21/01/2024
๐๐๐๐ฅ๐ฆ๐๐ก๐๐ง ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ ๐ฆ๐๐ ๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐ค๐ฎ ๐ฃ๐ข๐ซ๐จ ๐๐๐๐.
๐๐๐ฑ๐ฎ๐ฎ ๐ฒ๐๐ก๐๐ฒ ๐๐๐๐๐ค๐ฎ ?
Daafku waa caabuq ku dhaca indhaha qeybtooda cad, waxaana lagu gartaa indhaha oo gaduuto, cuncun ama dheecaan indhaha ay yeeshaan kaas oo noqon karo mid adag ama mid biyo oo kale ah.
Waa infekshan ku faafa si salhan una badan caruurta.
โช๏ธSababta:
Bakteeriya, alleerjiyo, fayras, dhaawac isha ah, iyo wax kiimiko ka samaysan sida in shaambo ama saabuun ay kaa gasho oo kale.
โช๏ธCalaamadaha:
-Gaduudasho ,cuncun ,xanuun, dheecaan isha ka yimaada
โช๏ธSiduu ku faafaa?
Haddii aad taabatid dheecaan ka yimid isha ama candhuufta qofka isha gaduudan.
โช๏ธMeeqay qaadaneysaa inaad ku jirratid marka lagu qaadsiiyo?
-Caadi ahaan 1-12 beri (Waxay ku xiran tahay sababta keenay).
-Muddada la is qaadsiin karo:
Ilaa uu infekshanka isha ka dhammaado.
โช๏ธBaaritaan:
U tag dhaqtarkaaga haddii cunuggaagu qabo indho-gaduud malax leh iyo, ama xumad, indho-xanuun, baalasha oo gaduuta ama haddii aad wax su'aal ah qabtid.
โช๏ธDaaweynta:
Waxa laga yaabaa in dhaqtarkaagu kuu qoro boomaatada ama goojada indhaha. U raac tusmooyinka dhaqtarka sida uu kuu faray.
โช๏ธ Ka hortagga/Xakameynta:
1. Ku dhaq gacmahaaga saabbuun iyo biyaha qasabadda oo qandac ah mar kasta ood taabatid wax dareere/dheecaan ah oo ka yimid indhaha, sanka ama afka. Gacmo-dhaqiddu waa habka ugu wanaagsan ee lagaga hortegi karo faafidda cudurada faafa.
2. Cunugga indhihiisu ha ahaadaan kuwo dheecaan ka nadiif ah. Iska ilaali inaad taabatid dheecaanka isha cunugga.
3. Tuur fasaleetiyada la isticmaalay oo dhan.
4. Boombaleyaasha ku dhaq saabbuun maalintiiba hal mar iyo markii ay wasaqoobaan.
5. Qofna ha la isticmaalin waxyaabaha sida shukumaanada ama marada la isku dhaqo.
Dr.Ibraahim Siraaji
Ref" Somali.Doc.