Somali Higher Hospital

Somali Higher Hospital Somali Higher Hospital(SHH) waa xarun caafimaad oo ku taal magaalada Laascaanood ee Caasimadda Waqooyibari.

Xaruntu waxa ay bixisaa adeegyo caafimaad oo tayo sare leh, haddaba si aad noola soo xidhiidho fadlan guji botonka farriinta.

Adeegsiga Faytamiinno badani caafimaadka qofka kor uma qaadaan balse taa beddelkeeda adeegsiga xad dhaafka ahi waxa uu w...
24/11/2025

Adeegsiga Faytamiinno badani caafimaadka qofka kor uma qaadaan balse taa beddelkeeda adeegsiga xad dhaafka ahi waxa uu waxyeellayn karaa kelyaha iyo beerka qofka adeegsanaya.



Si fudud isu baadh oo ogow caafimaadkaaga iyo waxyaabaha halista kugu noqon karaya. Baadhista maanta waxaa suuragal ah i...
23/11/2025

Si fudud isu baadh oo ogow caafimaadkaaga iyo waxyaabaha halista kugu noqon karaya.
Baadhista maanta waxaa suuragal ah in ay kuu horseeddo badhaadhe waara.


Ka qabso ballanta xarunta cusbitaalka. Ama soo nagala soo xidhiidh:
63 7470160
SOHHO2021@GMAIL.COM.



Jimce wanaagsan muslimiinta dhammaantood.
21/11/2025

Jimce wanaagsan muslimiinta dhammaantood.

COPD waa xanuun ku dhaca sanbabada oo  waxyeello sanbabada soo gaadha ay sababto. Waxyeelladaas waxaa ka dhasha neefmare...
19/11/2025

COPD waa xanuun ku dhaca sanbabada oo waxyeello sanbabada soo gaadha ay sababto. Waxyeelladaas waxaa ka dhasha neefmareenka gudihiisa oo barara ama cuncun ku yimaaddo. Sababta ugu weyn ee keentaana waa cabbidda sigaarka, hase ahaatee waxaa kale oo sababa boodhka iyo waxyaabo kimikaal ah in uu qofku hawo ahaan u qaato.

Calaamadaha lagu garto.
•Neefsashada oo adkaata, gaar ahaan kolka uu qofku hawlqabanayo.
•Codad foodhi oo kale ah oo qofka ka soo baxa kolka uu neefsanayo.
•Qufac aan kala go' lahayn oo xaako badan wata.
•Laabta oo culays laga dareemo.
•Tamar darro iyo daal.
•Caabuq sanbabada ah oo soo noqnoqda.
•Miisaanka oo is dhima.

Dhakhtar la xidhiidh haddii aad calaamdahaas isku aragto. Kana dheeroow waxyaabaha keena.

Raac talooyinkan caafimaad si aad ugu noolaato nolol caafimaad leh.
16/11/2025

Raac talooyinkan caafimaad si aad ugu noolaato nolol caafimaad leh.



Cusbitaalka Somali Higher Hospital waxa uu hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa naadigeenna kubbadda cagta oo guul ka soo hoy...
09/11/2025

Cusbitaalka Somali Higher Hospital waxa uu hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa naadigeenna kubbadda cagta oo guul ka soo hoyay garoonka weyn ee caasimadda Laascaanood. keep up the good work, fellas!



Cusbitaalka Somali Higher Hospital  waxaa bulshada diyaar ugu ah qaybtii gargaarka degdegga ah. Soo wac lanbarkan si aad...
08/11/2025

Cusbitaalka Somali Higher Hospital waxaa bulshada diyaar ugu ah qaybtii gargaarka degdegga ah.

Soo wac lanbarkan si aad ballan u qabsato ama faahfaahin dheeri ah aad u hesho.
63 7470160


Biyuhu jidhkaaga muhim ayaa ay u yihiin inta aad ogtahay ka badan, sidaa darteed joogtee oo sidii oo ay yihiin WI-FI bil...
06/11/2025

Biyuhu jidhkaaga muhim ayaa ay u yihiin inta aad ogtahay ka badan, sidaa darteed joogtee oo sidii oo ay yihiin WI-FI bilaash ah u adeegso biyaha.




Jimce wanaagsan dhammaan muslimiinta Soomaaliyeed.
31/10/2025

Jimce wanaagsan dhammaan muslimiinta Soomaaliyeed.

Cusbitaalka Somali Higher Hospital waxa uu ku wargelinayaa bulshada in uu ka bannaan yahay hal boos oo Lab Technician ah...
29/10/2025

Cusbitaalka Somali Higher Hospital waxa uu ku wargelinayaa bulshada in uu ka bannaan yahay hal boos oo Lab Technician ah.
Codsaha waxaa lagu dooranayaa aqoon iyo waayo-aragnimo dhab ah oo ku aaddan shaybaadhka.

Shuruudaha looga baahan yahay:

1: In uu haysto shahaado Bachelor Degree shaybaadh ah.
2: Ugu yaraan 3 sano oo khibrad ah.

Qof kasta oo danaynaya waxaa lagu wargelinayaa in uucodsigiisa soo gudbiyo ka hor waqtiga k**a dambaysta ah ee la cayimay.

CV-gaaga ku dir Emailkan: SOHHO2021@gmail.com

FAALIGGA, oo caadi ahaan sababa curyaannimada dheeg jidhka ah, ayaa ka mid ah saddexda xanuun ee ugu sarreeya waxyaabaha...
29/10/2025

FAALIGGA, oo caadi ahaan sababa curyaannimada dheeg jidhka ah, ayaa ka mid ah saddexda xanuun ee ugu sarreeya waxyaabaha Sababa dhimashada iyo naafanimada adduunka. Mid ka mid ah lixdii qof ayaa laga yaabaa in uu ku dhaco Faaliig inta ay nool yihiin. Dadka da'doodu tahay 40 ama ka badanna, afartiiba mid ayaa laga yaabaa in uu ku dhaco.

Faaliggu waxa uu keenaa isbeddel degdeg ah oo ku yimaadda nolosha bukaanka. Qof kolkii h**e aan midh qabin si buuxdana hawlihiisa maalinlaha ah u qabsan jiray, ayaa laga yaabaa in uu curyaan noqdo, isaga oo ka dhigaya mid ku tiirsan dadka kale xitaa baahiyahooda aasaasiga ah sida qubayska, musqulaha iyo cuntada.

Daawaynta Faaligga

Daawaynta faaliggu waa ay kala duwantahay iyada oo ku xidhan nooca faalig ee la dawaynayo

Noocdayada faaligga:

1. Ischemic Stroke: Waxaa Sababa xannibaad ku timaadda xididdadii dhiigga ee maskaxda dhiigga siinayay, badanaa xinjirawga dhiigga awgeed.

2. Hemorrhagic Stroke: Waxa uu noocani dhacaa kolka xidid dhiig oo maskaxda ahi uu dillaaco, taas oo sababta dhiig gudaha iyo hareeraha maskaxda ah.

Dawooyinkooda:

1. Faaligga Ischemic :
• Thrombolytics: Dawooyin burburiya xinjiraha dhiigga.
• Mechanical Thrombectomy: Hannaan si toos ah loogu xinjirta saarayo xididkii dhiigga.

Faaligga Hemorrhagic:
• Qalliin: Lagu hagaajinayao. Xididdkii dhiigga ama cadaadiska maskaxda ee dhiigbuxu sababay lagaga yaraynayo
• Dawooyin: Lagu xak**aynayo cadaadiska dhiigga loogana hortagayo dhiigbax horleh.




Dilaayada qarsoon ma laha wax calaamad ah. waana bilaa xanuun inta h**e. balse waxa ay waxyeellayn karaan wadnahaaga, in...
25/10/2025

Dilaayada qarsoon ma laha wax calaamad ah. waana bilaa xanuun inta h**e. balse waxa ay waxyeellayn karaan wadnahaaga, indhahaaga, kelyahaaga, iyo maskaxdaadaba.

Ha sugin inta ay khatar dillaacayso. KA HORTAG. ISBAADH, oo XAKAMEE.
📍Somali Higher Hospital
📞 [63 7470160]
⏰ Furan 24/7




Address

Main Highway Street Laascaanood
Laascaanood

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Higher Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Somali Higher Hospital:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram