Dr Nuur Geedi

Dr Nuur Geedi Walaal Kusoo dhawoow Page-ka waxaad halkaan kala socon doontaa arimaha Caafimadka

Sidee Loo Kordhiyaa Difaaca Jirka 24 Saac Gudahood? Raac Talooyinkan?✅️1. Cun Cuntooyinka Hodanka ku ah Vitamin C✅️2. Ca...
03/04/2026

Sidee Loo Kordhiyaa Difaaca Jirka 24 Saac Gudahood? Raac Talooyinkan?

✅️1. Cun Cuntooyinka Hodanka ku ah Vitamin C

✅️2. Cab Biyo Badan

✅️3. Hurdo Ku Filan Qaado

✅️4. Cun Toonta iyo Sinjibiilka

✅️5. Samee Jimicsi Fudud

Taxanaha Caafimaadka1. Cabista shaaha Qarfuhu ku jiro waxay kaa yarayn doontaa wadna garaaca, dibiryada, gaaska, oodimah...
01/04/2026

Taxanaha Caafimaadka

1. Cabista shaaha Qarfuhu ku jiro waxay kaa yarayn doontaa wadna garaaca, dibiryada, gaaska, oodimaha iyo calool adayga

2. Biyo cabid la'aanta saddex meel oo jirka ka mid ah ayay aad u saamaysaa waa maqaarka, maskaxda iyo kilyaha

3. Hadii labo daqiiqo oo xiriir ah aysan indhahaagu Libirsan waxaa kugu jirta awood qayeul caadi ah oo ka duwan dadka caadiga ah

4. Midabka buluuga ah inta badan waxaa isticmaala aaladaha bulshada sida Facebook, Twitter iyo Skype sababtoo ah midabka buluuga ah maskaxda ayuu dajiyaa

5. Hadii hurdada aad habeenkii hurudo ay tahay Lix saac oo xiriir ah walina aad dareemayso ama lasoo kacayso daal hurdada kadib jirkaaga ayaa biyaha cabistu ku yar tahay ee biyo cab

6. Qandhada waxyaabaha dabiiciga ah ee baabi'iya waxaa ugu h**eeya Liin bambeelamada sababtoo ah maado heerkulka ajirka hoos u dhigta ayaa ku jirta

7. Hadii aad cabto biyo la dhex dhigay zabiib adiga oo baahan maqaarkaaga waxaa muddo bil ah kaga baabi'i doona finanka iyo haaraha wajiga

La wadaag walaalaha kale

🔥 Baro Ingiriis si kalsooni leh! 🔥Ma rabtaa inaad si fudud ula hadasho dadka ku hadla Ingiriiska? Fursaddaadu waa halkan...
23/03/2026

🔥 Baro Ingiriis si kalsooni leh! 🔥
Ma rabtaa inaad si fudud ula hadasho dadka ku hadla Ingiriiska? Fursaddaadu waa halkan :
🎓 Ku biir koorsadeena English Communication Skills oo uu bixinayo macallin khibrad leh Mohamed Omar.
✅ Baro sida aad u hadli karto Ingiriis si kalsooni leh
✅ Faham buugaagta iyo wada sheekaysiga Ingiriiska
✅ La xiriir dadka native-ka ah si fudud
✅ Noqo qof si fiican ugu hadla Ingiriiska
📚 Casharro casri ah + buugaag caalami ah
🌍 Hab waxbarasho: Online & Offline (Blended Learning)
🗣️ Doorasho: English-only ama English + Somali
💰 Kharash: Kaliya $10 bishii
🕗 Waqti: 8:00 – 9:00 fiidnimo
📍 Goobta: Makerere Main Road, Uganda
📞 La xiriir hadda: 2560743878794
🚀 Ha sugin – horumar ka samee mustaqbalkaaga maanta.

21/03/2026

Rajadu waa waxa qofka sii wadda.

كل عام وانتم بخير بمناسبة عيد الفطر المبارك، تقبل اللّه بنا ومنكم صالح الأعمال.
20/03/2026

كل عام وانتم بخير بمناسبة عيد الفطر المبارك، تقبل اللّه بنا ومنكم صالح الأعمال.

