09/04/2026
Kulan muhiima oo lagaga tashanayay Horumarinta Talaalka Caruurta Somaliland oo ay hogaaminayso Wasaraasada Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu qabtay Caasimadda Hargeysa, kulanka waxaa ka soo qaybgalay Wasaradaha kala duwan ee dalka qaybtana ka ah fidinta iyo badhaalinta Talaalka, Hay'adaha Qaramada Midoobay, kuwa Caalamiga ah iyo Cusbitaalada bixiya adeega Talaalka kuwa dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay ba guud ahaan dalka.
Sidoo kale Sharaf wayn ayay u tahay Cusbitaalka KAAH CUMMUNITY HOSPITAL ee kuyaala Caasimadda Hargeysa in u noqday Cusbitaalka bixiyay Talaalka ugu badan ee caruurta an h**e talaal u qaadan (Immunization first dose) guud ahaan Cusbitaalada dalka kuwa dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay ba sida ay sheegtay Wasarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland 3dii bilood ee u danbeeyay sanadkii dhamaaday 2025.