Feysal Salad Adan

Feysal Salad Adan Every day might not be a good day but there is good in every day insha Allah waxan rajeynaya in aad ka heli doontan qoraalo Ku saabsan cafimaadka

12/09/2024

πŸ’‘Fiitamiinada/macdanaha Muhiimka ahπŸ’‘

Fiitamiin A
Aragga & Difaaca Jirka | Karooto πŸ₯• iyo sagara xuurka πŸ₯¬

Fiitamiin B1
Tamarta & habdhiska dareen wadayasha | Noocyada Badarka🌾 iyo hilibka πŸ₯©

Fiitamiin B2
Dheefshiidka | Caanaha πŸ₯› iyo Ukunta 🍳

Fiitamiin B3
Caafimaadka Maqaarka | Digaaga πŸ— iyo Kalluunka 🐟

Fiitamiin B5
Soo-saarista Hormoonada | Avokaado πŸ₯‘ iyo Ukunta 🍳

Fiitamiin B6
Caafimaadka Maskaxda | Moos 🍌 iyo Digaaga πŸ—

Fiitamiin B7
Timaha & Cidiyaha | Ukun 🍳 iyo noocyo Loowska ah 🌰

Fiitamiin B9
Koritaanka Ilmaha Caloosha Ku Jira | Khudaarta Cagaaran πŸ₯¬ iyo Digirta 🫘

Fiitamiin B12
Dhiig & Maskax | Hilibka πŸ₯© iyo Caanaha πŸ₯›

Fiitamiin C
yaraynta waxyelada soo gaarta unugyada | Liinta 🍊 iyo Brokoli πŸ₯¦

Fiitamiin D
Lafaha | Iftiinka Qoraxda iyo πŸŒ… Kalluunka Salmon 🐟

Fiitamiin E
Ilaalinta Unugyada | Looska, πŸ₯œ Abuurka πŸ§†

Fiitamiin K
Xinjirayn Dhiigga | Kaale πŸ₯¬ iyo brokoli πŸ₯¦

πŸ’‘ Maadadayin/macado kale oo Dheerad ah πŸ’‘

Omega-3
Wadnaha & Maskaxda | Kalluunka Salmon 🐟 iyo Looska Walnuts πŸ₯œ

Magnesium
fudaydiyaha Falgalada kiimikafa jidheed | Spinach πŸ₯¬ , Looska πŸ₯œ

Probiotics
Caafimaadka Caloosha | YogurtπŸ₯›Sauerkraut πŸ₯«

Zinc
Difaaca Jirka | Hilibka πŸ₯© iyo Abuurka πŸ§†

Fiber
Dheefshiidka & Wadnaha | Digirta 🫘 iyo Badarka 🌾

Birta
Qaadista Ogsajiinta | Hilib Cas πŸ₯© iyo misir πŸ«›

Kaalshiyam
Awoodda Lafaha | Caanaha πŸ₯› and Kaale πŸ₯¬

πŸ’‘ Talo
✨ Isgu-dubarid cuntooyinkaaga si xikmad leh
✨ jimicsi samee
✨ kuna dadaal cabista biyaha si aad u hesho caafimaad wanaagsan!

FAA'IIDADA LOWSKA LAGA HELOLawska wuxuu faa'idooyin badan u leeyahay jirka bini'aadanka, waxaana halkaan idin kugu soo g...
12/05/2024

FAA'IIDADA LOWSKA LAGA HELO

Lawska wuxuu faa'idooyin badan u leeyahay jirka bini'aadanka, waxaana halkaan idin kugu soo gudbin doonaa faa'idooyin lagu xaqiijiyay cilmibaarisyo kala duwan:

: Lawska waxaa ku jira saliida aan cufnayn taasoo faa'ido u leh wadnaha, wuxuu lawska la dagaalamaa cudurka kolesatroolka oo ah subaga fadhiisto xididada wadnaha, taas oo ka hortag u ah xanuunka wadne qabadka iyo faaliga (Stroke).

