Jubaland Medical Association -JMA-

Jubaland Medical Association -JMA- Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Jubaland Medical Association -JMA-, Medical and health, Kismayo.

Jubaland Medical Association (JMA) is an independent, Non-governmental, Non-political and Non-profit organization formed by medical doctors in jubaland state somalia to promote the health status of the people.

02/02/2026

In response to the ongoing drought that has resulted in critical water and food shortages impacting both humans and livestock, the Jubaland Medical Association is playing an active role in the overall humanitarian effort. The Association provides essential, lifesaving medical services to affected populations, prioritizing children, women, and older persons who are most vulnerable to disease. Limited access to food and safe water has led to weakened immune systems, heightening the risk of deadly conditions including diarrheal diseases and malnutrition.

The Association expresses its deep appreciation for the solidarity and relief initiatives led by the Jubaland Goverment .

The Association will continue, within its capacity, to support vulnerable communities in Jubaland by providing essential medical assistance to those in need


09/01/2026
Guddiga Dastuurka Ururka Dhakhaatiirta Jubaland (JMA) ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigay dhammeystirka Dastuurka Ur...
08/01/2026

Guddiga Dastuurka Ururka Dhakhaatiirta Jubaland (JMA) ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigay dhammeystirka Dastuurka Ururka Dhakhaatiirta Jubaland, kaddib shaqo dheer oo lagu diyaarinayay hannaanka iyo nidaamka ururka.

Kulankan muhiimka ah waxaa ka soo qeyb galay, Golaha fulinta Ururka, sharciyaqaanno door muuqda ka qaatay qorista dastuurka, iyo xubno kale oo ka tirsan Ururka Dhakhaatiirta Jubaland.

Ajandaha kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista ugu dambeysa ee qodobada dastuurka, ka doodista talooyin kala duwan, iyo ansixinta dastuurka.

Ururka dhakhatirta Jubaland ayaa u mahadceliyay guddiga dastuurka ururka dhakhatirta Jubaland oo kasoo shaqo adag ka soo qabtay.

Ugu dambeyn, dastuurka ayaa si aqlabiyad buuxda loo ansixiyay, iyadoo in ka badan 60 dhakhtar oo ka soo qeyb galay kulanka ay cod gacan-taag ah ku meel mariyeen, maanta wixii ka dambeeya, Ururka Dhakhaatiirta Jubaland wuxuu yeelanayaa dastuur rasmi ah, kaas oo mudnaan gaara siinaya sii socoshada howlaha shaqo ee Ururka.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta nidaamka maamulka, hannaanka shaqo, iyo horumarinta guud ee Ururka Dhakhaatiirta Jubaland, taas oo sare u qaadi doonta wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo tayeynta adeegyada caafimaad ee gobolka.


.

Ururka Dhakhaatiirta Jubaland (JMA) ayaa Olole Caafimaad oo bilaash ah  ka Fuliyay Deegaanada Abaartu Sahmeysay ee nawaa...
30/12/2025

Ururka Dhakhaatiirta Jubaland (JMA) ayaa Olole Caafimaad oo bilaash ah ka Fuliyay Deegaanada Abaartu Sahmeysay ee nawaaxiga magalada kismayo.

Ururka Dhakhaatiirta (JMA) oo ka qayb qaadanaya dadaallada guud ee loogu gurmanayo dadka ay sahmeeyeen abaaraha ka jira deegaanada Jubaland, waxay ka duulayaan doorkooda waxqabad ee ah taakuleynta bulshada marka ay dhacaan abaaro colaado iyo cunto-yaraan, maadaama xaaladahaasi ay sababi karaan hoos u dhac ku yimaada difaaca jirka, taasoo dadka ka dhigta kuwo u nugul xanuunnada fursad-raaca ah (opportunistic diseases).

Ururku waxa uu olole caafimaad (campaign) ka fuliyay deegaanka Hadaafow, oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada magaalada Kismaayo. Deegaankan ayaa ay ku nool yihiin dad danyar ah, kuwaas oo si weyn u saameysay abaarta ka jirta dalka.

Deegaanka Hadaafow, oo ku yaalla dhanka galbeed ee magaalada Kismaayo, iyo deegaanada ku hareeraysan, ururka dhakhaatiirtu waxa ay adeegyo caafimaad u fidiyeen in ka badan 150 qof oo isugu jiray carruur, haween iyo dad waayeel ah, kuwaas oo qabay xanuunno kala duwan. Adeegyada la bixiyay waxaa ka mid ahaa latalin caafimaad, wacyigelin, iyo daaweyn bilaash ah.

Ururka Dhakhaatiirta Jubaland ayaa door muuqda ka qaadanaya samatabbixinta iyo badbaadinta caafimaadka bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo muddo ka badan rubuc qarni la daalaa dhacayay abaaro, colaado iyo fatahaado soo noqnoqday.


Gudoomiyaha ururka dhakhatirta Jubaland Dr ABDIRIZAK Gaaxnug ayaa maanta Kismaayo ka qeyb galay kulan ku saabsan ololaha...
11/12/2025

Gudoomiyaha ururka dhakhatirta Jubaland Dr ABDIRIZAK Gaaxnug ayaa maanta Kismaayo ka qeyb galay kulan ku saabsan ololaha “16-ka Maalmood ee Wacyigelinta ka dhanka ah Rabshadaha ku saleysan Jinsiga (GBV)”, oo sanad walba laga xuso 25-ka November ilaa 10-ka December.

Kulanka oo ay Soo qabanqaabisay wasarada caafimadka Jubaland ayaa Ujeeddadiisa aheyd kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku aaddan xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta, iyo sidii wax looga qaban lahaa falalka GBV, iyadoo sidoo kale laga hadlayo sida bukaanada dhibbanayaashu u heli karaan adeegyo caafimaad oo degdeg ah.

Gudoomiyaha ururka Dr Abdirisaq Gaaxnug ayaa xusay muhiimada ay leedahay xuska maalintaan iyo in ay door muhiim ka qaadan doonaan badqabka falalka la xiriiro jinsiga loona baahanyahay in bulshada iska kaashato sidii loo joojin lahaa falalka la xirira tacadiga jinsiga.


.

10/12/2025

Jubaland Medical Association -JMA-

Ururka Dhaqaatiirta Jubaland wuxuu u mahadcelinayaa oo bogaadinayaa labada gole ee Dowladda Jubbaland dadaalka muuqda ee...
23/11/2025

Ururka Dhaqaatiirta Jubaland wuxuu u mahadcelinayaa oo bogaadinayaa labada gole ee Dowladda Jubbaland dadaalka muuqda ee ay ku bixiyeen akhriska, dib-u-eegista iyo ansixinta Sharciga Mihnadlayaasha (Xirfadleyda Caafimaadka) ee Jubbaland.

Sidoo kale, ururka waxa uu u mahadcelinayaa Gudiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada, oo uu shirguddoominaayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland, ansixinta sharcigan oo maanta bulshada Jubbaland u horseeday guul caafimaad oo taariikhi ah.
Go’aankan muhiimka ah wuxuu caddeyn u yahay horumar iyo hufnaan laga gaaray dhismaha nidaamka caafimaadka, wuxuuna dhabbaha u xaari doonaa shuruuc cad oo hagta tayada adeegyada caafimaadka ee gobolka, isla markaana xaqiijinaya adeeg caafimaad oo tayo sare leh, ku dhisan mas’uuliyad, hufnaan iyo maamul meelmar ah.

Dhanka kale, Ururka Dhakhaatiirta Jubaland wuxuu mahadcelin iyo ammaan gaar ah u jeedinayaa Wasiirka Caafimaadka Dowladda Jubbaland, oo door muuqda ka qaatay diyaarinta, dib-u-hagaajinta iyo hor-keenista sharcigan labada gole ee Dowladda Jubaland.
Hoggaaminta, dadaalka iyo hal-abuurka uu muujiyay Wasiirku waxay suurta gelisay in bulshada Jubbaland ay hesho xeer aas-aasi u ah badbaadada, hufnaanta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka, taas oo sare u qaadaysa heerka daryeel caafimaad ee bulshada Jubaland.


14 November 2025 – KismaayoXuska Maalinta Adduunka ee Sokorowga Ururka Dhakhaatiirta Jubaland ayaa ka qeyb galay oo ka q...
14/11/2025

14 November 2025 – Kismaayo
Xuska Maalinta Adduunka ee Sokorowga
Ururka Dhakhaatiirta Jubaland ayaa ka qeyb galay oo ka qayb qaatay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Cudurka Sonkorowga oo lagu qabtay magaalada Kismaayo. Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Jubaland Ismaaciil Axmed Garas, Xildhibaan Shire Maxamed Cabdi, gadoomiyaha arimaha bulshada jubalnd, agaasimaha guud ee wasaarada caafimadka jubaland Mohamed huseein iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda wasaaradda, ururka dhakhaatiirta iyo isbitaallada gaarka loo leeyahay iyo hayadaha maxaliga ah . Kulanka waxaa lagu adkeeyay muhiimada la dagaallanka cudurka sonkorowga, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray kor u qaadista wacyigelinta iyo yareynta khatarta uu cudurkani ku hayo bulshada jubaland .

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in wasaaraddu xoogga saaraysa ka hortagga cudurrada, isaga oo xusay dadaallada lagu yareynayo cudurka sonkorowga iyo muhiimadda gaarsiinta adeegyada caafimaad dhamaan deeganada jubaland. Sidoo kale, Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Jubaland, Dr. Cabdirisaaq Maxamed Cabdi, ayaa ku baaqay in si wadajir ah looga hortago cudurka sonkorowga, lana xoojiyo baaritaannada (screening-ka), wacyigelinta, iyo yareynta arrimaha keena cudurkan. Wuxuu u mahadceliyay dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay wacyigelinta, isaga oo codsaday in dadaallada lagu wacyigelinayo bulshada la sii xoojiyo, loona maro idaacadaha iyo warbaahinta si farriintu u gaarto guud ahaan deegaannada Jubaland.


14 November 2025 – KismaayoXuska Maalinta Adduunka ee Sokorowga Sawiro Ololaha baaritaanka, wacyigelinta & la-talinta so...
14/11/2025

14 November 2025 – Kismaayo
Xuska Maalinta Adduunka ee Sokorowga
Sawiro Ololaha baaritaanka, wacyigelinta & la-talinta sokorowga oo bilaash ah
Free Diabetes Screening, Awareness & Campaign
/14 November # Jubaland Kismayo Health jubaland # jubaland medical association ,


Ururka dhakhatirta Jubaland ayaa ka qeyb galay maalinta xusku dabeesha aduunka taasoo lagu qabtay magalada kismayo. Muna...
27/10/2025

Ururka dhakhatirta Jubaland ayaa ka qeyb galay maalinta xusku dabeesha aduunka taasoo lagu qabtay magalada kismayo.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jubaland Mudane Ismaaciil Axmed Garas, Xildhibaan Shire Maxamed Cabdi (Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Jubaland), Dr Nouradin Mohamud Adan (Madaxa arimaha degdega (Head of Emergency) ee ururka dhakhaatiirta Jubaland) iyo wakiillo ka socday hay’adaha bahwadaagta la ah wasaarada caafimadka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay muhiimadda la dagaallanka cudurka dabaysha (Polio), iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada lagu ciribtirayo cudurkan khatarta ku ah carruurta da’da yar.

Wasiirka Caafimaadka Jubaland Mudane Ismaaciil Axmed Garas oo ka hadlay madasha, ayaa carabka ku adkeeyay in wasaaraddu ay dadaallo xoog leh ku bixinayso ciribtirka cudurka dabaysha, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la gaaro dhammaan carruurta da'doodu ka yar tahay shan sano, gaar ahaan kuwa ku nool meelaha fog fog.

Dr Nouradin Mohamud Adan oo ku hadlayay magaca ururka dhakhatirta Jubaland ayaa balanqaday In ururka dhakhatirta Jubaland door Muhiim ah ku yeelan doonan ciribtirka cudurka dabeesha sidoo kalana xusay in ay xooga saari doonan wacyiga bulshada ee ku aadan fahamka talaalka.


Ururka Dhakhaatiirta Jubaland (JMA)iyo Jamacada kismayo ayaa qabtay 21/10/2025 wacaygilinta kansarka ku dhaco Nasaha (Br...
22/10/2025

Ururka Dhakhaatiirta Jubaland (JMA)iyo Jamacada kismayo ayaa qabtay 21/10/2025 wacaygilinta kansarka ku dhaco Nasaha (Breast cancer awareness) madama lagu jiro bisha October oo ah bisha Wacyigelinta iyo ogaanshaha kansarka kudhaco naasaha.

Kulankan ayaa lagu qabtay Jaamacadda kismayo waxaana ka faa’iidaystay ardayda dhigata jaamacaddaas.
Kulanka oo looga hadlayay Kansarka Naasaha iyo muhiimadda ay leedahay Baadhitaanka Naaska ee qofka naftiisa ku baarayo (Breast Self-Examination).

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in ardayda lagu baro sida saxda ah ee haweeneydu u sameyn karto baaritaanka naaska iyadoo gurigeeda joogto Iyo sidii hadeey ay dareento caafimad daro dhanka Nasaha ah sideey u heli Laheyd caawinaad caafimad.

Gudoomiyaha ururka Dhakhaatiirta Jubaland iyo dhaman dhakhatirta reer Jubaland ayaa hambalyo u diraya gudoomiyahii h**e ...
20/10/2025

Gudoomiyaha ururka Dhakhaatiirta Jubaland iyo dhaman dhakhatirta reer Jubaland ayaa hambalyo u diraya gudoomiyahii h**e ururka dhakhatirta Jubaland Dr Adan Jama Musse oo loo magacabay wasiirka wasaarada caafimadka Mamulka waqooyi Bari Somalia.

Dhakhtarku wuxuu in badan kasoo shaqaynayay howlaha caafimaad ee dhamaan deegaanada Soomaaliya, isagoo soo noqdey Gudoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Jubaland, iyo Gudoomiye kuxigeenka golaha mihnadlayaasha caafimaadka qaranka soomaaliyeed.

Waxaan Alle uga baryeeynaa inuu u fududeeyo xilka culus ee loo magacaabay iyo howlaha horyaala.


Address

Kismayo

Telephone

+252610303039

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jubaland Medical Association -JMA- posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Jubaland Medical Association -JMA-:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram