23/11/2025
Ururka Dhaqaatiirta Jubaland wuxuu u mahadcelinayaa oo bogaadinayaa labada gole ee Dowladda Jubbaland dadaalka muuqda ee ay ku bixiyeen akhriska, dib-u-eegista iyo ansixinta Sharciga Mixnalaayaasha (Xirfadleyda Caafimaadka) ee Jubbaland.
Sidoo kale, ururka waxa uu u mahadcelinayaa Gudiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada, oo uu shirguddoominaayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland, ansixinta sharcigan oo maanta bulshada Jubbaland u horseeday guul caafimaad oo taariikhi ah.
Go’aankan muhiimka ah wuxuu caddeyn u yahay horumar iyo hufnaan laga gaaray dhismaha nidaamka caafimaadka, wuxuuna dhabbaha u xaari doonaa shuruuc cad oo hagta tayada adeegyada caafimaadka ee gobolka, isla markaana xaqiijinaya adeeg caafimaad oo tayo sare leh, ku dhisan mas’uuliyad, hufnaan iyo maamul meelmar ah.
Dhanka kale, Ururka Dhaqaatiirta Jubaland wuxuu mahadcelin iyo ammaan gaar ah u jeedinayaa Wasiirka Caafimaadka Dowladda Jubbaland, oo door muuqda ka qaatay diyaarinta, dib-u-hagaajinta iyo hor-keenista sharcigan labada gole ee Dowladda Jubaland.
Hoggaaminta, dadaalka iyo hal-abuurka uu muujiyay Wasiirku waxay suurta gelisay in bulshada Jubbaland ay hesho xeer aas-aasi u ah badbaadada, hufnaanta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka, taas oo sare u qaadaysa heerka daryeel caafimaad ee bulshada Jubaland.