Dr.Ibrahim Abdullahi Janagale

Dr.Ibrahim Abdullahi Janagale "Health is not Valued until sickness comes".

16/01/2024

๐‡๐š๐ฅ๐ข๐ฌ ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐š๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐›๐š๐ซ๐š๐š๐ซ๐ฎ๐  ๐ฌ๐š๐ง๐ž๐ฒ๐ง

Cabida sigaarka in muda ah iyo isticmalida kaniiniga sildenafil ( Vi**ra) waxay sababi karaan madaxa in uu dhiig ku furma ( ๐—›๐—ฒ๐—บ๐—ผ๐—ฟ๐—ฟ๐—ต๐—ฎ๐—ด๐—ถ๐—ฐ ๐˜€๐˜๐—ฟ๐—ผ๐—ธ๐—ฒ )
Cilmi baaris an daabacnay ayaa ku ogaanay Bukaan ka mid ah bukaanada an jiifinay qeybta ICU ee Dr.sumait Hospitals , oo madaxa dhiig ugu furmay ( Hemorrhagic stroke) ay sabab u aheed in uu waqti yar gudaheed uu ku liqay kaniiniga sildenafil ( vi**ra) 100 mg , kadibne isku arkay calaamadahan sida , wareer , matag , madax xanun saaid ah iyo in uu uu miir dabool mo ( dizziness, Nausia, vomiting and severe headaches and loss of consciousness)
CT scan laga saray madaxa wuxuu cadeeyay in uu uu jira dhiig ku furmay madaxa (Hemorrhagic stroke) , bukaanka ma uu san la heen cudurada sida , Dhiikarka , Macaanka iyo kalostaroolka ( hypertension, Diabetes and hyperlipedimia) kaliya waxa uu lahaay balwada sida cabida sigaarka in ka badan 12 sano, malintiina 1 baako sigaar ah

Cilmi baaristaan waxay hoosta ka xariiqeysaa xaalad naadir ah halisteedana wadata oo ah in dadka cabada sigaarka hadii ay la isticmaalan kaniiniga sildenafil ( vi**ra) dose /Mg badan waqti kooban gudaheed in uu keeni karo dhiig madaxa ku furma ( Hemorrhagic stroke) .

Ugudanabayn Waxaan ku baraaru jineynaa ugana digeynaa bulsha somaliyed oo caadi ka dhigtay isticmalida kaniiniga sildenafil (vi**ra) ayaado dhakhtarku u khorin in ay san qaadan/Laqin kaniiniga maadama dhibaatadas kor soo xusnay uu sababi karo

Arintaan oo dhamestiran ka akhriso lifaaqa an hoos kugula wadaagayo. Mahadsanidiin.

Click on the link below to read and download the full article.
https://www.dovepress.com/articles.php?article_id=87088

Dr. Sumait Hospitals
Faculty of Medicine and Health Sciences-SIMAD University
SIMAD University

"Health is not Valued until sickness comes".

01/01/2024

๐“๐š๐ฅ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ๐ฃ๐ž๐ž๐๐ข๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฅ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ง ๐œ๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข๐›๐š๐š๐ซ๐ข๐ฌ

Bukaan inooga yimid Burhakaba- gobolka Bay awalna ku noola magalada Sa'da ee waqooyi galbeed ee Yamen, ayaa adkaatay in la ogaado cudurka haya( ๐ƒ๐ข๐š๐ ๐ง๐จ๐ฌ๐ญ๐ข๐œ ๐‚๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ž๐ง๐ ๐ž ) kadib baadhitaano dhoor ah oo loo sameeyay waxuu ka cabanayay madax xanuun , Qandho , calool xanuun , matag , labalabo , miisaankiisa oo yaraadey iyo beerka iyo beeryara oo barar san Ilaa labo bilood ( Headache, fever, abdominal pain, vomiting, nause, weight loss and hepatosplenomegalay for two months)
Baadhitaanada aan u sameynay sida kuwa cudurada faafa, , malaria ,dababsiga iyo baritan an ku sameyney dhuuxa lafta waxne laguma ogaan kaliye dhiigyari iyo in ay jirta malaria ( infectious disease tests such as the human immunodeficiency virus, viral hepatitis, and Brucella serological tests were conducted and found to be negative Also, an anti-Leishmania antibody with an enzyme-linked immunosorbent assay (ELISA) was not detected) waxaan u bilawnay dawada malaria dhiigne wan ku shubnay dhiig lkn wali isla calaamadihii buu dareemayay.
Intaa ka dib waxaa cad yar oo si taxadar leh ku jirta looga qaday beeryaraha maadama oo barar saarnaay ( ๐“๐ซ๐ฎ๐ž ๐œ๐ฎ๐ญ ๐›๐ข๐จ๐ฉ๐ฌ๐ฒ ๐จ๐Ÿ ๐ฌ๐ฉ๐ฅ๐ž๐ž๐ง
) taas oo an ku ogaanay in uu jira cudurka dababsiga ( Visceral leishmaniasis) . Intaa kadib wxan u bilawnay dawada dababsiga kuna caafimaaday dibne ugu laabaty nolol maalmeedkiisa.
Cilmi-baaristan waxee hoosta ka xariiiqaysa/iftiimineysaa in cudurka dababsiga qaybtiisa uur kujirta (๐•๐ข๐ฌ๐œ๐ž๐ซ๐š๐ฅ ๐ฅ๐ž๐ข๐ฌ๐ก๐ฆ๐š๐ง๐ข๐š๐ฌ๐ข๐ฌ) ogaanshihiisa adkaan karto xaaladaha ay lasocdaan cudurada kale ee faafa sida malaria, iyo meelaha cudurkan dababsiga kubadanyahay ee qalabka iyo xirfadleeyda cafimaadne xadidantahay.
Cilmi-baaristaan waxee xirfadlayaasha cafimaad ugubaqaysaa in bukaanada layimaada qandho aad udaran iyo beerka/beeryaraha oo bararsan in ay utixgaliyaan inee noqokorto cudura faafa ee wada jira sida malaria iyo visceral leishamanias iskuladhacaan. Cilmi-baaristan waxee sojedinaysa in lasameeyo cad baariseeyd beer-yaraha si taxadar leh markii lagu ogaan waayo baritanad kale ee kuhabonaa meelaha uu kubadanyahay cudurka dababsiga uurkujirta (Visceral leishmaniasis).
Ugudanabayn cudurka dabagsiga uurkujirta waxaa haboon in waqti h**e la ogaado lanadaweyo si looga hortago dhibatoyinkiisa oo sababi karo dhimasho
Arintaan oo dhamestiran ka akhriso lifaaqa an hoos kugula wadaagayo. Mahadsanidiin

Click on the link below to read and download the full article.
https://www.dovepress.com/articles.php?article_id=87088

Dr.Sumait Hospitals
Faculty of Medicine and Health Sciences-SIMAD University
SIMAD University

"Health is not Valued until sickness comes".

๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐† ๐Š๐€๐‘๐Š๐€ ( ๐‡๐˜๐๐„๐‘๐“๐„๐๐’๐ˆ๐Ž๐)Dhiig karku waa cadaadiska dhiiga oo kor u kaca, cadaadiska dhiiguna waa cadaadiska ka dhasha...
29/10/2023

๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐† ๐Š๐€๐‘๐Š๐€ ( ๐‡๐˜๐๐„๐‘๐“๐„๐๐’๐ˆ๐Ž๐)

Dhiig karku waa cadaadiska dhiiga oo kor u kaca, cadaadiska dhiiguna waa cadaadiska ka dhashay dhiiga ka imanaya wadnaha ee ku socda unugyada jidhka ama dhiiga ka imanaya unugyada jidhka ee ku socda wadnaha. Dhiig karku waxa uu sare u qaadayaa cadaadiska dhiiga oo caqabad ku noqonaya shaqada wadnaha hadii aan la dawayn
๐‚๐€๐‹๐€๐€๐Œ๐€๐ƒ๐€๐‡๐€

Dhiig karku calaamada muuqda malaha, balse waxaad isku arki kartaa madax xanuun yar oo khafiifa iyo daal. Kaliya waxaad ogaan kartaa adigoo cabira heerka cadaadiska dhiigu marayo. Dhiig karka aadka u kacsan waxa uu ruuxu dareemaa madax xanuun, daal, lalabo, jahwareer iyo sanka oo dhiig ka yimaado.
Qofkasta oo qaangaadh ah waa inuu cabiraa cadaadiska dhiigiisa shanti sanoba hal mar, balse hadii cadaadiska dhiigu yahay 140/90 mmHg waa inaad cabirtaa ugu yaraan
sanadkiiba hal mar.

๐’๐ˆ๐ƒ๐„ ๐‹๐Ž๐Ž ๐‚๐€๐๐ˆ๐‘๐€๐€ ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐† ๐Š๐€๐‘๐Š๐€

Cadaadiska dhiigga waxaa badanaa lagu hubiyaa iyadoo mashiin leh maro lagu xiro dhinaca sare ee gacanta, markaa labo lambar ayaa cadaadiska dhiigga loo qoraa.
โ€ข Lambarka kore waa midka sare waxaana loo yaqaannaa "systolic". Waa cadaadiska ku jira xididada dhiigga marka uu wadnaha dhiiggu ku shubmo.
โ€ข Lambarka hoose waa midka hoose waxaana loo yaqaannaa "diastolic". Waa cadaadiska ku jira xididada dhiigga marka uu wadnuhu nasanayo inta u dhexeysa garaacyada.

๐‚๐€๐ƒ๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐’๐Š๐€ ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐†๐€ ๐„๐„ ๐‚๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐†๐€ ๐€๐‡ :

Cadaadiska dhiigga ee caadiga ah wuxuu ka agdhow yahay tirada 120 oo la hoos dhigay 80 ama ka yar.
Da'da way saamaysaa cadaadiska, oo wax yar ayuu ka korreeyaa akhrinta kor ku xusan mar walbuu qofka da'diisa kororto, waana dabiici.
Cadaadiska dhiigga qofba qofka kale wuu ka duwan yahay.
Cadaadiska dhiigga wuxuu isu badali karaa daqiiqado, qasab maahan in mashiinta ay soo qorto 120/80, wax yar ayuu ka duwanaan karaa.

๐‚๐€๐ƒ๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐’-๐Š๐€ ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐†๐€ ๐Ž๐Ž ๐’๐€๐‘๐‘๐„๐˜๐€:

Cadaadis dhiig oo sarreeya waxaa loo yaqaannaa dhiig kar (hypertension).
Cadaadis dhiig oo sarreeya waa 140 oo la hoos dhigay 90 iyo wixii ka sarreeya.
Baaritaan cadaadis dhiig oo sarreeya lama sameeyo ilaa cadaadiska dhiiggaaga laga hubiyo dhowr mar uuna noqdo mid sarreeya.
Mar kastoo ay dhiigga ku adkaato inuu ku qul-qulo marinnada dhiiggaaga, lambarrada cadaadiska dhiiggu kor ayey u sii kacayaan. Marka uu jiro cadaadis dhiig oo sarreeya, wadnahaagu si xoogan ayuu u shaqaynayaa
๐๐€๐€๐ƒ๐‡๐ˆ๐“๐€๐€๐๐Ž:-

Marka cabirka cadaadiska dhiigu tuso in dhiigaagu kacsanyahay ayuu dhakhtarku kaa qaadayaa dhiig iyo kaadi si loo ogaado heerka borotiinka ee kaadida. Sidoo kale waxa lagu saarayaa qalabka EKG si loo eego in wadnahu caafimaad qabo iyo inkale. Dhiiga lagaa qaado waxa lagu ogaanayaa heerka milixda ee dhiiga ku jira, kalyuhu inay shaqaynayaan, duxda ama kalostaroolka dhiiga iyo heerka sonkarta ee dhiiga.
Dadka qaba xanuunka macaanku way u dhaga nugul yihiin in cadaadiska dhiigoodu sare ukaca (Dhiigkar).

๐Œ๐€๐—๐€๐€ ๐Š๐Ž๐‘๐ƒ๐‡๐ˆ๐˜๐€ ๐‡๐€๐‹๐ˆ๐’๐“๐€ ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐† ๐Š๐€๐‘๐Š๐” ๐ˆ๐๐”๐” ๐ˆ๐†๐” ๐ƒ๐‡๐€๐‚๐Ž ?

๏ถ Hiddo:- hadii qoyskaagu uu lahaa dhiig kar waxa sahlan in uu adigana ku asiibo.
๏ถ Daโ€™da:- markasta oo daโ€™du sii waynaato waxa koraya jaaniska dhiig karku kugu dhici karo.
๏ถ Milixda badan:- Cunto milixdu ku badantahay hadaad cunto waxa siyaadaya fursada uu kugu dhici karo dhiigkar.
๏ถ Khamriga:- khamrigu waa hooyada cudurada, waxaanu sababaa boqolaal xanuun oo uu ka mid yahay dhiig kar.
๏ถ Miisaankaaga oo culus:- buurnida iyo cayilku waxay sababaan xanuuno badan.
๏ถ Qoomiyadaha:- qoomiyadaha qaar ayaa u dhago nugul ina uu asiibo dhiig karku sida qoomiyada Afikan amerikanka, sababtana lama garanayo.
๏ถ Maadooyinka qaar oo yar:- sida macdanta potassium, magnesium iyo calcium.
๏ถ Jimicsi laโ€™aan:- fadhiga iyo jimicsi laโ€™aantu waxay keenaan carqalado badan.
๏ถ Hurdada oo neeftu kugu qabato:- xilliga hurdada oo hawo mareenku uu daboolmo.
๏ถ Daawooyinka:- daawooyinka lagu dajiyo kaarka iyo xummada waxay keenan dhiig kar sida naproxen,motrin iyo celebrex.

๐†๐Ž๐Ž๐‘๐Œ๐€ ๐€๐˜๐€๐€ ๐‹๐€ ๐—๐ˆ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐‡ ๐ƒ๐‡๐€๐Š๐“๐€๐‘๐Š๐€ ?

Sida ugu dhakhsaha badan la xidhiidh dhakhtarka..
โ€ข Hadii cadaadiska dhiigaagu uu ka badanyahay 180/110 mmHg.
โ€ข Hadii aad u malayso in dhiig karku kugu sababay calaamadahan; madax xanuun daran, aragtida oo ku daciifta, lalabo iyo matag.
โ€ข Waxa haboon inaad la xidhiidho dhakhtarka.
โ€ข Hadii cadaadiska dhiigu yahay 140/90 ama ka sareeyo.
โ€ข Hadii aad istidhaahdo dhiig karku saamayan ayuu kugu keenay.

๐’๐ˆ๐ƒ๐€๐€๐ ๐”๐†๐€ ๐‡๐Ž๐‘๐“๐€๐†๐€๐€ ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐† ๐Š๐€๐‘๐Š๐€ โ“

โ€ข Sigaarka jooji.
โ€ข Miisaanka dhin hadii uu saaโ€™id yahay.
โ€ข Cunto fiican cun oo isu dheelitiran.
โ€ข Jimicsi samee, sida orodka, dabaasha ama baaskiilka.
โ€ข Khamriga iyo daroogada ha u dhowaan.

๐’๐”๐€๐€๐‹๐Ž ๐Œ๐”๐‡๐ˆ๐ˆ๐Œ ๐€๐‡ ๐ˆ๐ ๐€๐€๐ƒ ๐–๐€๐˜๐ƒ๐ˆ๐ˆ๐’๐Ž ๐ƒ๐‡๐€๐“๐€๐‘๐Š๐€๐€๐†๐€:-

1. Halkuu marayaa cabirka cadaadiska dhiigu?
2. Waa maxay cadaadiska dhiiga ee loo baahanyahay in la gaadho?
3. Labada cadaadis (ka sare iyo ka hooose) keebaa kacsan?
4. Ma jiraa wax saamaynaya dhiig karka sida khamriga, sigaarka, cuntada, miisaanka jidhka iyo jimcsiga?
5. Waa maxay dawada dhiig kara iyo sida ay ii saamaynayso?
6. Dawadu miyey igu keenaysaa xanuuno kale?
7. Xillima Ayaan qaataa dawada? Sideebaan u qaataa dawada`?
8. Ma jiraa dawooyin aan iska ilaalinayo?

๐ƒ๐€๐€๐–๐€๐˜๐๐“๐€ :-

Dhiig karka aan la dawayni waxa uu sababi karaa dhiig madaxa kaaga furma ama wadne xanuun. Dhiig karka sidiisaba lama daawayn karo balse waa la xakamayn karaa. Waxa loo xakameeyaa laba qaybood.
๏ถ Nolosha ood wax ka badasho.
๏ถ Daawayn joogta ah.
Dhakhtarku waxa uu ku siinayaa hadafka ah in la xaqiijiyo tusaale ahaan heerka cadaadiska dhiiga ee loo baahanyahay in la gaadho si uu uga hooseeyo 140/90 mmHg.

๏ถ Nolosha ood wax ka badasho.
Dadka qaar waxa ku filan oo kaliya inay nolosha ay wax ka badalaan, waxayna ku xidhantahay heerka dhiig karku marayo iyo hadaad leedahay xanuuno kale sida macaanka, alyo xanuun ama wadne xanuun.

โ€ข Miisaankaaga dhin:- hadii aad buurantahay ood dhinto miisaankaaga dhiigkarkuna hoos ayuu u dhacayaa.
โ€ข Jimicsi samee:- waa inaad samayso jimicsi sida orodka, dabaasha iyo baaskiilka.
โ€ข Jooji sigaarka:- nikatiinta ku jirta sigaara waxay kicisaa dhiig karka iyo garaaca wadnaha.
โ€ข Khamriga ha udhowaan:- khamrigu waa hoyga iyo hooyada cudurada.
โ€ข Cun cuntooyin fiican:- qorshee cuntadaada isuna dheeli tir.
Hadii noloshaada ood wax ka badashy ay dhimi waydo dhiig karka waxaad u baahantahay daawooyin joogto ah. Dawadu way xakamaynaysaa dhiig karka balse ma dawaynayso. Dadka qaar waxay dareemaan inay adagtahay in la qaato dawooyin markasta, gaar ahaan markay aanay dareemayn xanuun. Hadiiba ay adagtahay inaad qaadato dawooyinka la xidhiidh dhakhtarkaaga.



FADLAN SHARE DHEH OO LA WADAAG ASXAABTAADA.

MAHADSANID

Talo caafimaad/ iftiimin cilmiyaysan Cilmibaaris an daabacnay 31 journey 2023 , ayaan ku ogaanay hooyada ku jirta xiliga...
23/10/2023

Talo caafimaad/ iftiimin cilmiyaysan

Cilmibaaris an daabacnay 31 journey 2023 , ayaan ku ogaanay hooyada ku jirta xiliga umusha ( ๐๐จ๐ฌ๐ญ๐ฉ๐š๐ซ๐ญ๐ฎ๐ฆ ๐ฉ๐ž๐ซ๐ข๐จ๐) ee isku aragta madax xanuun saa'id ah, wareer iyo Jarees mar un ( Headache, confusion and seizure) in ay sababi karto xirnaashaha mid ka mid ah lakabyada sare ee xididada madaxa oo loo garan ogyahay (๐๐จ๐ฌ๐ญ๐ฉ๐š๐ซ๐ญ๐ฎ๐ฆ ๐ฏ๐ž๐ง๐จ๐ฎ๐ฌ ๐ฌ๐ข๐ง๐ฎ๐ฌ ๐ญ๐ก๐ซ๐จ๐ฆ๐›๐จ๐ฌ๐ข๐ฌ ) badanaa lagu qaldo ๐๐จ๐ฌ๐ญ๐ฉ๐š๐ซ๐ญ๐ฎ๐ฆ ๐ž๐œ๐ฅ๐š๐ฆ๐ฉ๐ฌ๐ข๐š , Taas oo keni karta hadii an lagu baraarugin goor h**e xalad khatar ah oo sababi karta dhimasho.
Si aad u kala saarto labada xaaladood waxaad sameyn kartaa imaging/Scan oo ah MRI/MRV

Hadaba bahda cafimaad ka waxan kula talinayna in ay san ku fakarin kaliya ๐๐จ๐ฌ๐ญ๐ฉ๐š๐ซ๐ญ๐ฎ๐ฆ ๐ž๐œ๐ฅ๐š๐ฆ๐ฉ๐ฌ๐ข๐š oo ay jiraan xaladakale oo lamid ah oo sababi kara xaladaas sida case ka an cilmibaarista ka sameynay oo ah ๐๐จ๐ฌ๐ญ๐ฉ๐š๐ซ๐ญ๐ฎ๐ฆ ๐ฏ๐ž๐ง๐จ๐ฎ๐ฌ ๐ฌ๐ข๐ง๐ฎ๐ฌ ๐ญ๐ก๐ซ๐จ๐ฆ๐›๐จ๐ฌ๐ข๐ฌ

Arintaa oo dhamestiran ka akhriso lifaaqa an hoos kugula wadaagayo. Mahadsanidiin.

https://www.dovepress.com/articles.php?article_id=81342

 (Gaas calooleedka)Caabuqa Calooleedka :Gaastiriga: Waa cuncun iyo barar ku dhaca dahaarka caloosha waxayna soo saartaa ...
21/07/2023

(Gaas calooleedka)

Caabuqa Calooleedka :

Gaastiriga: Waa cuncun iyo barar ku dhaca dahaarka caloosha waxayna soo saartaa ash*to markii ay jirto daciifnimo ama dhaawac soo gaadha lakabka difaaca ee darbiga gudaha ee caloosha oo sababa barar caloosha, caabuqaasina Waxay keentaa astaamo ay ka mid yihiin calool xanuun daran iyo dhibaatooyinka dheef shiidka.

kiisaska badankood waxaa sababa infekshinka bakteeriyada H. pylori. Waxa loo qaybiyaa laba nooc, tan koowaad waa mid daba-dheer, astaamuhu waxay socdaan muddo dheer, tan labaadna waa tan daran, astaamaha waxaa loo diiwaangeliyaa muddo gaaban oo u dhexeysa dhowr maalmood oo keliya.

Cudurka Gaastiriga

Infekshanka jeermiska bakteeriyada caloosha (H. pylori).
Adeegsiga qaar ka mid ah daawooyinka sababa waxyeellada dhinaca caloosha, sida asbiriin ama ibuprofen, gaar ahaan markii la isticmaalo wakhti dheer.

Xaaladaha qaarkood ee la xidhiidha walaaca daran.
Infekshanka fayrusyada loo yaqaan 'CMV' ama 'Herpesvirus' (HSV).
Isticmaalka xad-dhaafka ah ee cabitaanka khamriga .
Infekshannada cudurrada iswada (Autoimmune). Mar-marka qaarkoodna waxaa keena quraac la'aanta aroortii.

gaaska

Rabitaanka cuntada oo yaraata,
Miisaanka o yaraada.
Labalabo iyo matag
Xanuun caloosha ah .
Midab saxaro oo isbeddela oo mararka qaarkood dhiig leh saxarada.
Matag joogto ah, oo mararka qaarkood dhiig la socdo.
Shuban.

( cudurka )

Kadib marka la ogaado astaamaha, Baaritaanka dhiiga iyo saxarada ah waa in la sameeyaa si loo ogaado bakteeriyada keenta cudurka.
Baadhitaan shaybaadh oo saambalka laga soo qaaday bakteeriyada si loo ogaado bakteeriyada keenta cudurka.

Baaritaanka endoscopy ee qaybaha sare ee mindhicirka.
Baadhitaanka shucaaca ee sawirka raajada ee qaybta sare ee dheef-shiidka.
kamirada afka lagaliyo,dhiig qaadista iyo
saxaro baadhista.

gaaska

Daawooyinka yareyn kara aash*tada caloosha oo ka mid ah
Omeprazole (omeprazole)
Esomeprazole (esomeprazole) Pantoprazole (Pantoprazole)
Famotidine (famotidine)

Daaweynta jeermiska caloosha oo lagu daaweeyo antibiyootiga, waxay kuxidhantahay nooca bakteeriyada keenta
(Erythromycin) Erythromycin (Ciprofloxacin) Ciprofloxine
(Amikacin) Amikicin
(Amoxicillin) amoxicillin
(Cefixim) Cefixim
(Doxycyclin) Doxycyclin

, si uu iga faaidaysto walaalkaaga kale ee aan arkin qoraalkan.

๐…๐€๐€โ€™๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐‚๐€๐€๐…๐ˆ๐Œ๐€๐€๐ƒ ๐„๐„ ๐ˆ๐ƒ๐€๐‡๐€Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, wax...
19/05/2023

๐…๐€๐€โ€™๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐‚๐€๐€๐…๐ˆ๐Œ๐€๐€๐ƒ ๐„๐„ ๐ˆ๐ƒ๐€๐‡๐€

Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, waxaana ka mid ah:

1- Bakteeriyada caloosha.
2- Hargabka iyo ifilada.
3- Xanuunada lafa xanuunka sida Riixa iyo roomaatiisamka.
4- Baxnaaninta iyo ka soo kabsashda dhaawacyada iyo lafo jajabka.
5- Xanuunka shoqosha ama idiinyada.
6- Xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco ee loo yaqaanno "Sciatica"
7- Xasaasiyadda iyo xauunka neefta / xiiqda.
8- Gaas calooleedka, nooca "Ulcer" ka ah.
9- Dilanka haweenka.
10- Korriimo la'aanta caruurta.

Waxay kaloo soomaalida sheegtaa in raganimada uu xoojiyo iyo in difaaca jirka sare u qaado oo wixii jirka lid ku ah aysan si sahlan wax u gaarsiinin sida in qofka ay qaban wayso daawada suuxdinta iyo wixii la mid ah.

๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐ข๐ซ๐จ ๐ข๐ง ๐’๐ฎ๐›๐š๐ ๐š ๐ˆ๐๐š๐ก๐š ๐ฎ๐ฎ ๐๐š๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐จ ๐ฑ๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐š๐๐š๐š๐ฌ ๐ค๐จ๐ซ ๐š๐š๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐š๐ฒ?

Marka h**e Subaga Idaha ee laga shiilay barida inuu daawo yahay waxaa noo sheegay rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee,

waxaana jiro xadiith ka hadlayo sida loogu daaweeyo xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco oo dad badani ka sheegtaan,

Xadiithkaas waxuu ku shardiyay in subaga idaha uu wax ka taro xanuunkaan in idahaas la daajiyay cows dabiici ah oo banaanka la daajiyay oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay, waxaa kaloo shardi looga dhigay in markii daawayn loo isticmaalayo in caloosha oo faaruq ah la isticmaalo weliba subaxii h**e.

Sababta labadaas shardi iyo faa'idada Subagga u leeyahay xanuunkaan waxaa la ogaaday mar dhaw, cilmibaarayaal u dhashay dalka Australia ayaa waxay qoreen research ay kaga hadlayaan arrimahaan soo socdo:

1- Barida wanka ama idaha waa sida kuruska geela oo kale waxaa lagu keediyaa wixii nafaqo ah oo hadhow xilliyada abaarta ah uu ka faa'idaysto xayawaanka inuu jirkiisa ku nafciyo, sidaas awgeed xoolaha wixii la siiyo ayay keedsadaan, haddii geedo dabiici ah uu daaqo oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay ama aan la daajin meelo wasakh ah ama magaalada aanan lagu korin, faaidadiisa way ka badan tahay midka lagu soo koriyaya waxyaabaha aan dabiiciga ahayn.

2- Midda kale sida la wada ogyahay subaga xoolaha waxaa loo qeybiyaa laba nooc, nooc waxaa la yiraahdaa jirka dhibaato ayuu u leeyahay waa nooca Kolestaroolka keeno oo la dhaho "Saturated Fat", noocne waxaa la yiraahdaa faa'ido ayuu leeyahay oo waxaa loo yaqaanaa "unsaturated fat", sidaa awgeed haddii idaha la daajiyo dhul nadiif ah oo dabiici ah, subaga laga heli karo barida wuxuu noqonaa mid si dabiici ah ku yimid waana "Unsaturated Fat", waxaana subagaan ku jirto maado la yiraahdo "OMEGA".

Maadadaan waaye waxa jirka faa'ido uu ka helo oo inta kor ku xusan iyo ka badanba waa laga helaa.

Haddii marka la cuno ama la cabo subagga idaha caloosha oo cunto ku jirto ama lala cuno cunno kale oo dufan leh, waxay ka hortagi kartaa in jirka uu ka faa'ideesto, waana sababta keentay in markii la isku daaweynaayo in subaxii h**e la isticmaalo, laakiin markii lagu daweynaayo xanuunada kale ee jirka la marinayo kuma xirno caloosha in ay faaruq ahaato.

Maadaama dagaal culus lagu hayay wax kastoo dufan ah iyadoo laga cabsi qabo cudurka Kolestaroolka, laakiin iyadane waa muhiim in la kala ogaado subaga khatarta ah iyo midka faa'idada leh, waana muhiim in la ogaado subag la'aan jirka ma shaqayn karo oo waa u muhiim, sidaas awgeed in aad dooratid midka faa'idada leh ama aad badsatid cunnada laga helo waa lagama maarmaan.

Xanuunada kor ku xusan oo ay soomaalida ku daaweyso subagaan, qaar ka mid ah waa wax cilmibaaris lagu arkay, qaarne waa wax khibrad iyo aragti lagu arkay. Mana ahan soomaalida kailya dadka isticmaala Subaga Idaha, subaga ugu caafimaadka badan ee la isku daaweeyo waa nooca madaxa madow oo barida weyn leh, seenta gaaban leh, waana wananka u badan dhulkeena.

Waxaa cajiib ah in cilmibaarayaasha sheegaan in subaga idaha uu daawo u yahay wadna xanuunka iyo dufanka xididada wadnaha fadhiisato.

Waxa kale oo la xaqiijiyay waxaa ka mid ah ku daaweynta cilladaha ku dhaco laabatooyinka ama kalabaxyada shanqarta ka yeerto kuwaas oo ay keenaan Roomaatisamka, Tufta / Riixa.

Waxaa kaloo la xaqiijiyay in lagu daaweeyo xanuunka Sciatica oo aan kor uga soo hadlay oo lagu tiriyo xanuuanda aan kaalmaati waxaan ahayn loo haynin, wayna jiraan takhaatiir ku daaweyso oo ku nool dalka Yemen, Sacuudiga iyo Iraq.

Waxaa kaloo iyadane la arkay in dadka qabo xanuunka gaaska ee "Peptic Ulcer" oo aysan keenin bakteeriyada "H.Pylori" iyagane in lagu daaweeyo oo la arkay in boogta caloosha ay si dhakhso ah ku raysato.

Sidaas awgeed waxaan ku soo gabagabaynayaa jawaabtayda in Subaga Idaha oo la isku daaweeyo in uu ka mid yahay talooyinka caafimaad ee rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu noo reebay, waana arrin sanooyin badan la soo isticmaali jiray, waxaana isa soo taraya cilmibaarisyada taageersan isku daaweynta Subaga Idaha.

Qaabka loo diyaariyo subaga ayaa ah in barida markii la shiilo, laga sooco subaga cad ee soo hara waana midka la isku daaweeyo siyaabaha la isugu daaweeyane waa in la cabo ama la marsado ama cunnada lagu darsado.

Haddii aad heli karto Wan jabsaday oo baadiye lagu soo koriyay, waxaad ka dareemi kartaa isbadal caafimaad adigoo isbadal ka dareemo dheecaanada jirkaaga sida dhididka, candhuufta iyo kaadida adigoo dareema carafta subaga idaha.

๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ-๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ต oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan.
W/Q: somali doc

Address

Mogadishu

Telephone

618430585

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Ibrahim Abdullahi Janagale posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr.Ibrahim Abdullahi Janagale:

Share