Daryel ceymis medical center

Daryel ceymis medical center Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Daryel ceymis medical center, Mogadisho.

29/04/2019
26/08/2017

WAA MAXAY KANSARKA?

Kansarku waa cudur saameeya dad aad u fara badan. Dad badan ayaa marka ay maqlaan cudurkan waxaa gala baqdin. Cabsidaas ayaa mar marka qaarkood dadka ku dhiirigelisa inay wax ka ogaadaan cudurkan ayna wax ka qabtaan si ay uga hor tagaan. In aad wax badan ka barato kansarka ayaa ah wado kuu sahlaysa in cabsida kansarku kaa yaraato.
Kansarku wuxuu ka mid yahay koox badan oo cuduro ah, waxaana lagu gartaa in unugyada jirka ka tirsan ay u shaqeeyaan si aan caadi ahayn. Jirka dadku wuxuu ka kooban yahay bilyanno unugyo yaryar. Unuga ayaa ayaa abuura qeyb kasta oo jirka ka tirsan, sida maqaarka, lafaha, wadnaha, sambabada, iyo xubno kale. Caadi ahaan unugada ayaa iskood u tarma si ay u kaalmeeyaan koriimada iyo qeybaha kale ee jirka.
Marka unugu bilaabo inuu u tarmo ama ukala qaybsamo si aan caadi ahayn, waxaa taa loo yaqaan buro (tumor). Burado waxay noqon kartaa buro aan kansareysanayn ama buro kaansareysan. Burada aan kansareysanaynway kortaa laakiin kuma fido qaybaha kale ee jirka. Waxay keeni kartaa dhibaatooyin la taaban karo, sida is-hortaag ama waxay u ekaan kartaa wax aan caadi ahayn, laakiin badanaa waa la qalaa, dibna uma soo baxo.
Burada kansareysan waa kansar. Burada ayaa ku qaada weerar ama duulimaad qeybaha kale ee jirka. Waxay ku fidi kartaa qeybaha kale ee jirka, iyadoo abuuraysa burooyin cusub (midan ayaa la yiraahdaa metastasis ). Marka buradu kansareysan tahay, unugyada ayaa u koraya si aan la xadidi karin. Mar marka qaarkood, hadii xataa buradii ugu h**eysay qaliin lagu jaro, cudurka ayaa weli ku sii kori kara meeshii uu ka bilawday ama qaybo kale oo jirka ka tirsan hadii burooyin kansar ah ay horayba ugu faafeen.

Maxaa keena kansarka?

Kansarku wuxuu sameysmaa marka isbedal uu ku dhaco qeybta unugga ee maamusha dib u taranka unugyada cusub ama kala qeybtinta unugyada kale ee jirka. Isbedaladaan waxay abuuri karaan cudurro kale, sida Cagaarshawga B ee ku dhaca beerka, ama cudurada laga qaado cabidda sigaarka. Culumada Sayniska ayaa isku raacday in dadka uu ku dhaco kansarka qaarkood marka ay si isdaba joog ah amaba waqti dheer la kulmaan mid ama dhawr ka mid ah waxyaabaha la yiraahdo kansar-keene. Kansar-keeneyaasha ayaa unugyada jirka u ogolaada inay u koraan si aan caadi aheyn. Tusaalooyinka kansar-keeneyaasha waxaa ka mid ah sunta cayayaanka lagu buufiyo, raajada, sunta kiimikada, iyo daamurka ku jira sigaarka. Waxaa kaloo sii dheer taas cabidda badan ee sigaarka ayaa kuu keeni karta inuu kugu dhaco kansarka sambabka, dhuunta ama kaadi-haysta. Kansarka qaarkiis sida ka mindhicirka, ka qanjirka xiniinyaha, ka naasaha iyo ka maskaxda illaa iyo hadda ma cadda lamana garanayo sababaha keena. Sidoo kale lama garanayo sababta dadka qaarkii ay u qaadeen noocyadaas kansarka ah halka dadka kale uusan ku dhicin.
Daaweynta cudurka cagaarshawga ee beerka ku dhaca (hepatitis), iska ilaalinta qoraxda jirka gubta ama joojinta cabidda sigaarka ayaa kaa yareyn doona fursadda inuu kansar kugu dhaco. Baarid waqti h**e (screening) oo lagu raadinayo kansarka (marka kansarku uu yar yahay, uusan ku fidin jirka qeybahiisa kale) ayaa keeni karta in la bilaabo daweynta kansarka taasoo kaa bogsiin doonta kansarka, kaana joojin doonta dhimashada kansarka ka timaada.
Waxyaabaha keena kansarka qaarkood ayaa lays qaadsiin karaa, laakiin kansarka laftiisa laysma qaadsiiyo. Ma qaadaysid kansar haddii aad ag joogto qof qaba cudurka. Noocyo kansarka ka mid ah, sida ka Naaska ama mindhicirka, ayaa layska dhaxli karaa oo reerkaaga aad ka dhaxli kartaa. Khatar heer sare ahna waxaad u tahay inuu kugu dhici karo noocyadaa mid ka mid ah hadii dad ama qof reerihiina ah uu ku dhacay mar h**e.
Calaamadaha digniinta u ah ee lagu garto kansarka waxaa ka mid ah:
Culays badan oo aad lumisid adigoo aan wax jimicsi ah sameyn.
Qufac aanan dhamaan qaaxana aan aheyn (TB)
Matag dhiig wata, qufac dhiig leh ama saxaro wadata dhiig oo kaa timaada
Dhiiga aan caado aheyn oo ka yimaada va**na
Isbeddalo aan caadi aheyn oo baro baro ah ama ka muuqda maqaarka
Dhaawaca soo gaara maqaarka oo aan bogsan.
Dareemid daal fara badan iyo tabar darro aan sabab laheyn.
Burooyin kaa soo baxa ama kugu soo kordha
Xanuun aan la garaneyn meel uu ka yimid

Cudurka macankaHaddaba Waa maxay Cudurka Macaanku?Waa cudur tilmaamaya marka tiradaGulukooska (Sonkorta) ee dhiiggaagu u...
16/08/2017

Cudurka macanka

Haddaba Waa maxay Cudurka
Macaanku?

Waa cudur tilmaamaya marka tirada
Gulukooska (Sonkorta) ee dhiiggaagu uu aad u sarreeyo, maxaa yeelay jirku si fiican uma isticmaali karo. Waxaa taas sabab u ah Beeryaradaada (Pancreas) oo aanan soo saarin Insuliin haba yaraatee, ama in aanan ku filnayn, si Gulukooska looga caawiyo in uu galo unugyada jirkaaga ama Insuliinta la soo saaro ayaanan si fiican u shaqaynayn (taasoo loo yaqaanno: U adkaysiga Insuliinta).
Insuliintu waa Hormoonada ay Beeryaradu soo saarto, taasoo Gulukooska u fasaxda in uu galo unugyada jirka, markaasoo loo isticmaalo shidaal laga helo tamar aynu u adeegsanno si aynu u shaqayn karno, u ciyaari karno guud ahaanna u wadan karno nolosheena. Waxay daruuri u tahay nolosha.
Gulukoosku waxuu ka yimaadaa cunista tamar dhaliyaha (Carbohydrate) waxaana weliba soo saara Beerka.
Insulinku waxa uu mas’uul ka yahay badalista Sokorta, iyo cunnooyinka kale sida Digirta, Gallayda, Qamadiga, iyo waxii lamid ah una badalo tamar.
Haddii aad cudurka Macaanka qabto, jirkaagu si fiican uma isticmaali karo Gulukooskaas waxuu markaa ku bataa dhiigga loomana isticmaali karo shidaal ahaan.
Calaamadaha Cudurka Macaanka:
Calaamadaha cudurka Macaanka ee nooca 2 ah marwalba si cad uma muuqdaan. Dadka qaba cudurka Macaanka qaarkood waxay calaamadaha ku xiraan sababo kale, sida duqoobidda ama jawiga hawada ee kulul. Dad kalena lagumaba arko wax calaamado ah haba yaraatee.
Ilaah kuguma keenee Calaamadaha ugu badan ee lagu garan karo qabista cudurkani waxay yihiin:
Isticmaalka dheeraadka ah ee musqusha – gaar ahaan habeenkii
Harraad siyaado ah
Daal aad iyo aad u badan
Culays dhacay oo aanan sabab loo hayn [Miisaankaaga oo musqaama] (Weight lose)
Cuncunka Saxaaxa ama Cabeeb si joogto ah qofka ugu dhaca
Boogaha oo si dhakhso yar looga bogsado
Aragga oo isku dhexdardarsama.

Waa maxay Baabasiir?Babaasiirtu waa sida xidido laamo leh oo ku yaalla marinka futada. Marka xididada noqdaan kuwo la ba...
31/07/2017

Waa maxay Baabasiir?

Babaasiirtu waa sida xidido laamo leh oo ku yaalla marinka futada. Marka xididada noqdaan kuwo la bararsan dhiig, waxa timaada babaasiir.
Xididka bararsani waxa uu saameyn karaa mareegta qaybteeda wax yar ka sareysa marinka futuda, halkasoo qaybtaasi aanay taageero sidaa weyn ka haysan duubka muruqa ah (sphincter), waxana taasi ay keentaa babaasiir gudaha ah. Ama waxa laga yaabaa inay
saameyso xididada ku yaalla xagga hoose ee marinka, meel wax yar ka hooseysa maqaarka, taasoo keenaysa babaasiir dibadda ah. Dadka qaarkii waxay qabaan labada noocba.
Babaasiirtu waa dhibaato dad badan laga helo waxana ay saameysaa qiyaastii 50% dadka waqti ka mid ah noloshooda. Inkastoo ay xanuun leedahay lagana xishoodo, caadi ahaan ma aha xaalad culus.

Calaamadaha:

Calaamadaha lagu yaqaano waa:
Cuncun agagaarka futada
Dhiig (aad u cas) oo la arko ka dib marka la saxaroodo
Xanuun iyo raaxo daro inta la saxaroonayo iyo wax yar ka dib
Barar la arki karo oo ku yaalla agagaarka futada
Dareen ah in si buuxda caloosha loo faaruqin ama loo saxaroon
Marmarka qaarkood babaasiirta ku jirta gudaha marinka saxarada ayaa dibadda uga soo baxda futada. Waxa taa loo yaqaana babaasiir soo dhacday (prolapsed/prolapsing haemorrhoids). Marka ugu h**eysa, waxa laga yaabaa in babaasiirtu kaligeed dib iskaga noqoto, laakiin marka dambe waxa laga yaabaa inaad u baahatid inaad adiga dib u celisid adiga oo isticmaalaya fartaada.
Babaasiirta dibadda u soo baxsani waxay keeni kartaa cuncun maqaarka ah iyo raaxo-darro badanaana waxa jira axal ka yimaadaa xubinta axalka sameysa ee xadxatootay. Babaasiirtu waxay noqon kartaa mid bararsan, laakiin marmar dhif ah mooyaane aad uma xanuun badna, iyadoo la xiriira kala-dhambal ama kala-dilaacid dhab ah (futo dilaac).
Haddii babaasiirtu ay kuu keentay xanuun badan iyo raaxo-daro, waa inaad u tagtid Dhakhtar.

Cabirka dhiigkarka:Dad badan baa aaminsan in cadaadiska dhiiga qof kasta in laga rabo 120 kor ah iyo 80 hoos ah, hadii w...
30/07/2017

Cabirka dhiigkarka:

Dad badan baa aaminsan in cadaadiska dhiiga qof kasta in laga rabo 120 kor ah iyo 80 hoos ah, hadii wax ka badalan la sheego in ay cilald jirto.!
taasi ma ahan mid sax, tirada 120/80 waa tiro celcelis ah oo laga rabo in cadaadiska dhiiga uu meelahaas ka agdhaw yahay, haduu cadaadiska dhiigaagu uu yahay 125/75 dhib ma lahan, haduu yahay 130/85 dhib ma lahan, waxaa la rabaa uun inuusan cabirka kore dhaafin 139 haddii aad tahay qof dhalinyaro ah, kan hoosane uusan dhaafin 89, laakiin waa in cabirka qiyaastaa ka sarayso waa in la fiiriyaa waxyaabo badan inta aan daawada la bilaabin oo aan hoos ku xusi doono.
waa in cadaadiska dhiiga laga cabiraa labada gacmood inta aan daawada la bilaabin waa in cabirka dhiiga qofka oo fadhiyo ama taagan la isbarbardhigo.

Ma kici karaa cadaadiska dhiiga isagoo aanan ahayn dhiigkar?

Cadaadiska dhiiga waxyaabo badan ayaa kicin kara si ku meel gaar ah, waxaa ka mid ah jimicsiga, socodka, xanuunka, naxtinta, xanaaqa, qandhada iyo waxyaabo kalaba, sidaas awgeed waa muhiim in cadaadiska dhiiga lagu celiyaa markuu qofka nasto oo aanan lagu dagdagin in daawo loo qoro, ka soo qaad qof u soo lugeeyay isbitaalka waxay keeni akrtaa in cadaadiska dhiiga uu kaco, laakiin hadduu qofka nasto 15 daqiiqo ama nus saac way ku filan tahay in dhiiga uu soo d**o, haddii cilladu aysan ahayn dhiig kar.

25/07/2017

Hadaan ka jawaaabno su aashan jwbtu waxa weye

Meeqo nooc oo dhiig kar ayaa jira?

Cadaadiska waxaa loo qayibyaa laba nuuc oo waaweryn.
1- mid iska yimaado oo aan la garanayn badanaa sababta keentay oo dhaxal noqon karo waxaana loo yaqaanaa "primary hypertension".
2- mid uu keeno xanuun kale sida haddii cillad kilyaha ka jiraan, qanjirka thyroidka, wadnaha ama cillad xaga hormoonada ah, waxuu dhiigkarkaan u badan yahay dadka da'da yar, haddii qof da' yar lagu arko dhiig kar waa in la mariyaa baaritaano badan oo lagu ogaanayo waxa keenay, haddii la helo waa in la daaweeyaa cilladaas si cadaadiska u d**o, laakiin haddii la waayo dhiigkar ahaan ayaa loo daaweeyaa.
3- Waxaa jira cadaadis dhiiga ee ku dhaco haweenada qaar uurka leh, inkastoo uu yahay cadaadis halis ah oo ilmaha soo tuuri karo ama hooyada caafimaadkeeda halis galin karo laakiin markii ay dhasho ama cunuga laga soo saaro, cadaadiska dhiiga caadigiisa ayuu ku laabtaa.
way dhici kartaa in hooyooyinka noocaas ahi uu cadaadis joogto ah isku badalo muddo ka dib, halkaan ka akhriso dhiigkarka uurka
Wixi su aala wa na weydin kartaan.

What is hypertension?Blood pressure is the force exerted by the blood against the walls of the blood vessels.How great t...
25/07/2017

What is hypertension?
Blood pressure is the force exerted by the blood against the walls of the blood vessels.
How great the pressure is depends on the work being done by the heart and the resistance of the blood vessels.
Medical guidelines define hypertension as a blood pressure higher than 140 over 90 millimeters of mercury (mmHg).
The systolic reading of 140 mmHg refers to the pressure as the heart pumps blood around the body. The diastolic reading of 90 mmHg refers to the pressure as the heart relaxes and refills with blood.

1- Hadaad xanuunsato Rabigaa bari isaga unbaa dhibaatada kaa qaadi Kara, ha u malayn in dhakhtarku uu wax kuu qaban karo...
24/07/2017

1- Hadaad xanuunsato Rabigaa bari isaga unbaa dhibaatada kaa qaadi Kara, ha u malayn in dhakhtarku uu wax kuu qaban karo, hadaan rabi ku ilhaamin.
2- Xabatu Sowda iyo malabka asalka ahoo la isticmaalo ayaa Dawo kasta ka fiican.
3- Ha daawayn qofna, cilmi la’aan, waayo waxaad samaynayso rabiyaa kugula xisaabtamaya,
4- Dawo aan dhakhtar sax ahi kuu qorin ha isticmaalin,
5- Dawo ha waydiisan qof aan dhakhtar ahayn,
6- Dawo ha cunin oo qofna ha siin,hadaadan ogayn waxa loo isticmaalo. iyo dhibaatada ay keensanayso,
7- Ogow daawo kasta waxay leedahay dhibaatooyin badan
8- Ha ku dagdagin isticmaalka dawooyinka
9- Dawooyinka dhig meel caruurtu aysan gaarin
10- Dawooyinka dhig meel aan qorax ahayn
11- Waxaa hagaagsan in aad samaysato armaajo yar oo darbiga meel kore lagu dhajiyo, oo fure leh oo dawada la dhigo si caruurtu aysan u gaarin
12- Rifeetar iyo refadin waligaa ha u isticmaalin waxaan loogu talo galin waa dawooyinka Qaaxada loo isticmaalo.
13- Hadii caruuta ama qof waynba qandho qabato, meel neecow leh gee, dharkana ka yaree, oo ha huurin, dabadeedna shukumaan biyo kuqoo oo marmari
14- Hadii caruurtu ama qof waynba uu shumbo, ORS sii, iyo biyo kasto uu cabi karo, sii cunadii uu cuni karo
15- Ma jirto cirbad la yiraah dhiig joojin oo qofkii dhaawacma la siiyo
16- Farmashiyaasha hada lagama helo dawo teetanaha loo isticmaalo waayo waxay rabtaa dawadaasi inay furunjiyeer ku jito oo 2degrii tahay,
17- Dhaawaca yar yar ku dhaq biyo qandac ah oo milix / cusbo leh, sida biyaha badoo kale
18- Caruurta bar inaad siiso cunooyinka faaiidada leh sida Galayda, Digirta, Hilibka caloolayda, Ukunta, Masagada, Mooska, Canbaha, Ukunta iwm.
19- Ma wanaagsana cunooyinka in lagu badiyo, Sonkorta, Dufanka iyo Cusbada,
20- Ha cunin cunada aan daboolnayn ee suuqa taala
21- Ha gadan rootiga gaarigacanlayaashu hayaan
22- Khudaarta nuuca aan qolofka lahayn, si waansan isaga dhaq hadaadan iska daynaynba,
23- Nadaafadu waa furaha caafimaadka
24- Jikada nadaafadeeda ku dadaal
25- Jirka nadaafadiisu waa lagama maarmaan
26- Musqusha nadaafadeedu waa lagama maarmaan
27- Bar caruurta iyo dadka waawaynba in markii qofku musqusha ku soo xaajo guto uu gacmaha saabuun ku dhaqo.
28- Weelasha loo isticmaalo musqusha sida baaldiga, caaga iwm waligaa ha u isticmaalin jikada.
29- Cunooyinka gasacadaysan intaad ka fogaan karto ka fogoow.
30- Karootadu waa cuno fiican oo u roon indhaha ee bar naftaada iyo caruurtaba,
31- Jawaafaha ama saytuunku aad buu u wanaagsan yahay
32- Cunooyinka la isku daro ama laysku shiido waa faa’iido badan yihin
33- Sansanyeeri isticmaal habeenkii markaad seexanayso
34- Cudurka isfiilitadu waa  cudur xun, kumana dhaco dadka galmood ammaan leh sameeya, ilaahay idankii, ee yaan lagaa maqal
35- Quraanka oo akhrintisa la badiyo, caafimad badan bay leedahay.
36- Caruurta ka ilaali ciida inay cunaan, ciida waxaa ku jira oo ukuntooda dhigta gooryaano badan,
37- Cagacadaan ha ku socon, hana u ogolaan in caruurtu ku socoto, gaar ahaan meelaha qoyan waxaa laga helaa bahalo ku nool oo si sahlan qofka u gala
38- Novalgin ha isticmaalin nuuckastoo uu yahay, waayo waa daawo khatar ah, aduunkana hada lagama isticmaalo,
39- Gaastariigu waa cudur khatar ah , rabina ha naga badbaadiyo, sida dadku u sheegayaana maaha, mana dhici karto in dadkoo dhami qabo.
40- Cadayga oo aad loo badsado, ilkaha caafimaadkoodaa ku jira ee ku dadaal
41- Aspirin ha siin caruurta 12 sano ka yar, wuxuu u keenaa dhibaato.
42- Dawo qof loo qoray, maahan in qof kale la siiyo, dadku isku cudur maahan, dhakhtar unbaa sheegi kara wuxuu cudurka qofku qabo yahay
43- Dawada cirbada ihi maahan daawada ugu saraysa, qofku intuu afka wax ka qaadan karo cirbad uma baahna,
44- Faleebada dad badan waxay u haystaan inay wanaagsan tahay, lakiin ogow inaysan wanaagsanayn, hadii la siiyo qof aan u baahnayna ay dhib badan u keenayso, ogow afku waa meesha ugu fiican oo ilaahay ugu tala galay oo qofku wax ka qaadan karo

Haddii aad su'aal caafimaad qabtid, waxaan diyaar u ahay in aan kaaga jawaabo ee iigu soo dir halkaan walaal sii share garee ama like sar.

Pneumonia
24/07/2017

Pneumonia

23/07/2017

Like in our new page thank you

Page ka rasmiga ah ee daryeel ceymis medical center waxa ka heleysaa talooyin caafimaad iyo daryeel buuxa oo dhanka cafi...
23/07/2017

Page ka rasmiga ah ee daryeel ceymis medical center waxa ka heleysaa talooyin caafimaad iyo daryeel buuxa oo dhanka cafimaadka ku saleeysan

Address

Mogadisho

Telephone

615757741

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daryel ceymis medical center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram