24/06/2023
Nin La rabey in uurkiisa lasoo rido oo dalkiisii hoggaamiyey!
Wax walba adduunkan qaddar qoran bey ku socdaan. Major General Park Chung-hee wuxuu dhashay 1917, qoys aad sabool u ah baadiyaha kuuriyada koonfureed. Wuxuu ahaa kan ugu yar 7 walaalo ah. Markuu caloosha galay hooyadiis wexey isku dayday sabab kasta oo ay ilmahaan ku soo riddo, waayo kuwii kaleba wax uma hayo ayey tiri. Iyada ayaa qoyska guri iyo gaws haysey. Geedo kasta oo markaas la yiqiin ayey cabtey, laakiin weli waa dhaq dhaqaaqayaa! Iyadoo quus ah bey tiri: markuu dhasho ayaan maro ku duubayaa oo tinaarta ku tuurayaa! Wuu dhashay, hooyadiisna ma dilin ee wey xannaanaysay, xanuunno badan iyo gaajo ayaa lasoo deristey. Isaga iyo labo ka weyn ayaa iskuulka laga bixin karey. Markii ay iskuulka lacagtiisa bisha weydo, hooyadiis dhawr xabbo oo ukun ah ayey dimbiil ugu ridi jirtey. Wuxuu iskuulka u lugayn jirey 8 km maalin walba, wuxuuna kici jirey waagu intaanu dillaacin. 1937 ayuu dugsiga sare dhameeyey. Macallin buu noqday. Ilaa 1939. Wuxuu jeclaa in uu sarkaal militeri noqdo, in kastuu bar yaraa. 1940 ayuu kulliyadda militeriga galay. 1944 wuxuu noqday laba xiddigle kulliyaddii japanka. 1953-1954 wuxuu kullidda dagaalka ku bartay maraykanka. Wuxuu gaarey Major General. 16 May 1961 ciidamada qalabka sida ayaa talada dalka kuuriya afgembi kula wareegey, waxaana hoggaaminayey Major General Park Chung-hee, oo 44 Jirey. Waxaa hammigiisa ugu weyni ahaa: Korea in uu ka saaro saboolnimadii xanuunka badnayd ee uu soo maray, dalkiisuna adduunka meel sari sancada iyo dhaqaalaha ka gaaro. Aragtidaas in badan ayaa uga hirgashay, waxaana la isku waafaqsanyahay, in kastoo keli taliye lagu tilmaamo, in uu yahay bud-dhigihii horumarka dalka S. Korea ee dhalay (samsung, hyundai, LG, KIA iwm) ee maanta ka mid ah 10 dhaqaale ee adduunka ugu weyn. Sarkaal saaxiibkiis aha ayaa toogtey 26 Oct, 1979, isaga oo 18 sano hoggaaminayey South Korea, kana xoreeyey (carruurtoodu) in ay arkaan gaajadii uu soo arkay. Waa ninkii lagu tashaday in uurkiisa la soo rido, dalkiina xukumay, gabar uu dhalayna xukuntay.
Sh'Mohamed Idris