Hargeisa Group Hospital

Hargeisa Group Hospital wadajir baan ugu adeegaynaa caafimaadka bulshada

13/04/2026

Wasiirada Wasaaradaha Madaxtooyada Iyo Caafimaadka Oo Kormeer Ku Yimi Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa.

WASIIRRADA MADAXTOOYADA IYO CAAFIMAADKA OO KORMEER KU SAMEEYEY CUSBITAALKA GUUD EE HARGEYSAWasiirrada Wasaaradaha Madaxt...
13/04/2026

WASIIRRADA MADAXTOOYADA IYO CAAFIMAADKA OO KORMEER KU SAMEEYEY CUSBITAALKA GUUD EE HARGEYSA

Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi iyo Dr Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa kormeer shaqo ku yimi Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, iyaga oo u kuurgalayay xaaladda guud iyo adeegyada caafimaad ee uu cusbitaalku bixiyo.

Masuuliyiinta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa si diirran ugu soo dhaweeyey wasiirrada, waxaana halkaas ku qaabilay Agaasimaha Cusbitaalka Mudane Dr. Axmed-weli Daahir Xaddi, Agaasime Ku-xigeenka Cusbitaalka Dr Cabdiraxmaan Cayngal, iyo madax kale oo ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd kuurgalid iyo qiimayn lagu sameeyo adeegyada uu bixiyo cisbitaalku, si loo ogaado heerka ay marayaan iyo baahiyaha jira.

Intii uu kormeerku socday, wasiirradu waxay booqdeen qaybaha kala duwan ee cusbitaalka, iyaga oo indha-indheeyey hawlaha muhiimka ah ee uu cusbitaalku u hayo qaranka iyo muwaadiniinta Somaliland.

Masuuliyiinta cusbitaalka ayaa wasiirrada siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan horumarka uu cusbitaalku ku tallaabsaday, adeegyada la bixiyo, iyo dadaallada lagu horumarinayo tayada caafimaadka.

Wasiirrada Madaxtooyada iyo Caafimaadka ayaa dhankooda ku ammaanay maamulka iyo shaqaalaha cusbitaalka shaqada baaxadda leh ee ay bulshada u hayaan, iyaga oo xusay in xukuumaddu ka go’an tahay xoojinta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.

Ugu dambayn, wasiirradu waxay ballanqaadeen inay sii laba jibbaari doonaan taageerada ay xukuumaddu siiso Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, si loo gaadho adeegyo caafimaad oo tayo leh oo gaadha dhammaan bulshada.

Xafiiska Warbaahinta
Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa

12/04/2026

" Xaflada Daahfurka Ururka Somaliland Kidney Dialysis Association ( SKDA) Waxaa Munaasibada Ka Qaybgalay Madaxda Ugu Sareysa Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa Oo uu Hogaaminayo Agaasime Axmed-weli Daahir Xaddi.

Sawiro Qaybtii 2aad: Xafladda Daah-furka Ururka Somaliland Kidney Dialysis Association (SKDA)
12/04/2026

Sawiro Qaybtii 2aad: Xafladda Daah-furka Ururka Somaliland Kidney Dialysis Association (SKDA)

Sawiro: Xafladda Daah-furka Ururka Somaliland Kidney Dialysis Association (SKDA)
12/04/2026

Sawiro: Xafladda Daah-furka Ururka Somaliland Kidney Dialysis Association (SKDA)

Cusbitaalka Guud ee HargeysaWaaxda La-tallinta Cunnada iyo Nafaqada ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa qabatay tababar...
09/04/2026

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

Waaxda La-tallinta Cunnada iyo Nafaqada ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa qabatay tababar xirfadeed loo diyaariyay shaqaalaha waaxda, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta aqoonta iyo xirfadaha la xidhiidha adeegyada nafaqada ee bukaanada.

Hawl-wadeenada la tababaray ayaa si gaar ah loogu diyaariyey inay ka shaqeeyaan waaxaha kalyo-sifaynta iyo jajabka ragga.

Hawl-wadeenada ayaa ku mutaystay tobabarkan Shahaado Sare oo Nafaqo (Certified Clinical Nutritionist).

Agaasimaha ayaa sidoo kale Shahaado Sharaf guddoonsiiyay maamulka Waaxda La-tallinta Cunnada iyo Nafaqada, taas oo ah aqoonsi ku saabsan doorkooda muuqda ee horumarinta adeegyada nafaqada, tobabarida shaqaalaha iyo tayeynta daryeelka caafimaad ee cisbitaalka.

Munaasabadda xidhitaanka tababarka waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka, Dr. Ahmed-Wali Daahir Xaddi, Agaasimaha Maamulka Shaqada iyo Shaqaalaha, Mr. Siciid M. Diiriye, iyo Madaxa Dhakhaatiirta, Dr. Mukhtaar Muuse, kuwaas oo si rasmi ah u soo xidhay tababarka.

Xafiiska Warbaahinta Cisbitaalka

08/04/2026

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa martigeliyay kulan laba maalmood soconaya oo lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha ka shaqeeya xaaladaha degdegga ah (Emergency Response)

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa martigeliyay kulan laba maalmood soconaya oo lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha ka sh...
08/04/2026

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa martigeliyay kulan laba maalmood soconaya oo lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha ka shaqeeya xaaladaha degdegga ah (Emergency Response), kaas oo ka qabsoomay Hotel Caro Edeg soconayana 8–9 April 2026.

Kulankan oo cinwaankiisu yahay “Two-Day Multi-Sectoral Emergency Response Workshop” ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa wada-shaqaynta iyo isku-duwidda hay’adaha kala duwan, si loo helo jawaab degdeg ah oo hufan marka ay dhacaan xaaladaha degdegga ah.

Waxaa ka qaybgalay hay’ado muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
🔹 Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
🔹 Cusbitaalka Guud ee Hargeysa
🔹 Dawladda Hoose ee Hargeysa
🔹 Ciidanka Dabdamiska
🔹 Ciidanka Booliska

Ujeeddada kulankan ayaa ah in la dhiso iskaashi wax ku ool ah oo kor u qaada badbaadinta naf iyo hanti, isla markaana la xoojiyo diyaar-garowga iyo wacyigelinta bulshada.

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa waxa uu ka go’an yahay in uu door muuqda ka qaato horumarinta adeegyada caafimaadka iyo gurmadka degdegga ah ee bulshada.

Xafiiska Warbaahinta
Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa

05/04/2026

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa maanta la wareegay cagaf cusub oo wax weyn ka tari doonta baahiyaha adeegyada iyo hawlaha gudaha ee cusbitaalka.

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa maanta la wareegay cagaf cusub oo wax weyn ka tari doonta baahiyaha adeegyada iyo hawl...
05/04/2026

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa maanta la wareegay cagaf cusub oo wax weyn ka tari doonta baahiyaha adeegyada iyo hawlaha gudaha ee cusbitaalka.

Cagaftan waxaa cusbitaalka ugu deeqay muwaadin reer Somaliland ah oo doorbiday inaan magaciisa la shaacin, isagoo soo wakiishay qof kale oo munaasibadda ka hadlay. Masuulkaasi ayaa faahfaahiyey muhiimadda ay cagaftani u leedahay cusbitaalka, isla markaana ugu baaqay ganacsatada iyo bulshada kale inay ku daydaan samafalka noocan oo kale ah.

Munaasibadda wareejinta waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa Dr. Axmed-Weli Daahir Xaddi, masuuliyiinta waaxyaha kala duwan, iyo farsamo-yaqaannada cusbitaalka. Sidoo kale, Madaxa Waaxda Arrimaha Bulshada Mudane Abokor ayaa si gaar ah uga mahadceliyey deeq-bixiyaha.

Agaasimaha cusbitaalka ayaa xusay in cagaftani tahay mid si weyn loogu baahnaa, isla markaana door muhiim ah ka qaadan doonta horumarinta adeegyada cusbitaalka.

Xafiiska Warbaahinta
Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

We are incredibly proud to celebrate Dr. Omer Ali Elmi, our Pediatrician and Head of the Pediatric Department at Hargeis...
05/04/2026

We are incredibly proud to celebrate Dr. Omer Ali Elmi, our Pediatrician and Head of the Pediatric Department at Hargeisa Group Hospital, on this wonderful achievement.

Dr. Omer has successfully completed advanced training in Pediatric Transthoracic Echocardiography at the Cardiac Center Ethiopia, and we are equally excited to share that he has joined the ECHO-trained Pediatricians Club there.
This milestone reflects his passion for caring for children and his commitment to continuously improving the quality of care he provides. His dedication inspires all of us and makes a real difference in the lives of the families we serve every day.

Congratulations.

04/04/2026

Shaybaadhka Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa oo la Horumariyey.

Address

Hargesa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hargeisa Group Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category