
08/09/2025
Kulan ballaadhan oo ka dhacay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa
Cusbitaalka Guud ee Hargeysa waxa uu maanta martigeliyay kulan muhiim ah oo ay ka soo qaybgaleen wafdi ka socday Jaamacadda King’s College ee UK, masuuliyiin ka socda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, iyo maamulka cusbitaalka.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay Agaasime Ku-xigeenka Cusbitaalka Guud, waxa si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo xoojin lahaa adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, isla markaana kor loogu qaadi lahaa tayada adeegyada la xidhiidha daryeelka caafimaad ee haweenka iyo carruurta.
Kulankani waxa uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaad ee dalka, iyadoo la iska kaashanayo hay'adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah.