
05/01/2024
SIDEE CAADOOYINKA IYO HUWIYADU ISU SAAMEEYAAN?
Waa wax adag in qofku joogteeyo caado san wax ka badan isbuucyo ama maalmo. Xitaa hadii aad muujiso dadaal dhab ah haysatana dhiirigelin xooggan. Caadooyinka sida jimicsiga, cibaadada iyo joogtaynta qoraalada aad noloshaada ka qorto si maalinle ah (Journaling) waa kuwo aan dhib badan ka marno joogtayntooda. Caadooyinka xun se waa kuwo aan joogtayn karno oo xitaa ay nagu adagtahay inaan ka baaqsanno hadii aan go'aansanno joojintooda. Caadooyinka sida istcmaalka baraha bulshada, daawashada 📺, wahsiga/caajiska, balwadda iyo isticmalaka cuntada iyo cabitaanada fudud ee cayilka keena waa kuwo aanan joojin karin.
Mid ka mid ah sababaha keena in caadooyinka aan ka marno dhibka intaa la eg waa in aan wixii mudnaa in la badalo wax aan ahayn aan badalno ama inaan si aan sax ahayn u badalno caadada aan rabno inaan badalno.
Marka habdhaqan wax laga badalaayo waxaa jira sadax heer oo loo badalo:-
1. Wax ka badalka natiijada "changing the outcome" sida inaad tiraahdo waxaan iska dhimayaa cayilka, waxaan qorayaa buug ama waxaan ku guulaysanayaa 🏆. Hadafyada uu qofku dagsado waxay la xiriiraan heerkaan. Natiijada waa waxa aad helaysid.
2. Wax ka badalka hab-socodka "changing the process" sida inaad hirgeliso routine cusub oo aad gym ka ku samayso, in aad miiska hagaajiso si aad si fiican hoowshaada ugu qabsato ama inaad la timaado qaab cusub oo aad meditation u samayn karto. Caadooyinka uu qofku dhisaayo waxay la xiriiraan heerkaan. Hab-socodku waa waxa aad samaynaysid.
3.Wax ka badalka cidda aad tahay / huwiyadaada "changing your identity" herkaani wuxuu la xiriira wax ka badalka waxyaabaha aad rumaysantahay sida sawirka aad naftaada ka haysato, sida aad naftaada iyo dadka kale ba aad u xukmiso. Waxyaabaha aad rumaysantahay waxay la xiriiraan heerkaan. Huwiyadu waa waxa aad aaminsantahay.
Lakabka 1aad wuxuu quseeyaa waxa aad helaysid (natiijada), lakabka 2aad wuxuu la xiriiraa waxaa aad samaynayso, lakabka 3aadna wuxuu taabanayaa waxa aad rumaysantahay.
Marka ay timaado in aad caado cusub oo raagta aad smayso, kuma xirna in 3da heer ee isbadalka kala fiicanyihiin balse waxay ku xirantahay hadba jihada isbadalka ee aad aaddo. In badan oo innaga mid ah waxay bilaabaan hannaanka caado badalka iyaga oo diiradda saaraya waxa ay rabaan in ay hantaan ( what they want to achieve). Tani waxay innagu hogaaminaysa waxa la yiraahdo "outcome-based habits". Taa badalkeed waxaa haboon inaan qaadanno hannaanka "identity-based habits" taasi oo ah inaan bilowno safarka caado badalidda innaga oo diiradda saarayna cidda aan doonayno inaan noqono, (who we wish to become).
Inta badan dadku ma tixgeliyaan isbadalka huwiyada marka ay rabaan in ay naftooda horumariyaan. Tusaale qofku wuxuu ku fakaraa ;waxaan rabaa inaan qof caato ah noqdo, taasi oo ah outcome-ka. Waxaa kale uu qofku dhahaa ; hadii aan cuno hebla joogteeyo waxaan noqonayaa qof caato ah, taasi oo ah process-ka, balse waxba iskama badalin sida uu naftiisa u arko oo weli wuxuu isu arkaa in uu buuranyahay.
Si ay kuugu suuragasho in aad caado xun ka tagto ama aad mid wanaagsan u samaysato waa in aad marka h**e huwiyadaada iyo cidda aad isu aragto wax ka badashaa. Tusaale; haddii laba qof oo rabto in ay joojiyaan sigaarka loo soo taago sigaar ee mid ka mid ah ku jawaabo "Maya mahasanid waxaan isku dayaaya inaan sigaar cabidda joojiyo", midka kale na ku warceliyo "Maya mahasanid anigu ma ihi qof sigaar caba". Farqigu waa in qofka koowaad weli aaminsanyahay in uu yahay sigaar cab rabana in uu caadadaas badalo isaga oo aan badalin wixi uu naftiisa ka rumaysnaa. Taasina waa mid adag. Halka qofka labaad uu marka h**e wax ka badalay huwiyadiisa iyo wixii uu naftiisa ka rumaysnaa. Wuxuu sigaar cabidda u arkaa in ay qayb ka ahayd ciddii uu ahaan jiray balse uusan hadda ahayn qofkii h**e. Taasi waxay u sahlaysaa in uusan dib u nuugin sigaar.
Hadii qofku rabo in uu caado samaysto waa in uu naftiisa ku qanciyaa in uu yahay qof sifadaa leh, waayo caado kastaa waxay ka turjumaysaa huwiyada qofka, "Your behaviors are usually a reflection of your identity". Caado badalidda dhabta ahna waa in aad huwiyadaada badasho, "True behavior change is identity change".
Source: Atomic Habits by James Clear.
Nuradin Nageye