18/10/2021
Akhri waad ku faa,ideysaa.
Bismillaahi.
Maqaalkan oon kaga hadli doono qaabka Ilaahay u abuuro ilmaha, iyo marxaladaha uu maro.
Qura’aanka waxa kusoo arooray in ka badan 40 aayadood iyo tobanaan xadiis oo ku saabsan cilmiga uur ku jirta (Embryology). Aqoonta ku saabsan koriinka ilmaha waxba lagama ogayn muddo aad udheer, inkastoo Quraanku si aad u xeeldheer uu uga faalooday, hase ahaatee waxa saaxada cilmiga lagusoo bandhigay cilmigan dabayaaqadii qarnigii labaatanaad.
Caalimkii la odhan jiray Pr: Kieth More ayaa loo geeyey ugu yaraan sideetan daliilo ah xadiis iyo quraana oo ka warramaysa cilmiga Embryology ama sida ilmuhu ugu koro uurka hooyada, kaddib markuu akhristay wuxuu yidhi: Haddii aad arrimahan i waydiin lahaydeen 30 sanno kahor (iminka laga joogo 60 sanno) kamaan jawaabi karaynin. Pr; More wuxuu madax ka ahaa jaamacadda Toronto Canada, wuxuuna qoray kitaabka The human development oo ku guulaystay kitaabka ugu wanaagsan ee qoraa kaliya uu qoro, dabcan kitaabkiisa waxa akhrista qofkasta oo barta cilmiga caafimaadka hadduu doonayo inuu aqoon badan u yeesho sida ilmuhu ugu koro uurka hooyada. Pr; Kieth More wuxuu dhahay; cilmigani dadka wuu ku cusubyahay, oo waxa horumar laga gaadhayba qarnigan (20 aad), sidaas awgeed Muxamed cilmigan wuxuu uga yimid xaga Allah, isaguna waa rasuulkii Ilaahay.
Tusmadda qoraalka.
1 Abuurka xubnaha taranka:
2 Dadka maxaa laga abuuray (Adam)?
3 Marxaladaha ilmaha ee uurka hooyada:
Abuurka xubnaha taranka:
Ilaahay wuxuu ku dhahay Quraanka gaar ahaan suurada Daariq, aayada 5,6 iyo 7aad sidan:
فَلْيَنظُرِ الْإِنسَانُ مِمَّ خُلِقَ ﴿٥﴾ خُلِقَ مِن مَّاءٍ دَافِقٍ ﴿٦﴾ يَخْرُجُ مِن بَيْنِ الصُّلْبِ وَالتَّرَائِبِ ﴿٧﴾
Ee dadku ha fiiriyo waxa laga abuuray (5) waxa laga abuuray biyo booda (6) kana soo baxa dhabarka iyo feedhaha dhexdood (7) [86 At-tariq 5-7]
Sida aqoonta bani'aadamku maanta gaadhsiisan tahay, waxay ogaadeen in bilowga xubnaha taranka ee ilmaha uu ku yaalo meel udhow kalyaha, gaar ahaan lafta dhabarka iyo meesha u dhaxaysa feedha 11 iyo ta 12 aad. Kadibna markuu ilmuhu ku koro uurka hooyada ayey xubnahaas soo dagaan. Xubinta taranka ee gabadhu waa ugxaanta oo kusoo hoobata miskaha gabadha, halka xubinta taranka ee ninkuna uu yahay xiniinyaha oo ayaguna kasoo dagaan kanaalka ayagoo gala dahaadhka sare.
Xitaa markay soo dagaan kadib waxay neerfahoodu ku xidhanyihiin goobtii ay ka yimaadeen, sidoo kale xiddidada dhiigga kasoo qaada wadnaha (artery) iyo kuwa geeya (veins) waxay sii maraan soona maraan goobtii ay asal ahaan labadaas xubnood ku yaaleen.
Dadka maxaa laga abuuray (Adam)?
Dadka waxa Ilaahay markii ugu horreysay ka abuuray ciid, ciidaas ayaa biyo lagu daray waxayna noqotay dhiidhi ur leh, kadibna way qallashay oo noqotay dhoobo, dhoobadaasna waxa laga soo soocay tii ugu wanaagsanayd, kaddibna waa la qallajiyey oo adkaatay, markaasbaa la sawray oo lagu afuufay ruuxdii.
Ciid ama Carro:
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِن كُنتُمۡ فِى رَيۡبٍ۬ مِّنَ ٱلۡبَعۡثِ فَإِنَّا خَلَقۡنَـٰكُم مِّن تُرَابٍ۬
“Dadoow haddaad tihiin kuwo ka Shakisan soo Bixinta, waxaan idinka Abuurnay Carro” Suurada 22aad Al-Xajj, Aayada 5aad.
Biyo:
وَجَعَلۡنَا مِنَ ٱلۡمَآءِ كُلَّ شَىۡءٍ حَىٍّۖ أَفَلَا يُؤۡمِنُونَ
“kana yeelay Biyaha wax kasta oo Nool ee miyeyna Rumaynayn” Suurada 21aad Al-anbiya, Aayada 30 aad
Dhiidhi ur leh:
وَلَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ مِن صَلْصَالٍ مِّنْ حَمَإٍ مَّسْنُونٍ ﴿٢٦﴾
“annagaana ka abuuray dadka dhoobo doorsoon.” Suurada Alxijri:26
Dhoobo lasoo soocay:
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَـٰنَ مِن سُلَـٰلَةٍ۬ مِّن طِينٍ۬
“Waxaan ka Abuuray Dadka wax laga soo soocay dhoobo” Suurada 23aad Al-Muminuun, Aayada 12aad.
Dhoobo faraha ku dhagdhagaysa:
إِنَّا خَلَقْنَاهُم مِّن طِينٍ لَّازِبٍ ﴿١١﴾
“annagaa ka abuurray dhoobo dhagta.” Saafaat:11
Dhoobo adkaatay:
خَلَقَ الْإِنسَانَ مِن صَلْصَالٍ كَالْفَخَّارِ ﴿١٤﴾
“Dadka Ilaahaybaa ka abuuray dhoobo engagsan (sidii in la gubay oo kale) .” Ar-raxmaan:14
Ruuxda lagu afuufay:
فَإِذَا سَوَّيْتُهُ وَنَفَخْتُ فِيهِ مِن رُّوحِي فَقَعُوا لَهُ سَاجِدِينَ ﴿٧٢﴾
Ee markaan ejeeyo oon ku afuufo Ruuxdeyda ugu dhaca sujuud (salaan). Saad:72
Taasi walaalayaal waa marxaladihii uu soo maray nabi aadam abuuridiisu, kaddibna Ilaahay wuxuu kasoo farcansiiyey isagii dad aad u tiro badan, dadkaas oo dhammaantood u laabanaya unnugtii koowaad ee aabbahood. Dadka qaar ayaa is waydiinaya maxaa u daliila in Ilaahay uu ka abuuray bani aadamka dhoobo, ciid iyo biyo.Waxaan leenahay dhammaan macdanaha ku jira bani' aadamka waxaad ka helaysaa dhulka, dhulka barigiisa iyo baddiisa waxa badan badda oo qiyaas ahaan ah boqolkiiba todobaatan halka bani' aadamkuna jidhkiisu uu qiyaas ahaan biyaha ku jiraa ay yihiin boqolkiiba todobaatan.
Dhanka kale bani'aadamku markuu dhinto wuxuu ku laabtaa xaaladii uu ka abuurmay isagoo marxaladihii bal u fiirso qofku markuu dhinto wuu qalalaa oo adkaadaa, kadibna qabriga marka la geeyo waxa uumi baxa dhammaan biyihii ku jiray sida indhaha, kaddibna wuu faaxaa oo ur ayuu yeeshaa markaasna waxa yimaada cayayaan (aboor) cuna maydkaas, ilaa uu dhammaantii ku laabto ciidii uu ka yimid.