Ciid Mubaarak ,Allaha naga aqbalo acmaashi suubaneed e bishi Ramadan. عيد مبارك، تقبّل الله منا ومنكم صالح الأعمال، وكل ...
20/03/2026

Ciid Mubaarak ,Allaha naga aqbalo acmaashi suubaneed e bishi Ramadan.
عيد مبارك، تقبّل الله منا ومنكم صالح الأعمال، وكل عام وأنتم بخير .

🔴️ Qoraalkii ugu dambeeyay ee uu qoray weriyaha Jamaal Rayaan ka hor geeridiisa 😥… erayo qalbiga taabanaya 🤍Ereyada qaar...
17/03/2026

🔴️ Qoraalkii ugu dambeeyay ee uu qoray weriyaha Jamaal Rayaan ka hor geeridiisa 😥… erayo qalbiga taabanaya 🤍

Ereyada qaarkood lama akhriyo oo keliya… ee waa la dareemaa.
Farriimaha qaarkoodna kuma yimaadaan qaylo iyo sawaxan… ee waxay ku yimaadaan hadal deggan oo qalbiga raad qoto dheer ku reeba.

Kuwa ugu dambeeyay ee lagu xusay weriyihii geeriyooday Jamaal Rayaan waxaa ka mid ahaa erayo gaagaaban… balse xambaarsan macne aad u weyn.

✨ Qisadii Fircoon waxay ku dhammaatay biyo
✨ Sheekadii Namruud waxay ku dhammaatay kaneeco
✨ Qisadii Qaaruun waxay ku dhammaatay dhulka oo la liqay
✨ Qisadii Abraha waxay ku dhammaatay dhagxaan

Hal farriin oo kooban ayaa soo koobaysa taariikhda oo dhan:
In Ilaahay ku soo afjaro sheekooyinka dulmiga sababaha ugu fudud…
hababka ugu tabarta yar…
mararka qaarkoodna lagu salido makhluuqaadka ugu yar-yar

Awooddu kuma jirto hubka badan…
sarrayntuna kuma jirto codka sare…
dhamaadkuna kuma jiro gacanta qofka u maleeya inuu wax walba leeyahay.
Dhamaadku mar walba wuxuu ku jiraa gacanta Ilaahay.

Immisa awoodood oo u malaysay inaan la jebin karin ayaa baa,ba,ay
Immisaa kibir iyo xoog sheeganayay oo u maleeyay inay weligoodba jiri doono ayaa dhammaaday.
Immisa baadil ah oo mar u ekaaday inuu dhulka buuxiyay… dabadeedna u baaba’ay sidii inuusan jirin.

Farriinta ugu qotada dheer ee erayadan ku jiraa waa:
Ha daalin qalbigaaga adigoo is weydiinaya sida baadilku ku dhammaan doono.
Ha daalin naftaada adigoo ka fikiraya faahfaahinta dhicitaanka…kiwa kibray
taariikhduna waxay ina bartay in dhamaadku mararka qaar ka yimaado meel aynaan filayn.

Is deji…
caddaaladdu way dib dhici kartaa, laakiin ma lunto.
xikmaduna way qarsoonaan kartaa, laakiin ma maqnaato.

Ilaahay ha u naxariisto cidda qortay erayadan,
hana ka dhigo xusuusin in adkaysigu ka muhiimsan yahay falcelinta degdegga ah…
kalsoonida Ilaahayna ka xoog badan tahay sawaxan kasta.

🕊️ Haddii erayadani qalbigaaga taabtaan… gaadhsii kuwa kale.
Dhigaal TV

Faa’iidooyinka Qaraha✅️1. Waraabiya jirka (hydration)✅️2. Wanaajiya caafimaadka wadnaha✅️3. Wuxuu xoojiyaa difaaca jirka...
15/03/2026

Faa’iidooyinka Qaraha

✅️1. Waraabiya jirka (hydration)

✅️2. Wanaajiya caafimaadka wadnaha

✅️3. Wuxuu xoojiyaa difaaca jirka

✅️4. Caawiyaa dheef-shiidka

✅️5. Wanaajiya maqaarka iyo indhaha

✅️6. Ka caawiyaa yareynta murqaha xanuunka

14/03/2026

𝐃𝐈𝐆𝐍𝐈𝐈𝐍 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃: 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐍𝐚𝐝𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐚𝐲𝐝𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐥𝐚𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐋𝐢𝐢𝐝𝐨

​Malaaygu waa mid ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee nafaqada bulshada Soomaaliyeed, balse haddii aan loo diyaarin hab nadaafaddu ku dheehan tahay, wuxuu isku beddeli karaa sun dilaa ah. Waxaan saaka soo aragnay xaalado nadaafad darro oo baahsan iyo hab-maamuuska kaydinta oo gabi ahaanba si toos ah loo isticmaalin .maadama macaamiisha freshka u yaqaanaa wax dhiig leh oo qaboowjiye la galin, taas oo khatar toos ah ku ah caafimaadka dadweynaha.
​🛑 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚 "𝟐 𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐚𝐜" 𝐢𝐲𝐨 𝐐𝐨𝐫𝐫𝐚𝐱𝐝𝐚
​Waxaan aragnay kalluun muddo badan 2 saacadood yaalla bannaanka oo qorraxdu si toos ah ugu dhacayso. Tani waa masiibo caafimaad sababtoo ah:
​𝐁𝐚𝐤𝐭𝐞𝐞𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐞𝐠𝐝𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐚𝐡: Heerkulka qorraxdu wuxuu dardargeliyaa koritaanka bakteeriyada. 20 daqiiqo kasta oo uu kalluunku yaallo meel diirran, bakteeriyadu way labanlaabantaa.
​Sumowga Histamine (Scombroid Poisoning): Kalluunka haddii aan la qaboojin, waxaa ku dhasha sunta Histamine oo keenta xasaasiyad daran, neef-qabatin, matag, iyo wadne garaac aan istaagayn, af Xanfaf iyo Xasaasiyad maqaar .
𝐍𝐚𝐟𝐚𝐪𝐨 𝐝𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚: Qorraxdu waxay baabi’isaa baruurta caafimaadka leh (Omega-3) iyo borotiinka ku jira kalluunka.
​🧼 𝐍𝐚𝐝𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝 𝐃𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐂𝐮𝐝𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐬𝐡𝐚 ​𝐒𝐚𝐠𝐱𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐦𝐢𝐢𝐬𝐚𝐬𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐧𝐚𝐝𝐢𝐢𝐟𝐢𝐧, 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐢𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐞𝐱 𝐪𝐮𝐥𝐪𝐮𝐥𝐚𝐲𝐚 𝐡𝐢𝐥𝐢𝐛𝐤𝐚 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐚𝐧:
​​🛒 𝐂𝐮𝐝𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐥𝐨𝐨𝐬𝐡𝐚: Sida Shuban-biyoodka, Daacuunka, iyo Xanuunka "Typhoid".
​𝐂𝐫𝐨𝐬𝐬-𝐂𝐨𝐧𝐭𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧: Bakteeriyada haraaga kalluunka h**e ee dhulka yaalla waxay u gudubtaa kalluunka cusub ee hadda la qalay.
​𝐅𝐚𝐚𝐟𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐲𝐚𝐲𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚: Dukhsiga iyo jiirka oo ah xambaariyaasha jeermiska.

​❄️ 𝐒𝐢𝐝𝐞𝐞 𝐥𝐨𝐨 𝐤𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐬𝐢 𝐬𝐚𝐱 𝐚𝐡?

​𝐒𝐢𝐥𝐬𝐢𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐛𝐨𝐰𝐠𝐚 (𝐂𝐨𝐥𝐝 𝐂𝐡𝐚𝐢𝐧): Kalluunka waa in lagu rudaa baraf (Ice) laga soo bilaabo xilliga doomaha laga soo dejiyo ilaa miiska iibka.
𝐊𝐚 𝐟𝐨𝐠𝐞𝐞 𝐐𝐨𝐫𝐫𝐚𝐱𝐝𝐚:​ Marna ma bannaana in kalluunka lagu bandhigo qorraxda; waa inuu ku dhex jiro sanduuqyo dahaaran (Coolers) oo baraf leh.
​𝐍𝐚𝐝𝐢𝐢𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐉𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐡: Waa in sagxadda iyo qalabka lagu qalo kalluunka lagu dhaqaa biyo nadiif ah iyo jeermis-dile (Disinfectant).

​ 𝐓𝐚𝐥𝐨 𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐜𝐨𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐦𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚:
​Ha iibsan kalluunka jilcay, indhihiisu madoobaadeen, ama aan baraf ku dhex jirin markaad iibsanayso. Caafimaadkaagu wuxuu ka bilaabmaa waxaad cunayso!

Congratulations ,congratulations adeer mcn Nasro muhidin  waa no farxad io hormar weyn inaad herka labad ee jamacadda  s...
25/02/2026

Congratulations ,congratulations adeer mcn Nasro muhidin waa no farxad io hormar weyn inaad herka labad ee jamacadda so gabgabeyso ee dalka Uganda ugu maqneyd dadaalka halkas ka sii wad gulo bdn ku rajeynaa million jeer congratulations 👨🏻‍🎓👨🏻‍🎓👨🏻‍🎓❤️👏

Ramadan mubarak “Adoo dhowr iyo toban saac soomanaa Calooshaada haku salaamin Sonkor iyo Saliid”Nicmooyinka Alle inoo ga...
18/02/2026

Ramadan mubarak
“Adoo dhowr iyo toban saac soomanaa Calooshaada haku salaamin Sonkor iyo Saliid”

Nicmooyinka Alle inoo galay ayey kamid rahay inuu noo jideeyey af-xirashada bisha Ramadaan, marka laga soo tago inay tahay cibaado Alle inaku faral yeelay, waxaa la xaqiijiyey inuu soonku caafimaad weyn uleeyahay jirkeenna iyo dheefshiidkeenna.
Si aad u hesho caafimaadka Soonka waa inaad Hagaajisaa qaabka aad wax-u cunayso iyo cuntada aad cuneyso nooca ay tahay, haddii adoo dhowr iyo toban saac soo Soomanaa aad calooshaada ku salaanto cuntooyinka aan caafimaadka laheyn sida Cabitaan Qabow oo Sokor ka buuxdo, saanbuus saliid badan, bur-shiil-shiil iyo shaah-Soomaali. Markaas caafimaad aad kororsatay iska dhaafe halis caafimaad, colool-bukood iyo caajis ayaad naftaada kuhogaamisay.
Waxay ku taliyaan qolyaha Caafimaadka cuntooyinku in qofka afurka ku bilaabo Biyo diirran oo qandac ah, xabado Timir ah, iyo Mushaari ama maraq yar, qofkii ku darsan kara waxuun khudaar ah( fruit) sida qare ama liin macaan ayana waa fiican tahay. Markaas kadib qofku salaadiisa, taraawiixdiisa iyo howlihiisa kale iska qabsado cashadiisa markaas kadib cuno, xiliggaan ayey kuu furan tahay inaad wax culus oo isu miisaaman cunto,balse markasta waa inaad kafogaato ama aad u yarayso cuntooyinka shiilan. Xiliga Suxuurta waxaa fiican inaad biyo badan cabto, waxyaalaha tamar kusiin kara (energyga) leh cunto sida Qamadiga, Ukunta, Yogurt ka, iyo rootiga Qamadiga laga sameeyey iyo wixii lamid ah.

Ramadaan Mubarak
17/02/2026

Ramadaan Mubarak

Ramadaan mubarak ✨ 💖 ❤

Digniin.............

Bishan Ramadaan waa bil cibaado iyo caafimaad, laakiin qoysas badan waxay moodaan inay tahay tartan cunto laysugu faano! 🤭

Tusaale👉🏼Qoyskii bilaha kale 25kg bariis iyo sonkor ku filnaan jiray, Ramadaan markay timaado waxay noqdaan 50kg plus Sambuus,Bur, Cabitaano macaan, iyo Hilib lashiilay oo dhowrnuuc ah!! Soonkii caafimaadka lahaa wuxuu isu beddelaa “xaflad casho oo joogto ah.”😅

Bal aan xasuusanno👉🏼Ramadaan waa bil Cibaado iyo Caafimaad ee ma aha bil caloosha loo dabaaldeggo.

Mahadsanidiin💌

Address

Hodon
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Nuur Geedi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share