28/10/2022
π π π π π π
1. Sidee Dadka Guuleystay U Fakaraan.
Kuwa kobciya hannaanka fakar wanaagga waxay hantaan oo xukumi karaan naftooda, dadkooda, shirkadooda iwm, xataa markay ku hoos nool yihiin xaakim iyo talis liita. Qofka fahma sida wax loo sameeyo had iyo jeer wuxuu helaa shaqo laakiin qofka fahma sababta wax loo sameeyo had iyo jeer wuxuu noqdaa qofkaas madaxdiisa. Fakareyaasha wanaagsani waxay hal-abuuraan fikrado dhisi kara noloshooda waxay xalliyaan dhibaatooyinka
2. Nolol Ka Baxsan Walwal.
Buuggaan qaybta koobaad wuxuu si faahfaahsan uga hadlayaa noocyada xanuunnada walwalka iyo dhibaatooyinka ay nafta ku curyaamiyaan wuxuu buuggu si mugleh ugu hadlayaa qaybaha mashaakilaadka maanka haleelo sida niyad-kac joogta ah, walwal baahsan, han-jab, cabsi cuqdadeed gaar ah, walwalka waxyeello h**e, waswaas aan la xakamayn Karin, walwalka kala-irdhowga, cabsi bulsho, walwal la xiriira xaalad caafimaad, argagax iyo walwalka qabatinka maan-dooriyaha iyo han-jabka. Qaybta labaad waxaa looga hadlayaa Xeeladaha iyo xirfadaha lagu abuuro nolol ka-baxsan walwal loona xakameeyo loogana soo kabto mashaakilaadka dunida dhex mushaaxo iyo udub dhigga nolol ku sifaysan kalsooni, farxad, yididdiilo, iyo han.
3. Xikmadaha Dadka Geeleystay.
Guuleysteyaasha (Hal-abuureyaasha) dhaxalka ay soo gudbiyaan waxaa kamid oraahyada ay ku cabbiraan hannaankii ay u mareen guulahooda iyo duruusta ay bixiso waayaha nolosha, dhammaan qaybaha nolosha waxay ka bixiyeen iftiin iyo xikmad lagu raad-raaco guusha.
Xikmaddu waa hubo alle keeno, waa garasho ay si habboon u hesho maskaxdu, waa lahaanshaha goβaanno ku salaysan aqoont, waayo-aragnimo, iyo faham leh garaad sare oo lagu wajaho dhammaan xaaladaha nolosha.
4. Xikmadaha Hal-Doorka.
Buuggaan wuxuu soo koobay xikmaddo iyo oraahyo kasoo maaxday quluub-qani ah, kuwaas oo dhaxalgal ka noqday dunida sidoo kale jiilba-jiil ka dhaxlo.
Xikmaddu waa deeq alle keeno, waa garasho ay si habboon u hesho maskaxdu, waa fikir fogaan arag iyo aragti dheer ku qotoma, waa Kartida go'aan qaadashada ku salaysan isugeynta: aqoon, waayo-aragnimo, iyo faham leh garaad sare, arrimahaas oo lagu wajaho dhammaan xaaladaha nolosha laguna dajiyo yoolal iyo himilooyin loogana gudbo mushkiladaha nolosha.
5. Nafaqada Dheellitiran.
Buuggaan wuxuu si faahfaahsan uga hadlayaa barashada hannaanka jirku u isticmaalo cuntooyinka muhiimka u ah joogteynta caafimaadka, korriimada iyo sida ay cuntadu u nafaqayso jirka, Kana kooban habka cuntada loo dheef-shiido, loo soo nuugo, loo gaarsiiyo dhammaan qaybaha jirka, loogana saaro waxyaabaha jirku uu san u baahnayn. Caafimaadku wuxuu ka mid yahay nicmooyinka ugu muhiimsan ee Allah ina siiyey sidaas darteed Cuntada isku-dheellitiran waxay muhiim u tahay joogteynta caafimaadka, jirka oo helo tamarta, nafaqada iyo miisaanka uu u baahan yahay iyo ka hortagga xanuunnada daba-dheeraada sida sonkorow (kaadi macaan), dhiig-kar, wadne xanuun, xanuunnada ku dhaca neerfaha iyo lafaha iwm.
6. Hagaha Jirdhisnaanta.
Ku baraarugsanow sida Jir iyo maskax caa¬maadsan, dhisan oo xoogoon ay kuugu horseedi karaan guulo waaweyn. Dhammaan qaybaha jirdhisidda sida miisaan dhimista, miisaan joogtaynta ama miisaan kordhinta qayb waliba waxay leedahay nafaqo iyo cunto u gooniya, sidoo kale tababbar u gooniya. Guul walba waxay leedahay waddo loo maro.
β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦
AKRIS IYO QORAAL:
βMa waxaad doonaysaa inaad noloshaada inta ka hadhay ku dhameysato iibinta biyaha sokorta leh mise waxaad doonaysaa fursad aad ku beddesho aDduunka?.β -Steve Jobs
NAGALA SOO XIRIIR MACMIIL/AKHRISTE:
+252-634578877
+252-907161210