Marxaladaha ilmaha ee uurka hooyada:
(Nudfah) Candhuuf:
( ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ) (ثُمَّ جَعَلْنَاهُ نُطْفَةً فِي قَرَارٍ مَّكِينٍ )
“ka abuurnay candhuuf” Hajj:5 “Markaasan ka yeellay Dhibic ku Jirta meel Sugan” Mu’minuun:13
Biyaha ninka iyo gabadhaba waxa Allah uga yeelay candhuuf kaddibna candhuuftaas ayaa laga sii dooranayaa ta ugu wanaagsan.
ثُمَّ جَعَلَ نَسْلَهُ مِن سُلَالَةٍ مِّن مَّاءٍ مَّهِينٍ ﴿٨﴾
“markaas ka yeelay faraciisii mid ka soo soocma biyo tabaryar”. [Sajdah:8]
Biyiha ninka oo ah manida oo ka kooban malaayiin unnug noole (s***m) ayaa laga dhex dooranayaa ta ugu wanaagsan, sababtoo ah unnug kaliya ayaa bacramin kara ukunta (egg) hooyada. Unnuga noolahaasi wuxuu la fal galayaa beedkii ama ukuntii ka timid ugxaanta kadibna wuxuu tuurayaa saynta dheer ee uu ku dabaalanayey, markaasay kala qaybsamayaan oo labada unnug (s***m and egg) ayaa u kala jabayaa mid kasta 23 koromosom oo sita isir sidaha DNA, kadibna 23 koromosoom oo ka yimid ka hooyada iyo 23 koromosoom oo ka yimid ka aabbaha ayaa isku dhagaya oo abuuraya hal unnug oo dhammaystiran. Waxaana u daliila aayadan quraanka ah:
إِنَّا خَلَقْنَا الْإِنسَانَ مِن نُّطْفَةٍ أَمْشَاجٍ نَّبْتَلِيهِ فَجَعَلْنَاهُ سَمِيعًا بَصِيرًا ﴿٢﴾
“Annagaa ka abuuray dadka candhuuf isku dhafan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah.”[ Insaan: 2]
Sidoo kale xadiiskan nabiga ayaa la waydiiyey
” يا يهودي ، من كل يخلق ، من نطفة الرجل ومن نطفة المرأة ،..” مجمع الزوائد ومنبع الفوائد » كتاب علامات النبوة » باب منه
“Yahuudiyoow, labadoodaba waa laga abuuray, candhuufta ninka iyo candhuufta dumarkaba”
Intaas waxa xiga labadii unnug ee isku noqday 46 ka koromosoom way sii tarmayaan, oo unnigii wuxuu u qaybsamayaa laba qaybood, labadiina afar, afartiina sideed, sideediina lix iyo toban, sidaasbaanu ku korayaa ilmaha yar.
(Qaraar Makiin) Guriga amaanka ah (ilmo galeenka):
ثُمَّ جَعَلْنَاهُ نُطْفَةً فِي قَرَارٍ مَّكِينٍ ﴿١٣﴾
“Markaasan ka yeellay Dhibic ku Jirta meel Sugan.” [Mu’minuun:13]
Ilaahay wuxuu tilmaamay in ilmuhu ku jiro meel sugan oo amaan ah, waana run oo ilmuhu wuxuu ku abuurmaa meel la ilaaliyey, inta u dhexaysa lafta dhabarka lafta dhabarka iyo muruqyadeeda, iyo caloosha hooyada.
Xadiddida wiil iyo gabadh:
Jirka bani'aadamku waxa uu ka koobanyahay 100 Bilyan oo unnugyo, unnug kastaana waxa uu leeyahay 46 koromosom (chromosome) oo ku jira bu’da unnuga, marka ay bilaabmato marxalada kala qaybinta unnuga ayuu Koromosomku isu ururinaya qaab lamaane oo kale ah labadii kastabaa way isku dhaganyihiin tiraduna waxay noqonasyaa 23 koromosoom oo lammaane ah ama 46 koromosom.
22 lammaane koromosom ah waxay masuul ka yihiin dhisida jirka iyo sifooyinka ruuxa yeelanayo.
Hal lammaane koromosom ah waxa uu masuul ka yahay xaddida ilmaha dhalanaya lab iyo dheddig.
Lammaanaha dumarku waxa uu noqdaa markasta (XX) halka lammaanaha ninku noqanayo (XY) markaa haddii ay is qabsadaan (Y) mida ka timid Ninka iyo (X) mida ka timid haweenka waxa dhalanaya Lab, haddii ay is qabsadaan (X)midda ka timid Ninka iyo (X) midda ka timid haweenka waxa dhalanaya dheddig.
Sidaa awgeed manida ninka ayaa xaddida cunuga dhalanaya jinsiga uu yeelanayo lab ama dheddig, sababtoo ah koromasoomka ninka ayaa wata (XY) halka dumarka koodu yahay mar kasta (XX). Unnuga wata koromosmka (Y) ayaa hor gaadha beedka muddo dhan 6 saacadood, halka unuga wata (X) uu yahay gaabis waxayna ku qaadataa 12 saacadood inuu gaadho beedka.
Sidaas awgeedna Quraanku wuxuu sheegay in Ninku ka masuul yahay jinsiga dhalanaya nooca uu noqon doono:
وَأَنَّهُ خَلَقَ الزَّوْجَيْنِ الذَّكَرَ وَالْأُنثَىٰ ﴿٤٥﴾ مِن نُّطْفَةٍ إِذَا تُمْنَىٰ﴿٤٦﴾
“Isagaana abuuray labada nooc ee ah lab iyo dhaddigba (45) Kana abuuray dhibic soo baxday (46)” [Suurada 53aad Najm, Aayadaha 45-46.]
أَلَمْ يَكُ نُطْفَةً مِّن مَّنِيٍّ يُمْنَىٰ ﴿٣٧﴾ ثُمَّ كَانَ عَلَقَةً فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ ﴿٣٨﴾ فَجَعَلَ مِنْهُ الزَّوْجَيْنِ الذَّكَرَ وَالْأُنثَىٰ ﴿٣٩﴾
“Miyuusan ahayn dhibic mani ah oo la dhibciyo, markaas noqoto xinjir oo Eebbe abuuro ekeeyana, kana yeelo Labadii nooc lab iyo dheddig”. [Suurada 75aad Al-Qiyamah, Aayadaha 37-39.]
(Mugdiyada) saddex mugdi dhexdood:
يَخْلُقُكُمْ فِي بُطُونِ أُمَّهَاتِكُمْ خَلْقًا مِّن بَعْدِ خَلْقٍ فِي ظُلُمَاتٍ ثَلَاثٍ
“..wuxuuna idinku abuurey uurka hooyadin abuurid ka dambeyso abuurid saddex mugdi dhexdooda..” [Zumur: 6]
Allah wuxuu yiri; saddex mugdiyaal dhexdood ayuu idinka abuurnay, sida uu sheegay pr: Kieth More saddexda mugdiyaal waxa weeye, (a) Gidaarka Caloosha (b) Gidaarka riximka “ilmo galeenka” (c) gidaarka dareeraha ah ee ku xaydaaman ilmaha.
(Calaqah) Xinjir dhiiga, soo laalaada, dhiig nuuge:
[ثُمَّ كَانَ عَلَقَةً فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ ﴿٣٨﴾] [خَلَقَ الْإِنسَانَ مِنْ عَلَقٍ ﴿٢﴾] [ثُمَّ خَلَقْنَا النُّطْفَةَ عَلَقَةً..]
“Markaasna ahaaday calaqo o abuuray simayna” [Najmi:38] “Ka abuuray Insaanka calaqo” [Calaq:2] “Markaasna ka abuurnay candhuuftii calaqo..” [Mu’minuun:14]
Ilaahay meelo badan ayuu ku sheegay in basharka laga abuuray calaqo, gaar ahaan marka lasoo dhaafo marxalada candhuufta, kalimada calaqo waxay leedahay saddex macne oo midkastaba ay ku habboon tahay.
Calaqo= waa shay u eeg xayawaanka la dhaho “Leach like substance” Leach, waa xayawaan u'eg hangaraaraca lugaha badan, wuxuuna nuugaa oo jaqaa dhiiga. Ilmuhuna uma marxalada wuxuu u'eg yahay sida xayawaankaas oo kale, walibana wuxuu u shaqeeyaa sidiisa oo kale oo wuu soo nuugaa dhiigga, isagoo ka nuuga xundhurta hooyada.
Calaqo= waa shay soo laalaado, dabcan ilmuhuna wuxuu kasoo laalaadaa riximka hooyada.
Calaqo= xinjir dhiig ah, sidoo kale markuu ilmuhu yahay calaqo, waxa taagan socodka dhiigga sidaas awgeed waa sida xinjirta dhiigga oo fadhida oo kale.
Saddexdaa macno ayey calaqo leedahay, mid kasta oo aad ku fasirtidna waa ku sax, sababtoo ah kalimadan cajiibka ah waxa u dooray Ilaahay subxaanahu wa tacaala.
(Mudqah) waslad la calaaliyey:
فَخَلَقْنَا الْعَلَقَةَ مُضْغَةً
“..kana abuurnay calaqadii waslad..” [Mu’minuun: 14]
Xinjirtii laalaaday ayaa kortay oo waxay noqotay wax kuusan oo u'eg waslad la calaaliya, waxa layaab leh in quraanku ku tilmaamay shay la calaaliya runtiina marka lagu fiiriyo kamarada waxad moodaa sida hilib la calaaliyey oo kale. Wasladan waxay ka koobantahay saddex qaybood:- lakab dibada ah, lakab dhexe iyo lakab gudaha ah.
Lakabka dibada ah (Ectoblaste) waxayna ilamaha yar siisaa maqaarka, neerfaha, afka, dibnaha iyo xiddidada indhaha.
Lakabka dhexe (Mesoblaste) waxay qaabilsantahay lafaha, murqaha, kaadi mareenka iyo xubnaha taranka sidoo kale dhiigga…
Lakab gudaha ah (Endoblaste) waxay qaabilsantahay beerka, xamiitada, dheef _shiidka iyo neefqaadashada..
Waslad abuuran iyo mid aan abuurnayn:
ثُمَّ مِن مُّضۡغَةٍ۬ مُّخَلَّقَةٍ۬ وَغَيۡرِ مُخَلَّقَةٍ۬
“..Haddaana (waslad) la Abuuray iyo Midaan la Abuurin…” [Alhaj:5]
Aayadan waxa loo bandhigay Maarshaal Johnson, wuxuuna yidhi: iminka haddii aynnu fiirino ilmaha marxaladan uu wasalada uu yahay oo aynnu baadhno xubnaha abuuran, waxaynu helaynaa in xubnaha qaarna ay abuuranyihiin kuwo kalena aanay abuurnay, oo haddaynu nidhaahno way dhantahay abuurku ma aha sax, haddaynu nidhaahno ma dhama ma aha sax ee erayga ugu fiican ee lagu qeexi karaa waa in la dhaho; waslad abuuran iyo midaan abuurnayn.
(Cidaamah) Lafaha:
فَخَلَقْنَا الْمُضْغَةَ عِظَامًا
“Kana abuurnay wasladii lafo..” [Mu’minuun:14]
Marxaladan waxa bilaabma abuurista lafaha ayadoo qayb kamid ah wasladu ay isu beddesho xarko yaryar si ay usamyso laf dhabarta iyo lafaha kale oo dhan.
Kaswatul cidaam laxman: Hilibka la saaro lafaha:
فَكَسَوْنَا الْعِظَامَ لَحْمًا
“..oon huwinnay Lafihii Hilib..” [Mu’minuun:14]
Aayadu waxay tilmaamaysaa in marka h**e la abuurayo lafaha kaddibna la huwinayo hilib waana todobaadka 8aad. Mucjisada Ayadan ku jirta ayaa ah in ay tilmaantay in lafuhu marka h**e la abuuro kaddibna la huwiyo hilibka, arrintan ayaa la ogaaday. Qarnigan aan ku jirno waxaana billada Nobel Prize ku qaatay aqoonyahanka Nelsom, kadib cilmi baadhis uu ku sameeyey muddo dheer, hase ahaatee Quraanka ayaa ka warramay 1400 oo sanno ka hor.
Noole kale:
ثُمَّ أَنشَأْنَاهُ خَلْقًا آخَرَ ۚ فَتَبَارَكَ اللَّـهُ أَحْسَنُ الْخَالِقِينَ ﴿١٤﴾
“Markaasaan ka ahaysinnay noole kale, waxaa Khayr Badnaday Allaha Abuurkiisu Fiicanyahay.” [Mu’minuun:14]
Dabcan aayadan qaybteeda kalena mucjiso ayaa la socota, wuxuu Allah yidhi; waxaan ka abuurnay noole kale sababtoo ah marka ilmaha lafuhu u samaysmaan ee hilibkana la huwiyo ayuu u ekaanayaa ban'aadam, inta ka horreysa waxay isku mid yihiin noolaha kale sida kalluunka, adhiga, bakaylaha.
Abuurka maqalka iyo araga:
[..وَجَعَلَ لَكُمُ السَّمْعَ وَالْأَبْصَارَ وَالْأَفْئِدَةَ ۚ قَلِيلًا مَّا تَشْكُرُونَ ﴿٩﴾][…فَجَعَلْنَاهُ سَمِيعًا بَصِيرًا ﴿٢﴾]
“..Idiina yeelay maqalka, araga iyo quluubta, waxyar baad ku mahdisaan ilaahey ” [Sajdah:9] “..kana yeelnay maqle arke” [Insaan:2]
Aayadahan kalena waxay si cad inoogu sheegayaan in Ilaahay ugu hor abuuro dareemayaasha dareenka maqalka, waxayna maanta culumado leeyihiin; abuurka dhagahu wuxuu bilaabmaa maalintaa 22 aad, wuxuuna dhammaystirmaa bisha shanaad. Halka ilmuhu bisha todobaad uu ka furo inshihiisa.
Sidaas awgeed maqalka ayaa laga hor abuuraa araga, waxaana jirtay cilmi baadhis ay samaysay gabadh uur lahayd oo haysatayna carruur kale. Gabadhani waxay garaaci jirtay teebka, dabadeedna ayadoo uur leh ayey garaacday teebkii waxaana dhagaystay ilmihii yaraa. Kadib markuu dhashay ilmihii kamuu cabsanayn garaaca teebka halka carruurtii kale oon dhagaysanin teebka ay baqdeen, sababtoo ah gabadhu maysan garaacin teebka markay uurkooda lahayd.
Yaa uga warramay cilmigan cajiibka ah nabiga (scw)?
Haddaba walaal is waydii, cilmigan oo aad u casri ah bal yaa uga warramay xabiibka nabi Muxamed oo ahaa Ummi aan waxna qorin waxna akhrinin kuna noolaa saxaraha jaziirada carbeed. Waxa usoo waxyooday Allaah kadibna waa kaa innaga inna soo gaarsiiyay.
Pr; Kieth More wuxuu dhahay, cilmigan cid aqoon u lahayd maysan jiirin ee cidda kaliya ee NABI MUXAMMED SCW u warramay waa Allah, sidoo kalena nabi muxammed waa nabi ka ahaaday xaga Allah.
W/S:Indha_caad