: Diraasad mar dhaw la sameeyay waxaa lagu ogaaday in lawska uu yareeyo boqolkiiba 21% halista macaanka, sababtuna waxaa la sheegay inay tahay maaddo ku jirto lawska oo loo yaqaano "manganese" taasoo muhiim u ah kontaroolka sokorta jirka.

: Cunista lawska wuxuu ka hortag u yahay dhagaxaanta ku samaysma xameetida, taasoo badanaa la burburiyo ama xameetida lala soo saaro.

: Lawska waxaa ka buuxo maaddo loo yaqaano "beta-sitosterol), waxay maadadaan ka hortagtaa samaysanka burooyinka, waxayna xakamaysaa korriimadooda, diraasad lagu sameeyay dalka maraykanka waxaa lagu arkay dadka lawska cuno usbuucii laba jeer ugu yaraan inay boqolkiiba 58% uu yareeyay halista kansarka ku dhaca malawadka.

: Lawska wuxuu ka mid yahay cunnooyinka loo yaqaano "brain food" sababtoo ah waxaa ku jira fitamiinka B3, loona yaqaano "niacin" kaasoo kobciyo shaqada maskaxda, sarena u qaado xasuusta, waxaa kaloo lawska ku jira maadada loo yaqaano "resveratrol" kaasoo boqolkiiba 30% siyaadiyo qulqulka dhiigga ee maskaxda, taasoo muhiim u ah firfircoonida maskaxda.

: Lawska waxaa ku jiro borotiin loo yaqaano "tryptophan" kaasoo ka qeyb qaato soo saarista maaddo kale oo lagu magacaabo "serotonin" oo muhiim u ah la dagaallanka niyad-jabka iyo diiqada, wuxuuna lawska u shaqeeyaa sida qaar ka mid ah daawooyinka lagula tacaalo niyad-jabka (anti-depressants).

: Lawska wuxuu muhiim u yahay hooyada uurka leh, maxaayeelay waxay ka helaysaa maadada "Folic acid" oo hooyooyinka lagula dardaarmo inay cunaan markay uurka leeyihiin, wuxuuna muhiim u yahay korriimada uurjiifka, sida lagu arkay dhowr diraasadood oo lagu sameeyay hooyooyinka lawska cuno, waxaa la arkay in boqolkiiba 70% ay ka badbaadaan caruur ku dhalato cillada dhabar furanka.

: Lawska wuxuu muhiim u yahay lafaha iyo murqaha caruurta korayo maadaama ay ka buuxaan borotiinno kala duwan, waana sababta loogu dardaarmo in caruurta cunno ahaan loo siiyo laws la shiiday ama laga dhigay dhiiqo.

: Lawska waxuu ka mid yahay cunnooyinka lagu dhargo "high satiety food" sidaa darteed qofka joogto u cuno, badanaa dhakhso ma cayilo.

: Lawska wuxuu muhiim u yahay maqaarka, wuxuuna yareeyaa laalaabka maqaarka sababtuna waa fitamiinka C iyo E oo ka buuxo lawska, taasoo iyadane muhiim u ah qashin saarka.

: Lawska wuxuu xoojiyaa jiridka tinta, sidaa darteed wuxuu ka hortag u yahay daadashada tinta iyo bidaarta ragga nuuca ka dhalato cilladaha hormoonka.

: Lawska waxaa ku jiro macaadin iyo fitaamiino kala duwan oo jirka bini'aadanka faa'ido ugu jirto, qofka wuxuu ka helaa tamar badan.



Isticmaalka siyaadada ah ee lawska wuxuu dadka qaar u keenaa xanuunka gaaska, laabjeexa, dadka qaarne waxay ku yihiin Allergy taasoo halis galin karto nolosha qofka.

Haddii aad xasaasiyad ku qabtid lawska fadlan ka fogow isticmaalkiisa, haddii aad xasaasiyad ku qabtid caanaha, hilibka ama digaaga, waxay u badan tahay in aad xasaasiyad ku qabtid Lawska ee iska ilaali.

Waxaad kaloo ka fogaataa lawska duqoobay ama raagay ama muddo la kaydinayay sababtoo ah waxaa lawskaas ku dhasho jeermiska loo yaqaano "Aspergillus flavus" oo halis ku ah caafimaadka beerka.

W/Q@SomaliDoc

Tallaalka Fayraska Corona oo laga helay in uu leeyahay waxyeello CaafimaadShirkadda laga leeyahay Britain ee Astra Zenec...
04/05/2024

Tallaalka Fayraska Corona oo laga helay in uu leeyahay waxyeello Caafimaad

Shirkadda laga leeyahay Britain ee Astra Zeneca ayaa markii ugu horreysay maxkamadda ka hor qiratay in tallaalkeeda ka hortagga fayraska Corona uu keeni karo waxyeellooyin halis ah oo ay ugu wacan tahay xinjirowga dhiigga.

Qirashada AstraZeneca ayaa timid maalmo uun ka dib markii ay ku dhawaaqday inay heshay dakhli ka badan Β£10 bilyan 4-dii biloood ee ugu horreysay 2024, taas oo u dhiganta koror boqolkiiba 19 ah.

Xigasho MM Somali TV

29/04/2024

𝐍𝐨𝐨𝐜𝐲𝐚𝐝𝐚 πƒπ‘π’π’π πš:

πŸ‘‰O+
πŸ‘‰O-
πŸ‘‰B+
πŸ‘‰B-
πŸ‘‰A+
πŸ‘‰A-
πŸ‘‰AB+
πŸ‘‰AB-

𝐅𝐀𝐃𝐋𝐀𝐍 𝐍𝐀𝐋𝐀 𝐖𝐀𝐃𝐀𝐀𝐆 ππŽπŽπ‚π€ πƒπ‡πˆπˆπ†π€π†π€ 𝐔𝐔 π˜π€π‡π€π˜?

Anigu dhiigeygu waa πŸ‘‰πŸ©Έβ­•οΈ +

πƒπ‡πˆπˆπ†π€

1- Nooca dhiiga Ee caalamaka ugu badan waa O+ (38%) halka O- uu yahay 6% caalamka oo dhan.

2- Dadka caalamaka ku nool Ee leh dhiiga A+ waa (34%) halka A- uu yahay 6%

3- Sidoo kale dadka leh B+ waa (9%) halka B- iyana tahay 2%

4- AB waxaa leh dad caalamka ka ah(4%) nooca dhiiga ugu yar caalamaka ka yihiin ( 1%) dadkaan waa in ay aad u taxadiraan haday joogan goobo aan lahyn Bangi dhiig (blood bank).

W/Q :Drfaris Al attas

26/04/2024
17/04/2024
20/10/2023

waa maxay gaas-ka (gastritis)?
Waa caabuq ama boog ku timaadda dahaarka caloosha,
Waxaa uu noqon karaa mid si degdeg ah u dhaca iyo mid
dabadheeraada.
Waxyaabaha sababa Gaas-ka.
- Gaajada faraha badan
- isticmaalka alcohol
- Stress ka
- Inaad isticmaasho daawooyinka anti-inflammatory drug
sida asprin ka iyo wixii lamid ah
- iyo sidoo kale In aash*tada calooshu aysan dheeli tirnayn
Calaamadaha Gaas-ka
Matag, Laabjeex, calool dibir, qof ka oo miisaankiisa hoos u
dhaco iyo in qofka cuntada ka xirmato
Daawadiis
Gaas-ka waxaa lagu daweyn karaa cuntooyinkan
- Tufaaxa
- lowska
- Malabka
sidoo kale dawadan ayaa loo isticmaalaa Gaas-ka.
- omeprazole.
- lansoprazole.
- esomeprazole.
Ha iloobin inaad faafiso (Share gareyso
Like saar page-ka si aad noola socoto

27/07/2022

Today is your opportunity to build the tomorrow you want

Address

Luuq

Telephone

+252610101654

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Feysal Salad Adan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Feysal Salad Adan:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram