Dr Mohamed Al Hindi

Dr Mohamed  Al Hindi Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr Mohamed Al Hindi, Doctor, Mogadisho.

31 Maajo 2022 waa maalinta caalamiga ah ee loo asteeyey joojinta cabista Sigaarka iyo isticmaalka tubaakada, (WORLD NO T...
15/07/2022

31 Maajo 2022 waa maalinta caalamiga ah ee loo asteeyey joojinta cabista Sigaarka iyo isticmaalka tubaakada, (WORLD NO TO***CO DAY) taasoo looga gol leeyahay in bulshada caalamka looga wacyigeliyo khatarta isticmaalka tubaakada noocyadeeda kala duwan.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa diirada saartay sanadkan 2022 sidii loo joojin lahaa cabista sigaarka iyo Isticmaalka Tubaakada iyadoo hal-ku-dhigga sanadkanna uu yahay “KA BADBAADI DEEGAANKA KHATARTA SUNTA SIGAARKA “PROTECT THE ENVIROMENT” taasoo loola jeedo dhibaatada ay u geysanayaan dhanka deegaanka iyo bulshada , sida: beerista, warshadeynta, qeybinta iyo istimaalkooda.
Isticmaalka Tubaakada ama cabitaanka sigaarka waxay noqon kartaa : cabista sigaarka, Siigarka, Bayb-ka, Shiishadda, tubaakada la ruugo ama la calaliyo, midda daanka la gashado, iwm. Intaasoo dhanba waa khatar haba ku kala badnaadeene.
Guud ahaan adduunyada cabista sigaarka ama isticmaalka Tubaakada waxaa lagu qiyaasaa 1.3 bilyan qof iney isticmaasho maanta. Ku dhawaad Hal bilyan (80%) waxay ku nool yihiin waddamada soo koraaya

Cabista sigaarka wuxuu sababaa dhimasho degdeg ah ama cimri gaabad, waxaana la sheegaa in sanad walba ay u dhintaan sigaar cabista qiyaas dhan 8 milyan oo qof, in ka badan 7 milyan waa dadka si tooska ah u caba sigaarka halka 1,000,000 oo qof ay yihiin dadka sida dadban ku caba sigaarka (Second-hand Smoke)

Isticmaalka Tubaakada iyo Cabista sigaarka waxaa la sheegay iney ku jiraan in ka badan 4,000 maaddo oo kiimiko ah oo boqolaal ka mid ah ay yihiin sun, 70 ka mid ahna ay sababi karaan cudurka halista ah ee kansarka. Waxaana ka mid ah maadooyinkaas: Tar, Arsenic, benzene, formaldehyde, carbon monoxide, amooniyo iyo qaar kaloo badan. Waxaa kaloo ku jira maadada Nicotin-ka oo sababa in la qabatimo sigaarka jir ahaan iyo maskax ahaanba.
Dadka sigaarka caba khatarta uu u keeno waxay ku xiran tahay waqtiga dheer ee uu isticmalayey iyo xaddiga uu ka isticmaalo.
Waxaa kaloo jirta in qofka haddii uu joojiyo isticmaalka tubaakada ama sigaarka waqti h**e in khatarta cudur ee uu keenayo iney sii yaraan karto.
Cabista Sigaarka iyo saameynta uu Caafimaadka ku leeyahay
Cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada waxay sababaan 25 cudur ku dhawaad waxaana ka mid ah kuwa ku dhaca wadnaha iyo xididdada 20-30% (Heart attack and Stroke), wuxuu kaloo sababaa cudurada sambabka ku dhaca sida Chronic Obstructive Pulmonary Disease (COPD), sambabka oo weynaada ama adkaada (Emphysema), Chronic Bronchites; wuxuu kaloo sababaa cudurka kansarka ku dhaca sambabka 30-35 %. Kansarka Dhuunta iyo Afka (larynx and mouth), kansarka ku dhaca hunguri-wadeenka (Esophagus), Pancreas-ka, Caloosha, Beerka, Xametida, xiidmaha, Kaadi-heysta, Qabsinada, Ilma galeenka. Wuxuu kaloo keenaa dhalma la’aanta ragga iyo haweenka. Waxaa xusid mudan in 85% uu ragga ku keeno Caniinimo ama ragannimada uu waayo.

Haweenka uurka leh wuxuu ku keenaa in ay ilmihii dhiciso ama ay dhasho ilmo miisaan hoose ama neefqabad qaba (asphyxia) ama u horseeda dhimasho kedis ah (sudden death).

Wuxuu kaloo caawiyaa cudurka gastritis wuxuuna badiyaa laabjeexa joogtada (GERD), wuxuu kaloo daahiyaa bogsashadda boog calooleedka (Peptic Ulcer).

Sidoo kale sigaarka wuxuu yareeyaa dhumaca xididdada dhiigga u qaada jirka intiisa kale taasoo keeni karta in si waafi ah u gaari waayo dhiiggii ay u baahnaayeen.
Dhalinyarada da’dooda ka yartay 20 sanno, waxey 3 jeer ka badan yihiin kuwa da’doodu ka weyn tahay 20 sanno dhinaca dhimashada daga daga ah.
Xagga maskaxda wuxuu horseedaa hurdadoo yaraata, degganaansho la’aan iyo qeybta fikirka iyo xusuusta oo hoos u dhacda taasoo ka timid xididdada masakaxda oo adkaada (Arthrosclerosis). Wuxuu kaloo isbeddel ku sameeyaa dabciga iyo la dhaqanka bulshada isagoo had iyo jeer acsaabtiisa kacsan tahay.
Cabista sigaarka waxay waxyeelo u geysataa Aragga Indhaha ,Maqalka dhagaha iyo Maqaarka sidoo kale wuxuu wax yeelo u geystaa dibnaha, ciridka iyo ilkaha.

Waxyeelada Sigaarka Iyo Tubaakada
Khatarta kale ee sigaar-cabistu waa qofka ka ag dhow meesha lagu cabayo (second-hand smoke) sida guryaha caruurtu joogaan ama goobaha bulshada isygy timaaddo kuwaasoo neefsanaaya ama qaadanaaya qiiqa sigaarka agagaarkooda lagu cabaayo, kaasoo la sheegay in khatartii cuduradii la soo sheegay ay ku dhici karaan qiyaas dhan 25-30%.
Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu h**ey u soo saaray Qaraar mamnuucaaya cabista sigaarka ee goobaha bulshadu ay ku kulmaan sida: suuqyada, garoomada, goobaha waxbarashada, hotellada & maqaayadaha, basaska & baabuurta kale. Sidoo kale waxaa reebban xayeysiinta, suuq-geynta sigaarka iyo tubaakadaba looga sameeyo Iddacadaha, telefishinnada, iyo baraha bulshada.
Waxaa kaloo jirta in canshuurta tubaakada iyo sigaarka kor loo qaado si loo yareeyo isticmaalkooda iyo si loo dareeylo caafimaadka bulshada.

Bulshada Soomaaliyeed 30kii sano ee u dambeysay oo burburka, dagaalada iyo barakaca ay jireen waxaa si xaddi leh u kordhay tirada sigaarka cabta gaar ahaan dhalinyarada da’da yar. Waxaa kaloo kordhay dadka Shiishadda isticmaala dhalinyaro iyo dad waaweyn kuwaasoo ku keeni karaaya mustaqbalka dhibaato weyn oo dhanka caafimaadka ah.
BAAQ
Waxaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa meel kastoo ay joogaan iney joojiyaan cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada bacdamaa diinteenna Islaamka aysan oggoleyn in nafta la tah-luukeeyo iyo iyagoo sababaaya khatartii caafimaad ee aan kor ku soo sheegnay.

انالله وانا اليه راجعون انتقل الشيخ الي رحمة الله  اللهم اغفرله وارحمه وادخله في واسع رحمتك يارب
14/07/2022

انالله وانا اليه راجعون انتقل الشيخ الي رحمة الله
اللهم اغفرله وارحمه وادخله في واسع رحمتك يارب

Hambalyo  dhamaan  shifa health  science  University
14/07/2022

Hambalyo dhamaan shifa health science University

12/07/2022
12/07/2022

Address

Mogadisho

Telephone

+252615543757

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Mohamed Al Hindi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category