11/11/2025
KASOOBAXA AMA BAXDINTA DAAWO MALOO ISTICMAALI KARAA ?
Su'aashaan ayaa la isoo waydiiyey dhowr jeer.
Soomaalida qayb kamid ah waxa ay aaminsanyihiin hadey kaniini ama daawo kale u isticmaalaan kasoobaxa in ay isla markiiba dhimanayaan! Adigu saas ma aaminsantahay?
Hadaba maxaa ka jira aragtidaas?
Sidaad ogtihiin kasoobaxan waxaa keena nooc bakteeriyada ka tirsan oo jirka soogala
Loona yaqaano Staphylococcus aureus, sababna u ah in baxdintu ay soo baxdo.
caadi ahaana bakteeriyadaan waxaa laga helaa maqaarka iyo sanka gudihiisa. Mararka qaarkood bakteeriyadaas waxa ay jirka kasoo gashaa marka dhaawac ama dilaac uu gaaro maqaarka ama uu kaa qaniino cayayaanada yar-yar taas oo siineysa bakteeriyada in ay si sahlan usoo gasho jirka.
Waxaa jirta nooc kamid ah kasoobaxa/baxdinta oo halis ah loona dhinto waqti gaaban hadaan daawo loo qaadan,
Waana midka kasoo baxda wajiga gaar ahaan sajuuda sanka ama qaybta kore oo dhan ee wajiga baxdintaasi waxay sahlaysaa in bakteeriyadu ay ku fido maskaxda maadaama ay isku daloolan wajiga iyo maskaxda,
Marhadey gaarto maskaxda bakteeriyadan si dhokhso ayey u bur-burinaysa unugyada maskaxda taaso keeneysa ugu danbeen in ay maskaxdu dhimato dabadeed qofku uu sidaas ugu dhinto xanuun sahalan oo hadii dawadiisa la qaadan lahaa uu ka buskoon lahaa.
Soomaadan maqlin hebel Fin ayaa kasoo baxay wajiga dabaddeed maalmo kadib waa dhintey isagoon waxba isticmaalin?
Ugu danbeen waxaa kusoo gunaanudayaa baxdinta hadii daawadeeda loo isticmaalo wax dhimasho ah ma keeni karto, waana la isticmaali karaa.
hadii ay wajiga kaasoo baxdana fadlan waa qatar ee ha fududeysan oo gaar dhakhtarka kuugu dhaw ama aniga qaybta fariimaha igala soo xiriir.
Waxaad nagu soo booqan kartaan Bayaan Hospital kuna yaalo Aargada kismaayo.