarka (xuubka) caloosha ama mindhicir yaraha kaa oo ka difaaca in dhecaamada dheefshiidk...
22/09/2021

Gaasku waa caabuq ku yimaada dahaarka (xuubka) caloosha ama mindhicir yaraha kaa oo ka difaaca in dhecaamada dheefshiidku waxyeeleeyaan.

Gaaska waxaa sababa waxyaabo farabadan kuwaa oo ay haboontahay in aad wax ka ogaato.
Waxayabaha sababa waxaa loo kala qeybiyaa

1-kuwo waqti yar gaaska sababa iyo
2- kuwo waqti dheer ay ku qaadato waxyeleynta dahaarka

1-kuwo waqti yar gaaska sababa waxaa kamid ah

1- Alcoloda
2- dawoyinka xanuun babiyaha (NSAID) sida (asprin) (diclofenac) (ipoprofen) iyo dawoyinka naqaska lo isticmalo.

2-kuwo waqti dheer ay ku qaadato sababida gaaska.

1-bacteriyada loo yaqaano H.pylori bacteriyadan waxaa lagu kala qaada hindisada, cuntada aan nadafada lahayn, biyaha aan nadiifka ahayn, iyo cuntada aan la karkarin

Waxa ay waxyeeleysaa caloosha iyo mindhicirka yar lakiin waxa ay bacteriyada kale kaga duwantahay waxa ay ku noolaan kartaa ash*tada (acid) caloosha waxa ayna samaysataa dahaar ay ku noolaato soona daysa sun (ammonia) jirka u daran kadibta dhaawac sababta

2-streska
3-cuntada basbaaska leh
4-cuntada dufanku ku badanyahay

Calaamadaha gaaska

Gubasho ama kuleel qeybta sare ee jirka
Lalabo ama matag
Xanuun boga ah
Daaco badan
Mararka qaar dhiig qofku matago
Apetite la,aan
saxarada oo madow noqota
neefta oo adkaata

dhibaatooyinka uu kaasku qofka u keeno

1- Dhiig la,aan
2- Cancer
3- Nafaqa daro
4- eerno

Gaaska waa ladaweyn karaa lkn waxaa muhiim ah in qofku aqoon u yeesha waxa ku keena iyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo waxa loo adeegsadaa baritaano badan si loo ogaado heerka uu gaarsiisanyahay ama nooca sida

1- kamirada afka lagaliyo
2- dhiig qaadista
3- saxaro baarista

Alla mahad leh

Isku day wcn
25/04/2021

Isku day wcn

Address

Hargeisa

Telephone

634605463

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirizak Axmed-Nasir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Abdirizak Axmed-Nasir:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram