21/03/2026
WACYIGELIN: KHATARTA ISTICMAALKA MANDORIGA (TRAMADOL) EE DHALINYARADA
Dhalinyarooy, maanta waxaa aad u sii kordhaya isticmaalka mandoriga (Tramadol) oo si khaldan loo qaato, taas oo khatar weyn ku ah caafimaadka jirka iyo maskaxda.
Mandoriga (Tramadol) waa daawo loo isticmaalo xanuun baabi’inta, laakiin marka si khaldan ama aan dhakhtar qorin loo isticmaalo, wuxuu keenaa dhibaatooyin halis ah.
Khatarta Isticmaalka Mandoriga:
Waxay sababi kartaa balwad (addiction) oo qofku ka bixi kari waayo
Waxay dhaawacdaa maskaxda iyo dareenka qofka
Waxay keentaa wadne garaac aan caadi ahayn
Waxay sababi kartaa suuxdin ama dhimasho marka la badsado
Waxay hoos u dhigtaa waxbarashada iyo shaqada
Saameynta Bulshada:
Dhalinyarada isticmaasha mandoriga waxay lumiyaan mustaqbalkooda
Waxay kordhisaa dembiyada iyo rabshadaha
Waxay burburisaa qoysaska iyo bulshada
Fariin Muhiim ah:
Ka fogow isticmaalka daawo kasta oo aan dhakhtar kuu qorin
Dooro nolol caafimaad leh iyo mustaqbal wanaagsan
Haddii aad aragto qof isticmaala, la tali oo u raadi caawimaad
Gunaanad:
Dhalinyarooy, caafimaadkiinu waa hantidiinna ugu weyn. Ka fogow wax kasta oo halis gelin kara noloshiinna. Mandoriga si khaldan loo isticmaalo waa khatar, ma aha xal.
By Dr Dahir Mohamed nuur
drka guud ee Dagmada luuq