Dr Nuur Geedi

Dr Nuur Geedi Walaal Kusoo dhawoow Page-ka waxaad halkaan kala socon doontaa arimaha Caafimadka

Faa'iidooyinka naasnuujinta ubadka u leedahay:✔️ Difaaca: Caanaha naaska ayaa ka kooban unugyada difaaca jirka ee ka dif...
04/08/2025

Faa'iidooyinka naasnuujinta ubadka u leedahay:

✔️ Difaaca: Caanaha naaska ayaa ka kooban unugyada difaaca jirka ee ka difaaca cudurrada iyo cudurrada.

✔️ Nafaqada: Caanaha naasku waxay bixiyaan dheellitirka nafaqo ee ugu fiican ee korriinka iyo korriinka ilmaha.

✔️ Koboca garashada: Naasnuujinta
dhallaanku waxay u muuqdaan inay leeyihiin natiijooyin garasho oo wanaagsan.

✔️Khatarta cudurrada daba-dheeraada oo yaraada:





Dr Nuur Geedi

Todobaadka Naasnuujinta Adduunka .• Mudnaanta sii naas-nuujinta• Abuur nidaamyo taageero oo waara• WABA [Usbuuca Caalami...
02/08/2025

Todobaadka Naasnuujinta Adduunka .
• Mudnaanta sii naas-nuujinta
• Abuur nidaamyo taageero oo waara
• WABA [Usbuuca Caalamiga ah ee Naas-nuujinta 2025]
Dhamaan Howlwadaneda caafimadka, Mediyaha , Aqoonyahada iyo Culumaaudiinka waxa muhiim ah in ey ka qeyqaatan baraarunijnta iyo wacyigalinta dadweynaha taas oo awoodda lagu saarayo sidi hooyooyinka soomaliyed loogu sheegi lahaa faaidooyinka oo naaska caanaha u leyahay Hooyada, Carurta iyo bulshada dhamaan todobaadkan ugu h**eya ee bisha August 2025

prioritise breastfeeding
Breastfeeding Week 2025.

sii naas-nuujinta.
Isbuuca Naasnuujinta Aduunka
2025.

WHO waxa ay sheegtay cudurka chikungunya(kaduudiye) in uu ka dilaacay soomaalia. ➡️️Chikungunya: waa cudur fayras ah oo ...
29/07/2025

WHO waxa ay sheegtay cudurka chikungunya(kaduudiye) in uu ka dilaacay soomaalia.

➡️️Chikungunya: waa cudur fayras ah oo uu keeno fayraska Chikungunya virus, waxaana fidiyo kaneecada nooca Aedes aegypti (sidoo kale fidiya dengue ).

➡️Calaamadaha Chikungunya:
- Qandho sare (kadib 3–7 maalmood oo fayraska laga qaado).
- Xanuun aad u daran oo lafdhabarta iyo kala-goysyada ah
- Madax xanuun
- Daallis badan
- Finan ama cuncun
- Indho casaado

➡️Sida uu u faafo:
- Kaneecada Aedes aegypti ayaa qaada fayraska kadibna ku gudbisa dadka kale marka ay qaniinto.

➡️Daaweyn:
- Daawo gaar ah looma hayo fayraska
- Waxaa la siiyaa:
- Daawo xanuun baabi’isa(paracetamol ama ibuprofen)
- Cabitaan badan
- Nasasho

🚫Fiiro gaar ah: Aspirin waa in laga fogaadaa, gaar ahaan haddii dengue la tuhmayo.

➡️Ka hortag:
- Ka fogow qaniinyada kaneecada:
- Isticmaal maaskarada kaneecada
- Buufinta kaneecada
- Xidhashada dhar badan

✅️ ka hortaga ayaa ka wanaagsan daaweynta .

29/07/2025

Maalinta Cagaarshowga aduunka

29/07/2025

World hepatitis day

World hepatitis day Cagaarshow (hepatitis B)Cagaarshowga waaa dhowr nooc waxayna kala yihin Cagarshow (A/B/C/E)Waxa aan ...
28/07/2025

World hepatitis day

Cagaarshow (hepatitis B)
Cagaarshowga waaa dhowr nooc waxayna kala yihin Cagarshow (A/B/C/E)
Waxa aan ka hadlaynaa maanta nooca loo yaqaan B
Cagaarshowga B waxa sababa fayras loo yaqaan “hepatitis B virus (HBV)”, waxa uuna ku dhacaa beerka.
Noocan waxa uu noqon kara labo nooc:
1. Acute : noocan 2 ilaa 3 sitimaan (weeks) wuu iska tagaa, oo waxa ladagalamaya difaaca jirka wuuna ka adkanayaa, 4 ilaa 6 bilood gudahood kilyaha waxay kulaabanayan sidoodii h**e (way caafmadayan).
2. Chronic hepatitis: noocan difaaca jirka wax k**a qaadi karo, waxa uuna sababa inuu burburiyo beerka qofka, waana nooca keena inuu qofka u dhinto cagarshowga, sido kale waxa uu keena in qofka uu ku dhaco kansarka kilyaha, taas oo keneysa in qofka laga badalo beerka.
Waxyaalaha sababa iyo sida uu ugudbo:
Waxa sababa virus-ka loo yaqaan hepatitis B virus (HBV), virus-kan wuu ugudbi kara qof kale oo an qabin cudurka, waxana uu ku gudbaa:
1. Galmada: haddad ugalmooto qof qaba cudurkas waxay u badan tahay inuu kugu dhaco
2. Irbadaha oo la wadaago: haddi lagugu duro irbad uu isticmalay qof qaba cudurka, adigana waad qaadaysa cudurka
3. Islaan uur leh oo ayadana qabta cudurka waxa ay u gudbinaysaa cunuga

Daawada cudurkan:
1. Haddi uu yahay cudurka nooca uma baahnid waxa daawo ah, waxa kaliya oo aad u bahan thy waa inad nasato oo aad cunto dhamestirana aad cunto.
2. Haddi u yahay cagarshowga nooca ma helaysid daawo baabi’inaysa cudurka, lakin waxad helaysa daawo xak**aynaysa cudurka, tusale ahan waxad isticmali karta daawoyin dhimaya khatarta uu kilyaha uu ukeenayo, sido kale daawooyin ilaalinaya inad dadka qaadsiiso cudurka, haddi uu beerka wax yeeleyayna waa in laga badala kilyaha oo kuwo cusub lagu galiya

F.G: Somaliya waxa ay ku jirta meelaha uu ku badan yahay cagarshowga (sawirka hoose wadamada gududka waa uu ku badan yhy aya laga wada), sida darted waxan ku talinaya dadka isgursanaya inay isbaran inta ay isgursan si khatarta loga hortago
Dr Nuur Geedi

"𝗦𝗛𝗨𝗕𝗔𝗡 𝗕𝗜𝗬𝗢𝗢𝗗"𝐒𝐇𝐔𝐁𝐀𝐍 𝐁𝐈𝐘𝐎𝐎𝐃  xanuun ay sababto bakteeriya loo yaqaan[𝗩𝗜𝗕𝗥𝗜𝗢]. Badana waxay ku faaftaa biyaha iyo cuntad...
25/07/2025

"𝗦𝗛𝗨𝗕𝗔𝗡 𝗕𝗜𝗬𝗢𝗢𝗗"

𝐒𝐇𝐔𝐁𝐀𝐍 𝐁𝐈𝐘𝐎𝐎𝐃 xanuun ay sababto bakteeriya loo yaqaan[𝗩𝗜𝗕𝗥𝗜𝗢]. Badana waxay ku faaftaa biyaha iyo cuntadda. Waxay keentaa shuban iyo fuuq-bax. Haddii ay ilmaha yari lagala tacaalin ay u dhiman karaan saacado, xitaa dadka caafimaad ahaan fiicanaa.

Waa dhimasho looga hortagi karo in qofka si fudud wixii ka baxay jirkiisa dib loogu soo celiyo.

𝐌𝐀𝐗𝐀𝐀 𝐂𝐀𝐋𝐀𝐀𝐌𝐀𝐃𝐎 𝐀𝐇 𝐎𝐎 𝐋𝐀𝐆𝐔 𝐆𝐀𝐑𝐓𝐀𝐀?
Badanaa dadka unugu bakteeriyadan h**ey k**a xanuunsadaan. Xitaa ma dareensana in ay qaban.
Laakiin dadka wey sii qaadsiin/gudbin karaan.

Markii Cholera-hu calaamad keeno, saxaraddu wuxuu kadhigaa mid jilcan [𝐃𝐈𝐀𝐑𝐑𝐇𝐄𝐀]. Midan ayaa kadhigeysa inaan lakala saari karin shubanka caadiga ah iyo shuban biyood-kan[𝐂𝐇𝐎𝐋𝐄𝐑𝐀] oo ay xaalado kale keeni kara.

Calaamadaha ugu weyn:-

𝗦𝗛𝗨𝗕𝗔𝗡 sababi kara in qofku biyo badan lumiyo saacadii 1 litre oo saxaro ah, caanaha u midab eg ama mararka qaar biyaha bariiska leh ur sidii malaaygii.
𝗖𝗔𝗟𝗢𝗢𝗟 𝗫𝗔𝗡𝗨𝗨𝗡 & 𝗠𝗔𝗧𝗔𝗚 matagu wuxuu dhacaa xaaladaha h**e ilaa saacado
𝐅𝐔𝐔𝐐-𝐁𝐀𝐗 dhici kara saacado gudahood marka shuban biyoodku calaamadihiisu bilawdaan

N.B waxaa jira calaamado kale oo uu qofku yeelan karo; sida 𝐀f-qaleyl, 𝑫abci Xumo, 𝗗aal, Indhaha oo god gala, 𝗛araad daran, Kaadida oo yaraata iyo maqaarka oo qaleyl noqda.

Marka qofku fuuq-baxo waxaa jirkiisa ku yaraada macdanta dhiigga kujirta [𝗘𝗟𝗘𝗖𝗧𝗥𝗢𝗟𝗬𝗧𝗘𝗦]. Kadib bukaanku wuxuu dareemaa murqo xanuun, Xadiga sokorta ee dhiigga kujirta oo udhacda, Kelyihii oo shaqadooda qabsan waaya iyo inuu galo xaalad miyir dabool ah.

Follow share and like

Sirta ku duugan Toonta Toontu waxay dajisaa:1. Dhiigkarka.2. Kalastroolka.3. Neerfayaasha.Waxay siyaadisaa ama xoojisaa:...
24/07/2025

Sirta ku duugan Toonta

Toontu waxay dajisaa:

1. Dhiigkarka.
2. Kalastroolka.
3. Neerfayaasha.

Waxay siyaadisaa ama xoojisaa:

1. Xusuusta.
2. Difaaca jirka.
3. Hurdada.
4. Socodka dhiiga gaar ahaan xididada.
5. Dareenka.

Waxay daawo u tahay:

1. Hargabka soo noqnoqda.
2. Cudurada wadnaha.
3. Cudurada lafaha.
4. Cambaarta iyo finanka.
5. Cudurada maqaarka.
6. Baabasiirka.

Waxay yaraysaa:

1. Lalalabada.
2. Muuqaalka gaar ahaan dadka u muuqda inay da'dooda ka wayn yihiin.
3. Miisaanka iyo xeyrta caloosha.
4. Lafa xanuunka.

Waxay u daran tahay:

1. Qofka beerka ka xanuunsan.
2. Qofka dhiig baxaya.

Waxaa la cunaa:

1. Subaxdii.
2. Quraacda kahor qofka oo baahan.
3. Maalintii hal xabo.

Waxay fiican tahay:

1. In sideeda loo cuno.
2. In la jarjaro sida kaniini loo liqo.

Waxay dishaa kana takhalustaa:

1. Bakteeriyada.
2. Fayras-ka.
3. Gooryaamada caloosha.

Leukemia waa kansarka unugyada dhiigga ee cadcad, waana nooca kansarka ugu badan ee ku dhaca carruurta. Wuxuu kansarkani...
22/07/2025

Leukemia waa kansarka unugyada dhiigga ee cadcad, waana nooca kansarka ugu badan ee ku dhaca carruurta. Wuxuu kansarkani ka bilaabmaa dhuuxa lafaha, kadibna ku faafaa dhiiga, maadaama dhiigu meel kasta oo jidhka ah wareego kansarkaasina wuu la wareegaa oo meel kasta wuu gaadhaa.

Maxaa sababa?

Sababta saxda ah ee keenta lama yaqaano, laakiin waxa jira xaalado la xidhiidha hido-sidayaasha oo kordhiya khatarta xanuunkan sida Down's syndrome ama Fanconi anemia oo ku dhaca carruurta. K**a yimaado wax ay waalidku siiyeen ama cunto ay siiyeen ama iyaga caabuq ku dhacay markay hooyadu uurka lahaydba. La isma qaadsiiyo oo ma faafo, waxaanu ku dhici karaa carruur kala duwan oo miyi iyo magaalaba jooga, kana kala yimi deegaano kala duwan isagoon xanuunku u eegayn xaaladooda dhaqaale.

Nooca ugu badan ee carruurta ku dhaca waa:
- Acute Lymphoblastic Leukemia (ALL): ~70–80%
- Acute Myeloid Leukemia (AML): ~20–30%

Labaduba waa kansarro dhiigga ah laakiin si kala duwan ayay u dhaqmaan waxayna u baahan yihiin daawayn kala duwan.

Somaliland ma haysato xarun gaar ah oo lagu daaweeyo dadka qaba kansarka sida leukemia ama kansarada kalaba, taasoo sababtay in dad badan ay ku khasbanaadaan inay u safraan Itoobiya ama Hindiya, halka qaar kalena aanay awoodin safarka oo ay naftoodii sidaa ku waayaan. Waa murugo weyn in carruur iyo dad waaweyn oo u baahan daryeel caafimaad ay u dhintaan, sababtoo ah adeegan lagama helo dalkooda.

Waxaynu u baahan nahay qorshe dawladeed oo lagu hirgeliyo xarun lagu daaweeyo kansarka oo badbaadisa kumannaan qof, laakiin weli dariiqeedii ma hayn0!

🎓 Hambalyo Qalin-jabin Jaamacadeed 🎉Anigoo ah Dr Abdinor Ahmed Geedi kana mid ah macallimiinta/supervisor-yada Jaamacadd...
21/07/2025

🎓 Hambalyo Qalin-jabin Jaamacadeed 🎉
Anigoo ah Dr Abdinor Ahmed Geedi kana mid ah macallimiinta/supervisor-yada Jaamacadda Zamzam University of Science and Technology waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaa ardaydii qiimaha badnayd ee aan u ahaa macalin mudadii 4ta sano ee lasoo dhafay kuwaas oo maanta si rasmi ah uga qalin-jebiyey Jaamacadda Zamzam.
Guushani waa mid ay ku kasbadeen dadaal joogto ah, dulqaad, karti iyo halgan ay u galeen tacliinta sare. Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa dedaalkooda iyo hab-dhaqankooda wanaagsan intii aan la macalinka u ahaa .
Waxaan u rajeynayaa mustaqbal ifaya, nolol barwaaqo ah, iyo inay noqdaan hogaamiye-yaal wax ku ool ah oo bulshada iyo dalkaba wax ku soo kordhiya.
Mar labaad, hambalyo!
Waa bilowgii guulaha kale ee idin hor yaalla!
Waxaa hambalyo idin leh:
[Dr Nuur Geedi]
Lecturer /Supervisor – Jaamacadda Zamzam
📚

🎓 Congratulations on Your University Graduation 🎉We extend our heartfelt congratulations to our brother Xuseen Mohaa Jan...
21/07/2025

🎓 Congratulations on Your University Graduation 🎉

We extend our heartfelt congratulations to our brother Xuseen Mohaa Jangoow on his graduation with a Bachelor’s degree.

This success is the result of your hard work, patience, and dedication.

May Allah bless your knowledge and open doors of opportunities and progress for you.
Let this graduation be a new beginning toward achieving your dreams!

Once again, congratulations!
You truly deserve to be celebrated.

Hambalyo ayaan leeyahay dr. Bayloot , dr luul iyo Dr.Fartun Orey  Allaha idinkana ha idinku asturo xilka aad qaadeen
18/07/2025

Hambalyo ayaan leeyahay dr. Bayloot , dr luul iyo Dr.Fartun Orey Allaha idinkana ha idinku asturo xilka aad qaadeen

Address

Hodon
Mogadisho

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Nuur Geedi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share