22/06/2025
Iskuduwaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland ee degmada Luuq, Mudane Abdirisak Kadiye, ayaa maanta kormeer shaqo ku sameeyey Isbitaalka Guud ee degmada, isagoo halkaas kula kulmay dhaqaatiirta iyo shaqaalaha kale ee isbitaalka.
Intii uu socday kormeerka, Iskuduwaha ayaa warbixinno muhiim ah ka dhageystay hawlwadeenada caafimaadka, kuwaas oo sheegay in si hufan ay u maareeyaan daryeelka bukaanada soo booqda isbitaalka. Sidoo kale, waxay la wadaageen in ay jiraan 94 kiis oo ah shuban biyood laga diiwaangeliyey isbitaalka labada toddobaad ee ugu dambeysay, taas oo ah xaalad u baahan jawaab degdeg ah.
Mudane Abdirisak Kadiye ayaa uga mahadceliyay shaqaalaha isbitaalka dadaalka ay ugu jiraan bixinta adeegyada caafimaad ee bulshada deegaanka, isagoo si gaar ah ugu bogaadiyey sida ay uga jawaabeen xaaladaha degdegga ah ee caafimaad.
Intii uu socday kormeerka, Iskuduwaha wuxuu la wadaagay dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka qorshaha Wasaaradda ee ku aaddan sidii taageero dheeri ah loogu heli lahaa xaruntii karantiilka ee shuban biyoodka degmada si culeeska looga qaado isbitaalka loogana hortago inuu saameeyo bukaanada kale ee u so adeeg doonta isbitaalka, Wuxuu sidoo kale xusay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso hay’adaha bahwadaagta caafimaadka si wax looga qabto
Ugu danbeyn Waxaan ugu mahadcelineynaa iskuduwaha boqashada uu soo booqday hospitalka