14/02/2021
Baarayaal kale ayaa qabo fikrad kale oo ah in ow jiray cudurko lkn xadigu ow ahaa mid aaad u hooseeyay
WHO aya 1983 dii somalia ka sameeyay baaritaano xaqiijin ah oo la xariira xadiga baaxada fiditaanka cudurka dilaaga ah ee HIV /AIDS ka gudaha somaaliya.
Baaritaan kaan oo laga qaaday qeybaha kala duwan ee bulshada sida haween ka shaqeeynaayay goobaha galmada sharci darada ah, bukaano markaas la xanuunsana cudaro kale oo galmada lagu kala qaado, iyo kuwa kale oo laxanuunsanaan cudurka dhaqsaha ku faaafa eee tiibishada.. (Tuberculosis TB ).
Baaritaanadaan oo si isku dhaf ah looga sameeyay magaalooyinka muqdisho , Hargeeysa iyo kismaayo ayaa dhamantood waxey muujiyay caalmada negative oo ah
maya ma jiro cudurkaan....
Mar kale 1985 tii magaalooyinka dhaca koonfurta somaalia ee muqdisho ,marko'
Qoryooley iyo kismaayo ayaa qiyaastii 1269 qof oo loo doortay si isku dhaf kala duwnaasho jinsi ah una dhexeeyay da'da 14-‐48 markale loo sameeyay baaritanka xanuunka HIV/AIDS ka.
Dadka loo sameeyay baarida ayaa ka koobna 57 dumar ah oo ah kuwa jirkooda ka ganacsada, 79 qof oo la il darnaa xanuuno kale oo galmada lagu kala qaaado
iyo 1133 qof oo ka koobnaa bukaano sifo kale hospitalada u jiifay, kuwa bukaan socod ahaa, arday dusiyada sare eh ,qaxaooti itoobiyaan ah iyo sidoo kale qaxooti somaali ah oo kunoolaa kaamamka barakacyasha dalka.
Baaritaanka lagu smeeyay ayaa dhamaan moojiyay calaamada negative oo ah in qofna owsan qaadin cudurkaan dilaagaa ee HIV1 and HIV2.
Sida ey qortay heyada caafimaadka aduunka ee WHO 1987 ayaa lahelay qofkii ugu h**eysay ee somaali ah oo laga helay xanuunka HIV/AIDS ka.
1988 ayaa mar kale la diiwan galiyay 4 ruux oo iyana laga helay xanunka HIV/AIDS ka.
Xadiga korarka dadka la xanuunsan cudurka ayaa gaaaray 13 qof august 1990 kii.
Xadiga faaafida cudurka ayaa ahaa mid ku socday heer hoose ilaa iyo dhamaakii 1998
Taasi oo loo sababeeyay is dhax galka bulshada somaalida iyo wadamada dariska oo aaad u yara xiligaaas.
Markale 2000 kii baaritano kale oo la laga sameeyay wadamada soomalia ,itoobiya kenya iyo jabuuti ayey somaalia kagashay heerka ugu hoose ee faafida xadiga cudurkan dilaqga ee HIV/AIDS.
Mar kale 2004 baaritano laga sameeyay koonfurta iyo bartamha somlia ,Puntuland ,iyo somaliland ayaa Tiro gaareeyso 4732 qof oo loo sameeyay baritaanka xanuuunka HIV/AIDS 44 qof ayaa loo diiwan galiyay iney qabaan cudurka HIV/AIDS ka.(p+HIV).
Xadiga qiyaasta boqoleeyda ayaa gaaray xiligaas wadarta guud 0.9% somalia oo dhan.
2008 ayey markale WHO sheegtay in xadiga cudurko ow kordhay 2.2% magaalada boosaso ,Puntuland Iyo 2.7% magaalada barbara ee somaliland.
Sidoo kale WHO ayaa shegtay 2009 in 40,000 oo somaali ah la xanuunsanyaa cudurkaan HIV/AIDS sidoo kalne wadarta guud ee dadka u dhintay cudurka ay gaartay 970 qof somalia ioo dhan 2009