Dr.Dayib Abdulkadir

Dr.Dayib Abdulkadir Tababare iyo dhakhtar wacyigelinta caafimaadka Bulshada, iyo cilmi nafsiga ah.

TAXANAHA  CAAFIMAADKA1. Xilliga ugu badan sokortu kacsan tahay waa subaxdii sababtoo ah habeenkii waxaa aad u shaqeeya H...
22/11/2025

TAXANAHA CAAFIMAADKA

1. Xilliga ugu badan sokortu kacsan tahay waa subaxdii sababtoo ah habeenkii waxaa aad u shaqeeya Hormanada qaar sida Adrenalin, Cortisol iyo Glucagon marka cabir sokortaada habeenka aadan ku cashayn wax bur ka samaysan, baasto iyo bariis

2. Sida ugu fiican looga hortagi karo in hormonadaasi kiciyaan sokorta waa in qofku casheeyo maqribka ka hor ama uu sameeyo jimicsi cashada kadib, cashada cishaha kadib waxay qofka usoo dadajisaa cudurada halista ah sida sokorta iyo dhiigkarka

3. Sababta ugu badan dadka xusuustooda yaraysa ama badisa hilmaanshaha waa cunista waxyaabaha macaanka ah ama sokortu ku badan tahay. Macaanka in qofku cuno waa halis waxaase ka halis badan qofka inuu wax macaan aad u cuno isagoo aan samaynayn wax exercise ah dhididna uusan ka baxayn

4. Dadka ugu badan ee ka badbaada cudurada lala noolaado sida sokorta, dhiig karka iyo kalastaroolka waa dadka qabta shaqooyinka gacanta laga qabto sida dhisida guryaha ama sameeya socodka 60 daqiiqo xiriir ah

5. Farqiga u dhaxeeya Beerka qofka sokorta aadka u cuna iyo qofka sokor cunistiisu yar tahay waa midka sawirka kaaga muuuqda. Beerka qofka sokorta aadka u cuna waa beerka madow sawirka kore nadiif ma noqdo qofkaas beerkiisa. Sidaa darteed macaanka inta aad iska yarayn marto yaree si beerkaaga uusan ugu samaysmin dufan

Qodobkee Aad Kusoo Jiitay?

21/11/2025

Saaxiibka wanaagsan!!!

Taxanaha Caafimaadka1. Toontu faaiido badan ayay u leedahay caafimaadkeena, sidaa darteed waxaa jira dad ay mamnuuc taha...
19/11/2025

Taxanaha Caafimaadka

1. Toontu faaiido badan ayay u leedahay caafimaadkeena, sidaa darteed waxaa jira dad ay mamnuuc tahay in ay cunaan toonta waxaana ugu horeeya gabadha caadada ama xilliga ay fasaxa ku jirto sidoo kale dadka qaba sangororka waxaa mamnuuc ah inay cunaan toonta ama cuntada toonta lagu daray sababtoo ah toonta waxay siyaadiisaa qulqulka ama socodka dhiiga

2. Inta badan dadka sagsaanta qaata waxaa lugahooda gaar ahaan maqaarka u dhaxeeya faraha kasoo baxa waxyaabo cadcadaan ah, waxyaabahaas oo yeesha cuncun mararka qaar. Toontu waxay ka mid tahay waxyaabaha daawada u ah maqaarka gaar ahaan marka qofku toon fiiqan ku xogo faraha dhexdooda way baabi'inaysaa cuncunka maqaarka iyo cadaanka faraha dhexdooda ka dhasha

3. Toontu waxay qabataa faaiidooyin aan halkan lagu soo koobo karin waxaana ugu horeeya inay ka hortagto sanka hilibka ku samaysmo. Hadii sankaagu hilib ku samaysmo cun toonta maalintii hal xabbo. Hilibka sanka waad ka bogsan doontaa sidoo kale caburka uu keeno hilibka sanka ayay toontu dawaysaa sidaa darteed joogtee cunista si aad uga nabad gasho xiranka sanka

4. Inta badan dadka lugaha ka xanuunsan waxaa jira waxyaabo aysan dareensaneen oo sabab u ah luga xanuunkooda waxaana ugu horeeya xinjirowga dhiiga oo ku badan. Hadii xinjirowga dhiigaagu badan yahay, dhiigaaga oo dhan wuu fariisanaya. Toontu waxay dhiiga ka ilaalisaa inuu xinjirobo waxay sidoo kale dhiiga waxay ka ilaalisaa inuu fariisto, cun toonta si aad uga caafimaado lafa xanuunka, caajiska iyo murqa xanuunka

5. Cuntada marka aad cunto waxaa dhici karta in aad ku lalabooto cuntadaas ama aad ka shakiso cuntadi aad cuntay. Waxaa sidoo kale dhici kara in qofku shaki dartiis u dareemo calool xanuun ama shuban. Dadka cuntada ku sumooba waxa ugu badan ee la siiyo waa toon sababtoo ah toontu jeermis kasta oo cuntadaas ku jiray ayay ka takhalustaa waxayna jirka ka ilaalisaa in jeermisku dhib u gaysto

Share Dheh Si Walaalaha Kale Uga Faaiidaystaa
drwaahin

Dad badan ayaa aaminsan in dhukayga uu yahay wasakh dhagta ku aruurtay oo u baahan in laga nadiifiyo.Dhegta qeybteeda di...
19/11/2025

Dad badan ayaa aaminsan in dhukayga uu yahay wasakh dhagta ku aruurtay oo u baahan in laga nadiifiyo.

Dhegta qeybteeda dibadda wuxuu Alle ku abuuray qanjiro sameeyo dhukayga, markii la sameeyo kadib, wuxuu u dhaadhacaa gudaha.

Dhukayga wuxuu leeyahay faa’idooyin badan oo ay ka mid tahay:

Wuxuu qooyaa dhegta, kana ilaaliyaa qallaylka iyo cuncunka.
Dhukayga waxaa ku jiro maaddo jeermiska kala dagaallanto in dhagaha wax gaarsiiso.

Dhukayga wuxuu xuubka maqalka ka ilaaliyaa inuu dhaawac gaaro oo si fudud wax kuma gaari karaan.

Haddii boor, cayayaan ama wasakh dhegta gasho, dhukayga ayaa ka hor istaaga inay gudaha u gasho, oo wuxuu u shaqeeyaa sida wasakh celin oo kale.

Badanaa qofka uma baahno inuu dhagahiisa ka soo saaro dhukayga khaasatan hadduusan dhib ku haynin, weliba caruurta dhagaha looma nadiifiyo illaa inuu dhakhtar ku taliyo mooyee.

Waxyaabaha keeno in dhegta la nadiifiyo waxaa ka mid ah: in dhukayga uu dhegta owday oo maqalka yaraaday.
Waa muhiim in laga fogaado in dhagaha la qoryeeyo maadaama dhaawac gaari karo xuubka maqalka oo hadduu dilaaco halis noqon karto.

W/Q: Dr. Abdullahi A. Mahdi
Dr.Dayib Abdulkadir
Royal Hospital Mogadishu 🏥

19/11/2025

Ka digtoonow cidda aad kalsoonida siinaysid!!!

18/11/2025

Qofka aan dareemin aamusnaantaada ma fahmi doono hadalkaaga!!!

Taxanaha Caafimaadka1. Kilyahaagu in ay halis kusoo socdaan calaamada ugu horeysa ee aad ku ogaan karto waa kaadiyari. S...
18/11/2025

Taxanaha Caafimaadka

1. Kilyahaagu in ay halis kusoo socdaan calaamada ugu horeysa ee aad ku ogaan karto waa kaadiyari. Si kaadidaadu u badato, kilyahaaguna aysan u dhaawacmin cab maalintii ugu yarana 5 galaas oo biyo ah

2. Dareenka raganimadu marka uu yaraado sida ugu fudud ee aad kusoo celin karto waa cunista Qaraha sababtoo ah Qaraha waxaa ku jirta maado soo celisa, korna u qaado raganimada

3. Cudur kasta wuxuu ka dhashaa difaac yari jirka ah, waxa ugu badan ee difaac yarida keeno waa quraacda oo la daahiyo, quraaco subax kasta halka saac ka hor.

4. Caruurta waxa ugu badan ee u keena neerfaha lugaha waxaa ugu horeeya waa tuunjiga ay muddada dheer ku fadhiyaan, waalid ama walaal ka dhaqa caruurta saxarada waqtiga ugu dhaqsiyaha badan

5. Neerfayaasha maskaxda sida ugu fiican ee qofku ku dajin karo waa in uu dhaafo dhafarka sababtoo ah dhafarku wuxu dhaawacaa xidida dhiiga soo gaarsiiya madaxa

Hadii Aad Ka Faaiidaysatay, U Faaiidee Walaalaha Kale

Qodobkee Aad Kuu Saameeyay

Wahinsabriye

18/11/2025

Adduunyada waa daryeel!!!

17/11/2025

Waa inuu qofka hadaf leeyahay!!!

17/11/2025

Cibaado aan macrifo wadanna waxba tari mayso!!!

17/11/2025

Abwaan seenyo waa afmaal buuxa!!!

17/11/2025

Qaanuunka isbiirsiga!!!

Address

Iimaan Center
Hargeisa

Opening Hours

Monday 07:00 - 21:00
Tuesday 07:00 - 21:00
Wednesday 07:00 - 21:00
Thursday 07:00 - 21:00
Saturday 07:00 - 21:00
Sunday 07:00 - 21:00

Telephone

00252907663425

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Dayib Abdulkadir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr.Dayib Abdulkadir:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram